Syriac: NT

Somali

2 Corinthians

11

1ܐܫܬܘܦ ܕܝܢ ܡܤܝܒܪܝܢ ܗܘܝܬܘܢ ܠܝ ܩܠܝܠ ܕܐܡܠܠ ܦܟܝܗܐܝܬ ܐܠܐ ܐܦ ܡܤܝܒܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܗܘ ܠܝ ܀
1Waxaan jeclaan lahaa inaad iigu dulqaadataan doqonnimadayda yar. Laakiin waad ii dulqaadataan.
2ܛܐܢ ܐܢܐ ܓܝܪ ܒܟܘܢ ܒܛܢܢܐ ܕܐܠܗܐ ܡܟܪܬܟܘܢ ܓܝܪ ܠܓܒܪܐ ܚܕ ܒܬܘܠܬܐ ܕܟܝܬܐ ܕܐܩܪܒ ܠܡܫܝܚܐ ܀
2Waxaan idiinku masayrsanahay masayr xagga Ilaah ah, waayo, waxaan idiin guuriyey nin keliya, inaan idiin dhiibo Masiix idinkoo ah bikrad daahir ah.
3ܕܚܠ ܐܢܐ ܕܝܢ ܕܠܡܐ ܐܝܟ ܕܐܛܥܝ ܚܘܝܐ ܠܚܘܐ ܒܢܟܝܠܘܬܗ ܗܟܢܐ ܢܬܚܒܠܘܢ ܪܥܝܢܝܟܘܢ ܡܢ ܦܫܝܛܘܬܐ ܕܠܘܬ ܡܫܝܚܐ ܀
3Laakiin waxaan ka baqayaa in maankiinna laga halleeyo lillaahinimada iyo daahirnimada xagga Masiix, sidii abeesadii xeeladdeedii Xaawa ugu khiyaanaysay oo kale.
4ܐܢ ܓܝܪ ܗܘ ܕܐܬܐ ܠܘܬܟܘܢ ܐܚܪܢܐ ܝܫܘܥ ܐܟܪܙ ܠܟܘܢ ܐܝܢܐ ܕܚܢܢ ܠܐ ܐܟܪܙܢ ܐܘ ܪܘܚܐ ܐܚܪܬܐ ܢܤܒܬܘܢ ܐܝܕܐ ܕܠܐ ܢܤܒܬܘܢ ܐܘ ܤܒܪܬܐ ܐܚܪܬܐ ܐܝܕܐ ܕܠܐ ܩܒܠܬܘܢ ܫܦܝܪ ܡܬܛܦܝܤܝܢ ܗܘܝܬܘܢ ܀
4Waayo, haddii mid yimaado oo idinku wacdiyo Ciise kale oo ah ku aanan ku wacdiyin, ama haddii aad heshaan ruux ka duwan kii aad hesheen, ama injiil ka duwan kii aad aqbasheen, si wanaagsan ayaad ugu dulqaadataan.
5ܪܢܐ ܐܢܐ ܓܝܪ ܕܡܕܡ ܠܐ ܒܨܪܬ ܡܢ ܫܠܝܚܐ ܐܝܠܝܢ ܕܛܒ ܡܝܬܪܝܢ ܀
5Waxaan u malaynayaa inaanan sina uga liidan rasuulladaas ugu waaweyn.
6ܐܦܢ ܓܝܪ ܒܘܪܐ ܐܢܐ ܒܡܠܬܝ ܐܠܐ ܠܐ ܒܝܕܥܬܝ ܐܠܐ ܒܟܠܡܕܡ ܐܬܓܠܝܢ ܠܘܬܟܘܢ ܀
6Laakiin in kastoo aanan hadalka ku fiicnayn, aqoonta waan ku fiicanahay, oo taasaannu si kasta idiinku muujinnay dadka oo dhan hortiisa.
7ܐܘ ܕܠܡܐ ܡܤܟܠܘ ܐܤܟܠܬ ܕܡܟܟܬ ܢܦܫܝ ܕܐܢܬܘܢ ܬܬܪܝܡܘܢ ܘܡܓܢ ܐܟܪܙܬ ܠܟܘܢ ܤܒܪܬܗ ܕܐܠܗܐ ܀
7Dembi miyaan falay markaan is-hoosaysiiyey in idinka laydin sarraysiiyo, maxaa yeelay, injiilka Ilaah ayaan idinku wacdiyey hadiyad ahaan?
8ܘܥܕܬܐ ܐܚܪܢܝܬܐ ܚܠܨܬ ܘܢܤܒܬ ܢܦܩܬܐ ܠܬܫܡܫܬܐ ܕܝܠܟܘܢ ܀
8Kiniisado kale ayaan dhacay, anigoo mushahaaro ka qaadaya, si aan idiinku adeego.
