Somali

Lithuanian

Zechariah

1

1Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bishii siddeedaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah oo ahaa ina Berekyaah ina Iddo oo nebigii ahaa, oo wuxuu ku yidhi,
1Antraisiais Darijaus metais, aštuntą mėnesį, Viešpats kalbėjo Zacharijui, Idojo sūnaus Berechijos sūnui, sakydamas:
2Rabbigu aad buu awowayaashiin ugu cadhooday.
2“Viešpats buvo labai užsirūstinęs ant jūsų tėvų.
3Haddaba sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ii soo noqda, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay, oo anna waan idiin soo noqonayaa, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.
3Todėl sakyk jiems: ‘Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Gręžkitės į mane, tai Aš gręšiuosi į jus.
4Ha ahaanina sidii awowayaashiin oo kale, kuwaasoo ahaa kuwii ay nebiyadii hore ku qayliyeen oo ay ku yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Hadda ka soo noqda jidadkiinna sharka ah iyo falimihiinna sharka ahba, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu ima ay maqlin, oo innaba ima ay dhegaysan.
4Nebūkite kaip jūsų tėvai, kuriems prieš tai buvę pranašai skelbė: ‘Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Nusisukite nuo savo piktų kelių ir darbų!’ Bet jie neklausė ir nekreipė dėmesio,­sako Viešpats.­
5Bal meeye awowayaashiin? Nebiyaduse miyey weligood iska noolaadaan?
5Jūsų tėvų nebėra ir pranašai negyvena per amžius,
6Laakiinse erayadaydii iyo qaynuunnadaydii aan nebiyadii addoommadayda ahaa ku soo amray, sow ma gaadhin awowayaashiin? Oo iyana intay soo noqdeen ayay yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu siduu ku fikiray inuu nagu sameeyo, siday jidadkayagu ahaayeen, iyo siday falimahayagu ahaayeen ayuu nagu sameeyey.
6bet mano žodžiai ir nuostatai, kuriuos buvau paskelbęs savo tarnams pranašams, pasivijo jūsų tėvus. Jie sugrįžo ir sakė: ‘Kaip kareivijų Viešpats sumanė mums padaryti pagal mūsų kelius ir darbus, taip Jis ir pasielgė’ ”.
7Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii kow iyo tobnaad, taasoo ah bisha Shebaad maalinteedii afar iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah oo ahaa ina Berekyaah ina Iddo oo nebigii ahaa, oo wuxuu ku yidhi,
7Antraisiais Darijaus metais, vienuolikto mėnesio dvidešimt ketvirtą dieną, Viešpats kalbėjo pranašui Zacharijui, Idojo sūnaus Berechijos sūnui.
8Habeenkii waxaan arkay oo ii muuqday nin faras xamar ah fuushan, oo wuxuu dhex istaagay geedaha hadaaska la yidhaahdo oo meel hoos leh ku yiil, oo gadaashiisana waxaa joogay fardo kale oo midabkoodu yahay xamar iyo midab dibicyo leh iyo caddaan.
8Naktį aš regėjau vyrą. Jis sėdėjo ant sarto žirgo, kuris stovėjo tarp mirtų dauboje; už jo buvo sartų, margų ir baltų žirgų.
9Markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu? Markaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, Anigaa ku tusi doona waxa kuwanu yihiin.
9Aš paklausiau: “Kas jie, mano viešpatie?” Angelas, kuris kalbėjo su manimi, atsakė: “Aš tau paaiškinsiu”.
10Oo ninkii geedaha hadaaska ah dhex taagnaa ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi, Kuwanu waa kuwii Rabbigu u diray inay dhulka hore iyo dib u dhex maraan.
10Vyras, kuris stovėjo tarp mirtų, tarė: “Viešpats siuntė juos apvaikščioti žemę”.
