Somali

World English Bible

Psalms

23

1Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.
1Yahweh is my shepherd: I shall lack nothing.
2Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis, Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.
2He makes me lie down in green pastures. He leads me beside still waters.
3Naftayda wuu soo celiyaa. Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada.
3He restores my soul. He guides me in the paths of righteousness for his name’s sake.
4In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada, Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa, Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya.
4Even though I walk through the valley of the shadow of death, I will fear no evil, for you are with me. Your rod and your staff, they comfort me.
5Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.
5You prepare a table before me in the presence of my enemies. You anoint my head with oil. My cup runs over.
6Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.
6Surely goodness and loving kindness shall follow me all the days of my life, and I will dwell in Yahweh’s house forever.