1ܘܗܘܐ ܕܟܕ ܤܠܩܝܢ ܫܡܥܘܢ ܟܐܦܐ ܘܝܘܚܢܢ ܐܟܚܕܐ ܠܗܝܟܠܐ ܒܥܕܢܐ ܕܨܠܘܬܐ ܕܬܫܥ ܫܥܝܢ ܀
1Haddaba saacaddii sagaalaad oo wakhtigii salaadda ah ayaa Butros iyo Yooxanaa macbudka tageen.
2ܘܗܐ ܓܒܪܐ ܚܕ ܚܓܝܪܐ ܕܡܢ ܟܪܤ ܐܡܗ ܫܩܝܠܝܢ ܗܘܘ ܐܢܫܐ ܐܝܠܝܢ ܕܡܥܕܝܢ ܗܘܘ ܡܝܬܝܢ ܘܤܝܡܝܢ ܠܗ ܒܬܪܥܐ ܕܗܝܟܠܐ ܕܡܬܩܪܐ ܫܦܝܪܐ ܕܢܗܘܐ ܫܐܠ ܙܕܩܬܐ ܡܢ ܗܢܘܢ ܕܥܐܠܝܢ ܠܗܝܟܠܐ ܀
2Waxaa la soo qaaday nin curyaannimo uurkii hooyadiis kala soo baxay oo maalin walba la ag dhigi jiray albaabka macbudka oo la odhan jiray Qurux Badane inuu kuwa macbudka gelayay dawarsado.
3ܗܢܐ ܟܕ ܚܙܐ ܠܫܡܥܘܢ ܘܠܝܘܚܢܢ ܕܥܐܠܝܢ ܠܗܝܟܠܐ ܒܥܐ ܗܘܐ ܡܢܗܘܢ ܕܢܬܠܘܢ ܠܗ ܙܕܩܬܐ ܀
3Isagu, markuu arkay Butros iyo Yooxanaa oo ku dhow inay macbudka galaan, ayuu dawarsaday iyaga.
4ܘܚܪܘ ܒܗ ܫܡܥܘܢ ܘܝܘܚܢܢ ܘܐܡܪܘ ܠܗ ܚܘܪ ܒܢ ܀
4Markaasaa Butros, oo Yooxanaa la socdo, intuu aad u fiiriyey isaga, ku yidhi, Na soo eeg.
5ܗܘ ܕܝܢ ܚܪ ܒܗܘܢ ܟܕ ܤܒܪ ܗܘܐ ܠܡܤܒ ܡܢܗܘܢ ܡܕܡ ܀
5Markaasuu u fiirsaday iyaga, isagoo filanaya inuu iyaga wax ka helo.
6ܐܡܪ ܠܗ ܫܡܥܘܢ ܕܗܒܐ ܘܤܐܡܐ ܠܝܬ ܠܝ ܐܠܐ ܡܕܡ ܕܐܝܬ ܠܝ ܝܗܒ ܐܢܐ ܠܟ ܒܫܡܗ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܢܨܪܝܐ ܩܘܡ ܗܠܟ ܀
6Laakiin Butros baa ku yidhi, Lacag iyo dahab midna ma haysto, laakiin waxaan haystaan ku siinayaa. Magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, ku soco.
7ܘܐܚܕܗ ܒܐܝܕܗ ܕܝܡܝܢܐ ܘܐܩܝܡܗ ܘܒܗ ܒܫܥܬܐ ܫܪ ܪܓܠܘܗܝ ܘܥܩܒܘܗܝ ܀
7Markaasuu intuu gacanta midigtaa ku dhegay ayuu sara kiciyey; oo markiiba cagihiisii iyo anqowyadiisiiba waa xoogaysteen.
8ܘܫܘܪ ܩܡ ܘܗܠܟ ܘܥܠ ܥܡܗܘܢ ܠܗܝܟܠܐ ܟܕ ܡܗܠܟ ܘܡܫܘܪ ܘܡܫܒܚ ܠܐܠܗܐ ܀
8Intuu kor u booday ayuu istaagay oo socod bilaabay; markaasuu iyaga macbudkii la galay, isagoo socda oo boodboodaya oo Ilaah ammaanaya.
9ܘܚܙܐܘܗܝ ܟܠܗ ܥܡܐ ܟܕ ܡܗܠܟ ܘܡܫܒܚ ܠܐܠܗܐ ܀
9Dadkii oo dhammuna waxay arkeen isagoo socda oo Ilaah ammaanaya;
10ܘܐܫܬܘܕܥܘ ܕܗܘܝܘ ܗܘ ܚܕܘܪܐ ܕܝܬܒ ܗܘܐ ܟܠܝܘܡ ܘܫܐܠ ܙܕܩܬܐ ܥܠ ܬܪܥܐ ܕܡܬܩܪܐ ܫܦܝܪܐ ܘܐܬܡܠܝܘ ܬܡܗܐ ܘܕܘܡܪܐ ܥܠ ܡܕܡ ܕܗܘܐ ܀
10markaasay waxay garteen inuu isagu yahay kii Albaabkii Quruxda Badnaa agtiisa dawarsiga u fadhiisan jiray; markaasay yaab iyo amankaag ula dhinteen wixii ku dhacay isaga.
