Syriac: NT

Somali

Acts

1

1ܟܬܒܐ ܩܕܡܝܐ ܟܬܒܬ ܐܘ ܬܐܘܦܝܠܐ ܥܠ ܟܠܗܝܢ ܐܝܠܝܢ ܕܫܪܝ ܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܠܡܥܒܕ ܘܠܡܠܦܘ ܀
1Te'ofilosow, hadalkii hore waxaan ka qoray wax kasta oo Ciise bilaabay inuu sameeyo oo baro
2ܥܕܡܐ ܠܝܘܡܐ ܗܘ ܕܒܗ ܐܤܬܠܩ ܡܢ ܒܬܪ ܕܦܩܕ ܗܘܐ ܐܢܘܢ ܠܫܠܝܚܐ ܐܝܠܝܢ ܕܓܒܐ ܒܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܀
2ilaa maalintii sare loo qaaday isaga oo ka dambaysay wakhtiguu Ruuxa Quduuskaa ku amray rasuulladii uu doortay.
3ܗܢܘܢ ܕܐܦ ܚܘܝ ܠܗܘܢ ܢܦܫܗ ܟܕ ܚܝ ܡܢ ܒܬܪ ܕܚܫ ܒܐܬܘܬܐ ܤܓܝܐܬܐ ܒܝܘܡܝܢ ܐܪܒܥܝܢ ܟܕ ܡܬܚܙܐ ܗܘܐ ܠܗܘܢ ܘܐܡܪ ܥܠ ܡܠܟܘܬܐ ܕܐܠܗܐ ܀
3Markuu xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo isugu muujiyey, oo muddo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah.
4ܘܟܕ ܐܟܠ ܥܡܗܘܢ ܠܚܡܐ ܦܩܕ ܐܢܘܢ ܕܡܢ ܐܘܪܫܠܡ ܠܐ ܢܦܪܩܘܢ ܐܠܐ ܕܢܩܘܘܢ ܠܫܘܘܕܝܗ ܕܐܒܐ ܗܘ ܕܫܡܥܬܘܢ ܡܢܝ ܀
4Oo intuu iyagii la shiray, ayuu wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi, Yeruusaalem ha ka tegina, laakiinse suga ballankii Aabbaha oo aad iga maqasheen,
5ܕܝܘܚܢܢ ܐܥܡܕ ܒܡܝܐ ܘܐܢܬܘܢ ܬܥܡܕܘܢ ܒܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܠܐ ܒܬܪ ܝܘܡܬܐ ܤܓܝܐܐ ܀
5waayo, runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiinse waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah maalmo aan badnayn dabadood.
6ܗܢܘܢ ܕܝܢ ܟܕ ܟܢܝܫܝܢ ܫܐܠܘܗܝ ܘܐܡܪܝܢ ܠܗ ܡܪܢ ܐܢ ܒܗܢܐ ܙܒܢܐ ܡܦܢܐ ܐܢܬ ܡܠܟܘܬܐ ܠܐܝܤܪܝܠ ܀
6Sidaas daraaddeed markay isu yimaadeen, ayay weyddiiyeen isaga oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbow, ma haddeer baad boqortooyada u soo celinaysaa Israa'iil?
7ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܗܘ ܠܐ ܗܘܬ ܕܝܠܟܘܢ ܗܕܐ ܠܡܕܥ ܙܒܢܐ ܐܘ ܙܒܢܐ ܐܝܠܝܢ ܕܐܒܐ ܤܡ ܐܢܘܢ ܒܫܘܠܛܢܐ ܕܢܦܫܗ ܀
7Markaasuu iyaga ku yidhi, Dantiinna ma aha inaad ogaataan wakhtiyada iyo xilliyada uu Aabbuhu amarkiisa kaga dhigay.
