Somali

Lithuanian

Psalms

109

1Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin,
1Netylėk, mano gyriaus Dieve.
2Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.
2Nedorėlio burna ir klastingojo burna prieš mane atsivėrė. Jie kalba prieš mane melagingais liežuviais.
3Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sababla'aan bay igula dirireen.
3Neapykantos žodžiais jie apsupo mane ir puola mane nekaltą.
4Anigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.
4Už mano meilę jie kaltina mane, bet aš meldžiuosi.
5Wanaag waxay iigaga abaal gudeen xumaan, Jacaylna nacayb.
5Piktu už gera jie man atlygina ir neapykanta už meilę.
6Nin shar leh ka sarraysii isaga, Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.
6Atiduok tokį nedorėlių valiai, te šėtonas stovi jo dešinėje.
7Markii la xukumo, ha soo baxo isagoo dembi lagu helay, Oo tukashadiisiina dembi ha noqoto.
7Teisme tebūna jis pasmerktas, jo malda tebūna nuodėmė.
8Cimrigiisu ha yaraado, Jagadiisana mid kale ha qaato.
8Tebūna jo gyvenimas trumpas. Jo tarnystę tegauna kitas.
9Carruurtiisu ha agoontoobeen, Naagtiisuna carmal ha noqoto.
9Jo vaikai tepalieka našlaičiais ir žmona­našle.
10Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen, Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.
10Elgetomis ir benamiais tegu tampa jo vaikai, tebūna jie išmesti iš savų sunaikintų namų.
11Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan, Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.
11Skolintojas tepasiglemžia jo turtą ir svetimieji jo uždarbį teišgrobsto.
12Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa, Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah.
12Nė vienas jo tenesigaili ir tenebūna kas užjaustų jo našlaičius.
13Farcankiisu ha baabba'o, Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro.
13Jo palikuonys tesunyksta. Kitoje kartoje teišdyla jų vardas.
14Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto, Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin.
14Viešpats teatsimena jo tėvų kaltes, ir jo motinos nuodėmė tenebūna išdildyta.
15Rabbiga ha hor joogeen had iyo goorba, Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka.
15Tegu nuolat Viešpats juos stebi, kad nuo žemės nušluotų jų atminimą.
16Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan, Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.
16Nes neparodė jis gailestingumo, bet persekiojo beturtį ir vargšą, kėsinosi nužudyti sudužusį širdyje.
17Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay, Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.
17Jis mėgo prakeikimą, tegu jis užklumpa jį; jis nemėgo palaiminimo, tebūna jis toli nuo jo.
18Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda, Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale, Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid.
18Jis apsivilko prakeikimu kaip drabužiu, todėl kaip vanduo jis teįsisunkia į kūną, kaip aliejus į kaulus.
19Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado, Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba,
19Jis tebūna jam kaip drabužis, kuris dengia jo kūną, kaip juosta, kuria jis susijuosia.
20Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan, Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.
20Taip tegul užmoka Viešpats mano priešininkams ir tiems, kurie kalba pikta prieš mane.
21Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel, Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,
21Bet Tu, Viešpatie Dieve, sustiprink mane dėl savojo vardo, gelbėk dėl savo gailestingumo.
22Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.
22Aš esu vargšas ir beturtis, mano širdis sužeista.
23Waxaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya, Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale.
23Nykstu kaip šešėlis, mane nešioja kaip vėjas skėrį.
24Jilbahaygu soon bay la taag darnaadaan, Oo jidhkayguna baruurla'aanteed wuu la caatoobaa.
24Mano keliai nuo pasninko linksta, sulyso mano kūnas.
25Oo weliba waxaan iyaga u noqday cay, Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan.
25Aš jiems tapau pajuoka. Matydami mane, jie kraipė galvas.
26Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,
26Padėk man, Viešpatie, mano Dieve, išgelbėk mane, būdamas gailestingas.
27Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada, Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.
27Viešpatie, težino jie, jog tai Tavo ranka padarė.
28Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakee, Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.
28Jie tegul keikia, bet Tu laimink! Kai jie pakyla, tebūna sugėdinti, o Tavo tarnas tesidžiaugia.
29Cadaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen, Oo ceebtooda ha u huwadeen sida go' oo kale.
29Teapsivelka mano priešininkai nešlove, juos gėda kaip drabužis teapgaubia.
30Afkaygaan aad ugaga mahad naqi doonaa Rabbiga, Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa.Waayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa, Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma.
30Savo burna garsiai girsiu Viešpatį, girsiu Jį minioje.
31Waayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa, Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma.
31Jis stovi beturčio dešinėje, gina jį nuo pasmerkėjų.