Somali

World English Bible

Psalms

73

1Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil, Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.
1Surely God is good to Israel, to those who are pure in heart.
2Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay, Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.
2But as for me, my feet were almost gone. My steps had nearly slipped.
3Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn, Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.
3For I was envious of the arrogant, when I saw the prosperity of the wicked.
4Waayo, geeridoodu xanuun ma leh, Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.
4For there are no struggles in their death, but their strength is firm.
5Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale, Oo sida dadka kalena uma belaayaysna.
5They are free from burdens of men, neither are they plagued like other men.
6Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan, Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.
6Therefore pride is like a chain around their neck. Violence covers them like a garment.
7Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.
7Their eyes bulge with fat. Their minds pass the limits of conceit.
8Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.
8They scoff and speak with malice. In arrogance, they threaten oppression.
9Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka, Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.
9They have set their mouth in the heavens. Their tongue walks through the earth.
10Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan, Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.
10Therefore their people return to them, and they drink up waters of abundance.
11Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan? Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?
11They say, “How does God know? Is there knowledge in the Most High?”
12Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh, Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.
12Behold, these are the wicked. Being always at ease, they increase in riches.
13Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay, Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn,
13Surely in vain I have cleansed my heart, and washed my hands in innocence,
14Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.
14For all day long have I been plagued, and punished every morning.
15Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.
15If I had said, “I will speak thus”; behold, I would have betrayed the generation of your children.
16Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado, Aad bay iigu xanuun badnayd,
16When I tried to understand this, it was too painful for me;
17Ilaa aan galay meesha quduuska ah ee Ilaah, Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.
17Until I entered God’s sanctuary, and considered their latter end.
18Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah, Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.
18Surely you set them in slippery places. You throw them down to destruction.
19Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah! Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.
19How they are suddenly destroyed! They are completely swept away with terrors.
20Sayidow, sidii mid riyo ka toosay Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.
20As a dream when one wakes up, so, Lord, when you awake, you will despise their fantasies.
21Waayo, qalbigaygu wuu murugooday, Oo waxaa layga muday kelyaha,
21For my soul was grieved. I was embittered in my heart.
22Waxaan ahaa doqon iyo jaahil, Oo hortaada waxaan ku ahaa sidii xoolo oo kale.
22I was so senseless and ignorant. I was a brute beast before you.
23Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa, Oo waxaad i qabatay gacanta midig.
23Nevertheless, I am continually with you. You have held my right hand.
24Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada, Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.
24You will guide me with your counsel, and afterward receive me to glory.
25Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane? Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.
25Whom do I have in heaven? There is no one on earth whom I desire besides you.
26Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen, Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qaybtayda.
26My flesh and my heart fails, but God is the strength of my heart and my portion forever.
27Waayo, bal eeg, kuwa kaa fogu way halligmi doonaan, Oo waad wada baabbi'isay kuwii kaa caasiyoobay oo dhan.Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado, Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga, Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.
27For, behold, those who are far from you shall perish. You have destroyed all those who are unfaithful to you.
28Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado, Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga, Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.
28But it is good for me to come close to God. I have made the Lord Yahweh my refuge, that I may tell of all your works.