1Na maqal, Adhijirka reer binu Israa'iil jirow, Kaaga reer Yuusuf sida adhi u hor kacow, Kaaga Keruubiimta ku dul fadhiyow, soo iftiin.
1Hear us, Shepherd of Israel, you who lead Joseph like a flock, you who sit above the cherubim, shine forth.
2Reer Efrayim iyo reer Benyaamiin iyo reer Manaseh hortooda xooggaaga ku kici, Oo kaalay oo na badbaadi.
2Before Ephraim and Benjamin and Manasseh, stir up your might! Come to save us!
3Ilaahow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
3Turn us again, God. Cause your face to shine, and we will be saved.
4Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?
4Yahweh God of Armies, How long will you be angry against the prayer of your people?
5Waxaad ku quudisay kibistii ilmada, Oo ilmo aad u badanna ayaad cabsiisay.
5You have fed them with the bread of tears, and given them tears to drink in large measure.
6Waxaad nala dirirsiisay derisyadayada, Oo cadaawayaashayadiina way nagu qoslaan.
6You make us a source of contention to our neighbors. Our enemies laugh among themselves.
7Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
7Turn us again, God of Armies. Cause your face to shine, and we will be saved.
8Geed canab ah ayaad dalkii Masar ka keentay, Oo intaad quruumihii ka eriday ayaad meel ku beertay.
8You brought a vine out of Egypt. You drove out the nations, and planted it.
9Meel baad hortiisa ku diyaarisay, Oo wuxuu yeeshay xididdo dhaadheer, kolkaasuu dhulkii buuxiyey.
9You cleared the ground for it. It took deep root, and filled the land.
10Oo buurihii waxaa qariyey hooskiisii, Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah.
10The mountains were covered with its shadow. Its boughs were like God’s cedars.
11Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda, Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.
11It sent out its branches to the sea, Its shoots to the River.
12Bal maxaad deyrkiisii u dumisay Si ay kuwa jidka maraa oo dhammu u goostaan?
12Why have you broken down its walls, so that all those who pass by the way pluck it?
13Waxaa kharriba doofaarka kaynta, Oo waxaa iska daaqda ugaadha duurka.
13The boar out of the wood ravages it. The wild animals of the field feed on it.
14Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo, Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,
14Turn again, we beg you, God of Armies. Look down from heaven, and see, and visit this vine,
15Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay, Iyo laantii aad adkaysatay.
15the stock which your right hand planted, the branch that you made strong for yourself.
16Dab baa lagu gubay, oo waa la gooyay, Oo waxay ku halligmeen canaantii jaahaaga.
16It’s burned with fire. It’s cut down. They perish at your rebuke.
17Gacantaadu ha kor saarnaato ninka gacantaada midig jooga, Iyo binu-aadmigii aad nafsaddaada u xoogaysatay.
17Let your hand be on the man of your right hand, on the son of man whom you made strong for yourself.
18Markaas dib kaaga noqon mayno, Na noolee, oo markaasaannu magacaaga ku baryootamaynaa.Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
18So we will not turn away from you. Revive us, and we will call on your name.
19Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
19Turn us again, Yahweh God of Armies. Cause your face to shine, and we will be saved.