Somali

Svenska 1917

Psalms

112

1Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.
1Halleluja! Säll är den man som fruktar HERREN och har sin stora lust i hans bud.
2Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka, Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa.
2Hans efterkommande skola bliva väldiga på jorden; de redligas släkte skall varda välsignat.
3Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo, Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.
3Gods och rikedom skall finnas i hans hus, och hans rättfärdighet består evinnerligen.
4Kuwa qumman iftiin baa gudcurka uga soo baxa, Isagu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, waana xaq.
4För de redliga går han upp såsom ett ljus i mörkret, nådig och barmhärtig och rättfärdig.
5Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya, Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.
5Väl den som är barmhärtig och giver lån, den som stöder all sin sak på rätt!
6Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono, Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.
6Ty han skall icke vackla till evig tid; den rättfärdige skall vara i evig åminnelse.
7Isagu innaba kama cabsan doono war xun, Qalbigaa u fadhiya, oo wuxuu isku halleeyaa Rabbiga.
7För ont budskap fruktar han icke; hans hjärta är frimodigt, det förtröstar på HERREN.
8Qalbigaa u fadhiya, oo ma uu cabsan doono, Ilaa uu wuxuu doonayay ku arko cadaawayaashiisa.
8Hans hjärta är fast, det fruktar icke, till dess han får se med lust på sina ovänner.
9Wax buu kala qaybshay, oo wuxuu wax siiyey kuwii baahnaa, Xaqnimadiisuna way sii waartaa weligeedba, Geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa sharaf.Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa, Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa, Kuwa sharka leh doonistoodu way baabbi'i doontaa.
9Han utströr, han giver åt de fattiga, hans rättfärdighet förbliver evinnerligen; hans horn skall varda upphöjt med ära.
10Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa, Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa, Kuwa sharka leh doonistoodu way baabbi'i doontaa.
10Den ogudaktige skall se det och harmas; han skall bita sina tänder samman och täras bort. Vad de ogudaktiga önska bliver till intet.