1ܫܐܘܠ ܕܝܢ ܨܒܐ ܗܘܐ ܘܡܫܘܬܦ ܗܘܐ ܒܩܛܠܗ ܘܗܘܐ ܗܘܐ ܒܗܘ ܝܘܡܐ ܪܕܘܦܝܐ ܪܒܐ ܠܥܕܬܐ ܕܒܐܘܪܫܠܡ ܘܐܬܒܕܪܘ ܟܠܗܘܢ ܒܩܘܪܝܐ ܕܝܗܘܕ ܘܐܦ ܒܝܬ ܫܡܪܝܐ ܠܒܪ ܡܢ ܫܠܝܚܐ ܒܠܚܘܕ ܀
1Sawlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa.
2ܘܩܦܤܘ ܩܒܪܘܗܝ ܠܐܤܛܦܢܘܤ ܓܒܪܐ ܡܗܝܡܢܐ ܘܐܬܐܒܠܘ ܥܠܘܗܝ ܪܘܪܒܐܝܬ ܀
2Markaasaa niman cibaado leh Istefanos aaseen oo aad ugu baroorteen.
3ܫܐܘܠ ܕܝܢ ܪܕܦ ܗܘܐ ܠܥܕܬܗ ܕܐܠܗܐ ܟܕ ܥܐܠ ܗܘܐ ܠܒܬܐ ܘܡܓܪܓܪ ܠܓܒܪܐ ܘܠܢܫܐ ܘܡܫܠܡܝܢ ܗܘܐ ܠܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܀
3Laakiin Sawlos aad buu kiniisadda u rafaadiyey, oo intuu guri walba galay, ayuu rag iyo dumarba ka soo jiiday, oo xabsi ku riday.
4ܘܗܢܘܢ ܕܐܬܒܕܪܘ ܡܬܟܪܟܝܢ ܗܘܘ ܘܡܟܪܙܝܢ ܡܠܬܐ ܕܐܠܗܐ ܀
4Haddaba kuwii kala firidhsanaa, meel walba oo ay mareenba ereygii bay ku wacdiyeen.
5ܦܝܠܝܦܘܤ ܕܝܢ ܢܚܬ ܠܗ ܠܡܕܝܢܬܐ ܕܫܡܪܝܐ ܘܡܟܪܙ ܗܘܐ ܠܗܘܢ ܥܠ ܡܫܝܚܐ ܀
5Markaasaa Filibos wuxuu tegey magaalada Samaariya, oo wuxuu dadka ku wacdiyey Masiixa.
6ܘܟܕ ܫܡܥܝܢ ܗܘܘ ܡܠܬܗ ܒܢܝܢܫܐ ܕܬܡܢ ܨܝܬܝܢ ܗܘܘ ܠܗ ܘܡܬܛܦܝܤܝܢ ܗܘܘ ܠܟܠ ܕܐܡܪ ܗܘܐ ܕܚܙܝܢ ܗܘܘ ܐܬܘܬܐ ܕܥܒܕ ܗܘܐ ܀
6Oo dadkii badnaa, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay dhegaysteen wuxuu Filibos ku hadlay markay waxyaalahaas maqleen oo ay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.
7ܤܓܝܐܐ ܓܝܪ ܕܐܚܝܕܢ ܗܘܝ ܠܗܘܢ ܪܘܚܐ ܛܢܦܬܐ ܩܥܝܢ ܗܘܘ ܒܩܠܐ ܪܡܐ ܘܢܦܩܢ ܗܘܝ ܡܢܗܘܢ ܘܐܚܪܢܐ ܡܫܪܝܐ ܘܡܚܓܪܐ ܐܬܐܤܝܘ ܀
7Waayo, kuwo badan oo jinniyo wasakh leh qabay, jinniyadii oo cod weyn ku qaylinaya ayaa ka soo baxay, oo kuwo badan oo curyaan ahaa iyo laangadhayaashiiba waa la bogsiiyey.
8ܘܚܕܘܬܐ ܪܒܬܐ ܗܘܬ ܒܗܝ ܡܕܝܢܬܐ ܀
8Magaaladaasna aad baa looga farxay.
