1ܘܐܬܘ ܘܥܠܘ ܠܗܘܢ ܠܟܢܘܫܬܐ ܕܝܗܘܕܝܐ ܘܗܟܢܐ ܡܠܠܘ ܥܡܗܘܢ ܐܝܟ ܕܢܗܝܡܢܘܢ ܤܓܝܐܐ ܡܢ ܝܗܘܕܝܐ ܘܡܢ ܝܘܢܝܐ ܀
1Waxaa Ikoniyon ka dhacday inay wada galeen sunagogga Yuhuudda, oo siday u hadleen aawadeed dad badan oo Yuhuud iyo Gariigba ah ayaa rumaystay.
2ܝܗܘܕܝܐ ܕܝܢ ܐܝܠܝܢ ܕܠܐ ܡܬܛܦܝܤܝܢ ܗܘܘ ܓܪܓܘ ܠܥܡܡܐ ܕܢܒܐܫܘܢ ܠܗܘܢ ܠܐܚܐ ܀
2Laakiin Yuhuuddii caasiyiinta ahayd ayaa waxay dadkii aan Yuhuudda ahayn ku kiciyeen oo si xun ugu direen walaalihii.
3ܘܗܢܘܢ ܙܒܢܐ ܤܓܝܐܐ ܗܘܘ ܬܡܢ ܘܥܝܢ ܒܓܠܐ ܡܡܠܠܝܢ ܗܘܘ ܥܠ ܡܪܝܐ ܘܗܘ ܡܤܗܕ ܗܘܐ ܥܠ ܡܠܬܐ ܕܛܝܒܘܬܗ ܒܐܬܘܬܐ ܘܒܬܕܡܪܬܐ ܕܥܒܕ ܗܘܐ ܒܐܝܕܝܗܘܢ ܀
3Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan.
4ܘܟܠܗ ܟܢܫܐ ܕܡܕܝܢܬܐ ܦܠܝܓ ܗܘܐ ܡܢܗܘܢ ܐܝܬ ܗܘܘ ܥܡ ܝܗܘܕܝܐ ܘܡܢܗܘܢ ܢܩܝܦܝܢ ܗܘܘ ܠܫܠܝܚܐ ܀
4Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii.
5ܗܘܐ ܕܝܢ ܥܠܝܗܘܢ ܓܙܡܐ ܡܢ ܥܡܡܐ ܘܡܢ ܝܗܘܕܝܐ ܘܪܫܢܝܗܘܢ ܕܢܨܥܪܘܢ ܐܢܘܢ ܘܢܪܓܡܘܢ ܐܢܘܢ ܒܟܐܦܐ ܀
5Markii dadkii aan Yuhuudda ahayn iyo Yuhuuddaba, iyaga iyo taliyayaashoodii, ay ku yaaceen inay caayaan oo dhagxiyaan,
6ܘܟܕ ܝܕܥܘ ܫܢܝܘ ܘܐܬܓܘܤܘ ܒܡܕܝܢܬܐ ܕܠܘܩܢܝܐ ܠܘܤܛܪܐ ܘܕܪܒܐ ܘܩܘܪܝܐ ܕܚܕܪܝܗܝܢ ܀
6ayay garteen, oo waxay u carareen magaalooyinkii la odhan jiray Luka'oniya iyo Lustara iyo Derbe iyo dhulka ku wareegsan;
7ܘܬܡܢ ܡܤܒܪܝܢ ܗܘܘ ܀
7meeshaasna ayay injiilka ku wacdiyeen dadka.
8ܘܓܒܪܐ ܚܕ ܝܬܒ ܗܘܐ ܒܠܘܤܛܪܐ ܡܕܝܢܬܐ ܕܤܓܝܦ ܗܘܐ ܒܪܓܠܘܗܝ ܚܓܝܪܐ ܕܡܢ ܟܪܤ ܐܡܗ ܕܡܡܬܘܡ ܠܐ ܗܠܟ ܗܘܐ ܀
8Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon.
9ܗܢܐ ܫܡܥ ܠܦܘܠܘܤ ܕܡܡܠܠ ܘܟܕ ܚܙܝܗܝ ܦܘܠܘܤ ܘܐܫܬܘܕܥ ܕܐܝܬ ܒܗ ܗܝܡܢܘܬܐ ܕܢܚܐ ܀
9Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay,
10ܐܡܪ ܠܗ ܒܩܠܐ ܪܡܐ ܠܟ ܐܡܪ ܐܢܐ ܒܫܡܗ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܩܘܡ ܥܠ ܪܓܠܝܟ ܘܫܘܪ ܩܡ ܘܗܠܟ ܀
10wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday.
