1ܘܐܫܬܡܥܬ ܗܘܬ ܠܫܠܝܚܐ ܘܠܐܚܐ ܕܒܝܗܘܕ ܕܐܦ ܥܡܡܐ ܩܒܠܘ ܡܠܬܐ ܕܐܠܗܐ ܀
1Haddaba rasuulladii iyo walaalihii Yahuudiya joogay ayay waxay maqleen in dadka aan Yuhuudda ahaynna ay ereygii Ilaah aqbaleen.
2ܘܟܕ ܤܠܩ ܫܡܥܘܢ ܠܐܘܪܫܠܡ ܕܝܢܝܢ ܗܘܘ ܥܡܗ ܗܢܘܢ ܕܡܢ ܓܙܘܪܬܐ ܀
2Oo markii Butros Yeruusaalem yimid, kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa ayaa la murmay isagii,
3ܟܕ ܐܡܪܝܢ ܕܠܘܬ ܐܢܫܐ ܥܘܪܠܐ ܥܠ ܘܠܥܤ ܥܡܗܘܢ ܀
3oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad u tagtay niman aan la gudin, waadna la cuntay.
4ܘܐܩܦ ܗܘܐ ܫܡܥܘܢ ܒܬܪ ܒܬܪ ܠܡܐܡܪ ܠܗܘܢ ܀
4Laakiin Butros wuxuu bilaabay inuu sheekadii ugu sheego siday isugu xigtay, oo wuxuu yidhi.
5ܕܟܕ ܡܨܠܐ ܗܘܝܬ ܒܝܘܦܐ ܚܙܝܬ ܒܚܙܘܐ ܕܢܚܬ ܗܘܐ ܡܐܢܐ ܚܕ ܐܝܢܐ ܕܕܡܐ ܗܘܐ ܠܟܬܢܐ ܘܐܤܝܪ ܗܘܐ ܒܐܪܒܥ ܩܪܢܬܗ ܘܫܐܒ ܗܘܐ ܡܢ ܫܡܝܐ ܘܐܬܐ ܥܕܡܐ ܠܘܬܝ ܀
5Anigu waxaan joogay magaalada Yaafaa la yidhaahdo oo waan tukanayay, markaas waxaan khilaawo ku arkay riyo oo ahayd weel soo degaya sida shiraaq weyn oo kale oo afartiisa geesood samada lagaga soo dejinayo; wuuna ii soo dhowaaday,
6ܘܚܪܬ ܒܗ ܘܚܙܐ ܗܘܝܬ ܕܐܝܬ ܒܗ ܚܝܘܬܐ ܕܐܪܒܥܬ ܪܓܠܝܗܝܢ ܘܪܚܫܐ ܕܐܪܥܐ ܘܐܦ ܦܪܚܬܐ ܕܫܡܝܐ ܀
6oo markaan aad u fiiriyey, ayaan ka fikiray oo waxaan arkay xayawaankii afarta lugood lahaa oo dhulka, iyo dugaagta, iyo waxa gurguurta, iyo haadda cirka.
7ܘܫܡܥܬ ܗܘܝܬ ܩܠܐ ܕܐܡܪ ܗܘܐ ܠܝ ܫܡܥܘܢ ܩܘܡ ܟܘܤ ܘܐܟܘܠ ܀
7Oo waxaan maqlay cod igu leh, Kac, Butrosow, gowrac oo cun.
8ܘܐܡܪܬ ܚܤ ܡܪܝ ܕܡܡܬܘܡ ܠܐ ܥܠ ܠܦܘܡܝ ܕܛܡܐ ܘܕܡܤܝܒ ܀
8Laakiin waxaan idhi, Saas yaanay noqon, Rabbiyow, maxaa yeelay, wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn, weligay afkayga ma gelin.
9ܘܬܘܒ ܩܠܐ ܐܡܪ ܠܝ ܡܢ ܫܡܝܐ ܕܡܕܡ ܕܐܠܗܐ ܕܟܝ ܐܢܬ ܠܐ ܬܤܝܒ ܀
9Laakiin markii labaad cod baa samada ka soo jawaabay oo yidhi, Wixii Ilaah nadiifiyey, xaaraan ha ka dhigin.
