Somali

Lithuanian

Psalms

138

1Qalbigayga oo dhan ayaan kugu mahad naqi doonaa, Oo ilaahyada hortooda ayaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
1Visa širdimi Tau dėkoju, Dieve! Dievų akivaizdoje Tau giedosiu gyrių.
2Waxaan u soo tukan doonaa macbudkaaga quduuska ah xaggiisa, Oo magacaagana waxaan ugu mahad naqi doonaa raxmaddaada iyo runtaada aawadood, Waayo, eraygaaga ayaad ka sii weynaysay magacaaga oo dhan.
2Parpuolęs prie Tavo šventyklos, šventą Tavo vardą girsiu už Tavo malonę ir ištikimybę, nes Tu išaukštinai savo žodį labiau negu visą savo vardą.
3Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay, Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.
3Dieną, kurią šaukiausi, išklausei, stiprybės suteikei mano sielai.
4Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahad naqi doonaan, Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.
4Tave girs, Viešpatie, visi žemės valdovai, išgirdę Tavo burnos žodžius.
5Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga, Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.
5Jie giedos apie Viešpaties kelius, nes didelė Viešpaties šlovė.
6Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.
6Nors Viešpats yra aukštybėse, Jis žvelgia į nusižeminusį, o išpuikėlį pažįsta iš tolo.
7In kastoo aan ku dhex socdo dhibaato waad i soo noolayn doontaa, Oo waxaad gacantaada ku soo fidin doontaa cadhada cadaawayaashayda, Oo gacantaada midigna way i badbaadin doontaa.Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan, Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa, Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.
7Nors aš būčiau vargų suspaustas, Tu atgaivinsi mane, Tu ištiesi savo ranką prieš mano priešų pyktį ir Tavo dešinė mane išgelbės.
8Rabbigaa kaamil ka dhigi doona waxa igu saabsan, Rabbiyow, naxariistaadu weligeedba way sii waartaa, Ha ka tegin shuqulladii gacmahaaga.
8Apgins mane Viešpats. Viešpatie, Tavo gailestingumas amžinas! Neapleisk, kas Tavo rankų sukurta.