1ܚܒܝܒܝ ܠܐ ܠܟܠ ܪܘܚܝܢ ܬܗܝܡܢܘܢ ܐܠܐ ܗܘܝܬܘܢ ܦܪܫܝܢ ܪܘܚܐ ܐܢ ܡܢ ܐܠܗܐ ܐܝܬܝܗܝܢ ܡܛܠ ܕܤܓܝܐܐ ܢܒܝܐ ܕܓܠܐ ܢܦܩܘ ܒܗ ܒܥܠܡܐ ܀
1Gacaliyayaalow, ha rumaysanina ruux walba, laakiin ruuxyada tijaabiya si aad u hubsataan inay kuwa Ilaah yihiin; waayo, nebiyo badan oo been ah ayaa u soo baxay dunida.
2ܒܗܕܐ ܡܬܝܕܥܐ ܪܘܚܗ ܕܐܠܗܐ ܟܠ ܪܘܚܐ ܕܡܘܕܝܢ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܐܬܐ ܒܒܤܪ ܡܢ ܐܠܗܐ ܗܝ ܀
2Taasaad ku garanaysaan Ruuxa Ilaah; ruux walba oo qirta in Ciise Masiix jidh ku yimid, waa ku Ilaah.
3ܘܟܠ ܪܘܚܐ ܕܠܐ ܡܘܕܝܐ ܕܝܫܘܥ ܐܬܐ ܒܒܤܪ ܠܝܬܝܗ ܡܢ ܐܠܗܐ ܐܠܐ ܗܕܐ ܡܢ ܡܫܝܚܐ ܗܝ ܕܓܠܐ ܗܘ ܕܫܡܥܬܘܢ ܕܐܬܐ ܘܗܫܐ ܒܥܠܡܐ ܐܝܬܘܗܝ ܡܢ ܟܕܘ ܀
3Oo ruux walba oo aan qiran Ciise Masiix ku Ilaah ma aha; oo kanuna waa ruuxa kan Masiixa ka geesta ah oo aad maqasheen inuu imanayo, imminkana duniduu ku jiraa.
4ܐܢܬܘܢ ܕܝܢ ܡܢ ܐܠܗܐ ܐܝܬܝܟܘܢ ܒܢܝܐ ܘܙܟܝܬܘܢ ܐܢܘܢ ܡܛܠ ܕܪܒ ܗܘ ܕܒܟܘܢ ܡܢ ܗܘ ܕܒܥܠܡܐ ܀
4Carruurtiiyey, kuwa Ilaah baad tihiin, oo iyagaad ka adkaateen; maxaa yeelay, Ka idinku jira ayaa ka weyn ka dunida ku jira.
5ܘܗܠܝܢ ܡܢ ܥܠܡܐ ܐܢܘܢ ܡܛܠ ܗܢܐ ܡܢ ܥܠܡܐ ܡܡܠܠܝܢ ܘܥܠܡܐ ܠܗܘܢ ܫܡܥ ܀
5Iyagu waa kuwa dunida; oo taas aawadeed waxay ka hadlaan waxa dunida, oo duniduna way maqashaa.
6ܚܢܢ ܕܝܢ ܡܢ ܐܠܗܐ ܚܢܢ ܘܗܘ ܕܝܕܥ ܠܐܠܗܐ ܫܡܥ ܠܢ ܘܗܘ ܕܠܐ ܐܝܬܘܗܝ ܡܢ ܐܠܗܐ ܠܐ ܫܡܥ ܠܢ ܒܗ ܒܗܕܐ ܡܤܬܟܠܝܢܢ ܠܪܘܚܐ ܕܫܪܪܐ ܘܠܪܘܚܐ ܕܡܛܥܝܢܘܬܐ ܀
6Innaguna kuwa Ilaah baynu nahay; ka Ilaah yaqaan waa ina maqlaa; oo ka aan kan Ilaah ahaynna inama maqlo. Taasaynu ku garanaynaa ruuxa runta ah iyo ruuxa qaladka ah.