11ܘܟܢܫܐ ܕܥܡܐ ܟܕ ܚܙܘ ܡܕܡ ܕܥܒܕ ܦܘܠܘܤ ܐܪܝܡܘ ܩܠܗܘܢ ܒܠܫܢܗ ܕܐܬܪܐ ܘܐܡܪܝܢ ܐܠܗܐ ܐܬܕܡܝܘ ܒܒܢܝ ܐܢܫܐ ܘܢܚܬܘ ܠܘܬܢ ܀
11Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos sameeyey, ayay codkoodii sare u qaadeen, iyagoo afkii Luka'oniya ku leh, Ilaahyadu waxay inoogu yimaadeen iyagoo sidii niman u eg.
12ܘܫܡܝܘ ܗܘܘ ܠܒܪܢܒܐ ܡܪܐ ܐܠܗܐ ܘܠܦܘܠܘܤ ܗܪܡܝܤ ܡܛܠ ܕܗܘ ܡܫܪܐ ܗܘܐ ܒܡܠܬܐ ܀
12Barnabasna waxay u bixiyeen Yubiter; Bawlosna waxay u bixiyeen Merkuriyos, maxaa yeelay, wuxuu ahaa kii hadalka waday.
13ܘܟܘܡܪܐ ܕܡܪܐ ܐܠܗܐ ܗܘ ܕܐܝܬ ܗܘܐ ܠܒܪ ܡܢ ܡܕܝܢܬܐ ܐܝܬܝ ܬܘܪܐ ܘܟܠܝܠܐ ܠܬܪܥܐ ܕܕܪܬܐ ܐܬܪ ܕܫܪܝܢ ܗܘܘ ܘܨܒܐ ܗܘܐ ܕܢܕܒܚ ܠܗܘܢ ܀
13Markaasaa wadaadkii Yubiter oo macbudkiisu ku yiil magaalada horteeda, wuxuu irdaha keenay dibiyo, iyo ubaxyo isku taxan, wuxuuna doonayay inuu dadkii badnaa la sadqeeyo.
14ܒܪܢܒܐ ܕܝܢ ܘܦܘܠܘܤ ܟܕ ܫܡܥܘ ܤܕܩܘ ܢܚܬܝܗܘܢ ܘܫܘܪܘ ܘܢܦܩܘ ܠܗܘܢ ܠܘܬ ܐܟܠܘܤ ܘܩܥܝܢ ܗܘܘ ܀
14Laakiin rasuulladii Barnabas iyo Bawlos markay maqleen, ayay dharkoodii jeexjeexeen, oo dadkii badnaa ku soo dhex boodeen, iyagoo ku dhawaaqaya
15ܘܐܡܪܝܢ ܓܒܪܐ ܡܢܐ ܥܒܕܝܢ ܐܢܬܘܢ ܐܦ ܚܢܢ ܒܢܝܢܫܐ ܚܢܢ ܚܫܘܫܐ ܐܟܘܬܟܘܢ ܕܡܤܒܪܝܢܢ ܠܟܘܢ ܕܡܢ ܗܠܝܢ ܒܛܠܬܐ ܬܬܦܢܘܢ ܠܘܬ ܐܠܗܐ ܚܝܐ ܗܘ ܕܥܒܕ ܫܡܝܐ ܘܐܪܥܐ ܘܝܡܡܐ ܘܟܠ ܕܐܝܬ ܒܗܘܢ ܀
15oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
16ܗܘ ܕܒܕܪܐ ܩܕܡܝܐ ܫܒܩ ܗܘܐ ܐܢܘܢ ܠܟܠܗܘܢ ܥܡܡܐ ܕܢܐܙܠܘܢ ܒܐܘܪܚܬܐ ܕܢܦܫܗܘܢ ܀
16kaasoo qarniyada tegey quruumaha oo dhan u oggolaaday inay jidadkooda ku socdaan.
17ܟܕ ܠܐ ܫܒܩ ܢܦܫܗ ܕܠܐ ܤܗܕܘ ܒܕܥܒܕ ܗܘܐ ܠܗܘܢ ܛܒܬܐ ܡܢ ܫܡܝܐ ܘܡܚܬ ܗܘܐ ܠܗܘܢ ܡܛܪܐ ܘܡܪܒܐ ܗܘܐ ܦܐܪܐ ܒܙܒܢܝܗܘܢ ܘܡܠܐ ܗܘܐ ܬܘܪܤܝܐ ܘܒܤܝܡܘܬܐ ܠܒܘܬܗܘܢ ܀
17Hase ahaatee isu maragfurla'aan iskama sii dayn, laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad.
18ܘܟܕ ܗܠܝܢ ܐܡܪܝܢ ܗܘܘ ܡܢ ܡܚܤܢ ܟܠܘ ܠܥܡܐ ܕܐܢܫ ܠܐ ܢܕܒܚ ܠܗܘܢ ܀
18Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga.
19ܐܬܘ ܕܝܢ ܠܬܡܢ ܝܗܘܕܝܐ ܡܢ ܐܝܩܢܘܢ ܘܡܢ ܐܢܛܝܟܝܐ ܘܫܓܫܘ ܥܠܝܗܘܢ ܠܥܡܐ ܘܪܓܡܘܗܝ ܠܦܘܠܘܤ ܘܓܪܘܗܝ ܠܒܪ ܡܢ ܡܕܝܢܬܐ ܡܛܠ ܕܤܒܪܝܢ ܗܘܘ ܕܡܝܬ ܠܗ ܀
19Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay.