11Oo iyana waxay u jawaabeen malaggii Rabbiga oo geedaha hadaaska ah dhex taagnaa oo waxay ku yidhaahdeen, Dhulkii hore iyo dibba waannu u dhex marnay, oo bal eeg, dhulkii oo dhammu wuu deggan yahay oo wuu xasilloon yahay.
11Jie atsakė Viešpaties angelui, stovinčiam tarp mirtų: “Mes apvaikščiojome žemę­visur ramybė ir taika”.
12Markaasaa malaggii Rabbigu jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadow, ilaa goormaadan u naxariisanayn Yeruusaalem iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, kuwaasoo aad toddobaatan sannadood u cadhaysnayd?
12Viešpaties angelas klausė: “Kareivijų Viešpatie, kiek dar laiko nepasigailėsi Jeruzalės ir Judo miestų, prieš kuriuos rūstinaisi septyniasdešimt metų?”
13Markaasaa Rabbigu malaggii ila hadlay ugu jawaabay erayo wanaagsan oo qabow.
13Viešpats gerais ir paguodžiančiais žodžiais atsakė su manimi kalbančiam angelui.
14Kolkaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, War qayli, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu Yeruusaalem iyo Siyoonba waxaan ugu masayrsanahay masayr weyn.
14Angelas, kuris kalbėjo su manimi, tarė: “Skelbk: ‘Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Mano pavydas dėl Jeruzalės ir Siono yra didelis.
15Oo aad iyo aad baan ugu cadhooday quruumaha iska istareexsan! Waayo, anigoo in yar u cadhaysan ayay sii badiyeen dhibaatadii.
15Ir Aš labai supykęs ant tautų, kurios jaučiasi saugios. Kai Aš buvau truputį supykęs, jos padidino jūsų vargus’.
16Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.
16Todėl taip sako Viešpats: ‘Aš pasigailėsiu Jeruzalės, mano šventykla bus statoma joje.
17Oo haddana qayli oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkaygu mar kalay barwaaqo la faafi doonaan, oo Rabbigu mar kaluu Siyoon u qalbi qaboojin doonaa, oo mar kaluu Yeruusaalem dooran doonaa.
17Mano miestai bus perpildyti gėrybių. Viešpats paguos Sioną, vėl išsirinks Jeruzalę’ ”.
18Oo indhahaygii baan kor u qaaday, oo wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay afar gees.
18Pakėlęs akis, pamačiau: štai buvo keturi ragai!
19Oo anna waxaan malaggii ila hadlay ku idhi, Waa maxay kuwanu? Oo isna wuxuu iigu jawaabay, Kuwanu waa geesihii kala firdhiyey dadkii dalka Yahuudah iyo dadkii dalka Israa'iil iyo Yeruusaalemba.
19Aš klausiau angelą, kuris su manimi kalbėjo: “Ką reiškia šitie ragai?” Jis atsakė: “Šitie ragai išsklaidė Izraelį, Judą ir Jeruzalę”.
20Markaasaa Rabbigu wuxuu i tusay afar tumaal.Kolkaasaan idhi, Kuwanu maxay u yimaadeen inay sameeyaan? Oo isna wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Kuwanu waa geesihii kala firdhiyey dadkii dalka Yahuudah si aan ninna madaxiisa ugu qaadin aawadeed. Laakiinse kuwanu waxay haatan u yimaadeen inay ka argaggixiyaan, oo ay hoos u tuuraan quruumaha geesahooda kor ugu qaaday dalka Yahuudah inay kala firdhiyaan.
20Po to Viešpats parodė man keturis kalvius.
21Kolkaasaan idhi, Kuwanu maxay u yimaadeen inay sameeyaan? Oo isna wuu hadlay oo wuxuu yidhi, Kuwanu waa geesihii kala firdhiyey dadkii dalka Yahuudah si aan ninna madaxiisa ugu qaadin aawadeed. Laakiinse kuwanu waxay haatan u yimaadeen inay ka argaggixiyaan, oo ay hoos u tuuraan quruumaha geesahooda kor ugu qaaday dalka Yahuudah inay kala firdhiyaan.
21Aš klausiau: “Ką šitie darys?” Jis atsakė: “Ragai išsklaidė Judą taip, kad niekas nebegalėjo pakelti galvos. O šitie atėjo numušti ragus toms tautoms, kurios pakėlė ragus prieš Judo žemę, kad ją išsklaidytų”.