1Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.
1Shout for joy to Yahweh, all you lands!
2Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya.
2Serve Yahweh with gladness. Come before his presence with singing.
3Ogaada in Rabbigu Ilaah yahay, Waxaa ina sameeyey isaga, oo waxaynu nahay kuwiisii, Waxaynu nahay dadkiisii iyo idihii daaqsintiisa.
3Know that Yahweh, he is God. It is he who has made us, and we are his. We are his people, and the sheep of his pasture.
4Irdihiisa mahadnaqid la gala, Barxadihiisana ammaan. Isaga u mahad naqa, oo magiciisa ammaana.Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa, Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.
4Enter into his gates with thanksgiving, into his courts with praise. Give thanks to him, and bless his name.
5Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa, Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.
5For Yahweh is good. His loving kindness endures forever, his faithfulness to all generations.