1ܘܐܡܪ ܐܓܪܦܘܤ ܠܦܘܠܘܤ ܡܦܤ ܠܟ ܠܡܡܠܠܘ ܥܠ ܐܦܝ ܢܦܫܟ ܗܝܕܝܢ ܦܘܠܘܤ ܦܫܛ ܐܝܕܗ ܘܢܦܩ ܗܘܐ ܪܘܚܐ ܘܐܡܪ ܀
1Markaasaa Agribba wuxuu Bawlos ku yidhi, Waa laguu fasaxay inaad nafsaddaada u hadashid. Kolkaasaa Bawlos gacantiisa fidiyey oo isdaafacay.
2ܥܠ ܟܠ ܡܐ ܕܡܬܪܫܐ ܐܢܐ ܡܢ ܝܗܘܕܝܐ ܡܠܟܐ ܐܓܪܦܐ ܤܒܪ ܐܢܐ ܥܠ ܢܦܫܝ ܕܛܘܒܢܐ ܐܢܐ ܕܩܕܡܝܟ ܝܘܡܢܐ ܢܦܩ ܐܢܐ ܪܘܚܐ ܀
2Boqor Agribbow, waxaan isku tirinayaa mid faraxsan inaan maanta hortaada isaga daafaco waxyaalihii ay Yuhuuddu igu soo dacweeyeen oo dhan;
3ܝܬܝܪܐܝܬ ܕܝܕܥ ܐܢܐ ܕܡܦܤ ܐܢܬ ܒܟܠܗܘܢ ܙܛܡܐ ܘܢܡܘܤܐ ܕܝܗܘܕܝܐ ܡܛܠ ܗܢܐ ܒܥܐ ܐܢܐ ܡܢܟ ܕܒܡܓܪܬ ܪܘܚܐ ܬܫܡܥܢܝ ܀
3maxaa yeelay, adigu waxaad khusuusan xariif ku tahay caadooyinka iyo su'aalaha oo dhan oo Yuhuudda dhex yaalla; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad ii dulqaadatid oo aad i maqashid.
4ܝܕܥܝܢ ܐܢܘܢ ܓܝܪ ܐܦ ܗܢܘܢ ܝܗܘܕܝܐ ܐܢ ܨܒܝܢ ܕܢܤܗܕܘܢ ܕܘܒܪܝ ܕܡܢ ܛܠܝܘܬܝ ܕܗܘܘ ܠܝ ܡܢ ܫܘܪܝܐ ܒܥܡܝ ܘܒܐܘܪܫܠܡ ܀
4Yuhuuddu dhammaantoodba tan iyo yaraantaydii way wada yaqaaniin camalka noloshayda, taasoo bilowga aan kula dhex jiray quruuntayda oo aan Yeruusaalem la joogay.
5ܡܛܠ ܕܡܢ ܢܘܓܪܐ ܡܦܤܝܢ ܒܝ ܘܝܕܥܝܢ ܕܒܝܘܠܦܢܐ ܪܫܝܐ ܕܦܪܝܫܐ ܚܝܝܬ ܀
5Haddii ay raalli ku yihiin inay ii marag furaan, iyaguba tan iyo horraantii aqoon bay u lahaayeen sidii aan ugu dhaqmi jiray dariiqada diintayada ugu qiiro adag anoo Farrisi ah.
6ܘܗܫܐ ܥܠ ܤܒܪܐ ܕܫܘܘܕܝܐ ܕܗܘܐ ܗܘܐ ܠܐܒܗܬܢ ܡܢ ܐܠܗܐ ܩܐܡ ܐܢܐ ܘܡܬܕܝܢ ܐܢܐ ܀
6Haddaba waxaan haatan halkan u taaganahay in la ii xukumo rajadii ballankii Ilaah u qaaday awowayaashayo.
