Somali

Svenska 1917

Isaiah

17

1Kanu waa warka culus ee Dimishaq ku saabsan. Bal eega, Dimishaq inay magaalo sii ahaato waa laga joojiyey, oo waxay ahaan doontaa tuulmooyin burbur ah.
1Utsaga om Damaskus. Se, Damaskus skall upphöra att vara en stad; det skall falla och bliva en stenhop.
2Magaalooyinkii Carooceer waa laga wada tegey. Waxay noqon doonaan meelo adhyuhu daaqaan oo ay iska fadhiistaan, oo ciduna ma didin doonto.
2Aroers städer varda övergivna; de bliva tillhåll för hjordar, som lägra sig där ostörda.
3Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Qalcaddu reer Efrayim way ka baabbi'i doontaa, oo boqortooyaduna Dimishaq way ka dhammaan doontaa, oo kuwa Suuriya ka hadhi doonaana waxay noqon doonaan sida sharaftii dadkii Israa'iil.
3Det är förbi med Efraims värn, med Damaskus' konungadöme och med kvarlevan av Aram. Det skall gå med dem såsom med Israels barns härlighet, säger HERREN Sebaot.
4Oo maalintaas sharafta reer Yacquub way daciifi doontaa, oo baruurta jidhkiisuna way macaluuli doontaa.
4Och det skall ske på den tiden att Jakobs härlighet vändes i armod, och att hans feta kropp bliver mager.
5Oo waxay noqon doontaa sida marka beeragooyuhu balka soo urursho oo gacantiisuna ay sabuullada soo gurato, oo waxay noqon doontaa sida mid sabuullo laga tegey ka guranaya dooxada Refaa'iim.
5Det går, såsom när skördemannen samlar ihop säden och med sin arm skördar axen; det går, såsom när man plockar ax i Refaims-dalen:
6Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weli canab xaabxaab ah ayaa ku hadhi doona, oo sida geed saytuun ah oo la ruxay ayaa laba ama saddex xabbadood ku hadhi doonaan laanta geedka ugu korraysa dhaladeeda, laamaha ugu shisheeya oo midhaha badanna waxaa ku hadhi doona afar ama shan xabbadood.
6en ringa efterskörd lämnas kvar där, såsom när man slår ned oliver, två eller tre bär lämnas kvar högst uppe i toppen, fyra eller fem på trädets kvistar, säger HERREN, Israels Gud.
7Oo maalintaas nin baa wuxuu fiirin doonaa Abuurihiisii, oo indhihiisuna waxay u jeedsan doonaan Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
7På den tiden skola människorna blicka upp till sin Skapare och deras ögon se upp till Israels Helige.
8Oo isagu ma uu fiirin doono meelaha allabariga ee uu gacmihiisa ku sameeyey, umana uu jeedsan doono wixii ay farihiisu sameeyeen, kuwaasoo ah geedaha Asheeraah, iyo sanamyada qorraxda.
8Människorna skola ej vända sin blick till de altaren som deras händer hava gjort; på sina fingrars verk skola de icke se, icke på Aserorna eller på solstoderna.
9Oo maalintaas magaalooyinkiisa xoogga badanu waxay noqon doonaan sida meelaha ay reer Xiwi iyo reer Amor kaga tageen reer binu Israa'iil hortood, oo waxaa jiri doona baabba'.
9På den tiden skola deras fasta städer bliva lika de övergivna fästen i skogarna och på bergstopparna, som övergåvos, när Israels barn drogo in; allt skall bliva ödelagt.
10Maxaa yeelay, waxaad illowday Ilaaha badbaadadaada, oo kamana aad fikirin Dhagaxa xoogga kuu ah, sidaas daraaddeed waxaad beertaa geedo wacan, waxaadna tallaashaa geedo qalaad oo canab ah.
10Ty du har förgätit din frälsnings Gud, och du tänker icke på din fasta klippa. Därför planterar du ljuvliga planteringar och sätter i dem främmande vinträd.
11Maalintii aad beerto ayaad xeraysaa, subaxdiina waxaad ubax ka keentaa abuurkaaga, laakiinse beergoosadku wuxuu carari doonaa maalin murug iyo caloolxumo badan.
11Och väl får du dem att växa högt samma dag du planterar dem, och morgonen därefter får du dina plantor att blomma, men skörden försvinner på hemsökelsens dag, då plågan bliver olidlig.
12Dadka faraha badanu aad bay u buuqayaan, oo waxay u hugmaan sida hugunka badda! Quruumuhu aad bay u bulxamayaan, oo waxay u guuxaan sidii guuxa biyo xoog badan!
12Hör, det brusar av många folk, det brusar, såsom havet brusar. Det dånar av folkslag, det dånar, såsom väldiga vatten dåna.
13Quruumuhu waxay u guuxi doonaan sida guuxa biyo faro badan, laakiinse wuu canaanan doonaa, oo meel fog bay u carari doonaan, oo waxaa loo eryi doonaa sida xaabka buuraha ee dabayshu kaxayso iyo sida boodh cirwareen ah.Bal eega, makhribkii cabsi baa jirta, oo aroortii ka horna ma jiraan. Taasu waa waxa ku dhaca kuwa na booba iyo qaybtii kuwa na dhaca.
13Ja, det dånar av folkslag, såsom stora vatten dåna. Men han näpser dem, och de fly bort i fjärran; de jagas bort såsom agnar för vinden, uppe på bergen, och såsom virvlande löv för stormen.
14Bal eega, makhribkii cabsi baa jirta, oo aroortii ka horna ma jiraan. Taasu waa waxa ku dhaca kuwa na booba iyo qaybtii kuwa na dhaca.
14När aftonen är inne, se, då kommer förskräckelsen, och förrän morgonen gryr, äro de sin kos. Detta bliver våra skövlares del, våra plundrares lott.