1Ilaahow, quruumihii kale waxay u soo galeen dhaxalkaagii, Macbudkaagii quduuska ahaana way nijaaseeyeen, Oo Yeruusaalemna waxay ka dhigeen tuulmooyin.
1Dieve, pagonys įsiveržė į Tavo paveldėjimą, suteršė šventyklą, pavertė Jeruzalę griuvėsiais!
2Meydadkii addoommadaada waxay cunto uga dhigeen haadka samada, Oo hilibkii quduusiintaadana waxay cunto uga dhigeen dugaagga dhulka.
2Jie atidavė Tavo tarnų lavonus lesti padangių paukščiams, žvėrims ėsti kūnus šventųjų.
3Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale, Cid aastaana ma jirin.
3Jie išliejo jų kraują kaip vandenį Jeruzalės apylinkėse, ir nebuvo, kas juos palaidotų.
4Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii, Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo.
4Mes tapome panieka savo kaimynams, pasityčiojimu ir pajuoka tiems, kurie gyvena aplinkui mus.
5Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa? Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?
5Ar ilgai, Viešpatie? Ar amžinai rūstausi? Ar degs kaip ugnis Tavo pavydas?
6Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon, Iyo boqortooyooyinka aan magacaaga kugu baryin.
6Išliek savo rūstybę ant pagonių, kurie Tavęs nenori pažinti, ir ant karalysčių, kurios nesišaukia Tavojo vardo!
7Waayo, waxay laayeen reer Yacquub, Rugtoodiina way baabbi'iyeen.
7Juk jie suėdė Jokūbą ir jo gyvenvietes nusiaubė.
8Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo, Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado, Waayo, aad baa lanoo dhibay.
8Neprisimink mūsų ankstesniųjų kalčių! Skubiai suteik mums savo gailestingumą, nes esame labai pažeminti.
9Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi, Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.
9Padėk mums, Dieve, mūsų gelbėtojau, dėl savo vardo šlovės! Išgelbėk mus ir atleisk mūsų nusikaltimus dėl savo vardo.
10Bal maxaa quruumuhu u leeyihiin, Ilaahoodu meeh? Dhiiggii addoommadaada oo ay daadiyeen aargoosashadiisii Ha lagu ogaado quruumaha dhexdooda annagoo arkayna.
10Kodėl turėtų sakyti pagonys: “Kur yra jų Dievas?” Tesužino apie Tave pagonys mūsų akivaizdoje, kai bausi už pralietą Tavo tarnų kraują!
11Maxbuuska taahiisu hortaada ha yimaado, Xooggaaga weynaantiisa ku badbaadi kuwa dhimashada lagu xukumay.
11Tepasiekia Tave belaisvių dejavimas! Savo galinga ranka išlaisvink pasmerktuosius mirti.
12Sayidow, derisyadayada toddoba jibbaar ugu abaal mari, Oo laabta u geli caydii ay kugu caayeen.Haddaba annagoo ah dadkaaga iyo idihii daaqsintaada Waannu kugu mahad naqaynaa weligayo, Oo ammaantaada waannu ka sheekaysan doonnaa tan iyo ka ab ka ab.
12Atmokėk, Viešpatie, mūsų kaimynams septyneriopai už piktžodžiavimą, kuriuo jie plūdo Tave!
13Haddaba annagoo ah dadkaaga iyo idihii daaqsintaada Waannu kugu mahad naqaynaa weligayo, Oo ammaantaada waannu ka sheekaysan doonnaa tan iyo ka ab ka ab.
13O mes, Tavo tauta ir Tavo ganyklos avys, dėkosime Tau amžinai, kartų kartoms skelbsime Tavo šlovę!