7ܕܥܠ ܗܢܐ ܤܒܪܐ ܬܪܬܥܤܪܐ ܫܪܒܢ ܡܤܒܪܢ ܕܢܡܢܥܢ ܒܨܠܘܬܐ ܚܦܝܛܬܐ ܕܐܝܡܡܐ ܘܕܠܠܝܐ ܘܥܠܘܗܝ ܥܠ ܗܢܐ ܤܒܪܐ ܡܬܪܫܐ ܐܢܐ ܡܢ ܐܝܕܝ ܝܗܘܕܝܐ ܡܠܟܐ ܐܓܪܦܐ ܀
7Oo laba iyo tobankayaga qabiilba waxay Ilaah aad ugu adeegaan habeen iyo maalinba iyagoo rajaynaya in ay ballankaas helaan. Haddaba boqorow, Yuhuuddu waxay igu ashtakeeyeen wax rajadaas ku saabsan!
8ܡܢܐ ܕܝܢܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܐ ܘܠܐ ܕܢܗܝܡܢ ܕܡܩܝܡ ܐܠܗܐ ܡܝܬܐ ܀
8Haddii Ilaah kuwii dhintay soo sara kiciyo, bal maxaad ugu qaadataan wax aan la rumaysan karin?
9ܐܢܐ ܓܝܪ ܡܢ ܩܕܝܡ ܤܡܬ ܒܪܥܝܢܝ ܕܤܩܘܒܠܐ ܤܓܝܐܐ ܐܤܥܘܪ ܠܘܩܒܠ ܫܡܗ ܕܝܫܘܥ ܢܨܪܝܐ ܀
9Runtii aniga qudhayduba waxaan mooday inay waajib igu tahay inaan sameeyo waxyaalo badan oo wada khilaafsan magaca Ciisaha reer Naasared.
10ܗܕܐ ܕܥܒܕܬ ܐܦ ܒܐܘܪܫܠܡ ܘܩܕܝܫܐ ܤܓܝܐܐ ܐܪܡܝܬ ܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܒܫܘܠܛܢܐ ܕܩܒܠܬ ܡܢ ܪܒܝ ܟܗܢܐ ܘܟܕ ܡܬܩܛܠܝܢ ܗܘܘ ܡܢܗܘܢ ܐܫܬܘܬܦܬ ܠܐܝܠܝܢ ܕܚܝܒܘ ܐܢܘܢ ܀
10Oo sidaasaan ku sameeyey Yeruusaalem; weliba waxaan xabsi ku xidhay kuwo badan oo quduusiin ah, anigoo amar ka wata wadaaddada sare, oo kolkii la dilayayba waan ku raacsanaa.
11ܘܒܟܠ ܟܢܘܫܐ ܡܫܬܢܕ ܗܘܝܬ ܒܗܘܢ ܟܕ ܐܠܨ ܗܘܝܬ ܕܢܗܘܘܢ ܡܓܕܦܝܢ ܒܫܡܗ ܕܝܫܘܥ ܘܒܪܘܓܙܐ ܤܓܝܐܐ ܕܡܠܐ ܗܘܝܬ ܥܠܝܗܘܢ ܐܦ ܠܡܕܝܢܬܐ ܐܚܪܢܝܬܐ ܢܦܩ ܗܘܝܬ ܠܡܪܕܦ ܐܢܘܢ ܀
11Oo marar badan ayaan iyaga ku ciqaabay sunagogyada oo dhan, oo waxaan qasbay inay caytamaan; oo intaan aad iyo aad ugu cadhooday, ayaan iyaga ku silciyey tan iyo xataa magaalooyin ajanabi.
12ܘܟܕ ܐܙܠ ܗܘܝܬ ܡܛܠ ܗܕܐ ܠܕܪܡܤܘܩ ܒܫܘܠܛܢܐ ܘܒܡܦܤܢܘܬܐ ܕܪܒܝ ܟܗܢܐ ܀
12Oo markaan Dimishaq u sodcaalayay, boqorow, anigoo wata amarkii iyo dardaarankii wadaaddada sare,
13ܒܦܠܓܗ ܕܝܘܡܐ ܒܐܘܪܚܐ ܚܙܝܬ ܡܢ ܫܡܝܐ ܐܘ ܡܠܟܐ ܕܐܙܠܓ ܥܠܝ ܘܥܠ ܟܠ ܕܥܡܝ ܗܘܘ ܢܘܗܪܐ ܕܡܝܬܪ ܡܢ ܕܫܡܫܐ ܀
13ayaan waxaan hadhkii arkay, intaan jidka marayay, iftiin samada ka baxaya oo qorraxda ka sii dhalaal dheer, oo ka iftiimaya hareerahayga aniga iyo kuwii ila socdayba.
