Somali

World English Bible

Psalms

18

1Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.
1I love you, Yahweh, my strength.
2Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.
2Yahweh is my rock, my fortress, and my deliverer; my God, my rock, in whom I take refuge; my shield, and the horn of my salvation, my high tower.
3Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.
3I call on Yahweh, who is worthy to be praised; and I am saved from my enemies.
4Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.
4The cords of death surrounded me. The floods of ungodliness made me afraid.
5Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool, Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.
5The cords of Sheol were around me. The snares of death came on me.
6Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Oo waxaan u qayshaday Ilaahay, Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.
6In my distress I called on Yahweh, and cried to my God. He heard my voice out of his temple. My cry before him came into his ears.
7Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.
7Then the earth shook and trembled. The foundations also of the mountains quaked and were shaken, because he was angry.
8Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.
8Smoke went out of his nostrils. Consuming fire came out of his mouth. Coals were kindled by it.
9Oo weliba samooyinka wuu soo foorarshay, oo hoos buu u soo degay, Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.
9He bowed the heavens also, and came down. Thick darkness was under his feet.
10Oo wuxuu fuulay keruub, wuuna duulay, Haah, oo wuxuu si dheeraysa ugu duulay oo fuulay dabaysha baalasheeda.
10He rode on a cherub, and flew. Yes, he soared on the wings of the wind.
11Wuxuu gudcurka ka dhigtay meeshiisii dhuumashada, iyo taambuuggiisa hareerihiisa ku wareegsan, Iyo biyo gudcur ah, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.
11He made darkness his hiding place, his pavilion around him, darkness of waters, thick clouds of the skies.
12Nuurkii hortiisa yiil aawadiis ayay daruurihii qarada waaweynaa tageen, Roobkii dhagaxyada lahaa iyo dhuxulihii dabka ahaana way carareen.
12At the brightness before him his thick clouds passed, hailstones and coals of fire.
13Rabbiguna wuxuu ka onkoday samooyinka, Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii, Oo soo daayay roob dhagaxyaale iyo dhuxulo dab ah.
13Yahweh also thundered in the sky. The Most High uttered his voice: hailstones and coals of fire.
14Markaasuu fallaadhihiisii soo ganay oo kala firdhiyey iyagii, Haah, oo wuxuu u soo diray hillaac badan, wuuna baabbi'iyey iyagii.
14He sent out his arrows, and scattered them; Yes, great lightning bolts, and routed them.
15Rabbiyow, canaantaadii aawadeed iyo dulalka sankaaga neefta ka soo baxaysa aawadeed Ayaa durdurradii biyuhu la muuqdeen, Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
15Then the channels of waters appeared. The foundations of the world were laid bare at your rebuke, Yahweh, at the blast of the breath of your nostrils.
16Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday, Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.
16He sent from on high. He took me. He drew me out of many waters.
17Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba, waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.
17He delivered me from my strong enemy, from those who hated me; for they were too mighty for me.
18Waxay igu soo kediyeen maalintii aan belaayaysnaa, Laakiinse Rabbigu wuxuu ii ahaa tiir.
18They came on me in the day of my calamity, but Yahweh was my support.
19Oo weliba wuxuu i keenay meel ballaadhan, Wuu i soo samatabbixiyey, maxaa yeelay, wuu igu farxay.
19He brought me forth also into a large place. He delivered me, because he delighted in me.
20Rabbigu wuxuu iigu abaal guday sidii ay xaqnimadaydii ahayd, Oo sidii ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaal guday.
20Yahweh has rewarded me according to my righteousness. According to the cleanness of my hands has he recompensed me.
21Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga, Oo Ilaahayna si caasinimo ah ugama tegin.
21For I have kept the ways of Yahweh, and have not wickedly departed from my God.
22Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen, Oo qaynuunnadiisiina anigu iskama tuurin.
22For all his ordinances were before me. I didn’t put away his statutes from me.
23Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa, Oo waan iska dhawray xumaantaydii.
23I was also blameless with him. I kept myself from my iniquity.
24Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd, Iyo sidii nadiifsanaanta gacmahaygu ay ku ahayd indhihiisa hortooda.
24Therefore Yahweh has rewarded me according to my righteousness, according to the cleanness of my hands in his eyesight.
25Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa, Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.
25With the merciful you will show yourself merciful. With the perfect man, you will show yourself perfect.
26Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa, Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.
