Somali

World English Bible

Psalms

3

1Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa! Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.
1Yahweh, how my adversaries have increased! Many are those who rise up against me.
2Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh, Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah)
2Many there are who say of my soul, “There is no help for him in God .” Selah.
3Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan, Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.
3But you, Yahweh, are a shield around me, my glory, and the one who lifts up my head.
4Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa, Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)
4I cry to Yahweh with my voice, and he answers me out of his holy hill. Selah.
5Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday, Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.
5I laid myself down and slept. I awakened; for Yahweh sustains me.
6Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa, Oo gees kasta iga hareereeyey.
6I will not be afraid of tens of thousands of people who have set themselves against me on every side.
7Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow, Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka, Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.Badbaado waxaa leh Rabbiga, Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)
7Arise, Yahweh! Save me, my God! For you have struck all of my enemies on the cheek bone. You have broken the teeth of the wicked.
8Badbaado waxaa leh Rabbiga, Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)
8Salvation belongs to Yahweh. Your blessing be on your people. Selah.