1ܘܒܬܪ ܕܫܠܝ ܫܓܘܫܝܐ ܩܪܐ ܦܘܠܘܤ ܠܬܠܡܝܕܐ ܘܒܝܐ ܐܢܘܢ ܘܢܫܩ ܐܢܘܢ ܘܢܦܩ ܐܙܠ ܠܗ ܠܡܩܕܘܢܝܐ ܀
1Markii rabshaddii dhammaatay dabadeed Bawlos ayaa xertii u cid diray oo dhiirrigeliyey, markaasuu nabadgelyeeyey oo baxay inuu Makedoniya tago.
2ܘܟܕ ܐܬܟܪܟ ܐܢܘܢ ܠܐܬܪܘܬܐ ܗܠܝܢ ܘܒܝܐ ܐܢܘܢ ܒܡܠܐ ܤܓܝܐܬܐ ܐܬܐ ܠܗ ܠܗܠܤ ܐܬܪܐ ܀
2Oo kolkuu meelahaas sii dhex maray oo uu hadal badan ku dhiirrigeliyey iyagii, ayuu wuxuu yimid dalka Gariigta.
3ܘܗܘܐ ܬܡܢ ܬܠܬܐ ܝܪܚܝܢ ܥܒܕܘ ܕܝܢ ܥܠܘܗܝ ܢܟܠܐ ܝܗܘܕܝܐ ܟܕ ܥܬܝܕ ܗܘܐ ܠܡܐܙܠ ܠܤܘܪܝܐ ܘܐܬܚܫܒ ܕܢܗܦܘܟ ܠܗ ܠܡܩܕܘܢܝܐ ܀
3Oo markuu saddex bilood meeshaas joogay, oo Yuhuuddu shirqool u dhigtay, markuu u dhowaa inuu Suuriya u dhoofo, ayuu wuxuu goostay inuu Makedoniya ku soo dhex noqdo.
4ܘܢܦܩܘ ܥܡܗ ܥܕܡܐ ܠܐܤܝܐ ܤܘܦܛܪܘܤ ܕܡܢ ܒܪܘܐܐ ܡܕܝܢܬܐ ܘܐܪܤܛܪܟܘܤ ܘܤܩܘܢܕܘܤ ܕܡܢ ܬܤܠܘܢܝܩܐ ܘܓܐܝܘܤ ܕܡܢ ܕܪܒܐ ܡܕܝܢܬܐ ܘܛܝܡܬܐܘܤ ܕܡܢ ܠܘܤܛܪܐ ܘܡܢ ܐܤܝܐ ܛܘܟܝܩܘܤ ܘܛܪܘܦܝܡܘܤ ܀
4Waxaana isagii ilaa Aasiya sii raacay Soobater ina Burhus oo reer Beroya ah, iyo Aristarkhos iyo Sekundos oo reer Tesaloniika ah, iyo Gayos oo reer Derbe ah, iyo Timoteyos, iyo Tukhikos iyo Torofimos oo reer Aasiya ah.
5ܗܠܝܢ ܐܙܠܘ ܩܕܡܝܢ ܘܩܘܝܘ ܠܢ ܒܛܪܘܐܤ ܀
5Laakiin kuwaasu mar horay tageen oo waxay nagu sugayeen Taroo'as.
6ܚܢܢ ܕܝܢ ܢܦܩܢ ܡܢ ܦܝܠܝܦܘܤ ܡܕܝܢܬܐ ܕܡܩܕܘܢܝܐ ܒܬܪ ܝܘܡܬܐ ܕܦܛܝܪܐ ܘܪܕܝܢ ܒܝܡܐ ܘܐܬܝܢ ܠܛܪܘܐܤ ܠܝܘܡܬܐ ܚܡܫܐ ܘܗܘܝܢ ܬܡܢ ܝܘܡܬܐ ܫܒܥܐ ܀
6Maalmihii Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn dabadeed waxaannu ka dhoofnay Filiboy, oo shan maalmood ayaan iyagii ugu nimid Taroo'as; taasoo aannu toddoba maalmood joognay.
7ܘܒܝܘܡܐ ܕܚܕ ܒܫܒܐ ܟܕ ܟܢܝܫܝܢܢ ܕܢܩܨܐ ܐܘܟܪܤܛܝܐ ܡܡܠܠ ܗܘܐ ܥܡܗܘܢ ܦܘܠܘܤ ܡܛܠ ܕܠܝܘܡܐ ܐܚܪܢܐ ܥܬܝܕ ܗܘܐ ܕܢܦܘܩ ܠܗ ܘܐܓܪ ܗܘܐ ܠܡܡܠܠܘ ܥܕܡܐ ܠܦܠܓܗ ܕܠܠܝܐ ܀
7Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka markaannu isugu nimid inaannu kibis jejebinno, ayaa Bawlos la hadlay iyagii, isagoo ku talo jira inuu maalinta dambe tago, hadalkiina ilaa habeenbadhkii ayuu sii dheereeyey.
