1ܦܘܠܘܤ ܫܠܝܚܐ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܒܦܘܩܕܢܐ ܕܐܠܗܐ ܡܚܝܢܢ ܘܕܡܫܝܚܐ ܝܫܘܥ ܤܒܪܢ ܀
1Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah amarka Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo Ciise Masiix oo rajadeenna ah,
2ܠܛܝܡܬܐܘܤ ܒܪܐ ܫܪܝܪܐ ܒܗܝܡܢܘܬܐ ܛܝܒܘܬܐ ܘܪܚܡܐ ܘܫܠܡܐ ܡܢ ܐܠܗܐ ܐܒܘܢ ܘܡܫܝܚܐ ܝܫܘܥ ܡܪܢ ܀
2waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo xagga iimaanka ku ah wiilkayga runta ah. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.
3ܒܥܝܬ ܗܘܝܬ ܡܢܟ ܟܕ ܐܙܠ ܐܢܐ ܠܡܩܕܘܢܝܐ ܕܬܩܘܐ ܒܐܦܤܘܤ ܘܬܦܩܕ ܠܐܢܫ ܐܢܫ ܕܠܐ ܢܠܦܘܢ ܝܘܠܦܢܐ ܡܫܚܠܦܐ ܀
3Sidaan kugu waaniyey markaan Makedoniya tegayay ayaan haatanna kugu waaninayaa inaad Efesos sii joogtid oo aad kuwo ku amartid inayan cilmi kale dadka barin,
4ܘܠܐ ܢܬܪܡܘܢ ܠܫܘܥܝܬܐ ܘܠܬܫܥܝܬܐ ܕܫܪܒܬܐ ܕܤܟܐ ܠܝܬ ܠܗܘܢ ܗܠܝܢ ܕܚܪܝܢܐ ܗܘ ܥܒܕܢ ܝܬܝܪܐܝܬ ܘܠܐ ܒܢܝܢܐ ܒܗܝܡܢܘܬܐ ܕܐܠܗܐ ܀
4ama ayan dhegaysanin sheekooyin iyo abtirsiinyada aan dhammaadka lahayn oo keena su'aalo intay hor marin lahaayeen talada Ilaah oo rumaysadka ku jirta.
5ܤܟܗ ܕܝܢ ܕܦܘܩܕܢܐ ܐܝܬܘܗܝ ܚܘܒܐ ܕܡܢ ܠܒܐ ܕܟܝܐ ܘܡܢ ܬܐܪܬܐ ܛܒܬܐ ܘܡܢ ܗܝܡܢܘܬܐ ܫܪܝܪܬܐ ܀
5Laakiin amarka dhammaadkiisu waa jacayl ka soo baxa qalbi daahir ah iyo niyo wanaagsan iyo rumaysad aan labaweji lahayn.
6ܘܡܢܗܝܢ ܡܢ ܗܠܝܢ ܛܥܘ ܐܢܫܐ ܘܤܛܘ ܠܡܠܐ ܤܪܝܩܬܐ ܀
6Waxyaalahan qaar baa seegay, oo waxay ku leexdeen hadal aan micne lahayn,
7ܒܕܒܥܘ ܠܡܗܘܐ ܡܠܦܢܐ ܕܢܡܘܤܐ ܟܕ ܠܐ ܡܤܬܟܠܝܢ ܡܕܡ ܕܡܡܠܠܝܢ ܘܠܐ ܡܕܡ ܕܥܠܘܗܝ ܡܬܚܪܝܢ ܀
7oo waxay doonayaan inay noqdaan macallimiinta sharciga in kastoo ayan garanayn waxay yidhaahdaan ama waxay ku xaqiiqeeyaan.
8ܝܕܥܝܢܢ ܕܝܢ ܕܢܡܘܤܐ ܫܦܝܪ ܗܘ ܐܢ ܐܢܫ ܐܟܘܬܗ ܕܢܡܘܤܐ ܢܬܕܒܪ ܒܗ ܀
8Waxaynu og nahay in sharcigu wanaagsan yahay haddii loo isticmaalo si sharciga ku qumman.
9ܟܕ ܝܕܥ ܕܠܟܐܢܐ ܢܡܘܤܐ ܠܐ ܤܝܡ ܐܠܐ ܠܥܘܠܐ ܘܠܡܪܘܕܐ ܘܠܪܫܝܥܐ ܘܠܚܛܝܐ ܘܠܥܢܬܐ ܘܠܐܝܠܝܢ ܕܠܐ ܕܟܝܢ ܘܠܐܝܠܝܢ ܕܡܚܝܢ ܠܐܒܗܝܗܘܢ ܘܠܐܝܠܝܢ ܕܡܚܝܢ ܠܐܡܗܬܗܘܢ ܘܠܩܛܘܠܐ ܀
9Sidaynu u og nahay, sharciga looma samayn nin xaq ah, laakiin waxaa loo sameeyey sharcilaawayaasha, iyo caasiyiinta, iyo cibaadalaawayaasha, iyo dembilayaasha, iyo kuwa aan quduuska ahayn, iyo kuwa nijaasta ah, iyo kuwa aabbahood dila, iyo kuwa hooyadood dila, iyo gacankudhiiglayaasha,
10ܘܠܙܢܝܐ ܘܠܫܟܒܝ ܥܡ ܕܟܪܐ ܘܠܓܢܒܝ ܒܢܝ ܚܐܪܐ ܘܠܕܓܠܐ ܘܠܥܒܪܝ ܥܠ ܡܘܡܬܐ ܘܠܟܠܡܕܡ ܕܐܝܬܘܗܝ ܤܩܘܒܠܐ ܠܝܘܠܦܢܐ ܚܠܝܡܐ ܀
10iyo kuwa sinaysta, iyo khaniisiinta, iyo kuwa dadka xada, iyo beenlowyada, iyo kuwa beenta ku dhaarta, iyo hadday jiraan wax kaleeto oo ka gees ah cilmiga runta ah,
11ܕܐܘܢܓܠܝܘܢ ܕܬܫܒܘܚܬܗ ܕܐܠܗܐ ܡܒܪܟܐ ܗܘ ܕܐܢܐ ܐܬܗܝܡܢܬ ܀
11oo ah sida injiilka ammaanta Ilaaha barakada leh oo laygu ammaaneeyey.
