Syriac: NT

Somali

2 Corinthians

1

1ܦܘܠܘܤ ܫܠܝܚܐ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܒܨܒܝܢܗ ܕܐܠܗܐ ܘܛܝܡܬܐܘܤ ܐܚܐ ܠܥܕܬܐ ܕܐܠܗܐ ܕܐܝܬ ܒܩܘܪܢܬܘܤ ܘܠܟܠܗܘܢ ܩܕܝܫܐ ܕܐܝܬ ܒܐܟܐܝܐ ܟܠܗ ܀
1Bawlos oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, iyo walaalkeen Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah oo Korintos ku taal iyo kulli quduusiinta Akhaya oo dhan jooga.
2ܛܝܒܘܬܐ ܥܡܟܘܢ ܘܫܠܡܐ ܡܢ ܐܠܗܐ ܐܒܘܢ ܘܡܢ ܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
2Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
3ܡܒܪܟ ܗܘ ܐܠܗܐ ܐܒܘܗܝ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܐܒܐ ܕܪܚܡܐ ܘܐܠܗܐ ܕܟܠ ܒܘܝܐ ܀
3Waxaa barako leh Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix, oo ah Aabbaha naxariista leh iyo Ilaaha gargaarka oo dhan,
4ܗܘ ܕܡܒܝܐ ܠܢ ܒܟܠܗܘܢ ܐܘܠܨܢܝܢ ܕܐܦ ܚܢܢ ܢܫܟܚ ܢܒܝܐ ܠܐܝܠܝܢ ܕܒܟܠ ܐܘܠܨܢܝܢ ܐܢܘܢ ܒܗܘ ܒܘܝܐܐ ܕܚܢܢ ܡܬܒܝܐܝܢܢ ܡܢ ܐܠܗܐ ܀
4kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray.
5ܐܝܟܢܐ ܓܝܪ ܕܡܬܝܬܪܝܢ ܒܢ ܚܫܘܗܝ ܕܡܫܝܚܐ ܗܟܢܐ ܒܝܕ ܡܫܝܚܐ ܡܬܝܬܪ ܐܦ ܒܘܝܐܢ ܀
5Waayo, sida xanuunsigii Masiixu uu noogu badan yahay, sidaas oo kalena gargaarkayagu xagga Masiix wuu noogu badan yahay.
6ܐܦܢ ܕܝܢ ܡܬܐܠܨܝܢܢ ܥܠ ܐܦܝ ܒܘܝܐܟܘܢ ܗܘ ܘܥܠ ܐܦܝ ܚܝܝܟܘܢ ܡܬܐܠܨܝܢܢ ܘܐܢ ܡܬܒܝܐܝܢܢ ܡܛܠ ܕܐܢܬܘܢ ܬܬܒܝܐܘܢ ܘܬܗܘܐ ܒܟܘܢ ܚܦܝܛܘܬܐ ܕܬܤܝܒܪܘܢ ܐܢܘܢ ܠܚܫܐ ܗܢܘܢ ܕܐܦ ܚܢܢ ܚܫܝܢܢ ܠܗܘܢ ܀
6Haddii lana dhibo waa gargaarkiinna iyo badbaadintiinna aawadood; haddii lana gargaarona waa gargaarkiinna aawadiis kaasoo yeesha dulqaadashada aannu ku dulqaadanno isku xanuunsiga aannu annaguna ku xanuunsanno.
7ܘܤܒܪܢ ܕܥܠܝܟܘܢ ܫܪܝܪ ܗܘ ܝܕܥܝܢܢ ܓܝܪ ܕܐܢ ܫܘܬܦܝܢ ܐܢܬܘܢ ܒܚܫܐ ܫܘܬܦܝܢ ܐܢܬܘܢ ܐܦ ܒܒܘܝܐܐ ܀
7Oo rajadayada aannu idiin qabnaa waa hubaal, annagoo garanayna inaad tihiin kuwo xanuunsiga qayb ku leh, sidaas oo kalena waxaad tihiin kuwo gargaarka qayb ku leh.
8ܨܒܝܢܢ ܕܝܢ ܕܬܕܥܘܢ ܐܚܝܢ ܥܠ ܐܘܠܨܢܐ ܕܗܘܐ ܠܢ ܒܐܤܝܐ ܕܪܘܪܒܐܝܬ ܐܬܐܠܨܢ ܝܬܝܪ ܡܢ ܚܝܠܢ ܥܕܡܐ ܕܩܪܝܒܝܢ ܗܘܘ ܚܝܝܢ ܠܡܬܛܠܩܘ ܀
8Walaalayaalow, dooni mayno inaad ka garaad la'aataan waxa ku saabsan dhibtayada ee xagga Aasiya nagaga dhacday, in hoos aad lanoogu celiyey si xooggayaga dhaafsiisan, sidaas aawadeed ayaannu xataa nolosha uga quusannay.