26With the pure, you will show yourself pure. With the crooked you will show yourself shrewd.
27Waayo, waxaad badbaadinaysaa dadka dhibaataysan, Laakiinse indhaha kibirsan waad soo dejinaysaa.
27For you will save the afflicted people, but the haughty eyes you will bring down.
28Waayo, waxaad daaraysaa laambaddayda, Rabbiga Ilaahayga ah ayaa gudcurkayga iftiiminaya.
28For you will light my lamp, Yahweh. My God will light up my darkness.
29Waayo, adaan col kuugu dhex ordaa, Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.
29For by you, I advance through a troop. By my God, I leap over a wall.
30Ilaah jidkiisu waa qumman yahay, Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey, Isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
30As for God, his way is perfect. The word of Yahweh is tried. He is a shield to all those who take refuge in him.
31Waayo, bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?
31For who is God, except Yahweh? Who is a rock, besides our God,
32Kaasoo ah Ilaaha ii guntiya xoog, Jidkaygana qummaatiya.
32the God who arms me with strength, and makes my way perfect?
33Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiya meelahayga sare.
33He makes my feet like deer’s feet, and sets me on my high places.
34Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka, Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
34He teaches my hands to war, so that my arms bend a bow of bronze.
35Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada, Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig, Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.
35You have also given me the shield of your salvation. Your right hand sustains me. Your gentleness has made me great.
36Adigu tallaabooyinkayga waxaad ku ballaadhisay hoostayda, Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.
36You have enlarged my steps under me, My feet have not slipped.
37Anigu waxaan eryan doonaa cadaawayaashayda, oo waan gaadhi doonaa, Oo jeeray wada baabba'aanna dib uga soo noqon maayo.
37I will pursue my enemies, and overtake them. Neither will I turn again until they are consumed.
38Waan wada layn doonaa si aanay mar dambe u awoodin inay kacaan, Oo cagahaygay ku soo hoos dhici doonaan.
38I will strike them through, so that they will not be able to rise. They shall fall under my feet.
39Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis, Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.
39For you have armed me with strength to the battle. You have subdued under me those who rose up against me.
40Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.
40You have also made my enemies turn their backs to me, that I might cut off those who hate me.
41Iyagu way qayshadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya, Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.
41They cried, but there was none to save; even to Yahweh, but he didn’t answer them.
42Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dabaysha hor kaca, Oo waxaan iyagii dibadda ugu tuuray sidii dhoobada jidadka taal oo kale.
42Then I beat them small as the dust before the wind. I cast them out as the mire of the streets.
43Waxaad iga samatabbixisay murankii dadka, Oo waxaad iga dhigtay quruumaha madaxdoodii, Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.
43You have delivered me from the strivings of the people. You have made me the head of the nations. A people whom I have not known shall serve me.
44Oo mar alla markii ay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan, Oo shisheeyayaashuna way isu kay dhiibi doonaan,
44As soon as they hear of me they shall obey me. The foreigners shall submit themselves to me.
45Shisheeyayaashu way libdhi doonaan, Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.
45The foreigners shall fade away, and shall come trembling out of their close places.
46Rabbigu waa nool yahay, oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn, Oo Ilaaha i badbaadiyeyna ha sarreeyo,
46Yahweh lives; and blessed be my rock. Exalted be the God of my salvation,
47Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura.
47even the God who executes vengeance for me, and subdues peoples under me.
48Isagu wuxuu iga badbaadiyaa cadaawayaashayda, Haah, oo adigu waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca, Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.
48He rescues me from my enemies. Yes, you lift me up above those who rise up against me. You deliver me from the violent man.
49Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahad naqi doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa, Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday, Kaasoo ah Daa'uud, iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.
49Therefore I will give thanks to you, Yahweh, among the nations, and will sing praises to your name.
50Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa, Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday, Kaasoo ah Daa'uud, iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.
50He gives great deliverance to his king, and shows loving kindness to his anointed, to David and to his seed, forevermore.