11ܘܟܕ ܐܚܝܕ ܗܘܐ ܠܫܡܥܘܢ ܘܠܝܘܚܢܢ ܪܗܛ ܟܠܗ ܥܡܐ ܟܕ ܬܗܝܪ ܠܘܬܗܘܢ ܠܐܤܛܘܐ ܕܡܬܩܪܐ ܕܫܠܝܡܘܢ ܀
11Oo intuu Butros iyo Yooxanaa ku dhegganaa ayay dadkii oo dhammu ku soo wada ordeen balbaladii la odhan jiray Balbaladii Sulaymaan iyagoo aad u yaabsan.
12ܘܟܕ ܚܙܐ ܫܡܥܘܢ ܥܢܐ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܓܒܪܐ ܒܢܝ ܐܝܤܪܝܠ ܡܢܐ ܡܬܕܡܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܒܗܢܐ ܐܘ ܒܢ ܡܢܐ ܚܝܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܐܝܟ ܗܘ ܕܒܚܝܠܐ ܕܝܠܢ ܐܘ ܒܫܘܠܛܢܢ ܥܒܕܢ ܗܕܐ ܕܢܗܠܟ ܗܢܐ ܀
12Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga?
13ܐܠܗܗ ܗܘ ܕܐܒܪܗܡ ܘܕܐܝܤܚܩ ܘܕܝܥܩܘܒ ܐܠܗܐ ܕܐܒܗܬܢ ܫܒܚ ܠܒܪܗ ܝܫܘܥ ܗܘ ܕܐܢܬܘܢ ܐܫܠܡܬܘܢ ܘܟܦܪܬܘܢ ܒܗ ܩܕܡ ܐܦܘܗܝ ܕܦܝܠܛܘܤ ܟܕ ܗܘ ܙܕܩ ܗܘܐ ܕܢܫܪܝܘܗܝ ܀
13Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo ahaa Ilaaha awowayaasheen, wuxuu ammaanay Midiidinkiisii Ciise, kii aad gacangeliseen oo aad Bilaatos hortiisa ku diideen markuu goostay inuu sii daayo.
14ܐܢܬܘܢ ܕܝܢ ܒܩܕܝܫܐ ܘܙܕܝܩܐ ܟܦܪܬܘܢ ܘܫܐܠܬܘܢ ܠܟܘܢ ܠܓܒܪܐ ܩܛܘܠܐ ܕܢܬܝܗܒ ܠܟܘܢ ܀
14Laakiin idinku waxaad diideen Kan Quduuska iyo Xaqaba ah, oo waxaad weyddiisateen nin dhiig qaba in laydiin sii daayo,
15ܘܠܗܘ ܪܫܐ ܕܚܝܐ ܩܛܠܬܘܢ ܕܠܗ ܐܩܝܡ ܐܠܗܐ ܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܘܚܢܢ ܟܠܢ ܤܗܕܘܗܝ ܀
15oo waxaad disheen Amiirkii nolosha, kan Ilaah ka sare kiciyey kuwii dhintay, annaguna markhaatiyaal baannu ka nahay.
16ܘܒܗܝܡܢܘܬܐ ܕܫܡܗ ܠܗܢܐ ܕܚܙܝܢ ܐܢܬܘܢ ܘܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܗܘ ܐܫܪ ܘܐܤܝ ܘܗܝܡܢܘܬܐ ܕܒܗ ܝܗܒܬ ܠܗ ܗܕܐ ܚܠܝܡܘܬܐ ܩܕܡ ܟܠܟܘܢ ܀
16Magiciisa ayaa xoogsiiyey kan aad arkaysaan oo garanaysaan, rumaysadka uu magiciisa ku rumaystay aawadiis. Rumaysadka uu ku rumaystay isaga ayaa ninkan idinka oo dhan hortiinna ku siiyey caafimaadkan.
17ܒܪܡ ܗܫܐ ܐܚܝ ܝܕܥ ܐܢܐ ܕܒܛܘܥܝܝ ܥܒܕܬܘܢ ܗܕܐ ܐܝܟ ܕܥܒܕܘ ܪܫܝܟܘܢ ܀
17Waxaanan ogahay, walaalayaalow, inaad tan aqoonla'aan u samayseen, sidii madaxdiinnuba yeeshay oo kale.
18ܘܐܠܗܐ ܐܝܟ ܡܕܡ ܕܩܕܡ ܐܟܪܙ ܒܦܘܡ ܟܠܗܘܢ ܢܒܝܐ ܕܢܚܫ ܡܫܝܚܗ ܡܠܝ ܗܟܢܐ ܀
18Laakiin Ilaah sidaasuu u dhammeeyey waxyaalihii uu hore uga sheegay afafkii nebiyada oo dhan oo ahaa in Masiixu silci doono.