8ܐܠܐ ܟܕ ܬܐܬܐ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܥܠܝܟܘܢ ܬܩܒܠܘܢ ܚܝܠܐ ܘܬܗܘܘܢ ܠܝ ܤܗܕܐ ܒܐܘܪܫܠܡ ܘܒܟܠܗ ܝܗܘܕ ܘܐܦ ܒܝܬ ܫܡܪܝܐ ܘܥܕܡܐ ܠܤܘܦܝܗ ܕܐܪܥܐ ܀
8Laakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Quduuska ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog.
9ܘܟܕ ܗܠܝܢ ܐܡܪ ܟܕ ܚܙܝܢ ܠܗ ܐܤܬܠܩ ܘܥܢܢܐ ܩܒܠܬܗ ܘܐܬܟܤܝ ܡܢ ܥܝܢܝܗܘܢ ܀
9Oo kolkuu waxyaalahaas yidhi dabadeed, iyagoo eegaya, ayaa sare loo qaaday isagii, oo daruur baa indhahoodii ka qarisay.
10ܘܟܕ ܚܝܪܝܢ ܗܘܘ ܒܫܡܝܐ ܟܕ ܗܘ ܐܙܠ ܗܘܐ ܐܫܬܟܚܘ ܬܪܝܢ ܓܒܪܝܢ ܩܝܡܝܢ ܠܘܬܗܘܢ ܒܠܒܘܫܐ ܚܘܪܐ ܀
10Oo intuu sii socday, iyagoo samada aad u fiirinaya, ayaa waxaa isa soo ag taagay laba nin oo dhar cadcad qaba,
11ܘܐܡܪܝܢ ܠܗܘܢ ܓܒܪܐ ܓܠܝܠܝܐ ܡܢܐ ܩܝܡܝܢ ܐܢܬܘܢ ܘܚܝܪܝܢ ܒܫܡܝܐ ܗܢܐ ܝܫܘܥ ܕܐܤܬܠܩ ܡܢܟܘܢ ܠܫܡܝܐ ܗܟܢܐ ܢܐܬܐ ܐܝܟ ܡܐ ܕܚܙܝܬܘܢܝܗܝ ܕܤܠܩ ܠܫܡܝܐ ܀
11oo waxay ku yidhaahdeen, Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa.
12ܘܡܢ ܒܬܪܟܢ ܗܦܟܘ ܠܗܘܢ ܠܐܘܪܫܠܡ ܡܢ ܛܘܪܐ ܕܡܬܩܪܐ ܕܒܝܬ ܙܝܬܐ ܕܐܝܬܘܗܝ ܥܠ ܓܢܒ ܐܘܪܫܠܡ ܘܦܪܝܩ ܡܢܗ ܐܝܟ ܫܒܥܐ ܐܤܛܕܘܢ ܀
12Markaasay Yeruusaalem ku noqdeen iyagoo ka yimid buurtii Saytuun la odhan jiray, oo u dhowayd Yeruusaalem, oo u jirtay maalin sabtiyeed socodkeed.
13ܘܡܢ ܒܬܪ ܕܥܠܘ ܤܠܩܘ ܠܗܘܢ ܠܥܠܝܬܐ ܗܝ ܕܗܘܝܢ ܗܘܘ ܒܗ ܦܛܪܘܤ ܘܝܘܚܢܢ ܘܝܥܩܘܒ ܘܐܢܕܪܐܘܤ ܘܦܝܠܝܦܘܤ ܘܬܐܘܡܐ ܘܡܬܝ ܘܒܪ ܬܘܠܡܝ ܘܝܥܩܘܒ ܒܪ ܚܠܦܝ ܘܫܡܥܘܢ ܛܢܢܐ ܘܝܗܘܕܐ ܒܪ ܝܥܩܘܒ ܀
13Oo markay magaaladii galeen, waxay aadeen qolladdii sare, meeshay joogi jireen Butros iyo Yooxanaa iyo Yacquub iyo Andaros, iyo Filibos iyo Toomas, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon Qiiroleh, iyo Yuudas ina Yacquub.
