Somali

Lithuanian

Psalms

85

1Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay, Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.
1Viešpatie, Tu buvai palankus savo kraštui, išlaisvinai Jokūbą.
2Xumaantii dadkaagana waad cafiday, Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah)
2Tu atleidai savo tautos kaltę, uždengei jos nusidėjimą.
3Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay, Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.
3Tu sulaikei savo pyktį, nukreipei savo rūstybės įkarštį.
4Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi, Oo dhirifkaaga naga jooji.
4Atgaivink mus, Dieve, mūsų gelbėtojau, tepaliauja Tavo rūstybė!
5Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?
5Nejaugi amžinai pyksi ant mūsų, rūstausi per kartų kartas!
6Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn, Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?
6Argi vėl mūsų neatgaivinsi, kad džiaugtumėmės Tavimi?
7Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.
7Viešpatie, parodyk mums savo gailestingumą, suteik išgelbėjimą!
8Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo, Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa, Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.
8Klausysiuos, ką kalba Viešpats Dievas! Jis juk skelbia taiką savo tautai ir šventiesiems; tenesigręžia jie į kvailystę.
9Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada, Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.
9Tikrai, Jo išgelbėjimas arti tiems, kurie Jo bijo, Jo šlovė gyvena tarp mūsų.
10Naxariis iyo runu way isla kulmeen, Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.
10Gailestingumas ir tiesa susitiko, teisumas ir taika pasibučiavo.
11Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka, Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.
11Tiesa žels iš žemės, ir teisumas žvelgs iš dangaus.
12Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan, Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo, Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.
12Gausiai gėrybių duos Viešpats, ir žemė bus derlinga.
13Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo, Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.
13Teisumas eis pirma Jo ir nukreips mus į Jo kelią.