14ܘܢܦܠܢ ܟܠܢ ܥܠ ܐܪܥܐ ܘܫܡܥܬ ܩܠܐ ܟܕ ܐܡܪ ܠܝ ܥܒܪܐܝܬ ܫܐܘܠ ܫܐܘܠ ܡܢܐ ܪܕܦ ܐܢܬ ܠܝ ܩܫܐ ܗܘ ܠܟ ܠܡܒܥܛܘ ܠܥܘܩܤܐ ܀
14Oo kolkii aannu dhammaantayo dhulka ku wada dhacnay, ayaan maqlay cod afka Cibraaniga ku hadlaya oo igu leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa? Way kugu adag tahay inaad harraatidid wax ku muda.
15ܘܐܢܐ ܐܡܪܬ ܡܢ ܐܢܬ ܡܪܝ ܘܡܪܢ ܐܡܪ ܠܝ ܐܢܐ ܗܘ ܝܫܘܥ ܢܨܪܝܐ ܕܐܢܬ ܪܕܦ ܐܢܬ ܀
15Markaasaan idhi, Yaad tahay Sayidow? Kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaan ahay Ciisaha aad silcinaysid.
16ܘܐܡܪ ܠܝ ܩܘܡ ܥܠ ܪܓܠܝܟ ܡܛܠ ܗܕܐ ܓܝܪ ܐܬܚܙܝܬ ܠܟ ܕܐܩܝܡܟ ܡܫܡܫܢܐ ܘܤܗܕܐ ܕܡܕܡ ܕܚܙܝܬܢܝ ܘܕܥܬܝܕ ܐܢܬ ܕܬܚܙܝܢܝ ܀
16Laakiin bal sara joogso, oo cagahaaga ku istaag; waayo, sababtan aawadeed ayaan kuugu muuqday inaan kaaga dhigo midiidin iyo markhaati waxyaalihii aad igu aragtay iyo waxyaalaha aan kuugu muuqan doonaba;
17ܘܐܦܨܝܟ ܡܢ ܥܡܐ ܕܝܗܘܕܝܐ ܘܡܢ ܥܡܡܐ ܐܚܪܢܐ ܕܠܘܬܗܘܢ ܡܫܕܪ ܐܢܐ ܠܟ ܀
17anigoo kaa samatabbixinaya dadka iyo quruumaha aan kuu diri doonaba,
18ܕܬܦܬܚ ܥܝܢܝܗܘܢ ܐܝܟ ܕܢܗܦܟܘܢ ܡܢ ܚܫܘܟܐ ܠܢܗܝܪܐ ܘܡܢ ܫܘܠܛܢܗ ܕܤܛܢܐ ܠܘܬ ܐܠܗܐ ܘܢܩܒܠܘܢ ܫܘܒܩܢ ܚܛܗܐ ܘܦܤܐ ܥܡ ܩܕܝܫܐ ܒܗܝܡܢܘܬܐ ܕܒܝ ܀
18inaad indhahooda furtid si ay gudcur uga soo jeestaan oo ay iftiinka ugu soo jeestaan, iyo inay ka soo leexdaan xoogga Shayddaanka oo ay Ilaah u yimaadaan, inay helaan dembidhaaf oo ay dhaxal la helaan kuwa quduus lagaga dhigay rumaysadka ay igu leeyihiin.