9ܐܝܬ ܗܘܐ ܕܝܢ ܬܡܢ ܓܒܪܐ ܚܕ ܕܫܡܗ ܤܝܡܘܢ ܕܥܡܝܪ ܗܘܐ ܠܗ ܒܗ ܒܡܕܝܢܬܐ ܙܒܢܐ ܤܓܝܐܐ ܘܒܚܪܫܘܗܝ ܡܛܥܐ ܗܘܐ ܠܥܡܐ ܕܫܡܪܝܐ ܟܕ ܡܘܪܒ ܗܘܐ ܢܦܫܗ ܘܐܡܪ ܕܐܢܐ ܐܢܐ ܪܒܐ ܀
9Waxaa jiray nin Simoon la odhan jiray oo markii hore magaalada wax ku sixri jiray oo dadka reer Samaariya ka yaabin jiray, isagoo isugu sheegaya inuu yahay nin weyn.
10ܘܨܠܝܢ ܗܘܘ ܠܘܬܗ ܟܠܗܘܢ ܪܘܪܒܐ ܘܕܩܕܩܐ ܘܐܡܪܝܢ ܗܘܘ ܗܢܘ ܚܝܠܗ ܪܒܐ ܕܐܠܗܐ ܀
10Isagay dhammaantood, yar iyo weynba, wada dhegaysan jireen oo odhan jireen, Ninkanu waa xooggii Ilaah oo la odhan jiray Weyne.
11ܘܡܬܛܦܝܤܝܢ ܗܘܘ ܠܗ ܟܠܗܘܢ ܡܛܠ ܕܙܒܢܐ ܤܓܝܐܐ ܒܚܪܫܘܗܝ ܐܬܡܗ ܗܘܐ ܐܢܘܢ ܀
11Sababtii ay u dhegaysteenna waxay ahayd inuu wakhti dheer iyaga sixirkiisa kaga yaabiyey.
12ܟܕ ܕܝܢ ܗܝܡܢܘ ܠܦܝܠܝܦܘܤ ܕܡܤܒܪ ܗܘܐ ܡܠܟܘܬܐ ܕܐܠܗܐ ܒܫܡܗ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܥܡܕܝܢ ܗܘܘ ܓܒܪܐ ܘܢܫܐ ܀
12Laakiin markay rumaysteen injiilka boqortooyada Ilaah iyo magaca Ciise Masiix oo Filibos ku wacdiyey ayaa iyaga rag iyo dumarba la baabtiisay.
13ܘܐܦ ܗܘ ܤܝܡܘܢ ܗܝܡܢ ܗܘܐ ܘܥܡܕ ܘܢܩܝܦ ܗܘܐ ܠܗ ܠܦܝܠܝܦܘܤ ܘܟܕ ܚܙܐ ܗܘܐ ܐܬܘܬܐ ܘܚܝܠܐ ܪܘܪܒܐ ܕܗܘܝܢ ܗܘܘ ܒܐܝܕܗ ܬܡܗ ܗܘܐ ܘܡܬܕܡܪ ܀
13Simoon qudhiisuna waa rumaystay, oo markii la baabtiisay dabadeed, had iyo goorba wuxuu la socon jiray Filibos, wuuna la yaabay markuu arkay calaamooyinkii iyo yaababkii waaweynaa oo uu sameeyey.
14ܘܟܕ ܫܡܥܘ ܫܠܝܚܐ ܕܒܐܘܪܫܠܡ ܕܩܒܠܘ ܥܡܐ ܕܫܡܪܝܐ ܡܠܬܐ ܕܐܠܗܐ ܫܕܪܘ ܠܘܬܗܘܢ ܠܫܡܥܘܢ ܟܐܦܐ ܘܠܝܘܚܢܢ ܀
14Haddaba markii rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in Samaariya ereygii Ilaah aqbashay, ayay waxay u soo direen Butros iyo Yooxanaa,
15ܘܢܚܬܘ ܘܨܠܝܘ ܥܠܝܗܘܢ ܐܝܟ ܕܢܩܒܠܘܢ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܀
15kuwaasoo markay yimaadeen, u duceeyey iyaga inay Ruuxa Quduuska ah helaan;
16ܠܝܬ ܗܘܐ ܓܝܪ ܥܠ ܚܕ ܡܢܗܘܢ ܥܕܟܝܠ ܒܠܚܘܕ ܕܝܢ ܥܡܕܝܢ ܗܘܘ ܒܫܡܗ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܀
16maxaa yeelay, midkoodna weli kuma uu soo degin; laakiinse magaca Rabbi Ciise oo keliya ayaa lagu baabtiisay.