9ܘܟܕ ܐܬܝܬ ܨܐܕܝܟܘܢ ܘܚܤܪ ܠܝ ܠܐ ܝܩܪܬ ܥܠ ܐܢܫ ܡܢܟܘܢ ܤܢܝܩܘܬܝ ܓܝܪ ܡܠܝܘ ܐܚܐ ܕܐܬܘ ܡܢ ܡܩܕܘܢܝܐ ܘܒܟܠ ܡܕܡ ܢܛܪܬ ܢܦܫܝ ܘܢܛܪ ܐܢܐ ܕܠܐ ܐܩܪ ܥܠܝܟܘܢ ܀
9Markaan idinla joogay oo aan wax u baahnaa, ninna culays kuma aan hayn, waayo, walaalihii markay Makedoniya ka yimaadeen waxay ii dhammaystireen waxaan u baahnaa, oo si kastana waan isu celiyey si aanan idiin culaysin, waanan isa sii celin doonaa.
10ܐܝܬܘܗܝ ܒܝ ܫܪܪܗ ܕܡܫܝܚܐ ܕܗܢܐ ܫܘܒܗܪܐ ܠܐ ܢܬܒܛܠ ܒܝ ܒܐܬܪܘܬܐ ܕܐܟܐܝܐ ܀
10Sida Masiixa runtiisu ay iigu jirto, faankan laygama joojin doono xagga dalalka Akhaya.
11ܠܡܢܐ ܡܛܠ ܕܠܐ ܡܚܒ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܐܠܗܐ ܗܘ ܝܕܥ ܀
11Waayo? Ma waxay tahay inaanan idin jeclayn? Ilaah baa garan.
12ܐܠܐ ܗܕܐ ܕܥܒܕ ܐܢܐ ܐܦ ܐܥܒܕ ܕܐܦܤܘܩ ܗܘ ܥܠܬܗܘܢ ܕܐܝܠܝܢ ܕܒܥܝܢ ܥܠܬܐ ܕܒܗܘ ܡܕܡ ܕܡܫܬܒܗܪܝܢ ܢܫܬܟܚܘܢ ܐܟܘܬܢ ܀
12Laakiin waxaan samaynayo, waan sii samayn doonaa, inaan ka gooyo waxay kuwa doonaya inay wax ku faanaan ku faani lahaayeen, in waxay ku faanaan loo garto inay sidayada oo kale yihiin.
13ܐܝܬܝܗܘܢ ܓܝܪ ܗܠܝܢ ܫܠܝܚܐ ܕܓܠܐ ܘܦܥܠܐ ܢܟܝܠܐ ܘܡܕܡܝܢ ܢܦܫܗܘܢ ܠܫܠܝܚܐ ܕܡܫܝܚܐ ܀
13Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix.
14ܘܠܝܬ ܠܡܬܕܡܪܘ ܒܗܕܐ ܐܢ ܗܘ ܓܝܪ ܕܤܛܢܐ ܡܬܕܡܐ ܒܡܠܐܟܐ ܕܢܘܗܪܐ ܀
14Oo layaabna ma leh, waayo, Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka.
15ܠܐ ܗܘܬ ܪܒܐ ܨܒܘܬܐ ܐܢ ܐܦ ܡܫܡܫܢܘܗܝ ܡܬܕܡܝܢ ܒܡܫܡܫܢܐ ܕܙܕܝܩܘܬܐ ܗܢܘܢ ܕܚܪܬܗܘܢ ܬܗܘܐ ܐܝܟ ܥܒܕܝܗܘܢ ܀
15Haddaba wax weyn ma aha haddii ay midiidinyadiisuna isu ekaysiiyaan midiidinyada xaqnimada, iyagoo dhammaanshahoodu u ahaan doono sida shuqulladooda.
16ܬܘܒ ܕܝܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܡܐ ܐܢܫ ܢܤܒܪ ܥܠܝ ܐܝܟ ܕܤܟܠܐ ܐܢܐ ܘܐܢ ܠܐ ܐܦܢ ܐܝܟ ܤܟܠܐ ܩܒܠܘܢܝ ܕܐܦ ܐܢܐ ܩܠܝܠ ܐܫܬܒܗܪ ܀
16Haddana waxaan leeyahay, Qofna yaanu doqon ii malayn, laakiin haddaad ii malaysaan, weliba sida doqon ii qaata inaan aniguna in yar faano.
