Somali

World English Bible

Psalms

88

1Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow, Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,
1Yahweh, the God of my salvation, I have cried day and night before you.
2Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo qayladayda dhegta u dhig,
2Let my prayer enter into your presence. Turn your ear to my cry.
3Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin, Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool.
3For my soul is full of troubles. My life draws near to Sheol .
4Waxaa laygu tiiriyey kuwa hoos ugu dhaadhaca yaamayska, Oo waxaan ahay sida nin aan xoog lahayn,
4I am counted among those who go down into the pit. I am like a man who has no help,
5Oo meydadka lagu dhex tuuray, Sida kuwa la laayay oo xabaalaha yaal, Oo aanad mar dambe soo xusuusnayn, Kuwaas oo ah kuwa gacantaada ka go'ay.
5set apart among the dead, like the slain who lie in the grave, whom you remember no more. They are cut off from your hand.
6Waxaad igu ridday yaamayska ugu hooseeya, Iyo gudcurka, iyo meelaha dhaadheer.
6You have laid me in the lowest pit, in the darkest depths.
7Cadhadaadii baa igu soo degtay, Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah)
7Your wrath lies heavily on me. You have afflicted me with all your waves. Selah.
8Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay, Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda. Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.
8You have taken my friends from me. You have made me an abomination to them. I am confined, and I can’t escape.
9Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed, Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay, Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.
9My eyes are dim from grief. I have called on you daily, Yahweh. I have spread out my hands to you.
10Ma yaabab baad tusaysaa meydadka? Kuwii dhintay miyey soo sara kacayaan oo ku ammaanayaan? (Selaah)
10Do you show wonders to the dead? Do the dead rise up and praise you? Selah.
11Raxmaddaada miyaa qabriga lagu sheegayaa? Aaminnimadaadana miyaa halligaadda laga dhex sheegayaa?
11Is your loving kindness declared in the grave? Or your faithfulness in Destruction?
12Yaababkaaga miyaa gudcurka lagu ogaanayaa? Xaqnimadaadana ma waxaa lagu ogaanayaa dalka illoobidda?
12Are your wonders made known in the dark? Or your righteousness in the land of forgetfulness?
13Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.
13But to you, Yahweh, I have cried. In the morning, my prayer comes before you.
14Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa? Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?
14Yahweh, why do you reject my soul? Why do you hide your face from me?
15Waan dhibaataysnaa oo waxaan ku dhowaa inaan dhinto tan iyo yaraantaydiiba, Intaad cabsidaada igu riddayna waan caataysnaa.
15I am afflicted and ready to die from my youth up. While I suffer your terrors, I am distracted.
16Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.
16Your fierce wrath has gone over me. Your terrors have cut me off.
17Maalintii oo dhan waxay hareerahayga ugu wareegsanaayeen sidii biyo oo kale, Dhammaantood way i wada hareereeyeen.Kii i jeclaa iyo saaxiibkayba waad iga fogaysay, Oo kuwii aan iqiinna gudcur baad iga gelisay.
17They came around me like water all day long. They completely engulfed me.
18Kii i jeclaa iyo saaxiibkayba waad iga fogaysay, Oo kuwii aan iqiinna gudcur baad iga gelisay.
18You have put lover and friend far from me, and my friends into darkness.