1ܦܘܠܘܤ ܫܠܝܚܐ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܒܨܒܝܢܗ ܕܐܠܗܐ ܘܒܡܘܠܟܢܐ ܕܚܝܐ ܕܒܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
1Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, sida uu leeyahay ballanka nolosha Ciise Masiix ku jirta,
2ܠܛܝܡܬܐܘܤ ܒܪܐ ܚܒܝܒܐ ܛܝܒܘܬܐ ܘܪܚܡܐ ܘܫܠܡܐ ܡܢ ܐܠܗܐ ܐܒܐ ܘܡܢ ܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
2waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo ah wiilkayga aan jeclahay. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.
3ܡܘܕܐ ܐܢܐ ܠܐܠܗܐ ܗܘ ܕܠܗ ܡܫܡܫ ܐܢܐ ܡܢ ܐܒܗܬܝ ܒܬܐܪܬܐ ܕܟܝܬܐ ܕܐܡܝܢܐܝܬ ܡܬܕܟܪ ܐܢܐ ܠܟ ܒܨܠܘܬܝ ܕܠܠܝܐ ܘܕܐܝܡܡܐ ܀
3Waxaan ku mahad naqayaa Ilaaha aan qalbi daahir ah ugu adeego siday awowayaashay ugu adeegi jireen, anigoo habeen iyo maalinba joogsila'aan baryadayda kugu xusuusanaya.
4ܘܤܘܐ ܐܢܐ ܠܡܚܙܝܟ ܘܡܬܕܟܪ ܐܢܐ ܕܡܥܝܟ ܕܐܬܡܠܐ ܚܕܘܬܐ ܀
4Markaan ilmadaadii xusuusto waxaan aad u doonayaa inaan ku arko, inaan aad u farxo.
5ܒܥܘܗܕܢܐ ܕܗܘܐ ܠܝ ܒܗܝܡܢܘܬܟ ܫܪܝܪܬܐ ܗܝ ܕܫܪܬ ܠܘܩܕܡ ܒܐܡܐ ܕܐܡܟ ܠܘܐܝܤ ܘܒܐܡܟ ܐܘܢܝܩܐ ܡܦܤ ܐܢܐ ܕܝܢ ܕܐܦ ܒܟ ܀
5Waxaan xusuustay rumaysadka aan labada weji lahayn oo kugu jira, oo markii horena ku jiri jiray ayeeyadaa Lowis iyo hooyadaa Yunikee, adigana waan kugu aaminsanahay inuu kugu jiro.
6ܡܛܠ ܗܢܐ ܡܥܗܕ ܐܢܐ ܠܟ ܕܬܥܝܪ ܡܘܗܒܬܐ ܕܐܠܗܐ ܗܝ ܕܐܝܬ ܒܟ ܒܤܝܡ ܐܝܕܝ ܀
6Taas daraaddeed waxaan ku xusuusinayaa inaad kicisid hadiyadda Ilaah ee kugu jirta oo kuugu timid gacmosaariddaydii.
7ܠܐ ܓܝܪ ܝܗܒ ܠܢ ܐܠܗܐ ܪܘܚܐ ܕܕܚܠܬܐ ܐܠܐ ܕܚܝܠܐ ܘܕܚܘܒܐ ܘܕܡܪܬܝܢܘܬܐ ܀
7Waayo, Ilaah inama uu siin ruuxa cabsida, laakiinse wuxuu ina siiyey ruuxa xoogga iyo jacaylka iyo miyirka.
8ܠܐ ܗܟܝܠ ܬܒܗܬ ܒܤܗܕܘܬܗ ܕܡܪܢ ܐܦܠܐ ܒܝ ܒܐܤܝܪܗ ܐܠܐ ܫܩܘܠ ܒܝܫܬܐ ܥܡ ܐܘܢܓܠܝܘܢ ܒܚܝܠܐ ܕܐܠܗܐ ܀
8Sidaas daraaddeed ha ka xishoon u markhaatifuridda Rabbigeenna ama aniga oo isaga maxbuus u ah, laakiinse dhibaatada injiilka kaga qayb qaado xoogga Ilaah.
