1ܒܢܝܐ ܐܫܬܡܥܘ ܠܐܒܗܝܟܘܢ ܒܡܪܢ ܗܕܐ ܓܝܪ ܟܐܢܐ ܀
1Carruurtay, waalidkiinna ku addeeca xagga Rabbiga, waayo, taasu waa qumman tahay.
2ܘܗܢܘ ܦܘܩܕܢܐ ܩܕܡܝܐ ܕܡܠܝܟ ܝܩܪ ܠܐܒܘܟ ܘܠܐܡܟ ܀
2Qaynuunkii kowaad oo ballan la jiraa waa kan, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus
3ܕܢܗܘܐ ܠܟ ܕܫܦܝܪ ܘܢܐܪܟܘܢ ܚܝܝܟ ܥܠ ܐܪܥܐ ܀
3inaad nabdoonaatid oo cimrigaagu ku dheeraado dhulka.
4ܐܒܗܐ ܠܐ ܬܪܓܙܘܢ ܒܢܝܟܘܢ ܐܠܐ ܪܒܘ ܐܢܘܢ ܒܡܪܕܘܬܐ ܘܒܝܘܠܦܢܐ ܕܡܪܢ ܀
4Aabbayaashow, carruurtiinna ha ka cadhaysiinina, laakiinse waxaad ku korisaan edbinta iyo waanada Rabbiga.
5ܥܒܕܐ ܐܫܬܡܥܘ ܠܡܪܝܟܘܢ ܕܒܒܤܪ ܒܕܚܠܬܐ ܘܒܪܬܝܬܐ ܘܒܦܫܝܛܘܬ ܠܒܐ ܐܝܟ ܕܠܡܫܝܚܐ ܀
5Addoommadow, kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah ku addeeca cabsi iyo gariir iyo qalbi daacad ah sidaad Masiixa uga cabsataan oo kale.
6ܠܐ ܒܡܚܙܐ ܥܝܢܐ ܐܝܟ ܗܘ ܕܠܒܢܝܢܫܐ ܫܦܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܐܠܐ ܐܝܟ ܥܒܕܐ ܕܡܫܝܚܐ ܕܥܒܕܝܢ ܨܒܝܢܐ ܕܐܠܗܐ ܀
6Ha ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ahaada sida addoommada Masiixa, idinkoo doonista Ilaah xagga qalbiga ka samaynaya.
7ܘܫܡܫܘ ܐܢܘܢ ܡܢ ܟܠܗ ܢܦܫܟܘܢ ܒܚܘܒܐ ܐܝܟ ܕܠܡܪܢ ܘܠܐ ܐܝܟ ܕܠܒܢܝܢܫܐ ܀
7Niyo wanaagsan ku adeega sida idinkoo Rabbiga u adeegaya oo aan dad u adeegin,
8ܟܕ ܝܕܥܝܬܘܢ ܕܗܘ ܡܕܡ ܕܥܒܕ ܐܢܫ ܕܫܦܝܪ ܗܘ ܡܬܦܪܥ ܡܢ ܡܪܢ ܐܢ ܥܒܕܐ ܗܘ ܘܐܢ ܒܪ ܚܐܪܐ ܀
8idinkoo garanaya wax kasta oo wanaagsan oo mid kasta sameeyo inuu Rabbiga isla waxaas ka helayo hadduu yahay addoon iyo hadduu yahay xorba.
9ܐܦ ܐܢܬܘܢ ܡܪܝܐ ܗܟܢܐ ܗܘܝܬܘܢ ܥܒܕܝܢ ܠܥܒܕܝܟܘܢ ܗܘܝܬܘܢ ܫܒܩܝܢ ܠܗܘܢ ܤܟܠܘܬܐ ܡܛܠ ܕܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܐܦ ܡܪܟܘܢ ܕܝܠܟܘܢ ܐܝܬܘܗܝ ܒܫܡܝܐ ܘܡܤܒ ܒܐܦܐ ܠܝܬ ܠܘܬܗ ܀
9Sayidyadow, idinkuna isla waxaas iyaga u sameeya, oo cabsiinta iska daaya, waayo, waad og tihiin inuu kan ah Sayidkooda iyo kiinnaba jannada ku jiro, oo uusan dadka u kala eexan.
