Somali

Lithuanian

Psalms

140

1Rabbiyow, ninka sharka leh iga samatabbixi, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,
1Viešpatie, nuo piktų žmonių mane išgelbėk, nuo smurtininkų apsaugok!
2Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin, Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.
2Nuo tų, kurie planuoja pikta širdyje, kurie dieną vaidus kelia.
3Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale, Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah)
3Jų liežuvis yra aštrus kaip gyvatės, angių nuodai yra už jų lūpų.
4Rabbiyow, gacmaha kuwa sharka leh iga dhawr, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan, Kuwaasoo u qastiyey inay tallaabooyinkayga dhinac u leexiyaan.
4Viešpatie, saugok mane nuo nedorėlių rankų, nuo smurtininkų apsaugok­nuo tų, kurie nori pakišti man koją.
5Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko, Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah)
5Išdidieji pinkles man spendžia, tiesia tinklus, kilpas stato pakelėse.
6Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.
6Tariau Viešpačiui: “Tu esi mano Dievas, todėl išklausyk mano maldavimą”.
7Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow, Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.
7Viešpatie Dieve, mano išgelbėjimo stiprybe, Tu pridengi kovoje mano galvą.
8Rabbiyow, kuwa sharka leh ha siin waxay doonayaan, Oo horay ha u sii wadin xeeladdooda sharka ah, waaba intaasoo ay kor isu qaadaane. (Selaah)
8Dieve, neleisk nedorėliui laimėti, jo piktų kėslų netenkink!
9Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.
9Jie kelia galvas, aplinkui sustoję. Tegu jų piktybė juos pačius apdengia!
10Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen, Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka, Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.
10Tegul jiems ant galvų žarijomis lyja! Įmesk juos į ugnį, į duobę, kad nebepasikeltų.
11Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin, Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed.
11Teneįsitvirtins žemėje šmeižikas, nelaimės tegainioja smurtininką ir teparbloškia jį.
12Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono, Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono.Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahad naqi doonaan magacaaga, Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.
12Žinau, kad Viešpats gins prispaustojo bylą ir teises beturčio.
13Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahad naqi doonaan magacaaga, Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.
13Tikrai, teisieji dėkos Tavo vardui ir dorieji gyvens Tavo akivaizdoje.