7ܚܒܝܒܝ ܢܚܒ ܚܕ ܠܚܕ ܡܛܠ ܕܚܘܒܐ ܡܢ ܐܠܗܐ ܗܘ ܘܟܠ ܡܢ ܕܡܚܒ ܡܢ ܐܠܗܐ ܝܠܝܕ ܘܝܕܥ ܠܐܠܗܐ ܀
7Gacaliyayaalow, aynu isjeclaanno; waayo, Ilaah baa leh jacaylka; oo mid walba oo jecel, wuxuu ka dhashay Ilaah, Ilaah buuna yaqaan.
8ܡܛܠ ܕܐܠܗܐ ܚܘܒܐ ܗܘ ܘܟܠ ܕܠܐ ܡܚܒ ܠܐ ܝܕܥ ܠܐܠܗܐ ܀
8Oo ka aan jeclaynina Ilaah ma yaqaan; waayo, Ilaah waa jacayl.
9ܒܗܕܐ ܐܬܝܕܥ ܚܘܒܗ ܕܐܠܗܐ ܕܠܘܬܢ ܕܠܒܪܗ ܝܚܝܕܝܐ ܫܕܪ ܐܠܗܐ ܠܥܠܡܐ ܕܢܚܐ ܒܐܝܕܗ ܀
9Ilaah baa Wiilkiisa keliya oo dhashay dunida u soo diray si aynu ugu noolaanno isaga, oo taasaa jacaylka Ilaah laynoogu muujiyey.
10ܒܗܢܐ ܐܝܬܘܗܝ ܚܘܒܐ ܠܐ ܗܘܐ ܕܚܢܢ ܐܚܒܢ ܠܐܠܗܐ ܐܠܐ ܗܘ ܐܚܒܢ ܘܫܕܪ ܠܒܪܗ ܚܘܤܝܐ ܥܠ ܐܦܝ ܚܛܗܝܢ ܀
10Oo taas jacayl baa ku jira, mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse isagaa ina jeclaaday, oo wuxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaaraggudka dembiyadeenna u noqdo.
11ܚܒܝܒܝ ܐܢ ܗܟܢܐ ܐܚܒܢ ܐܠܗܐ ܐܦ ܚܢܢ ܚܝܒܝܢܢ ܚܕ ܠܚܕ ܠܡܚܒܘ ܀
11Gacaliyayaalow, haddii Ilaah sidaa inoo jeclaaday, waa inaynu isjeclaanno.
12ܠܐܠܗܐ ܡܡܬܘܡ ܐܢܫ ܠܐ ܚܙܝܗܝ ܐܢ ܕܝܢ ܢܚܒ ܚܕ ܠܚܕ ܐܠܗܐ ܒܢ ܡܩܘܐ ܘܚܘܒܗ ܡܫܬܡܠܐ ܒܢ ܀
12Cidina Ilaah ma arkin marnaba. Haddii aynu isjeclaanno, Ilaah wuu inagu jiraa, oo jacaylkiisu wuu inagu dhan yahay.
13ܘܒܗܕܐ ܝܕܥܝܢܢ ܕܒܗ ܡܩܘܝܢܢ ܘܗܘ ܡܩܘܐ ܒܢ ܕܡܢ ܪܘܚܗ ܝܗܒ ܠܢ ܀
13Ruuxiisuu ina siiyey oo taasaynu ku garanaynaa inaynu ku sii jirno isaga, isaguna inagu sii jiro.
14ܘܚܢܢ ܚܙܝܢ ܘܡܤܗܕܝܢܢ ܕܐܒܐ ܫܕܪ ܠܒܪܗ ܦܪܘܩܐ ܠܥܠܡܐ ܀
14Innagu waynu aragnay oo waxaynu markhaati u furaynaa in Aabbuhu Wiilka soo diray si uu Badbaadiyaha dunida u noqdo.
15ܟܠ ܕܡܘܕܐ ܒܝܫܘܥ ܕܗܘܝܘ ܒܪܗ ܕܐܠܗܐ ܐܠܗܐ ܒܗ ܡܩܘܐ ܘܗܘ ܡܩܘܐ ܒܐܠܗܐ ܀
15Ku alla kii qirta inuu Ciise yahay Wiilka Ilaah, Ilaah baa ku sii jira isaga, isaguna wuu ku sii jiraa Ilaah.
