Somali

Lithuanian

Proverbs

27

1Berrito ha ku faanin, Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.
1Nesigirk rytdiena, nes nežinai, ką ji tau atneš.
2Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin, Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.
2Tegul kitas giria tave, o ne tavo burna; svetimas, bet ne tavo lūpos.
3Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.
3Akmuo ir smėlis yra sunkūs, bet kvailio pyktis yra sunkesnis už abu.
4Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
4Rūstybė yra žiauri, pyktis nesuvaldomas, bet kas gali atsispirti pavydui?
5Canaantii bayaan ahu Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.
5Geriau yra viešas įspėjimas negu slapta meilė.
6Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo, Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.
6Žaizdos nuo draugo yra geriau negu klastingas priešo pabučiavimas.
7Naftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa, Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin.
7Sotus ir medaus nevalgo, o alkanam ir kartus daiktas yra saldus.
8Ninkii hoygiisa ka warwareegaa Waa sida shimbir buulkeeda ka warwareegta oo kale.
8Žmogus, palikęs savo vietą, yra kaip paukštis, išskridęs iš lizdo.
9Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan, Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.
9Draugo žodžiai ir nuoširdūs patarimai gaivina širdį kaip aliejai ir brangūs kvepalai.
10Ha ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona, Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin, Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog.
10Neprarask savo draugo ir tėvo draugo. Nelaimės dieną neik į brolio namus. Kaimynas arti geriau negu brolis toli.
11Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.
11Mano sūnau, būk išmintingas ir pradžiugink mano širdį, kad galėčiau atsakyti tam, kuris man priekaištauja.
12Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.
12Supratingas numato pavojų ir pasislepia, o neišmanėlis eina ir nukenčia.
13Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay.
13Paimk apdarą iš to, kas laidavo už svetimą, ir turėk užstatą iš suvedžiotojo.
14Kii intuu aroor hore kaco saaxiibkiis cod dheer ugu duceeya, Waxaa loo qaadan doonaa habaar.
14Kas atsikėlęs anksti rytą garsiai laimina savo draugą, tai bus jam įskaityta prakeikimu.
15Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in Iyo naag muran badanu waa isku mid.
15Varvantis stogas lietingą dieną ir vaidinga moteris yra panašūs.
16Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa. Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.
16Kas nori ją sulaikyti yra kaip tas, kas galvoja sustabdyti vėją arba išlaikyti saujoje aliejų.
17Bir baa bir afaysa, Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya.
17Kaip geležis galanda geležį, taip žmogus aštrina savo draugą.
18Ku alla kii berde xannaanaystaa midhihiisuu cuni doonaa. Oo kii sayidkiisa dhawrana waa la murwayn doonaa.
18Kas prižiūri figmedį, valgo jo vaisių; kas laukia šeimininko, sulaukia pagarbos.
19Sida fool biyaha dhexdooda fool uga muuqdo, Ayaa nin qalbigiisu nin kale ugu muuqdaa.
19Kaip vanduo atspindi veidą, taip žmogaus širdis atspindi žmogų.
20She'ool iyo halligaadu weligood ma dhergaan, Dadka indhihiisu weligood ma dhergaan.
20Kaip pragaras ir prapultis niekados neprisipildo, taip žmogaus akys niekados nepasisotina.
21Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Sidaas oo kalena nin waxaa lagu tijaabiyaa ammaantiisa.
21Kaip sidabras ir auksas ištiriamas ugnyje, taip žmogus ištiriamas pagyrimais.
22In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid, Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.
22Nors sugrūstum kvailį piestoje su grūdais, jo kvailystė neatsiskirtų nuo jo.
23Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga, Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.
23Prižiūrėk rūpestingai savo avis ir bandą,
24Waayo, maalku weligiis siima raago, Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?
24nes turtas nėra amžinas ir karūna neišlieka visoms kartoms.
25Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda, Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.
25Kai šienas suvežamas, pasirodo atolas, ir renkamos kalnų žolės.
26Baraarku waa kuu dhar, Oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta.Waxaa jiri doona caano riyaad oo cunto ugu filan adiga iyo reerkaagaba, Iyo weliba masruufka gabdhaha kuu shaqeeya.
26Avinėliai tavo drabužiams, ožiai laukams nusipirkti.
27Waxaa jiri doona caano riyaad oo cunto ugu filan adiga iyo reerkaagaba, Iyo weliba masruufka gabdhaha kuu shaqeeya.
27Ožkų pieno užteks maistui tau, tavo šeimai ir tarnaitėms aprūpinti.