8ܘܐܝܬ ܗܘܐ ܬܡܢ ܠܡܦܐܕܐ ܕܢܘܪܐ ܤܓܝܐܐ ܒܥܠܝܬܐ ܗܝ ܕܟܢܝܫܝܢ ܗܘܝܢ ܒܗ ܀
8Siraaddo badan baa ka baxayay qowladda sare oo aannu ku urursanayn.
9ܘܝܬܒ ܗܘܐ ܥܠܝܡܐ ܚܕ ܕܫܡܗ ܗܘܐ ܐܘܛܟܘܤ ܒܟܘܬܐ ܘܫܡܥ ܘܛܒܥ ܒܫܢܬܐ ܝܩܝܪܬܐ ܟܕ ܐܓܪ ܗܘܐ ܒܡܠܬܐ ܦܘܠܘܤ ܘܒܫܢܬܗ ܢܦܠ ܗܘܐ ܡܢ ܬܠܬܐ ܡܕܝܪܝܢ ܘܐܫܬܩܠ ܟܕ ܡܝܬ ܀
9Waxaana daaqadda fadhiyey nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Yutukhos, isagoo hurdo weyn la dhacay; oo intii Bawlos weli hadalkii sii dheeraynayay ayaa wiilkii oo aad u hurdaysan dabaqaddii saddexaad ka soo dhacay, oo isagoo meyd ah baa la qaaday.
10ܘܢܚܬ ܦܘܠܘܤ ܢܦܠ ܠܥܠ ܡܢܗ ܘܥܦܩܗ ܘܐܡܪ ܠܐ ܬܬܙܝܥܘܢ ܡܛܠ ܕܢܦܫܗ ܒܗ ܗܝ ܀
10Markaasaa Bawlos hoos u soo degay oo ku dul dhacay isagii, waana isku duubay, isagoo leh, Ha buuqina; maxaa yeelay, naftii waa ku jirtaa.
11ܟܕ ܤܠܩ ܕܝܢ ܩܨܐ ܠܚܡܐ ܘܛܥܡ ܘܗܘܐ ܡܡܠܠ ܥܕܡܐ ܕܤܠܩ ܨܦܪܐ ܘܗܝܕܝܢ ܢܦܩ ܕܢܐܙܠ ܒܝܒܫܐ ܀
11Oo markuu dusha aadayna oo kibis jejebiyey oo cunay oo wakhti dheer la hadlay iyagii, ilaa waagii beryay, ayuu markaas ka tegey.
12ܘܕܒܪܘܗܝ ܠܥܠܝܡܐ ܟܕ ܚܝ ܘܚܕܝܘ ܒܗ ܪܘܪܒܐܝܬ ܀
12Wiilkiina way keeneen isagoo nool, si aan yarayn baana loo qalbi qaboojiyey iyagii.
13ܚܢܢ ܕܝܢ ܢܚܬܢ ܠܐܠܦܐ ܘܪܕܝܢ ܠܘܥܕܐ ܕܬܤܘܤ ܡܛܠ ܕܡܢ ܬܡܢ ܥܬܝܕܝܢ ܗܘܝܢ ܕܢܩܒܠܝܘܗܝ ܠܦܘܠܘܤ ܗܟܢܐ ܓܝܪ ܦܩܕ ܗܘܐ ܠܢ ܟܕ ܐܙܠ ܗܘܐ ܗܘ ܒܝܒܫܐ ܀
13Laakiin annagoo ka hor marayna, waxaannu aadnay doonnida, oo Asos u dhoofnay, meeshaasoo aannu doonaynay inaannu Bawlos ka qaadno; maxaa yeelay, sidaasuu kula ballamay isagoo ku talo jiray inuu lugeeyo.
14ܟܕ ܕܝܢ ܩܒܠܢܝܗܝ ܡܢ ܬܤܘܤ ܫܩܠܢܝܗܝ ܒܐܠܦܐ ܘܐܬܝܢ ܠܡܝܛܘܠܝܢܐ ܀
14Oo kolkuu Asos nagula kulmay, waannu soo qaadnay, oo waxaannu nimid Mituleenee.
