1Ilaahayow, Boqorow, anigu waan ku sarraysiin doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
1En lovsång av David. Jag vill upphöja dig, min Gud, du konung, och lova ditt namn alltid och evinnerligen.
2Maalin kasta mahad baan kuu naqi doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
2Jag vill dagligen lova dig och prisa ditt namn alltid och evinnerligen.
3Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano, Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin.
3Stor är HERREN och högtlovad, ja, hans storhet är outrannsaklig.
4Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.
4Det ena släktet prisar för det andra dina verk, de förkunna dina väldiga gärningar.
5Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada, Iyo shuqulladaada yaabka badan.
5Ditt majestäts härlighet och ära vill jag begrunda och dina underfulla verk.
6Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan, Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.
6Man skall tala om dina fruktansvärda gärningars makt; dina storverk skall jag förtälja.
7Waxay ku hadli doonaan wanaaggaaga badan xusuustiisa, Xaqnimadaadana way ka gabyi doonaan.
7Man skall utbreda ryktet om din stora godhet och jubla över din rättfärdighet.
8Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.
8Nådig och barmhärtig är HERREN, långmodig och stor i mildhet.
9Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay, Naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.
9HERREN är god mot alla och förbarmar sig över alla sina verk.
10Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahad naqi doonaan, Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.
10Alla dina verk, HERRE, skola tacka dig, och dina fromma skola lova dig.
11Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada, Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,
11De skola tala om ditt rikes ära, och din makt skola de förkunna.
12Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn, Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.
12Så skola de kungöra för människors barn dina väldiga gärningar och ditt rikes ära och härlighet.
13Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah, Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.
13Ditt rike är ett rike för alla evigheter, och ditt herradöme varar från släkte till släkte.
14Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan, Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan.
14HERREN uppehåller alla dem som äro på väg att falla, och han upprättar alla nedböjda.
15Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan, Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.
15Allas ögon vänta efter dig, och du giver dem deras mat i rätt tid.
16Gacantaadaad furtaa, Oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.
16Du upplåter din hand och mättar allt levande med nåd.
17Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay, Oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.
17HERREN är rättfärdig i alla sina vägar och nådig i alla sina verk.
18Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan, Kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.
18HERREN är nära alla dem som åkalla honom, alla dem som åkalla honom uppriktigt.
19Kuwa isaga ka cabsada waxay doonayaanba wuu siin doonaa, Oo weliba qayladoodana wuu maqli doonaa, wuuna badbaadin doonaa iyaga.
19Han gör vad de gudfruktiga begära och hör deras rop och frälsar dem.
20Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa, Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaanta Rabbiga, Oo inta jidh leh oo dhammuna magiciisa quduuska ah ha ammaaneen weligood iyo weligoodba.
20HERREN bevarar alla dem som älska honom, men alla ogudaktiga skall han förgöra.
21Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaanta Rabbiga, Oo inta jidh leh oo dhammuna magiciisa quduuska ah ha ammaaneen weligood iyo weligoodba.
21Min mun skall uttala HERREN lov, och allt kött skall prisa hans heliga namn alltid och evinnerligen.