Syriac: NT

Somali

1 Corinthians

8

1ܥܠ ܕܒܚܐ ܕܝܢ ܕܦܬܟܪܐ ܝܕܥܝܢܢ ܕܒܟܠܢ ܐܝܬ ܝܕܥܬܐ ܘܝܕܥܬܐ ܡܚܬܪܐ ܚܘܒܐ ܕܝܢ ܒܢܐ ܀
1Xagga waxyaalaha sanamyada loo sadqeeyo, waxaynu garanaynaa inaynu dhammaan aqoon u wada leennahay. Aqoontu way kibrisaa, jacaylkuse wax buu dhisaa.
2ܐܢ ܐܢܫ ܕܝܢ ܤܒܪ ܕܝܕܥ ܡܕܡ ܠܐ ܥܕܟܝܠ ܡܕܡ ܝܕܥ ܐܝܟ ܡܐ ܕܘܠܐ ܠܗ ܠܡܕܥ ܀
2Qof uuni hadduu u malaynayo inuu wax garanayo, weli garan maayo siduu u garan lahaa.
3ܐܢ ܐܢܫ ܕܝܢ ܡܚܒ ܠܐܠܗܐ ܗܢܐ ܐܬܝܕܥ ܡܢܗ ܀
3Laakiin qof uuni hadduu Ilaah jecel yahay, Ilaah baa garanaya isaga.
4ܥܠ ܡܐܟܘܠܬܐ ܗܟܝܠ ܕܕܒܚܐ ܕܦܬܟܪܐ ܝܕܥܝܢܢ ܕܠܐ ܗܘܐ ܡܕܡ ܗܘ ܦܬܟܪܐ ܒܥܠܡܐ ܘܕܠܝܬ ܐܠܗ ܐܚܪܝܢ ܐܠܐ ܐܢ ܚܕ ܀
4Haddaba xagga cunidda waxyaalaha sanamyada loo sadqeeyo, waxaynu garanaynaa inuusan sanam waxba dunida ka ahayn oo aan Ilaah jirin mid mooyaane.
5ܐܦܢ ܓܝܪ ܐܝܬ ܕܡܬܩܪܝܢ ܐܠܗܐ ܐܘ ܒܫܡܝܐ ܐܘ ܒܐܪܥܐ ܐܝܟܢܐ ܕܐܝܬ ܐܠܗܐ ܤܓܝܐܐ ܘܡܪܘܬܐ ܤܓܝܐܐ ܀
5Waayo, in kastoo ay samada iyo dhulkaba jiraan wax ilaahyo lagu sheego, sidii iyadoo ilaahyo badan iyo sayidyo badni jiraan,
6ܐܠܐ ܠܢ ܕܝܠܢ ܚܕ ܗܘ ܐܠܗܐ ܐܒܐ ܕܟܠ ܡܢܗ ܘܚܢܢ ܒܗ ܘܚܕ ܡܪܝܐ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܕܟܠ ܒܐܝܕܗ ܘܐܦ ܚܢܢ ܒܐܝܕܗ ܀
6laakiin innagu waxaynu leennahay Ilaah keliya oo Aabbaha ah, kan wax waluba ka yimaadaan oo innagana isagaa ina leh, iyo Sayid keliya oo Ciise Masiix ah, kan wax waluba ku ahaadeen oo innaguna isagaynu ku ahaannay.
7ܐܠܐ ܠܐ ܗܘܐ ܒܟܠܢܫ ܝܕܥܬܐ ܐܝܬ ܓܝܪ ܐܢܫܐ ܕܒܬܐܪܬܗܘܢ ܥܕܡܐ ܠܗܫܐ ܕܥܠ ܦܬܟܪܐ ܐܝܟ ܕܕܒܝܚܐ ܐܟܠܝܢ ܘܡܛܠ ܕܟܪܝܗܐ ܬܐܪܬܗܘܢ ܡܬܛܘܫܐ ܀
7Laakiin dad oo dhammu aqoontaas ma wada laha, laakiin qaar sanamka tan iyo hadda u bartay, waxay u qabaan waxay cunaan sidii wax sanam loo sadqeeyo, qalbigooda itaalka daranina wuu nijaasoobay.
8ܡܐܟܘܠܬܐ ܕܝܢ ܠܐ ܡܩܪܒܐ ܠܢ ܠܐܠܗܐ ܠܐ ܓܝܪ ܐܢ ܐܟܠܝܢܢ ܡܬܝܬܪܝܢܢ ܘܠܐ ܐܢ ܠܐ ܢܐܟܘܠ ܡܬܒܨܪܝܢܢ ܀
8Cuntadu ina hor joojin mayso Ilaah. Haddaynan cunin waxba inagama dhacaan, haddaynu cunnona waxba inooma kordhaan.
9ܚܙܘ ܕܝܢ ܕܠܡܐ ܫܘܠܛܢܟܘܢ ܗܢܐ ܢܗܘܐ ܬܘܩܠܬܐ ܠܟܪܝܗܐ ܀
9Laakiin iska dhawra si aan ikhtiyaarkiinnu wax lagu turunturoodo ugu noqon kuwa itaalka daran.
10ܐܢ ܐܢܫ ܓܝܪ ܢܚܙܝܟ ܠܟ ܕܐܝܬ ܒܟ ܝܕܥܬܐ ܕܤܡܝܟ ܐܢܬ ܒܝܬ ܦܬܟܪܐ ܠܐ ܗܐ ܬܐܪܬܗ ܡܛܠ ܕܟܪܝܗ ܗܘ ܡܫܬܪܪܐ ܠܡܐܟܠ ܕܕܒܝܚܐ ܀
10Haddii qof ku arko adigoo aqoonta leh oo cunto ugu fadhiya meeshii sanamyada, hadduu qalbiga ka itaal daranyahay, qalbigiisu miyaanu ku adkaanaynin inuu cuno waxa sanamyada loo sadqeeyo?
11ܘܐܒܕ ܠܗ ܒܝܕܥܬܟ ܕܝܠܟ ܗܘ ܐܝܢܐ ܕܡܪܥ ܕܡܛܠܬܗ ܡܝܬ ܡܫܝܚܐ ܀
11Waayo, waxaa aqoontaada aawadeed lumaya ka itaalka daran oo ah walaalkaagii uu Masiixu aawadiis u dhintay.
12ܘܐܢ ܗܟܢܐ ܡܤܟܠܝܢ ܐܢܬܘܢ ܒܐܚܝܟܘܢ ܘܡܩܦܚܝܢ ܐܢܬܘܢ ܬܐܪܬܗܘܢ ܡܪܥܬܐ ܒܡܫܝܚܐ ܗܘ ܡܤܟܠܝܢ ܐܢܬܘܢ ܀
12Markaad walaalaha sidaas ugu dembaabtaan oo aad qalbigooda itaalka daran u xumaysaan, waxaad ku dembaabtaan Masiix.Taa aawadeed haddii cunto walaalkay xumayso, hilib weligay ma cuni doono si aanan walaalkay u xumayn.
13ܡܛܠ ܗܢܐ ܐܢ ܡܐܟܘܠܬܐ ܡܟܫܠܐ ܠܐܚܝ ܠܥܠܡ ܒܤܪܐ ܠܐ ܐܟܘܠ ܕܠܐ ܐܟܫܠ ܠܐܚܝ ܀
13Taa aawadeed haddii cunto walaalkay xumayso, hilib weligay ma cuni doono si aanan walaalkay u xumayn.