19ܡܛܠ ܗܕܐ ܡܠܟܐ ܐܓܪܦܐ ܠܐ ܩܡܬ ܒܚܪܝܢܐ ܠܘܩܒܠ ܚܙܘܐ ܫܡܝܢܐ ܀
19Sidaas daraaddeed, boqor Agribbow, kuma aan caasiyoobin riyadii samada ka timid;
20ܐܠܐ ܐܟܪܙܬ ܡܢ ܠܩܘܕܡܝܢ ܠܗܢܘܢ ܕܒܕܪܡܤܘܩ ܘܠܗܢܘܢ ܕܒܐܘܪܫܠܡ ܘܕܒܟܠܗܝܢ ܩܘܪܝܐ ܕܝܗܘܕ ܘܐܦ ܠܥܡܡܐ ܐܟܪܙܬ ܕܢܬܘܒܘܢ ܘܢܬܦܢܘܢ ܠܘܬ ܐܠܗܐ ܘܢܥܒܕܘܢ ܥܒܕܐ ܕܫܘܝܢ ܠܬܝܒܘܬܐ ܀
20laakiin waxaan horeba ugu sheegay kuwii joogay Dimishaq iyo Yeruusaalem iyo dalka Yahuudiya oo dhan iyo weliba dadka aan Yuhuudda ahayn, inay toobad keenaan oo ay Ilaah u soo noqdaan, iyagoo samaynaya shuqullo toobad istaahila.
21ܘܥܠ ܐܦܝ ܗܠܝܢ ܐܚܕܘܢܝ ܝܗܘܕܝܐ ܒܗܝܟܠܐ ܘܨܒܝܢ ܗܘܘ ܠܡܩܛܠܢܝ ܀
21Waxyaalahaas aawadood baa Yuhuuddu macbudka gudihiisa iigu qabteen, oo waxay isku dayeen inay i dilaan.
22ܥܕܪܢܝ ܕܝܢ ܐܠܗܐ ܥܕܡܐ ܠܝܘܡܐ ܗܢܐ ܘܗܐ ܩܐܡ ܐܢܐ ܘܡܤܗܕ ܐܢܐ ܠܙܥܘܪܐ ܘܠܪܒܐ ܟܕ ܡܕܡ ܠܒܪ ܡܢ ܡܘܫܐ ܘܢܒܝܐ ܠܐ ܐܡܪ ܐܢܐ ܐܠܐ ܐܝܠܝܢ ܕܗܢܘܢ ܐܡܪܘ ܕܥܬܝܕܢ ܕܢܗܘܝܢ ܀
22Haddaba anigoo caawimaad ka helay xag Ilaah ayaan waxaan ilaa maanta u taaganahay inaan marag furo oo aan u sheego yar iyo weynba, anigoo aan innaba wax kale sheegayn wixii nebiyadii iyo Muuse ay sii sheegeen inay ahaan doonaan mooyaane;
23ܕܢܚܫ ܡܫܝܚܐ ܘܢܗܘܐ ܪܫܝܬܐ ܕܩܝܡܬܐ ܕܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܘܕܥܬܝܕ ܕܢܟܪܙ ܢܘܗܪܐ ܠܥܡܐ ܘܠܥܡܡܐ ܀
23taasoo ah in Masiixu xanuunsan doono, iyo sida isagoo ah kii kowaad oo kuwii dhintay ka soo sara kacay uu iftiin ugu naadin doono dadka iyo quruumahaba.
24ܘܟܕ ܗܟܢܐ ܢܦܩ ܗܘܐ ܦܘܠܘܤ ܪܘܚܐ ܩܥܐ ܦܗܤܛܘܤ ܒܩܠܐ ܪܡܐ ܫܢܝܬ ܠܟ ܦܘܠܐ ܤܦܪܐ ܤܓܝܐܐ ܥܒܕܟ ܕܬܫܢܐ ܀
24Oo intuu saas isu daafacayay, ayaa Feestos cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Bawlosow, waad waalan tahay. Barashadaadii badnayd ayaa waalli kuu beddeshay.
25ܐܡܪ ܦܘܠܘܤ ܠܐ ܫܢܝܬ ܢܨܝܚܐ ܦܗܤܛܘܤ ܐܠܐ ܡܠܝ ܫܪܪܐ ܘܬܩܢܘܬܐ ܡܡܠܠ ܐܢܐ ܀
25Laakiin Bawlos wuxuu yidhi, Feestoskii aad u sarreeyeyow, anigu ma aan waalni, laakiin waxaan ku hadlayaa erayo run ah iyo feeyignaan.