15ܘܡܢ ܬܡܢ ܠܝܘܡܐ ܐܚܪܢܐ ܪܕܝܢ ܠܘܩܒܠ ܟܝܘܤ ܓܙܪܬܐ ܘܬܘܒ ܠܝܘܡܐ ܐܚܪܢܐ ܐܬܝܢ ܠܤܡܘܤ ܘܩܘܝܢ ܒܛܪܘܓܠܝܘܢ ܘܠܝܘܡܐ ܐܚܪܢܐ ܐܬܝܢ ܠܡܝܠܝܛܘܤ ܀
15Markaasaannu halkaas ka dhoofnay, oo waxaannu maalintii dambe nimid meel ka soo hor jeedda Khiyos; maalintii kalena waxaannu gaadhnay Samos; maalintii ku xigtayna waxaannu nimid Mileetos.
16ܦܤܝܩ ܗܘܐ ܠܗ ܓܝܪ ܠܦܘܠܘܤ ܕܢܥܒܪܝܗ ܠܐܦܤܘܤ ܕܠܡܐ ܢܫܬܘܚܪ ܠܗ ܬܡܢ ܡܛܠ ܕܡܤܪܗܒ ܗܘܐ ܕܐܢ ܡܫܟܚܐ ܝܘܡܐ ܕܦܢܛܩܘܤܛܐ ܒܐܘܪܫܠܡ ܢܥܒܕܝܘܗܝ ܀
16Maxaa yeelay, Bawlos wuxuu goostay inuu Efesos dhaafo, inuusan wakhti Aasiya ku lumin; waayo, wuxuu ku degdegsanaa hadday u suurtowdo inuu maalintii Bentekoste Yeruusaalem yimaado.
17ܘܡܢܗ ܡܢ ܡܝܠܝܛܘܤ ܫܕܪ ܐܝܬܝ ܠܩܫܝܫܐ ܕܥܕܬܐ ܕܐܦܤܘܤ ܀
17Haddaba Mileetos wuxuu cid uga diray Efesos, waana u yeedhay waayeelladii kiniisadda.
18ܘܟܕ ܐܬܘ ܠܘܬܗ ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܐܢܬܘܢ ܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܡܢ ܝܘܡܐ ܩܕܡܝܐ ܕܥܠܬ ܠܐܤܝܐ ܐܝܟܢܐ ܗܘܝܬ ܥܡܟܘܢ ܟܠܗ ܙܒܢܐ ܀
18Markay u yimaadeenna wuxuu iyagii ku yidhi,
19ܟܕ ܦܠܚ ܐܢܐ ܠܐܠܗܐ ܒܡܟܝܟܘܬܐ ܤܓܝܐܬܐ ܘܒܕܡܥܐ ܘܒܢܤܝܘܢܐ ܐܝܠܝܢ ܕܥܕܝܢ ܗܘܘ ܥܠܝ ܒܢܟܠܝܗܘܢ ܕܝܗܘܕܝܐ ܀
19anigoo Rabbiga ugu adeegaya is-hoosaysiin oo dhan, iyo ilmo, iyo jirrabaaddaha igu dhacay markii Yuhuuddu sirqoollada ii dhigtay;
20ܘܠܐ ܒܤܝܬ ܒܡܕܡ ܕܦܩܚ ܗܘܐ ܠܢܦܫܬܟܘܢ ܕܐܟܪܙ ܠܟܘܢ ܘܐܠܦ ܒܫܘܩܐ ܘܒܒܬܐ ܀
20iyo sidii aanan waxba idiinkala hadhin wixii idiin faa'iido lahaa inaan idiin sheego oo caddaan idinku baro guri ilaa guri,
21ܟܕ ܡܤܗܕ ܗܘܝܬ ܠܝܗܘܕܝܐ ܘܠܐܪܡܝܐ ܥܠ ܬܝܒܘܬܐ ܕܠܘܬ ܐܠܗܐ ܘܗܝܡܢܘܬܐ ܕܒܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
21anigoo Yuhuudda iyo Gariigta labadoodaba uga warramaya si ay Ilaah ugu toobad keenaan oo ay u aaminaan Rabbigeenna Ciise Masiix.
