Somali

World English Bible

Proverbs

6

1Wiilkaygiiyow, haddaad deriskaaga dammiin u noqotid, Ama haddaad shisheeye gacanta dhaar ugu dhiibtid,
1My son, if you have become collateral for your neighbor, if you have struck your hands in pledge for a stranger;
2Markaas waxaa lagugu dabay erayada afkaaga, Oo waxaa lagugu qabtay erayada afkaaga.
2You are trapped by the words of your mouth. You are ensnared with the words of your mouth.
3Haddaba, wiilkaygiiyow, bal waxan samee oo isa samatabbixi, Waayo, gacantii deriskaagii waad gashay; U tag, oo is-hoosaysii, oo deriskaaga bari.
3Do this now, my son, and deliver yourself, since you have come into the hand of your neighbor. Go, humble yourself. Press your plea with your neighbor.
4Indhahaaga hurdo ha isugu keenin, Oo indhahaaga daboolkoodana lulo ha isugu qaban.
4Give no sleep to your eyes, nor slumber to your eyelids.
5Isu samatabbixi sida cawl gacanta ugaadhsadaha uga baxsato, Iyo sida shimbir gacanta shimbirdabaha uga baxsato.
5Free yourself, like a gazelle from the hand of the hunter, like a bird from the snare of the fowler.
6Kaaga caajiska ahow, bal qudhaanjada u tag, Oo bal jidadkeeda u fiirso oo caqli yeelo,
6Go to the ant, you sluggard. Consider her ways, and be wise;
7Iyadoo aan lahayn madaxweyne, Sirkaal iyo taliye toona,
7which having no chief, overseer, or ruler,
8Ayay guga cuntadeeda soo diyaarsataa, Oo quudkeedana waxay soo urursataa wakhtiga beeraha la goosto.
8provides her bread in the summer, and gathers her food in the harvest.
9Haddaba kaaga caajiska ahow, ilaa goormaad hurdaysaa? Goormaadse hurdadaada ka toosaysaa?
9How long will you sleep, sluggard? When will you arise out of your sleep?
10Weliba, in yar baad seexataa, in yar baad lulootaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo aawadeed u laabataa,
10A little sleep, a little slumber, a little folding of the hands to sleep:
11Hadda caydhinimadaadu waxay u iman doontaa sida mid dad dhaca, Oo baahidaaduna waxay u iman doontaa sida nin hub wata.
11so your poverty will come as a robber, and your scarcity as an armed man.
12Qofkii waxmatare ah, iyo ninkii sharrow ahuba, Wuxuu ku socdaa af qalloocan;
12A worthless person, a man of iniquity, is he who walks with a perverse mouth;
13Indhihiisuu ku baaqaa, oo cagihiisuu ku hadlaa, Oo faruhuu wax ku baraa;
13who winks with his eyes, who signals with his feet, who motions with his fingers;
14Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.
14in whose heart is perverseness, who devises evil continually, who always sows discord.
15Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa, Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
15Therefore his calamity will come suddenly. He will be broken suddenly, and that without remedy.
16Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay, Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa,
16There are six things which Yahweh hates; yes, seven which are an abomination to him:
17Waana indho kibir badan, carrab been sheega, Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,
17haughty eyes, a lying tongue, hands that shed innocent blood;
18Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega,
18a heart that devises wicked schemes, feet that are swift in running to mischief,
19Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.
19a false witness who utters lies, and he who sows discord among brothers.
20Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.
20My son, keep your father’s commandment, and don’t forsake your mother’s teaching.
21Had iyo goorba qalbiga ku sido, Oo qoortana ku xidho.
21Bind them continually on your heart. Tie them around your neck.
22Markaad socotid wuu ku hoggaamin doonaa, Oo markaad seexatidna wuu ku dhawri doonaa, Markaad toostidna wuu kula hadli doonaa.
22When you walk, it will lead you. When you sleep, it will watch over you. When you awake, it will talk with you.
23Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin, Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha,
23For the commandment is a lamp, and the law is light. Reproofs of instruction are the way of life,
24Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.
24to keep you from the immoral woman, from the flattery of the wayward wife’s tongue.
25Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.
25Don’t lust after her beauty in your heart, neither let her captivate you with her eyelids.
26Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.
26For a prostitute reduces you to a piece of bread. The adulteress hunts for your precious life.
27Miyuu nin laabta dab ku qaadi karaa, Iyadoo aan dharkiisu guban?
27Can a man scoop fire into his lap, and his clothes not be burned?
28Miyuu mid dhuxul kulul ku kor socon karaa, Iyadoo aan cagihiisu guban?
28Or can one walk on hot coals, and his feet not be scorched?
29Haddaba sidaas oo kaluu noqdaa kii naagta deriskiisa u tagaa, Oo ku alla kii iyada taabtaaba ma taqsiir la'aan doono.
29So is he who goes in to his neighbor’s wife. Whoever touches her will not be unpunished.
30Dadku tuug ma quudhsadaan hadduu wax xado Inuu naftiisa dhergiyo markuu gaajoodo,
30Men don’t despise a thief, if he steals to satisfy himself when he is hungry:
31Laakiinse haddii isaga la qabto waa inuu toddoba jibbaar u magdhabaa, Waa inuu ku bixiyaa waxa gurigiisa yaal oo dhan.
31but if he is found, he shall restore seven times. He shall give all the wealth of his house.
32Kii naag ka sinaystaa wuu caqli daranyahay, Oo kii sidaas yeelaa naftiisuu halligaa.
32He who commits adultery with a woman is void of understanding. He who does it destroys his own soul.
33Oo wuxuu heli doonaa dhaawacyo iyo sharafdarro; Oo ceebtiisana lama tirtiri doono innaba.
33He will get wounds and dishonor. His reproach will not be wiped away.
34Waayo, hinaaso waa nin cadhadiis. Maalinta aarsashadana isagu ma tudhi doono.Isagu innaba mag kaa qaadan maayo, oo sinaba kuula heshiin maayo, In kastoo aad hadiyado badan siisid.
34For jealousy arouses the fury of the husband. He won’t spare in the day of vengeance.
35Isagu innaba mag kaa qaadan maayo, oo sinaba kuula heshiin maayo, In kastoo aad hadiyado badan siisid.
35He won’t regard any ransom, neither will he rest content, though you give many gifts.