Somali

Lithuanian

Romans

7

1Mise ma waydaan ogayn, walaalayaalow, in sharcigu nin u taliyo intuu nool yahay oo keliya? (Waxaan la hadlayaa dadka sharciga yaqaan.)
1Ar nežinote, broliai,­aš kalbu žinantiems įstatymą,­kad įstatymas galioja žmogui, kol jis gyvas?
2Naagtii nin luhu sharcigay ugu xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiinse mar haddii ninku dhinto, way ka furan tahay sharcigii ninka.
2Pavyzdžiui, ištekėjusi moteris įstatymo surišta su vyru, kol jis gyvas. Jei vyras miršta, ji tampa laisva nuo įstatymo, rišusio ją su vyru.
3Sidaas daraaddeed inta ninkeedu nool yahay, hadday nin kale naag u noqoto, waxaa loogu yeedhi doonaa dhillo, laakiinse ninkeedu hadduu dhinto, sharciga way ka furan tahay, oo sidaas daraaddeed dhillo ma aha in kastoo ay nin kale naag u noqoto.
3Ji vadinsis svetimautoja, jei, vyrui gyvam esant, bus žmona kitam. Bet jei vyras miršta, ji tampa laisva nuo įstatymo ir, ištekėdama už kito, nebėra svetimautoja.
4Sidaas daraaddeed, walaalahayow, jidhkii Masiixa baa meyd idinka dhigay xagga sharciga, in mid kale idin lahaado, oo ah kii kuwii dhintay laga sara kiciyey inaynu Ilaah midho u soo bixinno.
4Taip ir jūs, mano broliai, per Kristaus kūną esate mirę įstatymui, kad priklausytumėte kitam­ prikeltam iš numirusių­ir kad mes neštume vaisių Dievui.
5Waayo, markii aynu jidhka ku dhex jirnay, damacyadii dembiyada ee sharciga ka yimid waxay ka dhex shaqaynayeen xubnaheenna inay midho u soo bixiyaan dhimasho.
5Kol gyvenome pagal kūną, mumyse veikė įstatymo pažadintos nuodėmingos aistros, ir mes nešėme vaisių mirčiai.
6Laakiinse haatan sharcigii waa laynaga furay, innagoo ka dhimannay wixii aynu ku hoos xidhnayn, si aynu ugu adeegno cusaybka ruuxa ee aynaan ugu adeegin gabowga qorniinka.
6Bet dabar, numirę įstatymui, kuriuo buvome surišti, esame išlaisvinti iš jo, kad tarnautume nauja dvasia, o ne pasenusia raide.
7Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigu i odhan, Waa inaadan wax damcin.
7Ką tad pasakysime? Gal įstatymas yra nuodėmė? Jokiu būdu! Bet aš nebūčiau pažinęs nuodėmės, jei nebūtų įstatymo. Nebūčiau suvokęs geismo, jei įstatymas nebūtų pasakęs: “Negeisk!”
8Dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka dhexdayda kaga falay damac xun oo kasta; waayo, sharciga la'aantiis dembigu waa meyd.
8Bet nuodėmė, per įsakymus gavusi progą, pažadino manyje visokius geismus, o be įstatymo nuodėmė negyva.
9Waa baan noolaa sharciga la'aantiis, laakiin markii amarku yimid, dembigu waa soo noolaaday, aniguna waan dhintay.
9Kadaise be įstatymo aš buvau gyvas. Bet, atėjus įsakymui, atgijo nuodėmė, ir aš numiriau.
10Amarkii nolosha ii geeyn lahaa, waxaan gartay inuu dhimasho ii geeynayo.
10Taip man paaiškėjo, kad įsakymas, skirtas gyvenimui, nuvedė mane į mirtį.
11Waayo, dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka igu khiyaaneeyey, wuuna igu dilay.
11Nes įsakymo paskatinta nuodėmė mane suvedžiojo ir juo mane nužudė.
12Haddabase sharcigu waa quduus, amarkuna waa quduus, waana xaq, wuuna wanaagsan yahay.