22ܘܗܫܐ ܐܢܐ ܐܤܝܪ ܐܢܐ ܒܪܘܚܐ ܘܐܙܠ ܐܢܐ ܠܐܘܪܫܠܡ ܘܠܐ ܝܕܥ ܐܢܐ ܡܢܐ ܐܪܥ ܠܝ ܒܗ ܀
22Hadda bal eega, Yeruusaalem baan tegayaa anoo Ruuxa ku xidhan oo aan garanaynin waxyaalaha halkaas igaga dhici doona;
23ܒܪܡ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܒܟܠ ܡܕܝܢܐ ܡܤܗܕ ܠܝ ܘܐܡܪ ܕܐܤܘܪܐ ܘܐܘܠܨܢܐ ܥܬܝܕܝܢ ܠܟ ܀
23in Ruuxa Quduuska ahi magaalo kasta iigu markhaati furo mooyaane, isagoo leh, Waxaa ku sugaya silsilado iyo dhibaatooyin.
24ܐܠܐ ܠܝ ܠܐ ܚܫܝܒܐ ܢܦܫܝ ܡܕܡ ܐܝܟ ܕܐܫܠܡ ܪܗܛܝ ܘܬܫܡܫܬܐ ܕܩܒܠܬ ܡܢ ܡܪܢ ܝܫܘܥ ܕܐܤܗܕ ܥܠ ܤܒܪܬܐ ܕܛܝܒܘܬܗ ܕܐܠܗܐ ܀
24Laakiin naftayda uma xisaabo sidii mid qiimo ila leh, si aan u dhammeeyo tartankayga iyo shuqulkii aan Rabbi Ciise ka helay inaan u markhaati furo injiilkii nimcadii Ilaah.
25ܘܗܫܐ ܐܢܐ ܝܕܥ ܐܢܐ ܕܬܘܒ ܦܪܨܘܦܝ ܠܐ ܚܙܝܢ ܐܢܬܘܢ ܟܠܟܘܢ ܐܝܠܝܢ ܕܐܬܟܪܟܬ ܐܟܪܙܬ ܠܟܘܢ ܡܠܟܘܬܐ ܀
25Hadda, bal eega, waxaan ogahay in dhammaantiin oo aan ku dhex wareegi jiray oo aan boqortooyada ku wacdiyi jiray aydnaan mar dambe wejigayga arki doonin.
26ܘܡܛܠ ܗܢܐ ܡܤܗܕ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܝܘܡܐ ܕܝܘܡܢܐ ܕܕܟܐ ܐܢܐ ܡܢ ܕܡܐ ܕܟܠܟܘܢ ܀
26Sidaas daraaddeed waxaan maanta idiinku warramayaa inaan daahir ka ahay dadka oo dhan dhiiggiisa.
27ܠܐ ܓܝܪ ܐܫܬܐܠܬ ܕܐܘܕܥܟܘܢ ܟܠܗ ܨܒܝܢܗ ܕܐܠܗܐ ܀
27Maxaa yeelay, dib ugama noqon inaan talada Ilaah oo dhan idiin sheego.
28ܐܙܕܗܪܘ ܗܟܝܠ ܒܢܦܫܟܘܢ ܘܒܟܠܗ ܡܪܥܝܬܐ ܗܝ ܕܐܩܝܡܟܘܢ ܒܗ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܐܦܤܩܘܦܐ ܕܬܪܥܘܢ ܠܥܕܬܗ ܕܐܠܗܐ ܗܝ ܕܩܢܗ ܒܕܡܗ ܀
28Qudhiinnu isjira, idahana jira, kuwaasoo Ruuxa Quduuska ahu idiinka dhigay beldaajiyayaal inaad daajisaan kiniisadda Ilaah oo uu dhiiggiisa ku iibsaday.
29ܐܢܐ ܝܕܥ ܐܢܐ ܕܡܢ ܒܬܪ ܕܐܙܠ ܐܢܐ ܢܥܠܘܢ ܥܡܟܘܢ ܕܐܒܐ ܬܩܝܦܐ ܕܠܐ ܚܝܤܝܢ ܥܠ ܡܪܥܝܬܐ ܀
29Waxaan ogahay markaan tago dabadeed inay idin dhex geli doonaan uubatooyin xunxun iyagoo aan idaha wax ka reebaynin;
30ܘܐܦ ܡܢܟܘܢ ܕܝܠܟܘܢ ܢܩܘܡܘܢ ܓܒܪܐ ܡܡܠܠܝ ܡܥܩܡܬܐ ܐܝܟ ܕܢܗܦܟܘܢ ܠܬܠܡܝܕܐ ܕܢܐܙܠܘܢ ܒܬܪܗܘܢ ܀
30oo waxaa idinka dhex kici doona niman waxyaalo qalqalloocan ku hadlaya inay xertii u jiitaan xaggooda.