9ܘܥܠ ܢܦܫܢ ܦܤܩܢ ܡܘܬܐ ܕܠܐ ܢܗܘܐ ܠܢ ܬܘܟܠܢܐ ܥܠ ܢܦܫܢ ܐܠܐ ܥܠ ܐܠܗܐ ܗܘ ܕܡܩܝܡ ܡܝܬܐ ܀
9Laakiin annaga qudhayadu waxaannu naftayada ku haysannay xukunka dhimashada, inaannan naftayada isku hallayn, laakiin inaannu Ilaah isku hallayno kan sara kiciya kuwii dhintay.
10ܗܘ ܕܡܢ ܡܘܬܐ ܚܤܝܢܐ ܦܪܩܢ ܘܬܘܒ ܡܤܒܪܝܢܢ ܕܦܪܩ ܠܢ ܀
10Isagaa naga samatabbixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samatabbixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samatabbixin doono;
11ܒܡܥܕܪܢܘܬܐ ܕܒܥܘܬܟܘܢ ܕܥܠ ܐܦܝܢ ܕܬܗܘܐ ܡܘܗܒܬܗ ܕܠܘܬܢ ܛܝܒܘܬܐ ܕܥܒܝܕܐ ܒܐܦܝ ܤܓܝܐܐ ܘܤܓܝܐܐ ܢܘܕܘܢ ܠܗ ܥܠ ܐܦܝܢ ܀
11idinkoo nagu wada kaalmaynaya baryadaad noo baridaan, in barakada lana siiyey kuwa badan daraaddood, dad badan ay ku mahad naqaan aawadayo.
12ܫܘܒܗܪܢ ܓܝܪ ܗܢܘ ܤܗܕܘܬܐ ܕܪܥܝܢܢ ܕܒܦܫܝܛܘܬܐ ܘܒܕܟܝܘܬܐ ܘܒܛܝܒܘܬܐ ܕܐܠܗܐ ܐܬܗܦܟܢ ܒܥܠܡܐ ܘܠܐ ܒܚܟܡܬܐ ܕܦܓܪܐ ܘܝܬܝܪܐܝܬ ܠܘܬܟܘܢ ܕܝܠܟܘܢ ܀
12Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.
13ܠܐ ܗܘܐ ܐܚܪܢܝܢ ܟܬܒܝܢܢ ܠܟܘܢ ܐܠܐ ܐܝܠܝܢ ܕܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܐܦ ܡܫܬܘܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܬܟܝܠ ܐܢܐ ܕܝܢ ܕܥܕܡܐ ܠܐܚܪܝܬܐ ܬܫܬܘܕܥܘܢ ܀
13Wax kale idiin soo qori mayno waxaad akhridaan oo aad garanaysaan mooyaane, oo waanan rajaynayaa inaad sii garan doontaan ilaa dhammaadka.
14ܐܝܟܢܐ ܕܐܦ ܐܫܬܘܕܥܬܘܢ ܩܠܝܠ ܡܢ ܤܓܝ ܕܫܘܒܗܪܟܘܢ ܚܢܢ ܐܝܟ ܕܐܦ ܐܢܬܘܢ ܕܝܠܢ ܒܝܘܡܗ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
14Sidaad si ahaan noogu garateen inaannu faankiinna nahay, sidaas oo kale idinkuna kayagaad tihiin maalinta Rabbigeenna Ciise.
15ܘܒܗܢܐ ܬܘܟܠܢܐ ܨܒܐ ܗܘܝܬ ܡܢ ܩܕܝܡ ܕܐܬܐ ܠܘܬܟܘܢ ܕܐܥܝܦܐܝܬ ܬܩܒܠܘܢ ܛܝܒܘܬܐ ܀
15Hubaalkaas daraaddiis ayaan doonayay inaan horta idiin imaado inaad barako labaad haysataan;
16ܘܐܥܒܪ ܥܠܝܟܘܢ ܠܡܩܕܘܢܝܐ ܘܬܘܒ ܡܢ ܡܩܕܘܢܝܐ ܠܘܬܟܘܢ ܐܬܐ ܘܐܢܬܘܢ ܬܠܘܘܢܢܝ ܠܝܗܘܕ ܀
16iyo inaan idin sii maro ilaa Makedoniya, oo haddana aan Makedoniya ka imaado oo aan idinku soo noqdo, idinkuna inaad xagga Yahuudiya ii ambabbixisaan.