10ܗܕܐ ܗܘܬ ܬܠܬ ܙܒܢܝܢ ܘܐܤܬܠܩ ܠܗ ܟܠܡܕܡ ܠܫܡܝܐ ܀
10Taasna waxay dhacday saddex goor; markaasaa dhammaantood mar labaad samada kor loogu bixiyey.
11ܘܒܗ ܒܫܥܬܐ ܬܠܬܐ ܓܒܪܝܢ ܕܐܫܬܕܪܘ ܠܘܬܝ ܡܢ ܩܘܪܢܠܝܘܤ ܡܢ ܩܤܪܝܐ ܐܬܘ ܘܩܡܘ ܥܠ ܬܪܥܐ ܕܕܪܬܐ ܕܫܪܐ ܗܘܝܬ ܒܗ ܀
11Oo bal eega, markiiba saddex nin baa istaagtay gurigaannu joognay hortiisa, kuwaasoo la iiga soo diray Kaysariya.
12ܘܐܡܪ ܠܝ ܪܘܚܐ ܕܙܠ ܥܡܗܘܢ ܕܠܐ ܦܘܠܓܐ ܘܐܬܘ ܥܡܝ ܐܦ ܗܠܝܢ ܫܬܐ ܐܚܝܢ ܘܥܠܢ ܠܒܝܬܗ ܕܓܒܪܐ ܀
12Ruuxuna wuxuu ii sheegay inaan raaco iyaga, anoo aan shaki lahayn. Oo lixdatan walaalaha ihina way i raaceen; waxaannan galnay ninkii gurigiisii;
13ܘܐܫܬܥܝ ܠܢ ܐܝܟܢܐ ܚܙܐ ܒܒܝܬܗ ܡܠܐܟܐ ܕܩܡ ܘܐܡܪ ܠܗ ܕܫܕܪ ܠܝܘܦܐ ܡܕܝܢܬܐ ܘܐܝܬܐ ܠܫܡܥܘܢ ܕܡܬܩܪܐ ܟܐܦܐ ܀
13markaasuu wuxuu noo sheegay siduu gurigiisa ugu arkay malaa'igta taagan oo ku leh, Yaafaa cid u dir oo uga soo yeedh Simoon kan la yidhaahdo Butros;
14ܘܗܘ ܢܡܠܠ ܥܡܟ ܡܠܐ ܕܒܗܝܢ ܬܚܐ ܐܢܬ ܘܟܠܗ ܒܝܬܟ ܀
14kaasoo kugula hadli doona hadallo aad ku badbaadi doontid, adiga iyo dadka gurigaaga oo dhammiba.
15ܘܟܕ ܐܩܦܬ ܗܘܝܬ ܬܡܢ ܠܡܡܠܠܘ ܐܓܢܬ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܥܠܝܗܘܢ ܐܝܟ ܡܐ ܕܥܠܝܢ ܡܢ ܩܕܝܡ ܀
15Oo kolkaan bilaabay inaan hadlo ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay iyaga siduu bilowgii inoogu soo degay innagana.
16ܘܐܬܕܟܪܬ ܡܠܬܗ ܕܡܪܢ ܕܐܡܪ ܗܘܐ ܕܝܘܚܢܢ ܐܥܡܕ ܒܡܝܐ ܐܢܬܘܢ ܕܝܢ ܬܥܡܕܘܢ ܒܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܀
16Markaasaan xusuustay ereygii Rabbiga, siduu u yidhi, Runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo; laakiin idinka waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.
17ܐܢ ܗܟܝܠ ܐܠܗܐ ܫܘܝܐܝܬ ܝܗܒܗ ܡܘܗܒܬܐ ܠܥܡܡܐ ܐܝܠܝܢ ܕܗܝܡܢܘ ܒܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܐܝܟ ܕܐܦ ܠܢ ܐܢܐ ܡܢ ܗܘܝܬ ܕܐܤܦܩ ܗܘܝܬ ܕܐܟܠܐ ܠܐܠܗܐ ܀
17Haddaba haddii Ilaah iyaga siiyey isku hadiyaddii, siduu inoo siiyey markii aynu Rabbi Ciise Masiix rumaysannay, anigu kumaan ahaa kaygan Ilaah diidi karaa?