12Todėl įstatymas šventas; įsakymas taip pat šventas, ir teisingas, ir geras.
13Haddaba wixii wanaagsanaa miyey dhimasho ii noqdeen? Ma suurtowdo! Laakiin dembigu, inuu muuqdo inuu dembi yahay, ayuu wax wanaagsan igaga dhex shaqeeyey oo dhimasho ii keenay, in dembigu amarka ku noqdo dembi miidhan.
13Vadinasi, geras dalykas tapo man mirtimi? Jokiu būdu! Bet nuodėmė pasirodė nuodėme tuo, kad atnešė man mirtį, pasinaudodama geru dalyku,­kad per įsakymą nuodėmė taptų be galo nuodėminga.
14Waayo, waxaynu og nahay in sharcigu ku saabsan yahay ruuxa, laakiinse anigu waxaan ahay mid jidhka raaca oo lagu iibiyey dembiga hoostiisa.
14Nes mes žinome, kad įstatymas yra dvasiškas, o aš esu kūniškas, parduotas nuodėmei.
15Waayo, waxaan samaynayo garan maayo, maxaa yeelay, ma sameeyo wixii aan doonayo, laakiin waxaan sameeyaa wixii aan necbahay.
15Aš net neišmanau, ką darąs, nes darau ne tai, ko noriu, bet tai, ko nekenčiu.
16Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas waxaan gartay in sharcigu wanaagsan yahay.
16O jei darau tai, ko nenoriu, tada sutinku, kad įstatymas geras.
17Haddabase haatan ma aha aniga kan waxaas sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira.
17Tada jau nebe aš tai darau, bet manyje gyvenanti nuodėmė.
18Waayo, waan ogahay inaan wax wanaagsanu igu dhex jirin, taas waxaan ula jeedaa, jidhkayga wax wanaagsanu kuma jiraan, waayo, waan ku talo jiraa inaan waxa wanaagsan sameeyo, laakiin ma sameeyo.
18Aš juk žinau, kad manyje, tai yra mano kūne, nėra jokio gėrio. Gero trokšti sugebu, o padaryti­ ne.
19Waayo, waxa wanaagsan oo aan doonayo inaan falo, ma sameeyo, laakiinse waxa sharka ah oo aanan doonayn inaan falo, ayaan sameeyaa.
19Aš nedarau gėrio, kurio trokštu, o darau blogį, kurio nenoriu.
20Laakiin haddaan sameeyo wixii aanan doonayn inaan falo, de haatan ma aha aniga kan sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira.
20O jeigu darau, ko nenoriu, tada nebe aš tai darau, bet manyje gyvenanti nuodėmė.
21Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan waxa wanaagsan sameeyo.
21Taigi aš randu tokį įstatymą: kai trokštu padaryti gera, prie manęs prilimpa bloga.
22Waayo, sharciga Ilaah ayaan kaga farxaa ninka gudaha ah.
22Juk kaip vidinis žmogus aš gėriuosi Dievo įstatymu.
23Laakiin waxaan xubnahayga ka arkaa qaynuun kale, isagoo la dagaallamaya qaynuunka maankayga oo maxbuus iiga dhigaya qaynuunka dembiga oo xubnahayga ku jira.
23Bet savo nariuose matau kitą įstatymą, kovojantį su mano proto įstatymu, ir paverčiantį mane belaisviu nuodėmės įstatymo, kuris yra mano nariuose.
24Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh?Waxaan Ilaah ugu mahad naqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.
24Vargšas aš žmogus! Kas išlaisvins mane iš šito mirties kūno!
25Waxaan Ilaah ugu mahad naqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.
25Bet ačiū Dievui­per mūsų Viešpatį Jėzų Kristų! Taigi aš pats protu tarnauju Dievo įstatymui, o kūnu­nuodėmės įstatymui.