17ܗܝܕܝܢ ܤܝܡܝܢ ܗܘܘ ܥܠܝܗܘܢ ܐܝܕܐ ܘܡܩܒܠܝܢ ܗܘܘ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܀
17Markaasay gacmahooda saareen, oo waxay heleen Ruuxa Quduuska ah.
18ܘܟܕ ܚܙܐ ܤܝܡܘܢ ܕܒܤܝܡ ܐܝܕܐ ܕܫܠܝܚܐ ܡܬܝܗܒܐ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܩܪܒ ܠܗܘܢ ܟܤܦܐ ܀
18Haddaba Simoon markuu arkay in markii rasuulladu gacmahooda saareen, waxaa la siiyey Ruuxa Quduuska ah, ayuu lacag u taagay,
19ܟܕ ܐܡܪ ܗܒܘ ܐܦ ܠܝ ܫܘܠܛܢܐ ܗܢܐ ܕܐܝܢܐ ܕܐܤܝܡ ܥܠܘܗܝ ܐܝܕܐ ܢܗܘܐ ܡܩܒܠ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܀
19isagoo leh, Anigana i siiya xooggan in nin kastoo aan gacmahayga saaroba, uu helo Ruuxa Quduuska ah.
20ܐܡܪ ܠܗ ܫܡܥܘܢ ܟܐܦܐ ܟܤܦܟ ܥܡܟ ܢܐܙܠ ܠܐܒܕܢܐ ܡܛܠ ܕܤܒܪܬ ܕܡܘܗܒܬܗ ܕܐܠܗܐ ܒܩܢܝܢ ܥܠܡܐ ܡܬܩܢܝܐ ܀
20Laakiin Butros baa wuxuu ku yidhi, Lacagtaadu ha kula baabba'do, maxaa yeelay, waxaad u malaysay in hadiyadda Ilaah lacag lagu helo.
21ܠܝܬ ܠܟ ܡܢܬܐ ܐܦܠܐ ܦܤܐ ܒܗܝܡܢܘܬܐ ܗܕܐ ܡܛܠ ܕܠܒܟ ܠܐ ܗܘܐ ܬܪܝܨ ܩܕܡ ܐܠܗܐ ܀
21Xaalkan kuma lihid ama qayb ama badh; maxaa yeelay, qalbigaagu Ilaah hortiisa kuma qummana.
22ܒܪܡ ܬܘܒ ܡܢ ܒܝܫܘܬܟ ܗܕܐ ܘܒܥܝ ܡܢ ܐܠܗܐ ܕܠܡܐ ܢܫܬܒܩ ܠܟ ܢܟܠܐ ܕܠܒܟ ܀
22Sidaas aawadeed xumaantaadan ka toobad keen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo.
23ܒܟܒܕܐ ܓܝܪ ܡܪܝܪܬܐ ܘܒܩܛܪܐ ܕܥܘܠܐ ܚܙܐ ܐܢܐ ܕܐܝܬܝܟ ܀
23Waayo, waxaan arkaa adigoo ku jira xammeetida qadhaadhnimada, kuna xidhan xaqdarrada.
24ܥܢܐ ܤܝܡܘܢ ܘܐܡܪ ܒܥܘ ܐܢܬܘܢ ܚܠܦܝ ܡܢ ܐܠܗܐ ܕܠܐ ܢܐܬܐ ܥܠܝ ܡܕܡ ܡܢ ܗܠܝܢ ܕܐܡܪܬܘܢ ܀
24Markaasaa Simoon u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ii barya inaan waxyaalahaas aad ku hadasheen midkoodna igu dhicin.
25ܫܡܥܘܢ ܕܝܢ ܘܝܘܚܢܢ ܟܕ ܤܗܕܘ ܐܢܘܢ ܘܐܠܦܘ ܡܠܬܐ ܕܐܠܗܐ ܗܦܟܘ ܠܗܘܢ ܠܐܘܪܫܠܡ ܘܒܩܘܪܝܐ ܤܓܝܐܬܐ ܕܫܡܪܝܐ ܤܒܪܘ ܀
25Haddaba iyagu markay marag fureen oo Rabbiga ereygiisa ku hadleen, waxay ku noqdeen Yeruusaalem, waxayna tuulooyin badan oo reer Samaariya ah ku wacdiyeen injiilka.
