Syriac: NT

Somali

Galatians

1

1ܦܘܠܘܤ ܫܠܝܚܐ ܠܐ ܡܢ ܒܢܝܢܫܐ ܘܠܐ ܒܝܕ ܒܪܢܫܐ ܐܠܐ ܒܝܕ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܘܐܠܗܐ ܐܒܘܗܝ ܗܘ ܕܐܩܝܡܗ ܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܀
1Waxaa warqaddan qoraya Bawlos oo ah rasuul aan xagga dadka ka iman, oo aan dadna ku iman, laakiinse ku yimid Ciise Masiix iyo Ilaaha Aabbaha ah oo isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay.
2ܘܟܠܗܘܢ ܐܚܐ ܕܥܡܝ ܠܥܕܬܐ ܕܐܝܬ ܒܓܠܛܝܐ ܀
2Aniga iyo walaalaha ila jooga oo dhammi waxaannu tan u qoraynaa kiniisadaha Galatiya.
3ܛܝܒܘܬܐ ܥܡܟܘܢ ܘܫܠܡܐ ܡܢ ܐܠܗܐ ܐܒܐ ܘܡܢ ܡܪܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix,
4ܗܘ ܕܝܗܒ ܢܦܫܗ ܚܠܦ ܚܛܗܝܢ ܕܢܦܨܝܢ ܡܢ ܥܠܡܐ ܗܢܐ ܒܝܫܐ ܐܝܟ ܨܒܝܢܗ ܕܐܠܗܐ ܐܒܘܢ ܀
4kan naftiisii u bixiyey dembiyadeenna aawadood, si uu inooga bixiyo dunidatan la joogo oo sharka leh sida ay tahay doonista kan Ilaah iyo Aabbe inoo ah.
5ܕܠܗ ܫܘܒܚܐ ܠܥܠܡ ܥܠܡܝܢ ܐܡܝܢ ܀
5Isagaa ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.
6ܡܬܕܡܪ ܐܢܐ ܐܝܟܢܐ ܒܥܓܠ ܡܬܗܦܟܝܢ ܐܢܬܘܢ ܡܢ ܡܫܝܚܐ ܗܘ ܕܩܪܟܘܢ ܒܛܝܒܘܬܗ ܠܐܚܪܬܐ ܤܒܪܬܐ ܀
6Waxaan la yaabsanahay dhaqsiiyaha aad uga dhaqaaqaysaan kii nimcada Masiixa idiinku yeedhay, oo aad u leexanaysaan injiil kale,
7ܐܝܕܐ ܕܠܐ ܐܝܬܝܗ ܐܠܐ ܐܢܫܐ ܗܘ ܐܝܬ ܕܕܠܚܝܢ ܠܟܘܢ ܘܨܒܝܢ ܕܢܫܚܠܦܘܢ ܤܒܪܬܗ ܕܡܫܝܚܐ ܀
7oo aan ahayn mid kale, laakiin waxaa jira kuwo idin dhibaya, oo doonaya inay injiilka Masiixa qalloociyaan.
8ܐܦ ܐܢ ܚܢܢ ܕܝܢ ܐܘ ܡܠܐܟܐ ܡܢ ܫܡܝܐ ܢܤܒܪܟܘܢ ܠܒܪ ܡܢ ܡܐ ܕܤܒܪܢܟܘܢ ܢܗܘܐ ܚܪܡ ܀
8Laakiinse annaga ha noqoto ama malaa'ig samada ka timid ha noqotee, kii idinku wacdiya injiil aan ahayn kaannu idinku wacdinnay, ha inkaarnaado.
9ܐܝܟܢܐ ܕܡܢ ܠܘܩܕܡ ܐܡܪܬ ܘܗܫܐ ܬܘܒ ܐܡܪ ܐܢܐ ܕܐܢ ܐܢܫ ܡܤܒܪ ܠܟܘܢ ܠܒܪ ܡܢ ܡܐ ܕܩܒܠܬܘܢ ܢܗܘܐ ܚܪܡ ܀
9Sidii aannu markii hore nidhi, waxaan haatanna leeyahay, Haddii nin idinku wacdiyo injiil kale oo aan ahayn kii aad aqbasheen, ha inkaarnaado.
10ܗܫܐ ܓܝܪ ܠܒܢܝܢܫܐ ܗܘ ܡܦܝܤ ܐܢܐ ܐܘ ܠܐܠܗܐ ܐܘ ܠܒܢܝܢܫܐ ܒܥܐ ܐܢܐ ܕܐܫܦܪ ܐܠܘ ܓܝܪ ܥܕܡܐ ܠܗܫܐ ܠܒܢܝܢܫܐ ܫܦܪ ܗܘܝܬ ܥܒܕܐ ܕܡܫܝܚܐ ܠܐ ܗܘܐ ܗܘܝܬ ܀
10Ma waxaan haatan is-oggolaysiinayaa dadka mise Ilaah? Mise waxaan doondoonayaa inaan dadka ka farxiyo? Haddaan weli dadka ka sii farxinayo, ma aanan ahaadeen addoonkii Masiixa.
11ܡܘܕܥ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܕܝܢ ܐܚܝ ܕܤܒܪܬܐ ܕܐܤܬܒܪܬ ܡܢܝ ܠܐ ܗܘܬ ܡܢ ܒܪܢܫܐ ܀
11Walaalayaalow, waxaan idin ogaysiinayaa in injiilka aan idinku wacdiyey uusan ka iman xagga dadka.