17ܡܕܡ ܕܡܡܠܠ ܐܢܐ ܠܐ ܗܘܐ ܒܡܪܢ ܡܡܠܠ ܐܢܐ ܐܠܐ ܐܝܟ ܕܒܦܟܝܗܘܬܐ ܒܗܕܐ ܕܘܟܬܐ ܕܫܘܒܗܪܐ ܀
17Waxaan ku hadlayo ugu hadli maayo sida Rabbigu doonayo, laakiin si doqonnimo ah iyo si geesinimadan faanka ah ayaan ugu hadlayaa.
18ܡܛܠ ܕܤܓܝܐܐ ܡܫܬܒܗܪܝܢ ܒܒܤܪܐ ܐܦ ܐܢܐ ܐܫܬܒܗܪ ܀
18Siday kuwa badanu jidhka ugu faanaan, ayaan anna ugu faani doonaa.
19ܡܢܚܝܢ ܐܢܬܘܢ ܗܘ ܓܝܪ ܠܡܫܬܡܥܘ ܠܚܤܝܪܝ ܪܥܝܢܐ ܟܕ ܐܢܬܘܢ ܚܟܝܡܐ ܐܢܬܘܢ ܀
19Waayo, idinku si farxadleh ayaad doqonnada ugu dulqaadataan idinkoo caqli leh.
20ܘܡܬܕܢܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܡܢ ܕܡܫܥܒܕ ܠܟܘܢ ܘܠܡܢ ܕܐܟܠ ܠܟܘܢ ܘܠܡܢ ܕܢܤܒ ܡܢܟܘܢ ܘܠܡܢ ܕܡܬܪܝܡ ܥܠܝܟܘܢ ܘܠܡܢ ܕܡܚܐ ܠܟܘܢ ܥܠ ܐܦܝܟܘܢ ܀
20Idinku waad u dulqaadataan nin hadduu idin addoonsado, hadduu wixiinna cuno, hadduu wax idinka qaato, hadduu isa sarraysiiyo, hadduu wejiga idinka dharbaaxo.
21ܐܝܟ ܕܒܨܥܪܐ ܐܡܪ ܐܢܐ ܐܝܟ ܗܘ ܕܚܢܢ ܡܚܝܠܝܢܢ ܗܘ ܒܚܤܝܪܘܬ ܪܥܝܢܐ ܐܡܪ ܐܢܐ ܕܒܟܠܡܕܡ ܕܡܡܪܚ ܐܢܫ ܐܦ ܐܢܐ ܡܡܪܚ ܐܢܐ ܀
21Waan ka xishoonayaa inaan idhaahdo, Waannu tabardaran nahay. Laakiin weliba wax kasta oo uu qof geesi ku yahay, aniguna geesi baan ku ahay (sida doqon ayaan u hadlayaa).
22ܐܢ ܥܒܪܝܐ ܐܢܘܢ ܐܦ ܐܢܐ ܐܢ ܐܝܤܪܠܝܐ ܐܢܘܢ ܐܦ ܐܢܐ ܐܢ ܙܪܥܗ ܐܢܘܢ ܕܐܒܪܗܡ ܐܦ ܐܢܐ ܀
22Iyagu ma Cibraaniyo baa? Anna waan ahay. Ma reer binu Israa'iil baa? Anna waan ahay. Ma dhashii Ibraahim baa? Anna waan ahay.
23ܐܢ ܡܫܡܫܢܐ ܐܢܘܢ ܕܡܫܝܚܐ ܒܚܤܝܪܘܬ ܪܥܝܢܐ ܐܡܪ ܐܢܐ ܕܝܬܝܪ ܡܢܗܘܢ ܐܢܐ ܒܠܐܘܬܐ ܝܬܝܪ ܡܢܗܘܢ ܒܡܚܘܬܐ ܝܬܝܪ ܡܢܗܘܢ ܒܐܤܘܪܐ ܝܬܝܪ ܡܢܗܘܢ ܒܡܘܬܐ ܙܒܢܝܢ ܤܓܝܐܢ ܀
23Iyagu ma Masiix bay u adeegaan? Si ka sii badan ayaan ugu adeegaa. Sidii qof waalan ayaan u hadlayaa. Waan ka hawlo badnaa, waanan ka xabsi badnaa, karbaashyo tirola'aan ahna waa laygu dhuftay, marar badanna dhimashaan ku dhowaaday.
24ܡܢ ܝܗܘܕܝܐ ܚܡܫ ܙܒܢܝܢ ܐܪܒܥܝܢ ܐܪܒܥܝܢ ܚܤܝܪ ܚܕܐ ܒܠܥܬ ܀
24Shan goor Yuhuuddu waxay i karbaasheen afartan mid la'.