9ܗܘ ܕܐܚܝܢ ܘܩܪܢ ܒܩܪܝܢܐ ܩܕܝܫܐ ܠܘ ܐܝܟ ܥܒܕܝܢ ܐܠܐ ܐܝܟ ܨܒܝܢܗ ܘܛܝܒܘܬܗ ܗܝ ܕܐܬܝܗܒܬ ܠܢ ܒܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܡܢ ܩܕܡ ܙܒܢܐ ܕܥܠܡܐ ܀
9Ilaah waa kan ina badbaadiyey oo yeedhid quduus ah inoogu yeedhay, mana aha xagga shuqulladeenna, laakiinse waa xagga qasdigiisa iyo nimcadiisa, oo uu waayadii hore hortood inagu siiyey Ciise Masiix,
10ܘܐܬܓܠܝܬ ܗܫܐ ܒܓܠܝܢܗ ܕܡܚܝܢܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܕܒܛܠ ܠܡܘܬܐ ܘܚܘܝ ܚܝܐ ܘܠܐ ܡܬܚܒܠܢܘܬܐ ܒܐܘܢܓܠܝܘܢ ܀
10laakiinse haatan lagu muujiyey muuqashada Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, kaas oo dhimashada baabbi'iyey, oo nolosha iyo dhimashola'aanta iftiinka ugu soo saaray xagga injiilka,
11ܗܘ ܕܐܬܬܤܝܡܬ ܒܗ ܐܢܐ ܟܪܘܙܐ ܘܫܠܝܚܐ ܘܡܠܦܢܐ ܕܥܡܡܐ ܀
11kaas oo laygu doortay inaan noqdo mid wax wacdiya iyo rasuul iyo macallinba.
12ܡܛܠ ܗܕܐ ܡܤܝܒܪ ܐܢܐ ܗܠܝܢ ܘܠܐ ܒܗܬ ܐܢܐ ܝܕܥ ܐܢܐ ܓܝܪ ܒܡܢ ܗܝܡܢܬ ܘܡܦܤ ܐܢܐ ܕܡܛܝܐ ܒܐܝܕܘܗܝ ܓܘܥܠܢܝ ܠܡܛܪ ܠܝ ܠܝܘܡܐ ܗܘ ܀
12Sababtaas aawadeed ayaan waxyaalahan ugu xanuunsanayaa; laakiinse ka xishoon maayo, waayo, waan garanayaa kan aan rumaystay, oo waxaan aaminsanahay inuu awoodo inuu dhawro wixii aan ku ammaanaystay ilaa maalintaas.
13ܢܗܘܝܢ ܠܟ ܚܘܪܐ ܡܠܐ ܚܠܝܡܬܐ ܕܫܡܥܬ ܡܢܝ ܒܗܝܡܢܘܬܐ ܘܒܚܘܒܐ ܕܒܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
13Masaalkii erayada runta ahaa ee aad iga maqasheen ku xaji rumaysadka iyo jacaylka Ciise Masiix ku jira.
14ܓܘܥܠܢܐ ܛܒܐ ܛܪ ܒܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܗܝ ܕܥܡܪܬ ܒܢ ܀
14Ammaanadii wanaagsanayd ee laguu dhiibay ku dhawr Ruuxa Quduuska ah oo inagu dhex jira.
15ܝܕܥ ܐܢܬ ܗܕܐ ܕܗܦܟܘ ܡܢܝ ܟܠܗܘܢ ܗܠܝܢ ܕܒܐܤܝܐ ܕܐܝܬܝܗܘܢ ܡܢܗܘܢ ܦܘܓܠܘܤ ܘܗܪܡܓܢܘܤ ܀
15Waad og tahay in kuwii Aasiya joogay oo dhammu ay iga leexdeen, waxaana ka mid ah Fugelos iyo Hermogenees.
16ܢܬܠ ܡܪܢ ܪܚܡܐ ܠܒܝܬܗ ܕܐܢܤܝܦܘܪܘܤ ܕܙܒܢܝܢ ܤܓܝܐܢ ܐܢܝܚܢܝ ܘܒܫܫܠܬܐ ܕܐܤܘܪܝ ܠܐ ܒܗܬ ܀
16Rabbiga ha u naxariisto reerkii Oneesiforos; waayo, marar badan ayuu i nasiyey, kamana xishoon silsiladdayda.
17ܐܠܐ ܐܦ ܟܕ ܐܬܐ ܠܪܗܘܡܝ ܒܚܦܝܛܘܬܐ ܒܥܢܝ ܘܐܫܟܚܢܝ ܀
17Laakiinse markuu Rooma joogay wuxuu ku dadaalay inuu i daydayo, wuuna i helay.Rabbigu maalintaas ha u naxariisto. Oo adigu aad baad u taqaan intuu waxyaalo ka adeegay Efesos.
18ܢܬܠ ܠܗ ܡܪܢ ܕܢܫܟܚ ܪܚܡܐ ܠܘܬ ܡܪܢ ܒܝܘܡܐ ܗܘ ܘܟܡܐ ܕܫܡܫܢܝ ܒܐܦܤܘܤ ܝܬܝܪܐܝܬ ܝܕܥ ܐܢܬ ܀
18Rabbigu maalintaas ha u naxariisto. Oo adigu aad baad u taqaan intuu waxyaalo ka adeegay Efesos.