1ܡܛܠ ܗܢܐ ܐܢܐ ܦܘܠܘܤ ܐܤܝܪܐ ܐܢܐ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܥܠ ܐܦܝܟܘܢ ܥܡܡܐ ܀
1Sababtaas daraaddeed anigoo Bawlos ah waxaan Ciise Masiix maxbuus ugu ahay idinka oo ah dad aan Yuhuud ahayn aawadiin.
2ܐܢ ܫܡܥܬܘܢ ܡܕܒܪܢܘܬܐ ܕܛܝܒܘܬܗ ܕܐܠܗܐ ܕܐܬܝܗܒܬ ܠܝ ܒܟܘܢ ܀
2Hubaal waxaad maqasheen wakiilnimada nimcada Ilaah oo la iigu kiin dhiibay,
3ܕܒܓܠܝܢܐ ܐܬܝܕܥ ܠܝ ܐܪܙܐ ܐܝܟܢܐ ܕܟܬܒܬ ܠܟܘܢ ܒܙܥܘܪܝܬܐ ܀
3iyo sida qarsoodigii laygu ogeysiiyey wixii la ii muujiyey, sidii aan mar hore dhawr eray idiinku soo qoray.
4ܐܝܟ ܡܐ ܕܡܫܟܚܝܬܘܢ ܟܕ ܩܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܡܤܬܟܠܘ ܝܕܥܬܝ ܕܒܐܪܙܗ ܕܡܫܝܚܐ ܀
4Markaad akhridaan waxaad ogaan karaysaan garashadayda xagga qarsoodiga Masiixa,
5ܗܘ ܕܒܕܪܐ ܐܚܪܢܐ ܠܐ ܐܬܝܕܥ ܠܒܢܝܢܫܐ ܐܝܟ ܕܗܫܐ ܐܬܓܠܝ ܠܫܠܝܚܘܗܝ ܩܕܝܫܐ ܘܠܢܒܝܘܗܝ ܒܪܘܚ ܀
5kaas oo aan qarniyadii kale loogu ogeysiin bini aadmiga sida haatan Ruuxu ugu muujiyey rasuulladiisa iyo nebiyadiisa quduuska ah.
6ܕܢܗܘܘܢ ܥܡܡܐ ܒܢܝ ܝܪܬܘܬܗ ܘܫܘܬܦܐ ܕܦܓܪܗ ܘܕܡܘܠܟܢܐ ܕܐܬܝܗܒ ܒܗ ܒܝܕ ܐܘܢܓܠܝܘܢ ܀
6Taas waxaa weeyaan in haatan dadka aan Yuhuudda ahayn ay yihiin kuwo wax inala dhaxla, oo aan isku jidh nahay, oo ay inagula qayb qaataan ballankii Ciise Masiix xagga injiilka,
7ܗܘ ܕܐܢܐ ܗܘܝܬ ܡܫܡܫܢܗ ܐܝܟ ܡܘܗܒܬܐ ܕܛܝܒܘܬܗ ܕܐܠܗܐ ܕܐܬܝܗܒܬ ܠܝ ܡܢ ܡܥܒܕܢܘܬܐ ܕܚܝܠܗ ܀
7kaas oo aniga layga dhigay midiidin sida ay tahay hadiyadda nimcada Ilaah oo lay siiyey sida ay tahay shaqaynta xooggiisu.
8ܠܝ ܕܙܥܘܪܐ ܐܢܐ ܕܟܠܗܘܢ ܩܕܝܫܐ ܐܬܝܗܒܬ ܛܝܒܘܬܐ ܗܕܐ ܕܐܤܒܪ ܒܥܡܡܐ ܥܘܬܪܗ ܕܡܫܝܚܐ ܗܘ ܕܠܐ ܡܬܥܩܒ ܀
8Aniga oo quduusiinta oo dhan ugu liita waxaa nimcadan la ii siiyey inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo hodantinimada Masiixa oo aan la baadhi karin,
9ܘܐܢܗܪ ܠܟܠܢܫ ܐܝܕܐ ܗܝ ܡܕܒܪܢܘܬܐ ܕܐܪܙܐ ܗܘ ܕܟܤܐ ܗܘܐ ܡܢ ܥܠܡܐ ܒܐܠܗܐ ܕܟܠ ܒܪܐ ܀
9iyo inaan dadka oo dhan garansiiyo waxay tahay talogelidda qarsoodigii weligiis ku qarsoonaa Ilaaha ah kan wax walba abuuray.
