1Ilaahow, magacaaga igu badbaadi, Oo xooggaaga iigu garsoor.
1Save me, God, by your name. Vindicate me in your might.
2Ilaahow, baryadayda maqal, Oo erayada afkayga dhegta u dhig,
2Hear my prayer, God. Listen to the words of my mouth.
3Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay, Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan, Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)
3For strangers have risen up against me. Violent men have sought after my soul. They haven’t set God before them. Selah.
4Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga, Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya.
4Behold, God is my helper. The Lord is the one who sustains my soul.
5Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda, Iyaga runtaada ku baabbi'i.
5He will repay the evil to my enemies. Destroy them in your truth.
6Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah, Rabbiyow, magacaaga waan ku mahad naqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay.Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan, Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.
6With a free will offering, I will sacrifice to you. I will give thanks to your name, Yahweh, for it is good.
7Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan, Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.
7For he has delivered me out of all trouble. My eye has seen triumph over my enemies.