26ܘܐܦ ܡܠܟܐ ܐܓܪܦܘܤ ܝܬܝܪܐܝܬ ܝܕܥ ܥܠܝܗܝܢ ܕܗܠܝܢ ܘܡܛܠ ܗܢܐ ܥܝܢ ܒܓܠܐ ܡܡܠܠ ܐܢܐ ܩܕܡܘܗܝ ܡܛܠ ܕܚܕܐ ܡܢ ܗܠܝܢ ܡܠܐ ܠܐ ܤܒܪ ܐܢܐ ܕܛܥܝܢ ܠܗ ܕܠܐ ܗܘܐ ܒܛܘܫܝܐ ܤܥܝܪܢ ܀
26Waayo, boqorka aan ikhtiyaar ula hadlayaa wuu garanayaa waxyaalahan; waayo, anigu waxaan hubaa inaan waxyaalahan midkoodna uusan isaga ka qarsoonayn; waayo, waxyaalahan laguma samayn meel qarsoon.
27ܡܗܝܡܢ ܐܢܬ ܡܠܟܐ ܐܓܪܦܐ ܠܢܒܝܐ ܝܕܥ ܐܢܐ ܕܡܗܝܡܢ ܐܢܬ ܀
27Boqor Agribbow, nebiyadii ma rumaysan tahay? Waan ogahay inaad rumaysan tahay.
28ܐܡܪ ܠܗ ܐܓܪܦܘܤ ܒܩܠܝܠ ܡܕܡ ܡܦܝܤ ܐܢܬ ܠܝ ܕܐܗܘܐ ܟܪܤܛܝܢܐ ܀
28Markaasaa Agribba wuxuu Bawlos ku yidhi, Wax yar baad igu oggolaysiinaysaa inaan Masiixi noqdo.
29ܘܦܘܠܘܤ ܐܡܪ ܒܥܐ ܗܘܝܬ ܡܢ ܐܠܗܐ ܒܩܠܝܠ ܘܒܤܓܝ ܠܐ ܗܘܐ ܠܟ ܒܠܚܘܕ ܐܠܐ ܐܦ ܠܟܠܗܘܢ ܐܝܠܝܢ ܕܫܡܥܝܢ ܠܝ ܝܘܡܢܐ ܕܢܗܘܘܢ ܐܟܘܬܝ ܠܒܪ ܡܢ ܐܤܘܪܐ ܗܠܝܢ ܀
29Kolkaasaa Bawlos wuxuu yidhi, Waxaan Ilaah ka dooni lahaa in, haddii ay tahay wax yar iyo haddii ay tahay wax badan, ayan ahayn adiga oo keliya, laakiin in, inta maanta i maqlaysaa oo dhammu, ay wada noqdaan sida aan ahay oo kale, silsiladahan mooyaane.
30ܘܩܡ ܠܗ ܡܠܟܐ ܘܗܓܡܘܢܐ ܘܒܪܢܝܩܐ ܘܐܝܠܝܢ ܕܝܬܒܝܢ ܗܘܘ ܥܡܗܘܢ ܀
30Markaasaa boqorkii kacay iyo taliyihii iyo Bernikee iyo kuwii la fadhiyey oo dhammu;
31ܘܟܕ ܦܪܩܘ ܡܢ ܬܡܢ ܡܡܠܠܝܢ ܗܘܘ ܚܕ ܥܡ ܚܕ ܘܐܡܪܝܢ ܕܡܕܡ ܕܫܘܐ ܠܡܘܬܐ ܐܘ ܠܐܤܘܪܐ ܠܐ ܥܒܕ ܓܒܪܐ ܗܢܐ ܀
31oo kolkii ay baxeen ayaa midba midkii kale la hadlay, oo waxay isku yidhaahdeen, Ninkanu innaba ma uu samayn wax istaahila dhimasho iyo silsilado toona.Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Ninkan waa la sii dayn kari lahaa haddii uusan Kaysar u ashtakoon.
32ܘܐܡܪ ܐܓܪܦܘܤ ܠܦܗܤܛܘܤ ܡܫܟܚ ܗܘܐ ܓܒܪܐ ܗܢܐ ܕܢܫܬܪܐ ܐܠܘ ܒܓܢ ܩܤܪ ܠܐ ܩܪܐ ܀
32Markaasaa Agribba wuxuu Feestos ku yidhi, Ninkan waa la sii dayn kari lahaa haddii uusan Kaysar u ashtakoon.