31ܡܛܠ ܗܢܐ ܗܘܝܬܘܢ ܥܝܪܝܢ ܘܥܗܝܕܝܢ ܕܫܢܝܐ ܬܠܬ ܠܐ ܫܠܝܬ ܒܠܠܝܐ ܘܒܐܝܡܡܐ ܟܕ ܒܕܡܥܐ ܡܪܬܐ ܐܢܐ ܠܐܢܫ ܐܢܫ ܡܢܟܘܢ ܀
31Sidaas darteed, soo jeeda, idinkoo xusuusanaya in intii saddex sannadood ah aanan ka joogsan inaan mid kasta habeen iyo maalinba waaniyo anigoo ilmaynaya.
32ܘܗܫܐ ܡܓܥܠ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܠܐܠܗܐ ܘܠܡܠܬܐ ܕܛܝܒܘܬܗ ܕܗܝ ܡܫܟܚܐ ܒܢܝܐ ܠܟܘܢ ܘܝܗܒܐ ܠܟܘܢ ܝܘܪܬܢܐ ܥܡ ܟܠܗܘܢ ܩܕܝܫܐ ܀
32Imminka waxaan idinku ammaano gelinayaa Ilaah iyo ereyga nimcadiisa kaasoo kara inuu idin dhiso oo dhaxal idinka dhex siiyo kuwa quduus laga dhigay oo dhan.
33ܟܤܦܐ ܐܘ ܕܗܒܐ ܐܘ ܢܚܬܐ ܠܐ ܪܓܬ ܀
33Ma aan damcin ninna lacagtiis, ama dahabkiis, ama dharkiis.
34ܘܐܢܬܘܢ ܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܠܤܢܝܩܘܬܝ ܘܠܐܝܠܝܢ ܕܐܝܬ ܥܡܝ ܫܡܫ ܗܠܝܢ ܐܝܕܝ ܀
34Idinka qudhiinnu waad og tihiin inay gacmahanu u adeegeen waxaannu u baahnayn aniga iyo kuwii ila joogayba.
35ܘܟܠܡܕܡ ܚܘܝܬܟܘܢ ܕܗܟܢܐ ܘܠܐ ܠܡܠܐܐ ܘܠܡܐܨܦ ܕܐܝܠܝܢ ܕܟܪܝܗܝܢ ܘܠܡܥܗܕܘ ܡܠܘܗܝ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܛܠ ܕܗܘ ܐܡܪ ܕܛܘܒܘܗܝ ܠܐܝܢܐ ܕܝܗܒ ܝܬܝܪ ܡܢ ܐܝܢܐ ܕܢܤܒ ܀
35Wax walba waan idin tusay si ay waajib idiinku tahay, idinkoo sidaas oo kale u hawshoonaya, inaad caawisaan kuwa itaalka yar, oo aad xusuusataan ereyadii Rabbi Ciise siduu isaga qudhiisu yidhi, In wax la helo, waxaa ka barako badan in wax la bixiyo.
36ܘܟܕ ܗܠܝܢ ܐܡܪ ܩܥܕ ܥܠ ܒܘܪܟܘܗܝ ܘܨܠܝ ܘܟܠܗܘܢ ܐܢܫܐ ܥܡܗ ܀
36Markuu waxaas ku hadlay dabadeed ayuu jilba joogsaday oo la tukaday dhammaantood.
37ܘܗܘܬ ܒܟܬܐ ܪܒܬܐ ܒܟܠܗܘܢ ܘܥܦܩܘܗܝ ܘܡܢܫܩܝܢ ܗܘܘ ܠܗ ܀
37Markaasay kulligood aad u wada ooyeen, oo Bawlos qoorta kaga dhaceen oo dhunkadeen,iyagoo sida badan ka caloolxun hadalkuu ku hadlay oo ahaa inayan mar dambe wejigiisa arki doonin. Markaasay sii ambabbixiyeen isagii ilaa doonnidii.
38ܝܬܝܪܐܝܬ ܕܝܢ ܡܫܬܢܩܝܢ ܗܘܘ ܥܠ ܗܝ ܡܠܬܐ ܕܐܡܪ ܕܠܐ ܬܘܒ ܥܬܝܕܝܢ ܕܢܚܙܘܢ ܦܪܨܘܦܗ ܘܠܘܝܘܗܝ ܥܕܡܐ ܠܐܠܦܐ ܀
38iyagoo sida badan ka caloolxun hadalkuu ku hadlay oo ahaa inayan mar dambe wejigiisa arki doonin. Markaasay sii ambabbixiyeen isagii ilaa doonnidii.