Somali

Lithuanian

Song of Solomon

7

1Gabadha amiirku dhalayay, cagahaagu qurux badanaa markay kabo illan yihiin, Bowdooyinkaagu waa sida dahab Nin saanac ahu gacantiisa ku sameeyey.
1Kokios gražios tavo kojos su kurpėmis, kunigaikščio dukra! Tavo strėnų išlenkimai kaip papuošalai, kaip menininko rankų darbas.
2Xudduntaadu waa sida fijaan goobaaban Oo aan innaba khamri ka dhinnanayn, Oo xaluskaaguna waa sida sarreen meel tuunsan Oo ubaxshooshanno lagu wareejiyey.
2Tavo liemuo lyg ištekinta taurė, kurioje niekada nestinga gėrimo, tavo pilvas lyg kviečių krūva, apkaišiota lelijomis.
3Labadaada naasna waa sida laba gibin Oo mataano ah oo cawl dhashay.
3Tavo dvi krūtys lyg stirnos dvynukai.
4Qoortaaduna waa sida munaarad foolmaroodi ah, Oo indhahaaguna waa sida ballidii Xeshboon oo ku ag yaal iridda Batrabbiim. Oo sankaaguna waa sida munaaradda Lubnaan Oo xagga Dimishaq u jeeda.
4Tavo kaklas lyg dramblio kaulo bokštas. Tavo akys lyg Hešbono tvenkiniai prie Batrabimo vartų. Tavo nosis lyg Libano bokštas, nukreiptas Damasko link.
5Madaxaagu sida Buur Karmel oo kale wuu dheer yahay, Oo timaha madaxaaguna waa sida guduud oo kale, Oo boqorkuna wuu ku xidhan yahay.
5Tavo galva lyg Karmelis. Tavo galvos plaukai lyg purpuras, karalius sužavėtas tavo garbanomis.
6Taan jeclahayay, qurux badnidaa! Fiicnaan badnidaa! Aad baad iiga farxisaa!
6Kokia graži ir miela pažiūrėti tu esi, mano mylimoji!
7Sarajooggaagu waa sida geed baar ah, Oo naasahaaguna waa sida rucubyo canab ah.
7Tavo stuomuo yra panašus į palmę, tavo krūtys­į vynuogių kekes.
8Waxaan is-idhi, Geedka baarka waan fuuli doonaa, Oo waxaan qabsan doonaa laamihiisa. Naasahaagu ha ahaadeen sida rucubyo canab ah, Oo sankaaga neeftiisuna ha u carafto sida midho tufaax ah.
8Aš tariau: “Įkopsiu į palmę, įsikibsiu į jos šakas”. Tavo krūtys bus kaip vynuogių kekės, tavo burnos kvapas­kaip obuolių.
9Oo afkaaguna ha ahaado sida khamri wanaagsan.
9Tavo lūpos yra lyg geriausias vynas, kuris švelniai slenka gomuriu ir prakalbina apsnūdusį.
10Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, Oo damaciisuna xaggayguu soo jiraa.
10Aš priklausau savo mylimajam, o jis geidžia manęs.
11Gacaliyahaygow, kaalay, aynu duurka isla tagnee, Oo aynu tuulooyinka ku soo dhaxnee.
11Ateik, mylimasis, eikime į laukus, nakvokime kaime.
12Aynu aroor hore beercanabyada tagnee, Oo aynu soo aragno bal in canabkii magoolay, oo ay ubixiisii soo muuqdeen, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale; Oo halkaasaan jacaylkayga kugu siin doonaa.Ubixii duudaygu way soo carfayaan, Oo albaabbadayada agtooda waxaa yaal midho cayn kasta ah oo cusayb iyo duugba leh, Oo adigaan kuu kaydiyey, gacaliyahaygiiyow.
12Anksti rytą apžiūrėkime vynuogynus, ar jau sprogsta vynmedžiai, ar skleidžiasi žiedai, ar pražydo granato medžiai. Ten aš tau atiduosiu savo meilę.
13Ubixii duudaygu way soo carfayaan, Oo albaabbadayada agtooda waxaa yaal midho cayn kasta ah oo cusayb iyo duugba leh, Oo adigaan kuu kaydiyey, gacaliyahaygiiyow.
13Mandragoros kvepia, prie mūsų durų yra įvairiausių vaisių, šviežių ir senų, kuriuos laikiau tau, mano mylimasai.