Somali

Svenska 1917

Jeremiah

25

1Kanu waa eraygii Yeremyaah u yimid oo ku saabsanaa dadka Yahuudah oo dhan, waxayna ahayd Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii afraad, taasoo ahayd sannaddii kowaad oo Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon.
1Detta är det ord som kom till Jeremia angående hela Juda folk, i Jojakims, Josias sons, Juda konungs, fjärde regeringsår, vilket var Nebukadressars, den babyloniske konungens, första regeringsår.
2Eraygaas Nebi Yeremyaah ayaa kula hadlay dadkii Yahuudah oo dhan iyo kuwii Yeruusaalem degganaa oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,
2Och detta ord talade profeten Jeremia till hela Juda folk och till alla Jerusalems invånare; han sade:
3Tan iyo sannaddii saddex iyo tobnaad oo Yoosiyaah ina Aamoon uu boqor ka ahaa dalka Yahuudah iyo ilaa maantadan la joogo, taasoo ah saddex iyo labaatan sannadood, waxaa ii imanayay Eraygii Rabbiga, oo aniguna waan idinla hadlay, anoo goor wanaagsan idinla hadlaya, laakiinse idinku innaba ma aydaan dhegaysan.
3Allt ifrån Josias, Amons sons, Juda konungs, trettonde regeringsår ända till denna dag, eller nu under tjugutre år, har HERRENS ord kommit till mig; men fastän jag titt och ofta har talat till eder, haven I icke velat höra.
4Oo Rabbiguna wuxuu idiin soo diray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan, isagoo goor wanaagsan diraya, laakiinse idinku innaba ma aydaan dhegaysan, oo marnaba dheg uma aydaan dhigin inaad maqashaan.
4Och fastän HERREN titt och ofta har sänt till eder alla sina tjänare profeterna, haven I icke velat höra. I böjden icke edra öron till att höra,
5Oo waxay yidhaahdeen, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa ha ka soo noqdo, oo sharka falimihiinnana ka noqda, oo waxaad iska dhex degganaataan dalkii Rabbigu idinka iyo awowayaashiinba weligiin iyo weligiinba idin siiyey.
5när de sade: »Vänden om, var och en från sin onda väg och sitt onda väsende, så skolen I för evärdliga tider få bo kvar i det land som HERREN har givit åt eder och edra fäder.
6Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo.
6Och följen icke efter andra gudar, så att I tjänen och tillbedjen dem; och förtörnen mig icke genom edra händers verk, på det att jag icke må låta olycka komma över eder.
7Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.
7I villen icke höra på mig, säger HERREN, och så förtörnaden I mig genom edra händers verk, eder själva till olycka.
8Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadaydii waad dhegaysan weydeen, oo sidaas daraaddeed, Rabbigu wuxuu leeyahay,
8Därför säger HERREN Sebaot så: Eftersom I icke villen höra mina ord,
9Bal ogaada, waxaan soo diri doonaa qolooyinka reer woqooyi oo dhan, iyo addoonkayga ah Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo iyagaan ku soo kicin doonaa dalkan, iyo dadka deggan, iyo quruumaha ku wareegsan oo dhan, oo kulligoodna waan wada baabbi'in doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa wax laga yaabo oo loogu foodhyo, iyo cidla weligeed ah.
9därför skall jag sända åstad och hämta alla nordens folkstammar, säger HERREN, och skall sända bud till min tjänare Nebukadressar, konungen i Babel; och jag skall låta dem komma över detta land och dess inbyggare, så ock över alla folken här runt omkring. Och dem skall jag giva till spillo, och skall göra dem till ett föremål för häpnad och begabberi, och låta deras land bliva ödemarker för evärdlig tid.
10Oo weliba waxaan iyaga ka baabbi'in doonaa codka rayraynta, iyo codka farxadda, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo sanqadha dhagaxshiidka, iyo iftiinka laambadda.
10Och jag skall i dem göra slut på fröjderop och glädjerop, på rop för brudgum och rop för brud, på buller av kvarn och ljus från lampa.
11Oo dalkan oo dhammuna wuxuu noqon doonaa cidla iyo wax laga yaabo, oo quruumahanuna toddobaatan sannadood ayay boqorka Baabuloon u adeegi doonaan.
11Ja, hela detta land skall bliva ödelagt och förött, och dessa folk skola vara Babels konung underdåniga i sjuttio år.
12Oo markay toddobaatanka sannadood dhammaadaan ayaan xumaantooda aawadeed u ciqaabi doonaa boqorka Baabuloon iyo quruuntaas, iyo dalka reer Kaldayiinba, oo waxaan ka dhigi doonaa meelo weligoodba cidla ah.
12Men när sjuttio år äro till ända skall jag hemsöka konungen i Babel och folket där för deras missgärning, säger HERREN, och hemsöka kaldéernas land och göra det till en ödemark för evärdlig tid.