10ܡܟܝܠ ܐܚܝ ܐܬܚܝܠܘ ܒܡܪܢ ܘܒܬܘܩܦܐ ܕܚܝܠܗ ܀
10Ugu dambaysta waxaan idinku leeyahay, Ku xoogaysta Rabbiga iyo xoogga itaalkiisa.
11ܘܠܒܫܘ ܟܠܗ ܙܝܢܐ ܕܐܠܗܐ ܐܝܟܢܐ ܕܬܫܟܚܘܢ ܠܡܩܡ ܠܘܩܒܠ ܨܢܥܬܗ ܕܐܟܠ ܩܪܨܐ ܀
11Oo hubka Ilaah oo dhan qaata, si aad u awooddaan inaad sirta Ibliiska hor istaagtaan.
12ܡܛܠ ܕܬܟܬܘܫܟܘܢ ܠܐ ܗܘܐ ܥܡ ܒܤܪܐ ܘܕܡܐ ܐܠܐ ܥܡ ܐܪܟܘܤ ܘܥܡ ܫܠܝܛܢܐ ܘܥܡ ܐܚܝܕܝ ܥܠܡܐ ܕܗܢܐ ܚܫܘܟܐ ܘܥܡ ܪܘܚܐ ܒܝܫܬܐ ܕܬܚܝܬ ܫܡܝܐ ܀
12Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira.
13ܡܛܠ ܗܢܐ ܠܒܫܘ ܟܠܗ ܙܝܢܐ ܕܐܠܗܐ ܕܬܫܟܚܘܢ ܬܐܪܥܘܢ ܒܝܫܐ ܘܟܕ ܡܥܬܕܝܢ ܐܢܬܘܢ ܒܟܠܡܕܡ ܬܩܘܡܘܢ ܀
13Haddaba sidaas daraaddeed hubka Ilaah qaata si aad u awooddaan inaad maalinta sharka iyaga is-hor taagtaan, oo markaad saas oo dhan yeeshaan aad awooddaan inaad istaagtaan.
14ܩܘܡܘ ܗܟܝܠ ܘܚܙܘܩܘ ܚܨܝܟܘܢ ܒܩܘܫܬܐ ܘܠܒܫܘ ܫܪܝܢܐ ܕܙܕܝܩܘܬܐ ܀
14Haddaba istaaga idinkoo runta dhexda ku xidhan, oo laabtana laabdhawrka xaqnimada ku xidhan,
15ܘܤܐܢܘ ܒܪܓܠܝܟܘܢ ܛܘܝܒܗ ܕܐܘܢܓܠܝܘܢ ܕܫܠܡܐ ܀
15oo cagahana gashan isu-diyaarinta injiilka nabadda,
16ܘܥܡ ܗܠܝܢ ܤܒܘ ܠܟܘܢ ܤܟܪܐ ܕܗܝܡܢܘܬܐ ܕܒܗ ܬܬܡܨܘܢ ܚܝܠܐ ܠܡܕܥܟܘ ܟܠܗܘܢ ܓܐܪܘܗܝ ܝܩܕܐ ܕܒܝܫܐ ܀
16oo weliba waxaa kaloo aad qaadataan gaashaanka rumaysadka, kaas oo aad ku awoodaysaan inaad ku wada demisaan kan sharka leh fallaadhihiisa ololaya oo dhan.
17ܘܤܝܡܘ ܤܢܘܪܬܐ ܕܦܘܪܩܢܐ ܘܐܚܘܕܘ ܤܝܦܐ ܕܪܘܚܐ ܕܐܝܬܘܗܝ ܡܠܬܐ ܕܐܠܗܐ ܀
17Oo waxaad qaadataan koofiyada badbaadada iyo seefta Ruuxa oo ah erayga Ilaah.