18ܘܟܕ ܗܠܝܢ ܡܠܐ ܫܡܥܘ ܫܠܝܘ ܠܗܘܢ ܘܫܒܚܘ ܠܐܠܗܐ ܘܐܡܪܝܢ ܗܘܘ ܕܟܒܪ ܐܦ ܠܥܡܡܐ ܐܠܗܐ ܝܗܒ ܬܝܒܘܬܐ ܠܚܝܐ ܀
18Oo markay waxyaalahaas maqleen, ayay dooddii ka aamuseen, Ilaah bayna ammaaneen, oo waxay yidhaahdeen, Haddaba xataa dadka aan Yuhuudda ahaynna Ilaah baa siiyey toobadkeen inay nolol helaan.
19ܗܢܘܢ ܕܝܢ ܕܐܬܒܕܪܘ ܗܘܘ ܡܢ ܐܘܠܨܢܐ ܕܗܘܐ ܗܘܐ ܥܠ ܐܤܛܦܢܘܤ ܡܛܝܘ ܗܘܘ ܥܕܡܐ ܠܦܘܢܝܩܐ ܘܐܦ ܠܐܬܪܐ ܕܩܘܦܪܘܤ ܘܠܐܢܛܝܟܝܐ ܟܕ ܥܡ ܐܢܫ ܠܐ ܡܡܠܠܝܢ ܗܘܘ ܡܠܬܐ ܐܠܐ ܒܠܚܘܕ ܥܡ ܝܗܘܕܝܐ ܀
19Haddaba kuwii u kala firidhsanaa, dhibaatadii kacday Istefanos aawadiis, waxay u sodcaaleen tan iyo Foynike iyo Qubrus iyo Antiyokh, iyagoo aan ereyga kula hadlin ninna, Yuhuudda oo keliya mooyaane.
20ܐܝܬ ܗܘܘ ܕܝܢ ܐܢܫܐ ܡܢܗܘܢ ܡܢ ܩܘܦܪܘܤ ܘܡܢ ܩܘܪܝܢܐ ܗܠܝܢ ܥܠܘ ܗܘܘ ܠܐܢܛܝܘܟܝ ܘܡܡܠܠܝܢ ܗܘܘ ܥܡ ܝܘܢܝܐ ܘܡܤܒܪܝܢ ܗܘܘ ܥܠ ܡܪܢ ܝܫܘܥ ܀
20Laakiin waxaa jiray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa niman reer Qubrus iyo reer Kuranaya ahaa, kuwaasoo, kolkay Antiyokh yimaadeen, xataa Gariiggiina la hadlay, iyagoo ku wacdiyaya Rabbi Ciise.
21ܘܐܝܬ ܗܘܬ ܥܡܗܘܢ ܐܝܕܗ ܕܡܪܝܐ ܘܤܓܝܐܐ ܗܝܡܢܘ ܘܐܬܦܢܝܘ ܠܘܬ ܡܪܝܐ ܀
21Gacanta Rabbiguna waa la jirtay iyaga; oo kuwa tiro badan oo rumaystay baa Rabbiga u soo jeestay.
22ܘܐܫܬܡܥܬ ܗܘܬ ܗܝ ܗܕܐ ܠܐܕܢܝܗܘܢ ܕܒܢܝ ܥܕܬܐ ܕܒܐܘܪܫܠܡ ܘܫܕܪܘ ܠܒܪܢܒܐ ܠܐܢܛܝܘܟܝ ܀
22Oo warkii iyaga ku saabsanaa baa wuxuu soo gaadhay kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil; markaasay Barnabas tan iyo Antiyokh u direen;
23ܘܟܕ ܐܬܐ ܠܬܡܢ ܘܚܙܐ ܛܝܒܘܬܗ ܕܐܠܗܐ ܚܕܝ ܘܒܥܐ ܗܘܐ ܡܢܗܘܢ ܕܒܟܠܗ ܠܒܗܘܢ ܢܗܘܘܢ ܢܩܝܦܝܢ ܠܡܪܢ ܀
23kaasoo farxay markuu yimid oo arkay nimcada Ilaah; wuxuuna kulligood ku waaniyey inay Rabbiga ku xajistaan niyad qalbiga ka timid,
24ܡܛܠ ܕܓܒܪܐ ܗܘܐ ܛܒܐ ܘܡܫܡܠܝ ܗܘܐ ܒܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܘܒܗܝܡܢܘܬܐ ܘܐܬܬܘܤܦ ܗܘܐ ܥܡܐ ܤܓܝܐܐ ܠܡܪܢ ܀
24maxaa yeelay, nin wanaagsan buu ahaa oo waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah iyo rumaysad; dad badan baana Rabbiga u kordhay.