20ܘܟܢܫܘ ܥܠܘܗܝ ܬܠܡܝܕܐ ܘܩܡ ܥܠ ܠܡܕܝܢܬܐ ܘܠܝܘܡܐ ܐܚܪܢܐ ܢܦܩ ܠܗ ܡܢ ܬܡܢ ܥܡ ܒܪܢܒܐ ܘܐܬܘ ܠܕܪܒܐ ܡܕܝܢܬܐ ܀
20Laakiin intii xertii hareerihiisii taagnaayeen, ayuu kacay, markaasuu magaaladii galay; maalintii dambena wuu ka baxay oo Barnabas u raacay Derbe.
21ܘܟܕ ܡܤܒܪܝܢ ܗܘܘ ܠܒܢܝ ܡܕܝܢܬܐ ܗܝ ܬܠܡܕܘ ܗܘܘ ܠܤܓܝܐܐ ܘܗܦܟܘ ܐܬܘ ܠܗܘܢ ܠܠܘܤܛܪܐ ܡܕܝܢܬܐ ܘܠܐܝܩܢܘܢ ܘܠܐܢܛܝܟܝܐ ܀
21Oo markay magaaladaas injiilkii ku wacdiyeen oo kuwo badan xer ka dhigeen, ayay ku noqdeen Lustara iyo Ikoniyon iyo Antiyokh,
22ܟܕ ܡܫܪܪܝܢ ܗܘܘ ܢܦܫܬܗܘܢ ܕܬܠܡܝܕܐ ܘܒܥܝܢ ܗܘܘ ܡܢܗܘܢ ܕܢܩܘܘܢ ܒܗܝܡܢܘܬܐ ܘܐܡܪܝܢ ܗܘܘ ܠܗܘܢ ܕܒܐܘܠܨܢܐ ܤܓܝܐܐ ܘܠܐ ܠܡܥܠ ܠܡܠܟܘܬܗ ܕܐܠܗܐ ܀
22iyagoo nafihii xerta ku xoogaynaya, kuna waaninaya inay iimaanka ku sii wadaan, iyagoo ku leh, Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah.
23ܘܐܩܝܡܘ ܠܗܘܢ ܒܟܠ ܥܕܬܐ ܩܫܝܫܐ ܟܕ ܨܝܡܝܢ ܗܘܘ ܥܡܗܘܢ ܘܡܨܠܝܢ ܘܡܓܥܠܝܢ ܗܘܘ ܠܗܘܢ ܠܡܪܢ ܗܘ ܕܗܝܡܢܘ ܒܗ ܀
23Oo markay iyagii kiniisad walba waayeello uga dooreen oo ay soon ku tukadeen, waxay iyagii ku ammaana geliyeen Rabbiga ay rumaysteen.
24ܘܟܕ ܐܬܟܪܟܘ ܒܐܬܪܐ ܕܦܝܤܝܕܝܐ ܐܬܘ ܠܗܘܢ ܠܦܡܦܘܠܝܐ ܀
24Markaasay sii dhex mareen Bisidiya oo yimaadeen Bamfuliya.
25ܘܟܕ ܡܠܠܘ ܒܦܪܓܐ ܡܕܝܢܬܐ ܡܠܬܐ ܕܡܪܝܐ ܢܚܬܘ ܠܗܘܢ ܠܐܝܛܠܝܐ ܀
25Oo kolkay ereyga kaga hadleen Berga ayay waxay tageen Ataliya;
26ܘܡܢ ܬܡܢ ܪܕܘ ܒܝܡܐ ܘܐܬܘ ܠܗܘܢ ܠܐܢܛܝܟܝܐ ܡܛܠ ܕܡܢ ܬܡܢ ܡܓܥܠܝܢ ܗܘܘ ܠܛܝܒܘܬܗ ܕܡܪܝܐ ܠܥܒܕܐ ܗܘ ܕܫܠܡܘ ܀
26meeshaasna waxay uga dhoofeen Antiyokh, taasoo ahayd meeshii iyaga lagaga ammaana geliyey nimcadii Ilaah shuqulkii ay sameeyeen aawadiis.
27ܘܟܕ ܟܢܫܘ ܟܠܗ ܥܕܬܐ ܡܫܬܥܝܢ ܗܘܘ ܟܠܡܕܡ ܕܥܒܕ ܥܡܗܘܢ ܐܠܗܐ ܘܕܦܬܚ ܬܪܥܐ ܕܗܝܡܢܘܬܐ ܠܥܡܡܐ ܀
27Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn.Markaasay wakhti aan yarayn xertii la joogeen.
28ܘܙܒܢܐ ܤܓܝܐܐ ܗܘܘ ܬܡܢ ܠܘܬ ܬܠܡܝܕܐ ܀
28Markaasay wakhti aan yarayn xertii la joogeen.