13Oo waxaan dalkaas ku soo dayn doonaa erayadaydii aan kaga hadlay oo dhan, kuwaasoo ah waxa kitaabkan ku qoran oo dhan, oo ah wixii Yeremyaah quruumaha oo dhan ka sii sheegay.
13Och jag skall på det landet låta alla de ord fullbordas, som jag har talat mot det, allt vad som är skrivet i denna bok, och vad Jeremia har profeterat mot alla dessa folk.
14Waayo, iyagaba waxaa addoonsan doona quruumo badan iyo boqorro waaweyn, oo waxaan iyaga u abaal marin doonaa siday falimahoodu ahaayeen, iyo siday shuqullada gacmahoodu ahaayeen.
14Ty också dem skola mäktiga folk och stora konungar göra sig underdåniga, och jag skall vedergälla dem efter deras gärningar och deras händers verk.
15Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu igu leeyahay, Cadhadan koobkeeda khamriga gacantayda ka qaad, oo waxaad wada cabsiisaa quruumaha aan kuu dirayo oo dhan.
15Ty så sade HERREN, Israels Gud, till mig: »Tag denna kalk med vredesvin ur min hand, och giv alla de folk till vilka jag sänder dig att dricka därur.
16Oo iyana way cabbi doonaan, oo way iska dhacdhici doonaan, wayna la waalan doonaan seefta aan dhexdooda u soo dirayo daraaddeed.
16Må de dricka, så att de ragla och mista sansen, när det svärd kommer, som jag skall sända ibland dem.»
17Markaasaan koobkii gacantii Rabbiga ka qaaday, oo waxaan cabsiiyey quruumihii Rabbigu ii diray oo dhan, kuwaas oo ahaa
17Och jag tog kalken ur HERRENS hand och gav alla de folk att dricka, till vilka HERREN sände mig,
18Yeruusaalem, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, si aan iyaga uga dhigo cidla, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo inkaar, siday maantaba tahay,
18nämligen Jerusalem med Juda städer och med dess konungar och furstar, för att så göra dem till en ödemark, och till ett föremål för häpnad och begabberi, och till ett exempel som man nämner, när man förbannar, såsom ock nu har skett;
19iyo Fircoon oo ah boqorka Masar, iyo addoommadiisa, iyo amiirradiisa, iyo dadkiisa oo dhan,
19vidare Farao, konungen i Egypten, med hans tjänare, hans furstar och allt hans folk,
20iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo boqorrada dalka Cuus oo dhan, iyo boqorrada dalka reer Falastiin oo dhan, iyo Ashqeloon, iyo Gaasa, iyo Ceqroon, iyo kuwa Ashdood ka hadhay,
20så ock allt Erebs folk med alla konungar i Us' land och alla konungar i filistéernas land, både Askelon och Gasa och Ekron och kvarlevan i Asdod;
21iyo Edom, iyo Moo'aab, iyo reer Cammoon,
21vidare Edom, Moab och Ammons barn;
22iyo boqorrada Turos oo dhan, iyo boqorrada Siidoon oo dhan, iyo boqorrada gasiiradaha badda ka shisheeya,
22vidare alla konungar i Tyrus, alla konungar i Sidon och konungarna i kustländerna på andra sidan havet;
23iyo Dedaan, iyo Teemaa, iyo Buus, iyo inta timaha dhinacyada ka jarata oo dhan,
23vidare Dedan, Tema, Bus och alla dem som hava kantklippt hår;
24iyo boqorrada Carabiya oo dhan, iyo boqorrada dadka isku qasan oo lamadegaanka dhex deggan oo dhan,
24vidare alla konungar i Arabien och alla konungar över Erebs folk, som bo i öknen,
25iyo boqorrada Simrii oo dhan, iyo boqorrada Ceelaam oo dhan, iyo boqorrada reer Maaday oo dhan,
25så ock alla konungar i Simri, alla konungar i Elam och alla konungar i Medien,
26iyo boqorrada woqooyi oo dhan, ku fog iyo ku dhowba, kan iyo kaasba, iyo boqortooyooyinka dunida ee dhulka joogo oo dhan, oo iyaga dabadoodna waxaa cabbi doona boqorka Sheeshag.
26slutligen alla konungar i nordlandet -- både dem som bo nära och dem som bo fjärran, den ene såväl som den andre -- och alla övriga riken i världen, utöver jordens yta. Och Sesaks konung skall dricka efter dem.
27Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu idinku leeyahay, Cabba oo sakhraama, oo mantaga, oo dhaca, oo innaba mar dambe ha soo sara kicina, seefta aan dhexdiinna u soo diri doono daraaddeed.
27Och du skall säga till dem: Så säger HERREN Sebaot, Israels Gud: Dricken, så att I bliven druckna, och spyn, och fallen omkull utan att kunna stå upp; ja, fallen, när det svärd kommer, som jag skall sända bland eder. --
28Oo hadday diidaan inay koobka gacantaada ka qaataan oo ay cabbaan, markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu idinku leeyahay, Hubaal waad cabbi doontaan!