12ܘܡܘܕܐ ܐܢܐ ܠܗ ܕܚܝܠܢܝ ܠܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܕܚܫܒܢܝ ܡܗܝܡܢܐ ܘܤܡܢܝ ܠܬܫܡܫܬܗ ܀
12Waxaan ku mahad naqayaa kan xoogga i siiyey oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix, waayo, wuxuu igu tiriyey mid aamin ah intuu hawshiisa ii doortay,
13ܠܝ ܕܡܢ ܩܕܝܡ ܡܓܕܦܢ ܗܘܝܬ ܘܪܕܘܦ ܘܡܨܥܪܢ ܐܠܐ ܐܬܚܢܢܬ ܡܛܠ ܕܟܕ ܠܐ ܝܕܥ ܗܘܝܬ ܥܒܕܬ ܕܠܐ ܗܝܡܢܘܬܐ ܀
13in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya, oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqoonla'aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn.
14ܤܓܝܬ ܒܝ ܕܝܢ ܛܝܒܘܬܗ ܕܡܪܢ ܘܗܝܡܢܘܬܐ ܘܚܘܒܐ ܕܒܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
14Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix.
15ܡܗܝܡܢܐ ܗܝ ܡܠܬܐ ܘܫܘܝܐ ܗܝ ܠܡܩܒܠܘܬܗ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܐܬܐ ܠܥܠܡܐ ܠܡܚܝܘ ܠܚܛܝܐ ܕܩܕܡܝܗܘܢ ܐܢܐ ܐܢܐ ܀
15Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran.
16ܐܠܐ ܡܛܠ ܗܢܐ ܪܚܡ ܥܠܝ ܕܒܝ ܩܕܡܐ ܢܚܘܐ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܟܠܗ ܡܓܪܬ ܪܘܚܗ ܠܬܚܘܝܬܐ ܕܐܝܠܝܢ ܕܥܬܝܕܝܢ ܕܢܗܝܡܢܘܢ ܒܗ ܠܚܝܐ ܕܠܥܠܡ ܀
16Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan.
17ܠܡܠܟܐ ܕܝܢ ܕܥܠܡܐ ܠܗܘ ܕܠܐ ܡܬܚܒܠ ܘܠܐ ܡܬܚܙܐ ܕܗܘܝܘ ܚܕ ܐܠܗܐ ܐܝܩܪܐ ܘܬܫܒܘܚܬܐ ܠܥܠܡ ܥܠܡܝܢ ܐܡܝܢ ܀
17Boqorka daa'imiska ah, oo aan dhiman karin, oo aan la arki karin, oo ah Ilaaha keligiis ah, maamuus iyo ammaanu ha u ahaadeen weligiis iyo weligiis. Aamiin.
18ܗܢܐ ܦܘܩܕܢܐ ܡܓܥܠ ܐܢܐ ܠܟ ܒܪܝ ܛܝܡܬܐܘܤ ܐܝܟ ܢܒܝܘܬܐ ܩܕܡܝܬܐ ܕܗܘܝ ܥܠܝܟ ܕܬܦܠܘܚ ܒܗܝܢ ܦܠܚܘܬܐ ܗܕܐ ܫܦܝܪܬܐ ܀
18Wiilkaygii Timoteyosow, waxaan kugu ammaanaynayaa amarkan oo ah sidii waxyaalihii hore laguugu sheegay, inaad iyaga dagaal wanaagsan ku dagaallantid,
19ܒܗܝܡܢܘܬܐ ܘܒܬܐܪܬܐ ܛܒܬܐ ܐܝܠܝܢ ܓܝܪ ܕܠܗܕܐ ܕܚܩܘ ܡܢܗܘܢ ܡܢ ܗܝܡܢܘܬܐ ܐܤܬܪܩܘ ܀
19adigoo haysta iimaan iyo qalbi wanaagsan. Waxyaalahaas dadka qaarkood way iska tuureen, oo waxay iimaankooda ka dhigeen sida doonni burburtay.Waxaana ka mid ah Humenayos iyo Aleksanderos, oo aan Shayddaan u dhiibay si ay u bartaan inayan wax caayin.
20ܐܝܟ ܗܘܡܢܐܘܤ ܘܐܠܟܤܢܕܪܘܤ ܗܠܝܢ ܕܐܫܠܡܬ ܠܤܛܢܐ ܕܢܬܪܕܘܢ ܕܠܐ ܢܗܘܘܢ ܡܓܕܦܝܢ ܀
20Waxaana ka mid ah Humenayos iyo Aleksanderos, oo aan Shayddaan u dhiibay si ay u bartaan inayan wax caayin.