17ܗܕܐ ܗܟܝܠ ܕܐܬܪܥܝܬ ܠܡܐ ܐܝܟ ܡܤܪܗܒܐ ܐܬܪܥܝܬ ܐܘ ܕܠܡܐ ܕܒܤܪ ܐܢܝܢ ܐܝܠܝܢ ܕܡܬܪܥܐ ܐܢܐ ܡܛܠ ܕܘܠܐ ܗܘܐ ܕܢܗܘܐ ܒܗܝܢ ܐܝܢ ܐܝܢ ܘܠܐ ܠܐ ܀
17Haddaba markaan waxaas doonayay miyaan rogrogay? Ama waxaan goosto miyaan u goostaa sida uu ninka jidhka raacaa u goosto, inay xaggayga noqoto, Haah, haah, iyo Maya, maya?
18ܡܗܝܡܢ ܗܘ ܐܠܗܐ ܕܠܐ ܗܘܬ ܡܠܬܢ ܕܠܘܬܟܘܢ ܐܝܢ ܘܠܐ ܀
18Laakiin sida uu Ilaah aamin u yahay, hadalkayagu xaggiinna ma aha, Haah, iyo Maya.
19ܒܪܗ ܓܝܪ ܕܐܠܗܐ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܗܘ ܕܒܐܝܕܢ ܐܬܟܪܙ ܠܟܘܢ ܒܝ ܘܒܤܠܘܢܘܤ ܘܒܛܝܡܬܐܘܤ ܠܐ ܗܘܐ ܐܝܢ ܘܠܐ ܐܠܐ ܐܝܢ ܗܘܐ ܒܗ ܀
19Waayo, Wiilka Ilaah oo ah Ciise Masiix, ee aannu aniga iyo Silwanos iyo Timoteyos dhexdiinna kaga wacdinnay, ma ahayn Haah iyo Maya, laakiin xaggiisa waa Haah.
20ܟܠܗܘܢ ܓܝܪ ܡܘܠܟܢܘܗܝ ܕܐܠܗܐ ܒܗ ܗܘ ܒܡܫܝܚܐ ܐܝܢ ܗܘܘ ܡܛܠ ܗܢܐ ܒܐܝܕܗ ܝܗܒܝܢܢ ܐܡܝܢ ܠܬܫܒܘܚܬܗ ܕܐܠܗܐ ܀
20Waayo, in kastoo ay badan yihiin ballamadii Ilaah, waxaa isaga xaggiisa ku jira, Haahda, oo weliba xaggiisa waxaa ku jira, Aamiinta, in xaggeenna Ilaah laga ammaano.
21ܐܠܗܐ ܗܘ ܕܝܢ ܡܫܪܪ ܠܢ ܥܡܟܘܢ ܒܡܫܝܚܐ ܗܘ ܕܗܘ ܡܫܚܢ ܀
21Laakiin kan ina wada xoogeeya xagga Masiixa oo ina subkay waa Ilaah,
22ܘܚܬܡܢ ܘܝܗܒ ܪܗܒܘܢܐ ܕܪܘܚܗ ܒܠܒܘܬܢ ܀
22kan haddana ina shaabadeeyey oo carbuunta Ruuxa inagu siiyey qalbigeenna.
23ܐܢܐ ܕܝܢ ܠܐܠܗܐ ܡܤܗܕ ܐܢܐ ܥܠ ܢܦܫܝ ܕܡܛܠ ܕܚܐܤ ܐܢܐ ܥܠܝܟܘܢ ܠܐ ܐܬܝܬ ܠܩܘܪܢܬܘܤ ܀
23Laakiin Ilaah baan markhaati ugu yeedhayaa xagga naftayda, waxaan Korintos u iman waayay inaan idiin tudho.Ma aha inaannu sayid u ahaanno rumaysadkiinna, laakiin waxaannu nahay kuwa idinla wada shaqeeya farxaddiinna aawadeed, waayo, rumaysad ayaad ku taagan tihiin.
24ܠܐ ܗܘܐ ܡܛܠ ܕܡܪܝ ܗܝܡܢܘܬܟܘܢ ܚܢܢ ܐܠܐ ܡܥܕܪܢܐ ܚܢܢ ܕܚܕܘܬܟܘܢ ܒܗܝܡܢܘܬܐ ܗܘ ܓܝܪ ܩܝܡܝܢ ܐܢܬܘܢ ܀
24Ma aha inaannu sayid u ahaanno rumaysadkiinna, laakiin waxaannu nahay kuwa idinla wada shaqeeya farxaddiinna aawadeed, waayo, rumaysad ayaad ku taagan tihiin.