16ܘܚܢܢ ܗܝܡܢܢ ܘܝܕܥܢ ܚܘܒܐ ܕܐܝܬ ܠܗ ܠܐܠܗܐ ܨܐܕܝܢ ܐܠܗܐ ܓܝܪ ܚܘܒܐ ܗܘ ܘܟܠ ܕܡܩܘܐ ܒܚܘܒܐ ܒܐܠܗܐ ܡܩܘܐ ܀
16Oo innaguna waan garanaynaa oo waan rumaysan nahay jacaylka Ilaah inoo qabo. Ilaah waa jacayl; oo kii ku sii jiraa jacaylka, Ilaah buu ku sii jiraa, Ilaahna isaguu ku sii jiraa.
17ܘܒܗܕܐ ܡܫܬܠܡ ܚܘܒܗ ܥܡܢ ܕܓܠܝܘܬ ܐܦܐ ܬܗܘܐ ܠܢ ܒܝܘܡܐ ܕܕܝܢܐ ܡܛܠ ܕܐܝܟ ܕܗܘܐ ܗܘ ܗܟܢܐ ܐܦ ܚܢܢ ܐܝܬܝܢ ܒܗܢܐ ܥܠܡܐ ܀
17Taasaa jacaylku kaamil inoogu noqday si aynu kalsoonaan u lahaanno maalinta xisaabta; maxaa yeelay, siduu isagu yahay ayaynu innaguna dunidan ku nahay.
18ܕܚܠܬܐ ܒܚܘܒܐ ܠܝܬ ܐܠܐ ܚܘܒܐ ܡܫܡܠܝܐ ܠܒܪ ܫܕܐ ܠܗ ܠܕܚܠܬܐ ܡܛܠ ܕܕܚܠܬܐ ܒܩܢܛܐ ܐܝܬܝܗ ܗܘ ܕܝܢ ܕܕܚܠ ܠܐ ܡܫܡܠܝ ܒܚܘܒܐ ܀
18Jacaylku baqdin ma leh, laakiin jacaylka kaamilka ahi baqdinta dibadduu u saaraa, waayo, baqdintu ciqaab bay leedahay. Oo kii baqaana kaamil kuma noqdo jacaylka.
19ܚܢܢ ܗܟܝܠ ܢܚܒ ܠܐܠܗܐ ܡܛܠ ܕܗܘ ܩܕܡܝܬ ܐܚܒܢ ܀
19Waynu jecel nahay isaga, waayo, isagaa hore inoo jeclaaday.
20ܐܢ ܕܝܢ ܐܢܫ ܢܐܡܪ ܕܡܚܒ ܐܢܐ ܠܐܠܗܐ ܘܠܐܚܘܗܝ ܤܢܐ ܕܓܠܐ ܗܘ ܗܘ ܓܝܪ ܕܠܐܚܘܗܝ ܕܡܬܚܙܐ ܠܐ ܡܚܒ ܠܐܠܗܐ ܗܘ ܕܠܐ ܡܬܚܙܐ ܐܝܟܢܐ ܡܫܟܚ ܕܢܚܒ ܀
20Haddii qof yidhaahdo, Ilaah waan jeclahay, oo uu walaalkiis neceb yahay, waa beenaaleh, maxaa yeelay, kan aan jeclayn walaalkii uu arko sidee buu u jeclaan karaa Ilaaha uusan arag?Oo waxaynu isaga ka haysannaa qaynuunkan, kaas oo ah, Kii Ilaah jecel, walaalkiina ha jeclaado.
21ܘܗܢܐ ܦܘܩܕܢܐ ܩܒܠܢ ܡܢܗ ܕܟܠ ܕܡܚܒ ܠܐܠܗܐ ܢܚܒ ܐܦ ܠܐܚܘܗܝ ܀
21Oo waxaynu isaga ka haysannaa qaynuunkan, kaas oo ah, Kii Ilaah jecel, walaalkiina ha jeclaado.