12ܐܦܠܐ ܓܝܪ ܐܢܐ ܡܢ ܒܪܢܫܐ ܩܒܠܬܗ ܘܝܠܦܬܗ ܐܠܐ ܒܓܠܝܢܐ ܕܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
12Waayo, kama aan helin xagga dadka, laymana barin, laakiin waxaa ii muujiyey Ciise Masiix.
13ܫܡܥܬܘܢ ܓܝܪ ܗܘܦܟܝ ܕܡܢ ܩܕܝܡ ܕܒܝܗܘܕܝܘܬܐ ܕܝܬܝܪܐܝܬ ܪܕܦ ܗܘܝܬ ܥܕܬܗ ܕܐܠܗܐ ܘܚܪܒ ܗܘܝܬ ܠܗ ܀
13Waad maqasheen dabiicaddaydii hore xagga diintii Yuhuudda, sidii aan kiniisaddii Ilaah aad iyo aad ugu silcin jiray oo u kharribi jiray.
14ܘܡܬܝܬܪ ܗܘܝܬ ܒܝܗܘܕܝܘܬܐ ܛܒ ܡܢ ܤܓܝܐܐ ܒܢܝ ܫܢܝ ܕܐܝܬ ܗܘܐ ܒܛܘܗܡܝ ܘܝܬܝܪܐܝܬ ܛܐܢ ܗܘܝܬ ܒܝܘܠܦܢܐ ܕܐܒܗܝ ܀
14Oo kuwa badan oo asaaggay ah oo aan isku waddan nahay ayaan kaga hor maray diinta Yuhuudda, anigoo aad iyo aad ugu adag xeerarkii awowayaashay.
15ܟܕ ܨܒܐ ܕܝܢ ܗܘ ܡܢ ܕܦܪܫܢܝ ܡܢ ܟܪܤ ܐܡܝ ܘܩܪܢܝ ܒܛܝܒܘܬܗ ܀
15Laakiin Ilaaha uurkii hooyaday iga doortay, oo nimcadiisa iigu yeedhay, markuu ku farxay
16ܕܢܓܠܐ ܒܪܗ ܒܝ ܕܐܤܒܪܝܘܗܝ ܒܥܡܡܐ ܒܪ ܫܥܬܗ ܠܐ ܓܠܝܬ ܠܒܤܪܐ ܘܠܕܡܐ ܀
16inuu Wiilkiisa iga dhex muujiyo inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo isaga warkiisa, isla markaasba lama aan tashan bini aadan.
17ܘܠܐ ܐܙܠܬ ܠܐܘܪܫܠܡ ܠܘܬ ܫܠܝܚܐ ܕܡܢ ܩܕܡܝ ܐܠܐ ܐܙܠܬ ܠܐܪܒܝܐ ܘܬܘܒ ܗܦܟܬ ܠܕܪܡܤܘܩ ܀
17Yeruusaalemna uma aan aadin kuwii hortay rasuullada ahaa, laakiinse waxaan aaday dalka Carabta, dabadeedna waxaan ku soo noqday Dimishaq.
18ܘܡܢ ܒܬܪ ܬܠܬ ܫܢܝܢ ܐܙܠܬ ܠܐܘܪܫܠܡ ܕܐܚܙܐ ܠܟܐܦܐ ܘܩܘܝܬ ܠܘܬܗ ܝܘܡܬܐ ܚܡܫܬܥܤܪ ܀
18Kolkaasaan saddex sannadood dabadeed Yeruusaalem aaday inaan Keeyfas soo barto, oo shan iyo toban maalmood ayaan la joogay isagii.
19ܠܐܚܪܝܢ ܕܝܢ ܡܢ ܫܠܝܚܐ ܠܐ ܚܙܝܬ ܐܠܐ ܐܢ ܠܝܥܩܘܒ ܐܚܘܗܝ ܕܡܪܢ ܀
19Laakiin rasuulladii kale midna kama arag, Yacquub oo ah Sayidka walaalkiis mooyaane.
20ܗܠܝܢ ܕܝܢ ܕܟܬܒ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܗܐ ܩܕܡ ܐܠܗܐ ܕܠܐ ܡܟܕܒ ܐܢܐ ܀
20Waxan aan idiin soo qorayo, Ilaah hortiis, been ka sheegi maayo.
21ܡܢ ܒܬܪ ܗܠܝܢ ܐܬܝܬ ܠܐܬܪܘܬܐ ܕܤܘܪܝܐ ܘܕܩܝܠܝܩܝܐ ܀
21Markaas dabadeed waxaan imid xagga dalalka Suuriya iyo Kilikiya,
22ܘܠܐ ܝܕܥܢ ܗܘܝ ܠܝ ܒܐܦܝܢ ܥܕܬܐ ܕܒܝܗܘܕ ܗܠܝܢ ܕܒܡܫܝܚܐ ܀
22oo weliba laygama weji garanayn kiniisadaha Masiixa oo Yahuudiya ku yiil.
23ܐܠܐ ܗܕܐ ܒܠܚܘܕ ܫܡܥܝܢ ܗܘܘ ܕܗܘ ܕܡܢ ܩܕܝܡ ܪܕܦ ܗܘܐ ܠܢ ܗܫܐ ܗܐ ܡܤܒܪ ܗܝܡܢܘܬܐ ܗܝ ܕܡܢ ܩܕܡ ܙܒܢܐ ܡܤܚܦ ܗܘܐ ܀
23Laakiin waxay maqleen oo keliya in la yidhi, Kii mar ina silcin jiray, hadda wuxuu wax ku wacdiyayaa iimaankii uu mar kharribi jiray.Oo Ilaah bay u ammaaneen daraadday.
24ܘܡܫܒܚܝܢ ܗܘܘ ܒܝ ܠܐܠܗܐ ܀
24Oo Ilaah bay u ammaaneen daraadday.