18ܘܒܟܠ ܨܠܘܢ ܘܒܟܠ ܒܥܘܢ ܨܠܘ ܒܟܠܙܒܢ ܒܪܘܚ ܘܒܗ ܒܨܠܘܬܐ ܗܘܝܬܘܢ ܫܗܪܝܢ ܒܟܠܥܕܢ ܟܕ ܡܨܠܝܬܘܢ ܐܡܝܢܐܝܬ ܘܡܬܟܫܦܝܢ ܥܠ ܐܦܝ ܟܠܗܘܢ ܩܕܝܫܐ ܀
18Mar kasta Ilaah wax kaga barya Ruuxa baryo iyo duco kastaba, oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta quduusiinta oo dhan.
19ܐܦ ܥܠܝ ܕܬܬܝܗܒ ܠܝ ܡܠܬܐ ܒܡܦܬܚ ܦܘܡܝ ܕܥܝܢ ܒܓܠܐ ܐܟܪܙ ܐܪܙܐ ܕܤܒܪܬܐ ܀
19Oo anigana iigu soo duceeya in lay siiyo hadal aan afka ku furo inaan cabsila'aan u muujiyo qarsoodiga injiilka,
20ܗܘ ܕܐܢܐ ܐܝܙܓܕܗ ܒܫܫܠܬܐ ܕܒܦܪܗܤܝܐ ܐܡܠܠܝܘܗܝ ܐܝܟ ܕܘܠܐ ܠܝ ܠܡܡܠܠܘܬܗ ܀
20kaas oo aan u ahay mid ergo ah oo silsilad ku xidhan, inaan cabsila'aan ugu hadlo sida igu waajibka ah.
21ܕܬܕܥܘܢ ܕܝܢ ܐܦ ܐܢܬܘܢ ܡܕܡ ܕܠܘܬܝ ܘܡܕܡ ܕܤܥܪ ܐܢܐ ܗܐ ܡܘܕܥ ܠܟܘܢ ܛܘܟܝܩܘܤ ܐܚܐ ܚܒܝܒܐ ܘܡܫܡܫܢܐ ܡܗܝܡܢܐ ܒܡܪܢ ܀
21Laakiinse inaad ogaataan axwaashayda iyo sidaan ahayba, waxaa idiin wada sheegi doona Tukhikos oo xagga Rabbiga ku ah walaalkay gacaliye iyo midiidin aamin ah.
22ܕܠܗ ܫܕܪܬ ܠܘܬܟܘܢ ܥܠܝܗ ܥܠ ܗܕܐ ܕܬܕܥܘܢ ܡܐ ܕܠܘܬܝ ܘܢܒܝܐ ܠܒܘܬܟܘܢ ܀
22Waxaan isaga idiinku soo diray isla sababtan inaad xaaladdayada ogaataan iyo inuu qalbigiinna dhiirrigeliyo.
23ܫܠܡܐ ܥܡ ܐܚܝܢ ܘܚܘܒܐ ܥܡ ܗܝܡܢܘܬܐ ܡܢ ܐܠܗܐ ܐܒܐ ܘܡܢ ܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
23Walaalaha ha u ahaadeen nabad iyo jacayl rumaysad la jiro oo xagga Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix ka yimid.Kulligood kuwa Rabbigeenna Ciise Masiix jacaylka aan dhammaanayn ku jecel, nimco ha u ahaato.
24ܛܝܒܘܬܐ ܥܡ ܟܠܗܘܢ ܐܝܠܝܢ ܕܡܚܒܝܢ ܠܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܕܠܐ ܚܒܠ ܐܡܝܢ ܀
24Kulligood kuwa Rabbigeenna Ciise Masiix jacaylka aan dhammaanayn ku jecel, nimco ha u ahaato.