26ܘܡܠܠ ܡܠܐܟܐ ܕܡܪܝܐ ܥܡ ܦܝܠܝܦܘܤ ܘܐܡܪ ܠܗ ܩܘܡ ܙܠ ܠܬܝܡܢܐ ܒܐܘܪܚܐ ܡܕܒܪܝܬܐ ܕܢܚܬܐ ܡܢ ܐܘܪܫܠܡ ܠܓܙܐ ܀
26Laakiin Rabbiga malaa'igtiisa ayaa waxay la hadashay Filibos, iyadoo ku leh, Kac oo aad xagga koonfureed, oo waxaad raacdaa jidka Yeruusaalem ka taga ilaa Gaasa taasoo cidla ah.
27ܘܩܡ ܐܙܠ ܘܐܪܥܗ ܡܗܝܡܢܐ ܚܕ ܕܐܬܐ ܗܘܐ ܡܢ ܟܘܫ ܫܠܝܛܐ ܕܩܢܕܩ ܡܠܟܬܐ ܕܟܘܫܝܐ ܘܗܘ ܫܠܝܛ ܗܘܐ ܥܠ ܟܠܗ ܓܙܗ ܘܐܬܐ ܗܘܐ ܕܢܤܓܘܕ ܒܐܘܪܫܠܡ ܀
27Wuuna u kacay oo aaday; oo waxaana ku soo baxay nin bohon oo Xabashi ah oo amar weyn ka hoos hayay Kandake boqoraddii Xabashida, wuuna u talin jiray maalkeeda oo dhan, wuxuuna Yeruusaalem u yimid inuu Ilaah caabudo.
28ܘܟܕ ܗܦܟ ܕܢܐܙܠ ܝܬܒ ܗܘܐ ܥܠ ܡܪܟܒܬܐ ܘܩܪܐ ܗܘܐ ܒܐܫܥܝܐ ܢܒܝܐ ܀
28Kolkuu ka soo noqonayay, ayuu ku fadhiyey gaadhifaraskiisa, oo wuxuu akhriyeyey kitaabka nebi Isayos.
29ܘܐܡܪܬ ܪܘܚܐ ܠܦܝܠܝܦܘܤ ܐܬܩܪܒ ܘܩܦ ܠܡܪܟܒܬܐ ܀
29Ruuxuna wuxuu Filibos ku yidhi, Ku dhowow, oo gaadhigan raac.
30ܘܟܕ ܐܬܩܪܒ ܫܡܥ ܕܩܪܐ ܒܐܫܥܝܐ ܢܒܝܐ ܘܐܡܪ ܠܗ ܕܐܢ ܡܤܬܟܠ ܐܢܬ ܡܢܐ ܩܪܐ ܐܢܬ ܀
30Oo Filibos markuu ku orday, wuxuu maqlay isagoo akhriyaya kitaabka nebi Isayos, wuxuuna ku yidhi, Ma garanaysaa waxaad akhriyaysid?
31ܘܗܘ ܐܡܪ ܐܝܟܢܐ ܡܫܟܚ ܐܢܐ ܕܐܤܬܟܠ ܐܠܐ ܐܢ ܐܢܫ ܢܪܬܝܢܝ ܘܒܥܐ ܡܢܗ ܡܢ ܦܝܠܝܦܘܤ ܕܢܤܩ ܘܢܬܒ ܥܡܗ ܀
31Kolkaasuu yidhi, Sidee baan ku garan karaa in lay toosiyo mooyaane? Markaasuu Filibos ka baryay inuu soo fuulo oo la fadhiisto.
32ܦܤܘܩܐ ܕܝܢ ܕܟܬܒܐ ܕܩܪܐ ܗܘܐ ܒܗ ܐܝܬܘܗܝ ܗܘܐ ܗܢܐ ܐܝܟ ܐܡܪܐ ܠܢܟܤܬܐ ܐܬܕܒܪ ܘܐܝܟ ܢܩܝܐ ܩܕܡ ܓܙܘܙܐ ܫܬܝܩ ܗܘܐ ܘܗܟܢܐ ܠܐ ܦܬܚ ܦܘܡܗ ܀
32Haddaba meeshuu Qorniinka ka akhriyeyey waa tan, Isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyey; Oo sidii lax ku aamusan ninka dhogorta ka xiira hortiisa, Isagu afkiisa ma uu furo;
33ܒܡܘܟܟܗ ܡܢ ܚܒܘܫܝܐ ܘܡܢ ܕܝܢܐ ܐܬܕܒܪ ܘܕܪܗ ܡܢܘ ܢܫܬܥܐ ܕܡܫܬܩܠܝܢ ܚܝܘܗܝ ܡܢ ܐܪܥܐ ܀
33Intuu is-hoosaysiiyey baa gartiisii laga qaaday; Farcankiisii yaa sheegi doona? Maxaa yeelay, noloshiisa dhulkaa laga qaaday.
