Somali

Lithuanian

Zephaniah

1

1Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Sefanyaah ina Kuushii, ina Gedalyaah, ina Amaryaah, ina Xisqiyaah, wakhtigii Yoosiyaah ina Aamoon uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah.
1Viešpaties žodis buvo suteiktas Sofonijui, sūnui Kušio, sūnaus Gedelijos, sūnaus Amarijos, sūnaus Ezekijo, viešpataujant Judo karaliui Jozijui, Amono sūnui.
2Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu wax kasta waan ka baabbi'in doonaa dhulka korkiisa.
2“Aš pašalinsiu visa nuo žemės paviršiaus,­sako Viešpats,­
3Rabbigu wuxuu leeyahay, Dad iyo duunyoba waan wada baabbi'in doonaa, haadda samada iyo kalluunka baddaba waan wada baabbi'in doonaa, oo waxa lagu turunturoodo iyo sharrowyadaba waan wada baabbi'in doonaa, oo binu-aadmigana waan ka gooyn doonaa dhulka korkiisa.
3pašalinsiu žmones, gyvulius, padangių paukščius, jūros žuvis, suklupimo akmenis ir nedorėlius.
4Oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa dalka Yahuudah iyo inta Yeruusaalem deggan oo dhan, oo intii Bacal ka hadhayna meeshan waan ka gooyn doonaa, iyo magaca Kemaariim iyo wadaaddada,
4Aš pakelsiu savo ranką prieš Judą ir Jeruzalės gyventojus, išnaikinsiu Baalio likučius ir kartu su juo stabų kunigus;
5iyo kuwa ciidanka samada ku caabuda guryaha dhaladooda, iyo kuwa Rabbiga caabuda oo ku dhaarta oo haddana ku dhaarta Malkaam,
5ir tuos, kurie ant stogų garbina dangaus kareiviją, ir tuos, kurie, garbindami Viešpatį, prisiekia Melechu,
6iyo kuwa dib uga noqday Rabbiga lasocodkiisii, iyo kuwa aan Rabbiga doondoonin ama aan isaga innaba wax ka baryin.
6ir tuos, kurie, nusisukę nuo Viešpaties, neieško Jo, net nesiteirauja apie Jį”.
7Sayidka Rabbiga ah hortiisa ku aamus, maxaa yeelay, maalintii Rabbigu waa soo dhow dahay, waayo, Rabbigu waa diyaariyey allabari, oo martidiisiina quduus buu ka dhigay.
7Nutilkite Viešpaties akivaizdoje. Viešpaties diena arti. Viešpats paruošė auką, pakvietė svečius.
8Oo maalinta Rabbiga allabarigiisa ayaan ciqaabi doonaa amiirrada iyo wiilasha boqorka, iyo inta dharka qalaad xidhan oo dhanba.
8“Aukojimo dieną Aš nubausiu kunigaikščius, karaliaus vaikus ir visus, kurie dėvi svetimšalių drabužius.
9Maalintaas waxaan wada ciqaabi doonaa kuwa marinka ka booda, oo guriga sayidkooda ka buuxiya dulmi iyo khiyaano.
9Tą dieną nubausiu visus, kurie šoka per slenkstį, smurtu ir apgaule pripildo savo valdovo namus.
10Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla maalintaas qaylo dhawaaqeed ayaa ka yeedhi doona Iridda Kalluunka, oo magaalada inteeda labaadna waxaa ka yeedhi doonta baroor, kurahana waxaa ka yeedhi doona daryaan weyn.
10Tą dieną,­sako Viešpats,­pagalbos šauksmas sklis nuo Žuvų vartų, raudojimas iš antrojo kvartalo ir baisus klyksmas nuo kalvų!
11Kuwiinna Makteesh degganow, qayliya, waayo, dadkii reer Kancaan oo dhammu waa dhammaaday, oo kuwii lacagta ku rarnaa oo dhammu waa baabba'.
11Raudokite, apsuptieji, nes sunaikinti visi prekybininkai, pražuvo sidabro keitėjai.
12Oo wakhtigaas ayaan Yeruusaalem laambado ku baadhi doonaa, waanan ciqaabi doonaa dadka gufarkooda isaga fadhiyey sida khamri deggan oo kale, oo qalbigooda iska yidhaahda, Rabbigu wax wanaagsan samayn maayo, wax shar ahna samayn maayo.
12Aš su žibintais ieškosiu po Jeruzalę ir nubausiu tuos, kurie sėdi ant savo mielių, o širdyje mano: ‘Viešpats nedarys nei gera, nei pikta’.
13Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.
13Jų turtas bus išplėštas ir namai liks tušti. Jie pasistatys namus, bet negyvens juose, užveis vynuogynų, bet negers jų vyno.
14Maalintii weynayd oo Rabbigu way soo dhow dahay, way soo dhow dahay, oo aad bay u soo degdegaysaa. Dhawaaqi maalinta Rabbigu mar dhow buu yeedhi doonaa, dadka xoogga badanuna halkaasay si qadhaadh ah uga qaylin doonaan.
14Viešpaties didžioji diena skubiai artėja. Jau girdimas Viešpaties dienos balsas. Tada graudžiai verks net karžygiai!
15Maalintaasu waa maalin ay cadho jirto, oo waa maalin ay jiraan dhibaato iyo cidhiidhi, oo waa maalin ay jiraan dumin iyo baabbi'in, oo waa maalin ay jiraan gudcur iyo mugdi madow, oo waa maalin ay jiraan daruuro iyo gudcur dam ah,
15Ta diena­rūstybės diena, diena vargo ir suspaudimo, diena nelaimės ir sunaikinimo, diena tamsos ir sutemų, diena debesų ir miglos,
16oo waa maalin ay jiraan buun iyo qaylo dagaaleed oo ka gees ah magaalooyinka deyrka leh, iyo munaaradaha dhaadheer.
16diena trimito ir kovos šauksmo prieš sutvirtintus miestus ir aukštus bokštus.
17Dadka waxaan ku soo dejin doonaa cidhiidhi inay u socdaan sidii dad indha la', maxaa yeelay, Rabbigay ku dembaabeen, oo dhiiggoodu wuxuu u daadan doonaa sida boodh oo kale, hilibkooduna sida digo oo kale.Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.
17Aš varginsiu žmones, jie vaikščios kaip akli, nes nusidėjo Viešpačiui, jų kraujas bus pralietas kaip dulkės, jų kūnai bus išmesti kaip mėšlas”.
18Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.
18Nei sidabras, nei auksas neišgelbės jų Viešpaties rūstybės dieną, Jo pavydas lyg ugnis sunaikins visą kraštą ir jo gyventojus.