Somali

Maori

Psalms

83

1Ilaahow, shib ha odhan, Oo ha aamusin, afkana ha haysan, Ilaahow.
1¶ He waiata, he himene, na Ahapa. E te Atua, kei wahangu koe, kei whakarongo puku, kei ata noho, e te Atua.
2Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan, Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen.
2He mea hoki, tenei ou hoariri te ngangau nei, a kua ara nga matenga o te hunga e kino ana ki a koe.
3Dadkaagay xeelad ugu tashadaan, Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay.
3Kua ata ngarahu ratou ki tau iwi, e whakatakoto korero ana hoki ratou mo au mea huna.
4Waxay isku yidhaahdeen, Kaalaya, aan baabbi'innee, yaanay mar dambe quruun ahaanine. Si aan magaca Israa'iil dib loogu soo xusuusan.
4Kua mea nei ratou, Tena, tatou ka huna i a ratou, kia kore ai tena iwi; kia kaua ai hoki e maharatia te ingoa o Iharaira a muri ake nei.
5Waayo, iyagoo isku waafaqsan ayay ku arrinsadeen, Oo axdi kaa gees ah ayay isla dhigtaan,
5Kua kotahi to ratou ngakau i a ratou e runanga ana: kua whakatakoto ratou he tikanga kino ki a koe;
6Teendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil, Iyo reer Moo'aab iyo reer Hagariim,
6Ko nga teneti o Eroma, o nga Ihimaeri, o Moapa, o nga Hakarini;
7Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq, Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa,
7A Kepara, a Amona, a Amareke, nga Pirihitini, me nga tangata o Taira:
8Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen, Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud. (Selaah)
8Kua uru hoki a Ahiria ki roto ki a ratou; kua awhinatia e ratou nga tamariki a Rota. (Hera.
9Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon,
9¶ Peratia ratou me Miriana: me Hihera, me Iapini, i te awa i Kihona:
10Waxay ku halligmeen Ceyn Door, Oo waxay dhulka u noqdeen digo.
10I mate nei ki Eneroro, i waiho nei hei whakawairakau mo te whenua.
11Nimankooda gobta ah oo dhan waxaad ka dhigtaa sida Cooreeb iyo Se'eeb, Oo amiirradooda oo dhanna sida Sebah iyo Salmunnac,
11Kia rite o ratou rangatira ki a Orepe raua ko Teepe, ae, o ratou ariki katoa hoki ki a Tepa raua ko Taramuna;
12Kuwaas oo isyidhi, War aan iska qaadanno oo hantinno Ilaah degmooyinkiisa.
12Mo ratou i mea, Tatou ka tango i nga kainga o te Atua mo tatou.
13Ilaahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega, Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya,
13E toku Atua, meinga ratou kia rite ki te awhiowhio puehu, ki te papapa e puhia ana e te hau.
14Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,
14Kia rite ki te ahi e kai ana i te ngahere, ki te mura hoki e toro ai nga maunga;
15Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri, Hufadaadana ku cabsii.
15Kia pera te whai o tau awha i a ratou, tau whakaohorere hoki i a ratou ki tau paroro.
16Rabbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo, Si ay magacaaga u doondoonaan.
16Whakakiia o ratou kanohi ki te whakama: kia rapu ai ratou ki tou ingoa, e Ihowa.
17Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen, Ha wareereen, hana baabbe'een,Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.
17Kia whakama, kia ohorere ratou ake ake; ae, kia numinumi ratou, kia ngaro hoki.
18Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.
18Kia matau ai ratou, ko koe anake, ko Ihowa nei tou ingoa, te Runga Rawa i te whenua katoa.