28Men om de icke vilja taga emot kalken ur din hand och dricka, så säg till dem: Så säger HERREN Sebaot: I måsten dricka.
29Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan bilaabayaa inaan masiibo ku soo dejiyo magaaladii laygu magacaabay, haddaba miyaan idinkana laydin wada ciqaabayn? Idinku ciqaabla'aan ku sii joogi maysaan, waayo, waxaan u yeedhayaa seef inay ku dhacdo dadka dhulka deggan oo dhan.
29Ty se, med den stad som är uppkallad efter mitt namn skall jag begynna hemsökelsen. Skullen då I bliva ostraffade? Nej, I skolen icke bliva ostraffade, utan jag skall båda upp ett svärd mot jordens alla inbyggare, säger HERREN Sebaot.
30Sidaas daraaddeed erayadan oo dhan iyaga kaga sii hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu xagga saruu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga soo hadli doonaa hoygiisa quduuska ah, oo wuxuu si weyn ugu qaylin doonaa xeradiisa, oo dadka dhulka deggan oo dhanna wuxuu ugu qaylin doonaa sida kuwa canabka ku tunta.
30Och du skall profetera för dem allt detta och säga till dem: HERREN upphäver ett rytande från höjden och från sin heliga boning låter han höra sin röst; ja, han upphäver ett högt rytande över sin ängd och höjer skördeskri, såsom en vintrampare, över alla jordens inbyggare.
31Rabbigu wuxuu leeyahay, Dhawaaq baa gaadhi doona tan iyo dhulka darafkiisa, maxaa yeelay, Rabbigu dacwad buu la leeyahay quruumaha, oo wuxuu la muddacayaa binu-aadmiga oo dhan, oo kuwa sharka ahna seef buu u gacangelin doonaa.
31Dånet höres intill jordens ända, ty HERREN har sak med folken, han går till rätta med allt kött; de ogudaktiga giver han till pris åt svärdet, säger HERREN.
32Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, masiibaa soo bixi doonta oo quruun bay quruun kale uga sii gudbi doontaa, oo duufaan weyn ayaa laga soo kicin doonaa dhulka darafyadiisa.
32Så säger HERREN Sebaot: Se, en olycka går fram ifrån det ena folket till det andra, och ett stort oväder stiger upp från jordens yttersta ända.
33Oo kuwa Rabbigu laaya waxay maalintaas oolli doonaan dhulka darafkiisan iyo darafkiisa kale inta ka dhex leh. Oo iyaga looma barooran doono, lamana soo ururin doono, lamana xabaali doono, oo waxay noqon doonaan sida digo dhulka ku kor daadsan.
33Och de som bliva slagna av HERREN på den tiden skola ligga strödda från jordens ena ända till den andra; man skall icke hålla dödsklagan efter dem eller samla dem tillhopa och begrava dem, utan de skola bliva gödsel på marken.
34Adhijirradow, ooya oo qayliya; kuwa adhiga madaxda u ahow, dambas ku galgasha, waayo, wakhtigii laydin gowraci lahaa waa yimid. Waan idin burburin doonaa, oo waxaad u dhici doontaan sida weel wanaagsan oo kale.
34Jämren eder, I herdar, och klagen; vältren eder på marken, I väldige i hjorden; ty tiden är inne, att I skolen slaktas. I skolen bliva förskingrade, I skolen komma på fall, såsom det händer jämväl ett dyrbart kärl.
35Oo adhijirradu meel ay ku cararaan ma ay heli doonaan, oo adhiga madaxdiisuna meel ay ku baxsadaan ma ay heli doonaan.
35Då finnes icke mer någon undflykt för herdarna, icke mer någon räddning för de väldige i hjorden.
36Oo waxaa la maqli doonaa codkii qaylada adhijirrada, iyo cidii adhiga madaxdiisa, waayo, Rabbigu wuxuu kala baabbi'iyey daaqsintoodii.
36Hör huru herdarna ropa, huru de väldige i hjorden jämra sig! Ty HERREN ödelägger deras betesmark,
37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.Wuxuu meeshiisii qarsoonayd uga soo baxay sidii libaax oo kale, waayo, dalkoodii cidla buu noqday, waana baabbi'iyaha cadhadiisa aawadeed iyo xanaaqiisa kulul aawadiis.
37och de fredliga ängderna förgöras genom HERRENS vredes glöd.
38Wuxuu meeshiisii qarsoonayd uga soo baxay sidii libaax oo kale, waayo, dalkoodii cidla buu noqday, waana baabbi'iyaha cadhadiisa aawadeed iyo xanaaqiisa kulul aawadiis.
38Han drager ut såsom ett lejon ur sitt snår. Ja, deras land bliver en ödemark under förhärjelsens glöd, under hans vredes glöd.