25ܘܗܘ ܢܦܩ ܗܘܐ ܠܛܪܤܘܤ ܠܡܒܥܐ ܠܫܐܘܠ ܀
25Markaasuu Tarsos tegey inuu Sawlos ka doono;
26ܘܟܕ ܐܫܟܚܗ ܐܝܬܝܗ ܥܡܗ ܠܐܢܛܝܟܝܐ ܘܫܢܬܐ ܟܠܗ ܐܟܚܕܐ ܟܢܝܫܝܢ ܗܘܘ ܒܥܕܬܐ ܘܐܠܦܘ ܥܡܐ ܤܓܝܐܐ ܡܢ ܗܝܕܝܢ ܩܕܡܝܬ ܐܬܩܪܝܘ ܒܐܢܛܝܘܟܝ ܬܠܡܝܕܐ ܟܪܤܛܝܢܐ ܀
26markuu soo helayna, ayuu Antiyokh keenay. Waxaana dhacday inay sannad dhan kiniisadda la urureen oo ay dad badan wax bareen, oo meeshii ugu horraysay ee xertii loogu yeedhay Masiixiyiin waxay ahayd Antiyokh.
27ܘܒܝܘܡܬܐ ܗܢܘܢ ܐܬܘ ܡܢ ܐܘܪܫܠܡ ܠܬܡܢ ܢܒܝܐ ܀
27Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem ka yimid nebiyo inay Antiyokh tagaan.
28ܘܩܡ ܚܕ ܡܢܗܘܢ ܕܫܡܗ ܗܘܐ ܐܓܒܘܤ ܘܐܘܕܥ ܐܢܘܢ ܒܪܘܚ ܕܟܦܢܐ ܪܒܐ ܗܘܐ ܒܟܠܗ ܐܪܥܐ ܘܗܘܐ ܟܦܢܐ ܗܢܐ ܒܝܘܡܝ ܩܠܘܕܝܘܤ ܩܤܪ ܀
28Markaasaa mid iyaga ka mid ah oo Agabos la odhan jiray ayaa istaagay, oo wuxuu Ruuxa ku sheegay in abaar weyni dunida ku dhici doonto, taas oo dhacday wakhtigii Kalawdiyos.
29ܒܪܡ ܕܝܢ ܬܠܡܝܕܐ ܐܝܟ ܡܐ ܕܐܝܬ ܗܘܐ ܠܐܢܫ ܐܢܫ ܡܢܗܘܢ ܦܪܫܘ ܕܢܫܕܪܘܢ ܠܬܫܡܫܬܐ ܕܐܚܐ ܐܝܠܝܢ ܕܥܡܪܝܢ ܒܝܗܘܕ ܀
29Markaasaa mid kasta oo xertii ka mid ihiba, sidii tabartiisu ahayd, wuxuu goostay inuu caawimaad u diro walaalihii Yahuudiya jooga,oo sidaasay yeeleen, oo waxay waayeelladii ugu sii dhiibeen gacanta Barnabas iyo Sawlos.
30ܘܫܕܪܘ ܒܝܕ ܒܪܢܒܐ ܘܫܐܘܠ ܠܩܫܝܫܐ ܕܬܡܢ ܀
30oo sidaasay yeeleen, oo waxay waayeelladii ugu sii dhiibeen gacanta Barnabas iyo Sawlos.