Somali

Lithuanian

Psalms

102

1Rabbiyow, baryootankayga maqal, Qayladayduna ha ku soo gaadho.
1Viešpatie, išgirsk mano maldą, ir mano šauksmas tepasiekia Tave.
2Wejigaaga ha iga qarin maalinta aan dhibaataysnahay, Dhegta ii dhig, Oo maalinta aan ku baryo, dhaqso iigu soo jawaab.
2Neslėpk savo veido nuo manęs tą dieną, kai esu varge. Palenk į mane savo ausį, kai šaukiuosi, skubėk man atsakyti.
3Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale, Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.
3Mano dienos pranyksta kaip dūmai, mano kaulai kaip židinys dega.
4Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay, Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno.
4Kaip pakirsta žolė mano širdis džiūsta; aš pamirštu valgyti.
5Codkii taahiddayda daraaddiis Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.
5Nuo skaudžių aimanų oda prilipo prie mano kaulų.
6Anigu waxaan la mid ahay haad cantalyaa ah oo cidlada joogta, Oo waxaan la mid noqday haad guumays ah oo lamadegaanka dhex joogta.
6Esu panašus į dykumų pelikaną, į pelėdą griuvėsiuose.
7Waan soo jeedaa, oo waxaan noqday Sidii shimbir yar oo keligeed guri dhaladiis saaran.
7Nemiegu ir esu vienišas kaip paukštis ant stogo.
8Maalinta oo dhan cadaawayaashaydu way i caayaan, Oo kuwa ii cadhaysanuna magacaygay ku caytamaan.
8Priešai mane užgaulioja, ir mano vardas jiems tapo keiksmažodžiu.
9Waayo, dambas baan u cunay sidii kibis oo kale, Oo cabniinkaygiina waxaan ku darsaday ilmadaydii.
9Pelenus valgau kaip duoną ir su ašaromis maišau savo gėrimą
10Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood, Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.
10dėl Tavo rūstybės ir pykčio, nes Tu mane pakėlei ir nubloškei žemėn.
11Cimrigaygu waa sida hoos sii libdhaya, Oo waxaan u engegay sida caws oo kale.
11Mano dienos yra tartum ištįsęs šešėlis, ir aš lyg žolė džiūstu.
12Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa, Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.
12Bet Tu, Viešpatie, pasiliksi per amžius; Tave minės visos kartos.
13Waad sara joogsan doontaa, oo Siyoon baad u naxariisan doontaa, Waayo, waa wakhtiga iyada loo jixinjixo, haah, oo wakhtigii la ballamay waa yimid.
13Tu pakilsi ir pasigailėsi Siono, nes atėjo metas jam suteikti malonę.
14Waayo, addoommadaadu waxay u bogaan dhagaxyadeeda, Oo waxay u jixinjixaan ciiddeeda.
14Tavo tarnams jo akmenys meilūs, jiems gaila jo dulkių.
15Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga, Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada,
15Tavo vardo, Viešpatie, bijos pagonys ir Tavo šlovės­pasaulio karaliai.
16Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon, Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,
16Kai Viešpats atstatys Sioną, Jis pasirodys savo šlovėje;
17Wuxuu u fiirsaday kuwa dan daraysan tukashadoodii, Oo baryadoodiina ma uu quudhsan.
17apleistųjų maldas Jis išklausys, jų prašymų nepaniekins.
18Tan waxaa loo qori doonaa farcanka soo socda, Oo dad la abuuri doono ayaa Rabbiga ammaani doona.
18Tai tebūna užrašyta ateisiančiai kartai, kad tauta, kuri bus sukurta, girtų Viešpatį.
19Waayo, isagu wuxuu wax ka soo fiiriyey meeshiisa sare oo quduuska ah, Rabbigu dhulkuu ka soo eegay samada,
19Iš savo šventos aukštybės Viešpats pažvelgė žemyn, iš dangaus pažiūrėjo į žemę,
20Inuu maqlo taaha maxbuuska, Iyo inuu sii daayo kuwa dilka lagu xukumay,
20kad išgirstų belaisvių dejones, išlaisvintų mirčiai skirtuosius,
21Si dadku magaca Rabbiga uga sheego Siyoon dhexdeeda, Ammaantiisana Yeruusaalem dhexdeeda,
21kad Sione būtų skelbiamas Viešpaties vardas ir girtų Jį Jeruzalėje,
22Markii dadyowgu isu soo wada ururaan, Iyo xataa boqortooyooyinkuba, inay Rabbiga u adeegaan aawadeed.
22kai susiburs karalystės ir tautos tarnauti Viešpačiui.
23Isagu xooggayguu ku dhex dhimay jidka, Oo cimrigaygiina wuu gaabiyey.
23Jis susilpnino mane kelionėje, sutrumpino mano gyvenimo dienas.
24Anigu waxaan idhi, Ilaahayow, ha i sii qaadin cimrigayga oo badh ah, Sannadahaagu waxay sii waaraan tan iyo ka ab ka ab.
24Aš sakiau: “Mano Dieve, neatimk manęs įpusėjus mano amžiui, Tavo metai tęsiasi per visas kartas.
25Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay, Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga.
25Kadaise Tu sukūrei žemę ir dangūs yra Tavo rankų darbas.
26Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa, Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale, Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan,
26Jie pražus, bet Tu pasiliksi. Jie visi susidėvės kaip drabužis, kaip rūbą juos pakeisi, ir jie bus pakeisti.
27Laakiinse adigu isku si uun baad tahay had iyo goorba, Oo sannadahaaguna ma idlaan doonaan.Carruurta addoommadaadu way sii jiri doonaan, Oo farcankooduna hortaaday ku xoogaysan doonaan.
27Bet Tu esi tas pats ir Tavo metai nesibaigs.
28Carruurta addoommadaadu way sii jiri doonaan, Oo farcankooduna hortaaday ku xoogaysan doonaan.
28Tavo tarnų vaikai gyvens ir jų palikuonys įsitvirtins Tavo akivaizdoje”.