34ܘܐܡܪ ܗܘ ܡܗܝܡܢܐ ܠܦܝܠܝܦܘܤ ܒܥܐ ܐܢܐ ܡܢܟ ܥܠ ܡܢܘ ܐܡܪܗ ܗܕܐ ܢܒܝܐ ܥܠ ܢܦܫܗ ܐܘ ܥܠ ܐܢܫ ܐܚܪܝܢ ܀
34Bohonku wuxuu Filibos u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa, Nebigu yuu ka hadlayaa? Ma isaga qudhiisaa mise waa mid kale?
35ܗܝܕܝܢ ܦܝܠܝܦܘܤ ܦܬܚ ܦܘܡܗ ܘܫܪܝ ܡܢܗ ܡܢ ܗܢܐ ܟܬܒܐ ܡܤܒܪ ܠܗ ܥܠ ܡܪܢ ܝܫܘܥ ܀
35Filibos baa afkiisa furay, oo intuu Qorniinkan ka bilaabay ayuu isaga ku wacdiyey Ciise.
36ܘܟܕ ܗܢܘܢ ܐܙܠܝܢ ܒܐܘܪܚܐ ܡܛܝܘ ܗܘܘ ܠܕܘܟܬܐ ܚܕܐ ܕܐܝܬ ܒܗ ܡܝܐ ܘܐܡܪ ܗܘ ܡܗܝܡܢܐ ܗܐ ܡܝܐ ܡܢܐ ܗܝ ܟܠܝܬܐ ܕܐܥܡܕ ܀
36Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso?
37ܘܐܡܪ ܦܝܠܝܦܘܤ ܐܢ ܡܗܝܡܢ ܐܢܬ ܡܢ ܟܠܗ ܠܒܐ ܫܠܝܛ ܘܥܢܐ ܘܐܡܪ ܐܢܐ ܡܗܝܡܢ ܐܢܐ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܒܪܗ ܕܐܠܗܐ ܗܘ ܀
37Oo Filibos wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigaaga oo dhan ka rumaysatid, waa suurtowdaa. Wuuna u jawaabay oo yidhi, Waxaan rumaysanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Ilaah.
38ܘܦܩܕ ܗܘܐ ܕܬܩܘܡ ܡܪܟܒܬܐ ܘܢܚܬܘ ܬܪܝܗܘܢ ܠܡܝܐ ܘܐܥܡܕܗ ܦܝܠܝܦܘܤ ܠܡܗܝܡܢܐ ܗܘ ܀
38Markaasuu amray in gaadhigu joogsado; labadooduna biyahay galeen, Filibos iyo bohonkuba, oo wuu baabtiisay isaga.
39ܘܟܕ ܤܠܩܘ ܡܢ ܡܝܐ ܪܘܚܗ ܕܡܪܝܐ ܚܛܦܬ ܠܦܝܠܝܦܘܤ ܘܬܘܒ ܠܐ ܚܙܝܗܝ ܡܗܝܡܢܐ ܗܘ ܐܠܐ ܐܙܠ ܗܘܐ ܒܐܘܪܚܗ ܟܕ ܚܕܐ ܀
39Oo markay biyihii ka soo baxeen, ayuu Ruuxii Rabbigu dhuftay Filibos, bohonkuna mar dambe ma uu arkin isagii, maxaa yeelay, jidkiisii ayuu iska qaaday isagoo faraxsan.Laakiin Filibos waxaa laga helay Asootos, oo magaalooyinkuu dhex marayay oo dhan wuxuu ku wacdiyey injiilka ilaa intuu gaadhay Kaysariya.
40ܦܝܠܝܦܘܤ ܕܝܢ ܐܫܬܟܚ ܒܐܙܘܛܘܤ ܘܡܢ ܬܡܢ ܡܬܟܪܟ ܗܘܐ ܘܡܤܒܪ ܒܡܕܝܢܬܐ ܟܠܗܝܢ ܥܕܡܐ ܕܐܬܐ ܠܩܤܪܝܐ ܀
40Laakiin Filibos waxaa laga helay Asootos, oo magaalooyinkuu dhex marayay oo dhan wuxuu ku wacdiyey injiilka ilaa intuu gaadhay Kaysariya.