25ܬܠܬ ܙܒܢܝܢ ܒܫܒܛܐ ܐܬܢܓܕܬ ܚܕܐ ܙܒܢ ܐܬܪܓܡܬ ܬܠܬ ܙܒܢܝܢ ܗܘܝܬ ܢܘܘܓܐ ܐܝܡܡܐ ܘܠܠܝܐ ܕܠܐ ܤܦܝܢܬܐ ܒܝܡܐ ܗܘܝܬ ܀
25Saddex goorna ulaa laygu dhuftay, marna waa lay dhagxiyey, saddex goor doonni baa ila jabtay, habeen iyo maalinna waxaan ku jiray badda.
26ܒܐܘܪܚܬܐ ܤܓܝܐܬܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܕܢܗܪܘܬܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܕܓܝܤܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܕܡܢ ܛܘܗܡܝ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܕܡܢ ܥܡܡܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܗܘܝܬ ܒܡܕܝܢܬܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܗܘܝܬ ܒܚܘܪܒܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܒܝܡܐ ܒܩܢܕܝܢܘܤ ܕܡܢ ܐܚܐ ܕܓܠܐ ܀
26Marar badan baan safray, xagga webiyadana khatar baan galay, xagga tuugaggana khatar baan galay, xagga dadkaygana khatar baan galay, xagga dadka aan Yuhuuddu ahaynna khatar baan galay, xagga magaaladana khatar baan galay, xagga cidladana khatar baan galay, xagga baddana khatar baan galay, walaalo been ah dhexdoodana khatar baan ku galay.
27ܒܥܡܠܐ ܘܒܠܐܘܬܐ ܒܫܗܪܐ ܤܓܝܐܐ ܒܟܦܢܐ ܘܒܨܗܝܐ ܒܨܘܡܐ ܤܓܝܐܐ ܒܥܪܝܐ ܘܒܥܪܛܠܝܘܬܐ ܀
27Waxaanna ku jiray dhib iyo daal, marar badanna hurdola'aan iyo gaajo iyo harraad, marar badanna cuntola'aan iyo qabow iyo arrad.
28ܤܛܪ ܡܢ ܝܬܝܪܬܐ ܘܟܢܘܫܝܐ ܕܥܠܝ ܕܟܠܝܘܡ ܘܨܦܬܝ ܕܥܠ ܐܦܝ ܟܠܗܝܢ ܥܕܬܐ ܀
28Waxyaalahaas dibadda ahna waxaa ii dheeraad ah waxaa maalin walba i dhiba ee ah kawelwelidda kiniisadaha oo dhan.
29ܡܢܘ ܡܬܟܪܗ ܘܠܐ ܐܢܐ ܡܬܟܪܗ ܐܢܐ ܡܢܘ ܡܬܟܫܠ ܘܠܐ ܐܢܐ ܝܩܕ ܐܢܐ ܀
29Kumaa itaaldaran oo anna aanan itaal darnayn? Kumaa la xumeeyey oo aanan ka guban?
30ܐܢ ܠܡܫܬܒܗܪܘ ܘܠܐ ܒܟܘܪܗܢܝ ܐܫܬܒܗܪ ܀
30Hadday tahay inaan faano waxaan ku faanayaa waxyaalaha ku saabsan itaaldarradayda.
31ܝܕܥ ܗܘ ܐܠܗܐ ܐܒܘܗܝ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܡܒܪܟܐ ܕܠܥܠܡ ܥܠܡܝܢ ܕܠܐ ܡܟܕܒ ܐܢܐ ܀
31Ilaaha ah Aabbaha Rabbi Ciise, kan barakada leh weligiis, wuxuu yaqaan inaanan been sheegaynin.
32ܒܕܪܡܤܘܩ ܪܒ ܚܝܠܐ ܕܐܪܛܘܤ ܡܠܟܐ ܢܛܪ ܗܘܐ ܡܕܝܢܬܐ ܕܕܪܡܘܤܩܝܐ ܠܡܐܚܕܢܝ ܀
32Xagga Dimishaq taliyihii ka hooseeyey boqorkii Aretas ahaa ayaa gaadh ka qabtay magaalada reer Dimishaq si uu ii qabto.Markaas anigoo dambiil ku jira ayaa daaqad xagga derbiga hoos laygaga dejiyey oo aan gacmihiisii ka baxsaday.
33ܘܡܢ ܟܘܬܐ ܒܤܪܝܓܬܐ ܫܒܘܢܝ ܡܢ ܫܘܪܐ ܘܐܬܦܠܛܬ ܡܢ ܐܝܕܘܗܝ ܀
33Markaas anigoo dambiil ku jira ayaa daaqad xagga derbiga hoos laygaga dejiyey oo aan gacmihiisii ka baxsaday.