1Kanu waa warka culus ee Moo'aab ku saabsan. Caartii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay; Qiirtii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay.
1Utsaga om Moab. Ja, med Ar-Moab är det ute den natt då det förstöres. Ja, med Kir-Moab är det ute den natt då det förstöres.
2Waxaa kor loogu baxay Bayid iyo Diboon oo meelaha sare ku yaal in lagu ooyo, reer Moo'aab waxay u baroortaan Neboo iyo Meedebaa, madaxyadooda oo dhan waa la xiiray oo gadh kastana waa la jaray.
2Habbait och Dibon stiga upp på offerhöjderna för att gråta; uppe i Nebo och Medeba jämrar sig Moab; alla huvuden där äro skalliga, alla skägg avskurna.
3Jidadkooda waxaa lagu guntadaa dhar joonyad ah, oo guryahooda dushooda iyo jidadkooda ayaa mid kastaaba ka baroortaa isagoo aad u ooyaya.
3På dess gator bär man sorgdräkt, så ock på dess tak; på dess torg jämra sig alla och flyta i tårar.
4Oo Xeshboon iyo Elecaaleehba way qayliyaan, oo codkoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Yahas, sidaas daraaddeed ragga hubka leh ee Moo'aab aad bay u qayliyaan, oo cabsi bay la gariiraan.
4Hesbon och Eleale höja klagorop, så att det höres ända till Jahas. Därför skria ock Moabs krigare; hans själ våndas i honom.
5Qalbigaygu wuxuu u ooyaa reer Moo'aab, kuwoodii qaxay waxay u cararaan tan iyo Socar iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, oohin bay la fuulaan jiirta Luxiid, oo jidka Xororayimna waxay kor ugu qaadaan qaylo baabba'eed.
5Mitt hjärta klagar över Moab, ty hans flyktingar fly ända till Soar, till Eglat-Selisia; uppför Halluhits höjd stiger man under gråt, och på vägen till Horonaim höjas klagorop över förstörelsen.
6Waayo, biyaha Nimriim baabba' bay noqon doonaan, cawskiina wuu engegay, biqilkiina wuu qallalay, oo wax cagaar ahna innaba lama arko.
6Nimrims vatten bliva torr ökenmark, gräset förtorkas, brodden vissnar, intet grönt lämnas kvar.
7Sidaas daraaddeed maalkii badnaa ee ay urursadeen iyo wixii ay kaydsadeenba waxay u qaadan doonaan durdurka geedaha safsaafka ah.
7Återstoden av sitt förvärv, sitt sparda gods, bär man därför nu bort över Pilträdsbäcken.
8Waayo, qayladii waxay gaadhay soohdimaha Moo'aab ku wareegsan, baroortoodii waxay gaadhay tan iyo Eglayim, oo baroortoodiina waxay gaadhay tan iyo Bi'ir Eelim.Biyaha Diimoon dhiig baa ka buuxa, weliba waxaan Diimoon ku keeni doonaa belaayo kale, kan Moo'aab ka baxsaday iyo kuwa dalka ku hadhayba libaax baan ku diri doonaa.
8Ja, klagoropen ljuda runtom i Moabs land; till Eglaim når dess jämmer och till Beer-Elim dess jämmer.
9Biyaha Diimoon dhiig baa ka buuxa, weliba waxaan Diimoon ku keeni doonaa belaayo kale, kan Moo'aab ka baxsaday iyo kuwa dalka ku hadhayba libaax baan ku diri doonaa.
9Dimons vatten äro fulla av blod. Ja, ännu något mer skall jag låta komma över Dimon; ett lejon över Moabs räddade, över det som bliver kvar av landet.