14ܗܠܝܢ ܟܠܗܘܢ ܐܟܚܕܐ ܐܡܝܢܝܢ ܗܘܘ ܒܨܠܘܬܐ ܒܚܕܐ ܢܦܫ ܥܡ ܢܫܐ ܘܥܡ ܡܪܝܡ ܐܡܗ ܕܝܫܘܥ ܘܥܡ ܐܚܘܗܝ ܀
14Kuwaas oo dhammu, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay ku sii adkaysteen tukasho, iyaga iyo dumarka, iyo Maryan oo ahayd Ciise hooyadiis, iyo walaalihiis.
15ܘܒܗܘܢ ܒܝܘܡܬܐ ܗܢܘܢ ܩܡ ܫܡܥܘܢ ܟܐܦܐ ܡܨܥܬ ܬܠܡܝܕܐ ܐܝܬ ܗܘܐ ܕܝܢ ܬܡܢ ܟܢܫܐ ܕܐܢܫܐ ܐܝܟ ܡܐܐ ܘܥܤܪܝܢ ܘܐܡܪ ܀
15Oo wakhtigaas ayaa Butros walaalaha dhexdooda istaagay (oo waxaa wada jiray dad badan oo qiyaastoodu ahayd boqol iyo labaatan); markaasuu yidhi,
16ܓܒܪܐ ܐܚܝܢ ܙܕܩ ܗܘܐ ܕܢܬܡܠܐ ܟܬܒܐ ܐܝܢܐ ܕܩܕܡ ܐܡܪ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܒܦܘܡܗ ܕܕܘܝܕ ܥܠ ܝܗܘܕܐ ܗܘ ܕܗܘܐ ܡܕܒܪܢܐ ܠܗܢܘܢ ܕܐܚܕܘ ܠܝܫܘܥ ܀
16Walaalayaalow, waxaa waajib ahaa in Qorniinku noqdo, kaas oo Ruuxa Quduuska ahu waagii hore afka Daa'uud kaga hadlay waxa ku saabsan Yuudas oo ahaa kii waday kuwii qabtay Ciise.
17ܡܛܠ ܕܡܢܐ ܗܘܐ ܥܡܢ ܘܐܝܬ ܗܘܐ ܠܗ ܦܤܐ ܒܬܫܡܫܬܐ ܗܕܐ ܀
17Maxaa yeelay, isaga waa laynagu tirshay, oo shuqulkan ayuu qaybtiisii helay.
18ܗܢܘ ܕܩܢܐ ܠܗ ܩܪܝܬܐ ܡܢ ܐܓܪܐ ܕܚܛܝܬܐ ܘܢܦܠ ܥܠ ܐܦܘܗܝ ܥܠ ܐܪܥܐ ܘܐܬܦܪܬ ܡܢ ܡܨܥܬܗ ܘܐܬܐܫܕ ܟܠܗ ܓܘܝܗ ܀
18Haddaba ninkaasu meel ayuu ku iibsaday abaalgudka xaqdarradiis; oo intuu madax madax u dhacay ayuu dhexda ka kala dillaacay, oo mindhicirkiisii oo dhammuna waa ka soo daatay.
19ܘܗܝ ܗܕܐ ܐܬܝܕܥܬ ܠܟܠܗܘܢ ܕܥܡܪܝܢ ܒܐܘܪܫܠܡ ܘܗܟܢܐ ܐܬܩܪܝܬ ܩܪܝܬܐ ܗܝ ܒܠܫܢܗ ܕܐܬܪܐ ܚܩܠ ܕܡܐ ܕܐܝܬܘܗܝ ܬܘܪܓܡܗ ܩܘܪܝܬ ܕܡ ܀
19Kolkaasaa kuwii Yeruusaalem joogay oo dhammu ay wada ogaadeen; sidaas daraaddeed meeshaas waxaa afkooda loogu bixiyey Akeldama, taas oo micneheedu yahay, meeshii dhiigga.