10ܕܒܝܕ ܥܕܬܐ ܬܬܝܕܥ ܚܟܡܬܗ ܕܐܠܗܐ ܡܠܝܬ ܦܘܪܫܢܐ ܠܐܪܟܘܤ ܘܠܫܘܠܛܢܐ ܕܒܫܡܝܐ ܀
10Sababtuna waxaa weeyaan in haatan madaxda iyo kuwa amarka leh oo ku jira meelaha jannada, kiniisadda lagu ogeysiiyo xigmadda Ilaah oo badan oo kala cayncaynka ah,
11ܗܝ ܕܥܬܕ ܗܘܐ ܡܢ ܥܠܡܐ ܘܥܒܕܗ ܒܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܡܪܢ ܀
11sida uu yahay qasdiga weligiis ah oo isagu ku qasdiyey Rabbigeenna Ciise Masiix,
12ܗܘ ܕܒܗ ܐܝܬ ܠܢ ܦܪܗܤܝܐ ܘܩܪܝܒܘܬܐ ܒܬܘܟܠܢܐ ܕܗܝܡܢܘܬܗ ܀
12kaas oo aynu ku leennahay dhiirranaan, oo aynu iskuhallayn ugu geli karno xagga rumaysadka aynu isaga rumaysan nahay.
13ܡܛܠ ܗܢܐ ܫܐܠܢܐ ܕܠܐ ܬܡܐܢ ܠܝ ܒܐܘܠܨܢܝ ܕܥܠ ܐܦܝܟܘܢ ܕܗܕܐ ܗܝ ܬܫܒܘܚܬܟܘܢ ܀
13Sidaas daraaddeed waxaan idinka baryayaa inaydnaan ku qalbi jabin dhibaatooyinkayga aan daraaddiin u maray, waayo, taasu waa idiin ammaan.
14ܘܟܐܦܢܐ ܒܘܪܟܝ ܠܘܬ ܐܒܘܗܝ ܕܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
14Sababtaas daraaddeed waxaan ugu jilba joogsadaa Aabbaha hortiisa,
15ܗܘ ܕܡܢܗ ܡܫܬܡܗܐ ܟܠ ܐܒܗܘܬܐ ܕܒܫܡܝܐ ܘܒܐܪܥܐ ܀
15kaas oo magiciisa lagu magacaabay reerka oo dhan inta jannada ku jirta iyo inta dhulka joogtaba,
16ܕܢܬܠ ܠܟܘܢ ܐܝܟ ܥܘܬܪܐ ܕܬܫܒܘܚܬܗ ܕܒܚܝܠܐ ܬܫܬܪܪܘܢ ܒܪܘܚܗ ܕܒܒܪܢܫܟܘܢ ܕܠܓܘ ܀
16in sida hodantinimada ammaantiisu ay tahay uu idin siiyo itaal aad Ruuxiisa kaga xoogaysataan xagga gudihiinna,
17ܢܥܡܪ ܡܫܝܚܐ ܒܗܝܡܢܘܬܐ ܘܒܠܒܘܬܟܘܢ ܒܚܘܒܐ ܟܕ ܢܗܘܐ ܫܪܝܪ ܥܩܪܟܘܢ ܘܫܬܐܤܬܟܘܢ ܀
17iyo in Masiixu qalbiyadiinna degganaado xagga rumaysadka,
18ܕܬܫܟܚܘܢ ܠܡܕܪܟܘ ܥܡ ܟܠܗܘܢ ܩܕܝܫܐ ܡܢܘ ܪܘܡܐ ܘܥܘܡܩܐ ܘܐܘܪܟܐ ܘܦܬܝܐ ܀
18inaad jacayl xidid iyo aasaas ku yeelataan, iyo inaad u xoogaysataan si aad quduusiinta oo dhan ula garataan waxa ay yihiin ballaadhka iyo dhererka iyo korudheerida iyo hoosudheerida,
19ܘܬܕܥܘܢ ܪܒܘܬܐ ܕܝܕܥܬܐ ܕܚܘܒܗ ܕܡܫܝܚܐ ܘܬܬܡܠܘܢ ܒܟܠܗ ܡܘܠܝܐ ܕܐܠܗܐ ܀
19iyo inaad ogaataan jacaylka Masiixa oo aqoonta dhaafa, si ay idiinka buuxsanto Ilaah buuxnaantiisa oo dhammu.
20ܠܗܘ ܕܝܢ ܕܡܨܐ ܒܚܝܠܐ ܝܬܝܪ ܡܢ ܟܠ ܠܡܥܒܕ ܠܢ ܘܝܬܝܪ ܡܢ ܡܐ ܕܫܐܠܝܢܢ ܘܪܢܝܢܢ ܐܝܟ ܚܝܠܗ ܕܡܤܬܥܪ ܒܢ ܀
20Haddaba kan awooda inuu inoo sameeyo wax aad iyo aad uga sii badan waxa aynu weyddiisanno ama ku fikirno oo dhan sida u yahay xoogga inaga dhex shaqeeya,isaga ammaanu ha ugu ahaato kiniisadda iyo Ciise Masiixba tan iyo qarniyada oo dhan iyo weligiis iyo weligiisba. Aamiin.
21ܠܗ ܬܫܒܘܚܬܐ ܒܥܕܬܗ ܒܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܒܟܠܗܘܢ ܕܪܐ ܕܥܠܡܝ ܥܠܡܝܢ ܐܡܝܢ ܀
21isaga ammaanu ha ugu ahaato kiniisadda iyo Ciise Masiixba tan iyo qarniyada oo dhan iyo weligiis iyo weligiisba. Aamiin.