Somali

Lithuanian

Proverbs

29

1Kii inta wax badan la canaanto ka madax adkaadaa, Dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
1Kas dažnai baramas, bet užkietina savo sprandą, bus staiga sunaikintas ir nebeatsigaus.
2Markii kuwa xaqa ahu amarka haystaan, dadku wuu reyreeyaa, Laakiinse markii kuwa sharka lahu xukunka wataan, dadku wuu taahaa.
2Kai teisieji valdo, tauta džiaugiasi, o kai valdo nedorėliai, tauta dejuoja.
3Kii xigmad jecelu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse kii dhillooyin raacaa maalkiisuu khasaariyaa.
3Kas myli išmintį, džiugina tėvą, o kas susideda su paleistuvėmis, praranda turtą.
4Boqorku gar buu dalka ku dhisaa, Laakiinse kii laaluush jecelu wuu dumiyaa.
4Teisingai valdydamas, karalius sustiprina kraštą, o kas ima kyšius, griauna jį.
5Ninkii deriskiisa faaniyaa Shabag dabin ah ayuu cagihiisa hor dhigaa.
5Kas pataikauja artimui, spendžia pinkles sau.
6Ninkii shar ah xadgudubkiisa waxaa ku jira dabin, Laakiinse kii xaq ahu waa iska heesaa oo reyreeyaa.
6Piktas žmogus įsipainioja nusikaltimuose, o teisusis gieda ir džiūgauja.
7Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.
7Teisusis atsižvelgia į beturčių teises, o nedorėlis nenori jų žinoti.
8Kuwa wax quudhsadaa magaalay dab qabadsiiyaan, Laakiinse kuwa caqliga lahu cadhay qabowjiyaan.
8Niekintojai sukelia mieste neramumus, o išmintingieji nukreipia rūstybę.
9Haddii nin caqli leh nin nacas ah la doodo, Nasasho ma jirto hadduu cadhoodo iyo hadduu qosloba.
9Jei išmintingas susiginčija su kvailiu,­ar tas niršta, ar juokiasi,­nėra ramybės.
10Dhiigyocabyadu kii kaamil ah way neceb yihiin, Laakiinse kuwa qumman waxay doondoonaan inay naftiisa badbaadshaan.
10Kraujo trokštantis nekenčia nekaltojo, o teisieji rūpinasi jo siela.
11Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa, Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa.
11Kvailys kalba viską, ką galvoja, o išmintingas susilaiko.
12Haddii taliye been dhegaysto, Midiidinyadiisa oo dhammu waa wada shar miidhan.
12Jei valdovas klauso melo, visi jo tarnai bus nedorėliai.
13Miskiinka iyo khaayinku way wada kulmaan, Oo labadoodaba Rabbigu indhahooduu iftiimiyaa.
13Beturtis ir sukčius turi bendra: Viešpats abiem davė šviesą akims.
14Boqorkii daacadnimo masaakiinta ugu xukuma, Carshigiisu wuu dhisnaan doonaa weligiisba.
14Karaliaus, kuris teisingai teisia beturtį, sostas išsilaikys per amžius.
15Usha iyo canaantu caqli bay keenaan, Laakiinse ilmihii layska daayaa ceeb buu hooyadiis u soo jiidaa.
15Rykštė ir pabarimas teikia išminties; vaikas, paliktas savo valiai, daro gėdą motinai.
16Markii kuwa sharka lahu bataan, xadgudub baa sii kordha, Laakiinse kuwa xaqa ah ayaa dhiciddooda arki doona.
16Daugėjant nedorėliams, daugėja nusikaltimų; teisieji matys jų žlugimą.
17Wiilkaaga edbi, oo isna wuu ku nasin doonaa, Haah, naftaada wuu ka farxin doonaa.
17Auklėk savo sūnų, tai jis bus tau paguoda ir tavo siela džiaugsis.
18Markii aan muujinu jirin dadku waa halligmaa, Laakiinse kii sharciga dhawraa waa barakaysan yahay.
18Be apreiškimo žūsta tauta. Palaimintas, kas laikosi įstatymo.
19Addoon hadal kuma edeb yeesho, Waayo, in kastoo uu garanayo ka jawaabi maayo.
19Vergo neišauklėsi žodžiais; nors jis supranta, bet nepaklauso.
20Ma aragtay nin hadalkiisa ku degdega? Kaas waxaa ka rajo roon nacas.
20Kvailys teikia daugiau vilties, negu žmogus, kuris skubotai kalba.
21Kii addoonkiisa si wanaagsan u soo koriya tan iyo yaraantiisa, Ugu dambaysta wiil buu u noqon doonaa.
21Vergas, lepinamas nuo mažens, galiausiai taps kaip sūnus.
22Ninkii xanaaq badanu muran buu kiciyaa. Ninkii cadho kululuna xadgudub buu badsadaa.
22Piktas žmogus sukelia vaidus, o ūmus žmogus dažnai nusikalsta.
23Nin kibirkiisu hoos buu u dejin doonaa, Laakiinse kii is-hoosaysiiyaa sharaf buu heli doonaa.
23Išdidumas pažemina žmogų, o nuolankus dvasia susilauks pagarbos.
24Ku alla kii tuug la shirkoobaa naftiisuu nacaa, Habaarkuu maqlaa, laakiinse waxba kama sheego.
24Kas susideda su vagimi, nekenčia savo sielos; jis prisiekia sakyti tiesą, bet nieko nepasako.
25Dadka ka cabsashadiisu wax bay dabtaa, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeyaa wuu nabad geli doonaa.
25Kas bijo žmonių, pakliūna į spąstus, kas pasitiki Viešpačiu, bus saugus.
26Kuwo badan baa taliyaha raallinimo ka doona, Laakiinse dadka garsooriddiisu waxay ka timaadaa xagga Rabbiga.Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah, Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.
26Daugelis ieško valdovo palankumo, bet teisingumas ateina iš Viešpaties.
27Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah, Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.
27Teisusis bjaurisi neteisiuoju ir nedorėlis tuo, kuris eina tiesiu keliu.