1Haddaan Rabbigu inala jirin Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
1If it had not been Yahweh who was on our side, let Israel now say,
2Haddaan Rabbigu inala jirin, Markii dadku inagu kacay,
2if it had not been Yahweh who was on our side, when men rose up against us;
3Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen,
3then they would have swallowed us up alive, when their wrath was kindled against us;
4Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,
4then the waters would have overwhelmed us, the stream would have gone over our soul;
5Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.
5then the proud waters would have gone over our soul.
6Waxaa mahad leh Rabbiga Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.
6Blessed be Yahweh, who has not given us as a prey to their teeth.
7Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha, Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga Sameeyey samada iyo dhulkaba.
7Our soul has escaped like a bird out of the fowler’s snare. The snare is broken, and we have escaped.
8Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga Sameeyey samada iyo dhulkaba.
8Our help is in the name of Yahweh, who made heaven and earth.