20ܟܬܝܒ ܓܝܪ ܒܤܦܪܐ ܕܡܙܡܘܪܐ ܕܕܝܪܗ ܬܗܘܐ ܚܪܒܐ ܘܥܡܘܪ ܠܐ ܢܗܘܐ ܒܗ ܘܬܫܡܫܬܗ ܢܤܒ ܐܚܪܝܢ ܀
20Waayo, waxaa kitaabkii Sabuurrada lagu qoray, Gurigiisu cidla' ha noqdo, Ninnana yuusan meeshaas degin; iyo Wakiilnimadiisa mid kale ha qabto.
21ܘܠܝܐ ܗܝ ܗܟܝܠ ܠܚܕ ܡܢ ܗܠܝܢ ܓܒܪܐ ܕܗܘܘ ܥܡܢ ܒܗܢܐ ܙܒܢܐ ܟܠܗ ܕܒܗ ܥܠ ܘܢܦܩ ܥܠܝܢ ܡܪܢ ܝܫܘܥ ܀
21Haddaba nimankii inala socday wakhti kasta intuu Rabbi Ciise ina soo dhex galay, inagana dhex baxay,
22ܕܐܩܦ ܡܢ ܡܥܡܘܕܝܬܗ ܕܝܘܚܢܢ ܥܕܡܐ ܠܝܘܡܐ ܕܐܤܬܠܩ ܡܢ ܠܘܬܢ ܕܗܘ ܢܗܘܐ ܥܡܢ ܤܗܕܐ ܕܩܝܡܬܗ ܀
22oo ka bilaabmay baabtiiskii Yooxanaa ilaa maalintii sare laynooga qaaday isaga, iyagii midkood waa inuu markhaati ina gala ahaado sarakiciddiisa.
23ܘܐܩܝܡܘ ܬܪܝܢ ܠܝܘܤܦ ܕܡܬܩܪܐ ܒܪܫܒܐ ܕܐܫܬܡܝ ܝܘܤܛܘܤ ܘܠܡܬܝܐ ܀
23Markaasay laba iska soo saareen, kuwaas oo ahaa Yuusuf oo la odhan jiray Barsabaas ee naanaystiisu ahayd Yuustos, iyo Matiyas.
24ܘܟܕ ܨܠܝܘ ܐܡܪܘ ܐܢܬ ܡܪܝܐ ܝܕܥ ܕܒܠܒܘܬܐ ܕܟܠ ܚܘܐ ܚܕ ܐܝܢܐ ܕܓܒܐ ܐܢܬ ܡܢ ܗܠܝܢ ܬܪܝܗܘܢ ܀
24Kolkaasay tukadeen oo yidhaahdeen, Rabbow, adigoo garanaya qalbiga dadka oo dhan, na tus labadan kaad dooratay,
25ܕܗܘ ܢܩܒܠ ܦܤܐ ܕܬܫܡܫܬܐ ܘܫܠܝܚܘܬܐ ܕܡܢܗ ܦܪܩ ܝܗܘܕܐ ܕܢܐܙܠ ܠܗ ܠܐܬܪܗ ܀
25inuu galo meeshii shuqulkan iyo rasuulnimadan oo Yuudas ka dhacay inuu meeshiisa tago.Markaasay u saami riteen; saamigiina wuxuu ku dhacay Matiyas; oo isagana waxaa lagu daray koob-iyo-tobankii rasuul.
26ܘܐܪܡܝܘ ܦܨܐ ܘܤܠܩܬ ܠܡܬܝܐ ܘܐܬܡܢܝ ܥܡ ܚܕܥܤܪ ܫܠܝܚܐ ܀
26Markaasay u saami riteen; saamigiina wuxuu ku dhacay Matiyas; oo isagana waxaa lagu daray koob-iyo-tobankii rasuul.