19ܬܘܒܘ ܗܟܝܠ ܘܐܬܦܢܘ ܐܝܟܢܐ ܕܢܬܥܛܘܢ ܚܛܗܝܟܘܢ ܘܢܐܬܘܢ ܠܟܘܢ ܙܒܢܐ ܕܢܝܚܬܐ ܡܢ ܩܕܡ ܦܪܨܘܦܗ ܕܡܪܝܐ ܀
19Haddaba toobad keena oo soo noqda, si dembiyadiinna loo tirtiro, si ay wakhtiyo qabowjis lihii uga yimaadaan Rabbiga hortiisa,
20ܘܢܫܕܪ ܠܟܘܢ ܠܐܝܢܐ ܕܡܛܝܒ ܗܘܐ ܠܟܘܢ ܠܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
20oo uu soo diro Ciise Masiix, kii uu hore idiinku doortay,
21ܕܠܗ ܘܠܐ ܠܫܡܝܐ ܕܢܩܒܠܘܢ ܥܕܡܐ ܠܡܘܠܝܐ ܕܙܒܢܐ ܕܟܠܗܝܢ ܐܝܠܝܢ ܕܡܠܠ ܐܠܗܐ ܒܦܘܡܐ ܕܢܒܝܘܗܝ ܩܕܝܫܐ ܕܡܢ ܥܠܡ ܀
21kan ay waajibka tahay inay samadu aqbasho tan iyo wakhtiyada la soo celinayo wax walba oo Ilaah kaga hadlay afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii.
22ܡܘܫܐ ܓܝܪ ܐܡܪ ܕܢܒܝܐ ܢܩܝܡ ܠܟܘܢ ܡܪܝܐ ܡܢ ܐܚܝܟܘܢ ܐܟܘܬܝ ܠܗ ܫܡܥܘ ܒܟܠ ܡܐ ܕܢܡܠܠ ܥܡܟܘܢ ܀
22Muuse wuxuu yidhi, Rabbiga Ilaaha ahu wuxuu walaalihiinna dhexdooda idiinka kicin doonaa nebi anoo kale ah. Waa inaad isaga ka dhegaysataan wax kastuu idinku yidhaahdo.
23ܘܬܗܘܐ ܟܠ ܢܦܫܐ ܐܝܕܐ ܕܠܐ ܬܫܡܥ ܠܢܒܝܐ ܗܘ ܬܐܒܕ ܢܦܫܐ ܗܝ ܡܢ ܥܡܗ ܀
23Waxay noqon doontaa in naf kastoo aan nebigaas dhegaysan dadka laga dhex saari doono oo la baabbi'in doono.
24ܘܢܒܝܐ ܟܠܗܘܢ ܡܢ ܫܡܘܐܝܠ ܘܐܝܠܝܢ ܕܡܢ ܒܬܪܗ ܗܘܘ ܡܠܠܘ ܘܐܟܪܙܘ ܥܠ ܝܘܡܬܐ ܗܢܘܢ ܀
24Nebiyadii oo dhan tan iyo Samuu'eel iyo kuwii ka dambeeyey, in alla intii hadashay, waxay wada sheegeen maalmahan.
25ܐܢܬܘܢ ܐܢܘܢ ܒܢܝܗܘܢ ܕܢܒܝܐ ܘܕܕܝܬܩܐ ܐܝܕܐ ܕܤܡ ܐܠܗܐ ܠܐܒܗܬܢ ܟܕ ܐܡܪ ܠܐܒܪܗܡ ܕܒܙܪܥܟ ܢܬܒܪܟܢ ܟܠܗܝܢ ܫܪܒܬܐ ܕܐܪܥܐ ܀
25Waxaad tihiin wiilashii nebiyada iyo wiilashii axdigii Ilaah la dhigtay awowayaashiin, markuu Ibraahim ku yidhi, Qabiilooyinka dunida oo dhammu farcankaagay ku barakoobi doonaan.Ilaah markuu Midiidinkiisii kiciyey, idinkuu markii hore idiin soo diray inuu idin barakeeyo markuu midkiin kasta dembiyadiisa ka soo jeediyo.
26ܠܟܘܢ ܡܢ ܩܕܝܡ ܐܩܝܡ ܘܫܕܪ ܐܠܗܐ ܠܒܪܗ ܟܕ ܡܒܪܟ ܠܟܘܢ ܐܢ ܬܬܦܢܘܢ ܘܬܬܘܒܘܢ ܡܢ ܒܝܫܬܟܘܢ ܀
26Ilaah markuu Midiidinkiisii kiciyey, idinkuu markii hore idiin soo diray inuu idin barakeeyo markuu midkiin kasta dembiyadiisa ka soo jeediyo.