Syriac: NT

Somali

Hebrews

3

1ܡܟܝܠ ܐܚܝ ܩܕܝܫܐ ܕܐܬܩܪܝܬܘܢ ܒܩܪܝܢܐ ܕܡܢ ܫܡܝܐ ܚܙܐܘܗܝ ܠܗܢܐ ܫܠܝܚܐ ܘܪܒ ܟܘܡܪܐ ܕܬܘܕܝܬܢ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܀
1Haddaba walaalaha quduuska ah oo ka qayb gala yeedhniinta jannadow, u fiirsada Ciise oo ah Rasuulka iyo Wadaadka sare ee iimaanka aynu qiranno.
2ܕܡܗܝܡܢ ܠܡܢ ܕܥܒܕܗ ܐܝܟ ܡܘܫܐ ܒܟܠܗ ܒܝܬܗ ܀
2Aamin buu u ahaa kan doortay, sidii Muuseba gurigiisii oo dhan aaminka ugu ahaa.
3ܤܓܝܐܐ ܗܝ ܓܝܪ ܬܫܒܘܚܬܗ ܕܗܢܐ ܛܒ ܡܢ ܕܡܘܫܐ ܐܝܟܢܐ ܕܤܓܝ ܐܝܩܪܐ ܕܒܢܝܗ ܕܒܝܬܐ ܛܒ ܡܢ ܒܢܝܢܗ ܀
3Waayo, waxaa isaga lagu tiriyey inuu istaahilo ammaan ka badan tii Muuse, sida kan guriga dhisa uga murwad badan yahay guriga.
4ܟܠ ܒܝܬܐ ܓܝܪ ܡܢ ܐܢܫ ܗܘ ܡܬܒܢܐ ܗܘ ܕܝܢ ܕܒܢܐ ܟܠ ܐܠܗܐ ܗܘ ܀
4Waayo, guri walba mid baa dhisay, laakiin kan wax walba dhisay waa Ilaah.
5ܘܡܘܫܐ ܐܝܟ ܥܒܕܐ ܐܬܗܝܡܢ ܒܒܝܬܐ ܟܠܗ ܠܤܗܕܘܬܐ ܕܐܝܠܝܢ ܕܥܬܝܕܢ ܗܘܝ ܠܡܬܡܠܠܘ ܒܐܝܕܗ ܀
5Oo runtii Muuse gurigiisa oo dhan aamin buu ugu ahaa sida midiidin, inuu markhaati u ahaado waxyaalaha mar dambe lagu hadli doono.
6ܡܫܝܚܐ ܕܝܢ ܐܝܟ ܒܪܐ ܥܠ ܒܝܬܗ ܘܐܝܬܘܗܝ ܒܝܬܗ ܚܢܢ ܐܢ ܥܕܡܐ ܠܚܪܬܐ ܢܐܚܘܕ ܓܠܝܘܬ ܐܦܐ ܘܫܘܒܗܪܐ ܕܤܒܪܗ ܀
6Laakiin Masiix aamin buu u ahaa sida wiil gurigiisa ka sarreeya; oo gurigiisu waa innaga haddaynu ilaa ugu dambaysta dhiirranaanteenna iyo faanka rajadeenna aad u xajinno.
7ܡܛܠ ܕܐܡܪܬ ܪܘܚܐ ܕܩܘܕܫܐ ܕܝܘܡܢܐ ܐܢ ܒܩܠܗ ܬܫܡܥܘܢ ܀
7Haddaba waa sidan waxa Ruuxa Quduuska ahi leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan,
8ܠܐ ܬܩܫܘܢ ܠܒܘܬܟܘܢ ܠܡܪܓܙܘܬܗ ܐܝܟ ܡܡܪܡܪܢܐ ܘܐܝܟ ܝܘܡܐ ܕܢܤܝܘܢܐ ܕܒܡܕܒܪܐ ܀
8Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka, Sidii maalintii jirrabaadda ee cidlada dhexdeeda,
9ܕܢܤܝܘܢܝ ܐܒܗܝܟܘܢ ܘܒܩܘ ܚܙܘ ܥܒܕܝ ܐܪܒܥܝܢ ܫܢܝܢ ܀
9Meeshii ay awowayaashiin igu jirrabeen, oo ay igu tijaabiyeen, Oo ay afartanka sannadood shuqulladaydii ku arkeen.
10ܡܛܠ ܗܢܐ ܡܐܢܬ ܠܝ ܒܕܪܐ ܗܘ ܘܐܡܪܬ ܕܥܡܐ ܗܘ ܕܛܥܐ ܠܒܗܘܢ ܘܗܢܘܢ ܠܐ ܝܕܥܘ ܐܘܪܚܬܝ ܀
10Taas daraaddeed qarnigan waan u cadhaysnaa, Oo waxaan idhi, Had iyo goorba qalbigooday ka qaldamaan, Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii.
11ܘܐܝܟ ܕܝܡܝܬ ܒܪܘܓܙܝ ܕܠܐ ܢܥܠܘܢ ܠܢܝܚܬܝ ܀
11Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.
12ܐܙܕܗܪܘ ܗܟܝܠ ܐܚܝ ܕܠܡܐ ܢܗܘܐ ܒܐܢܫ ܡܢܟܘܢ ܠܒܐ ܒܝܫܐ ܕܠܐ ܡܗܝܡܢ ܘܬܦܪܩܘܢ ܡܢ ܐܠܗܐ ܚܝܐ ܀
12Iska jira, walaalayaalow. Yaanu qalbi shar leh oo aan rumaysad lahayni midkiinna ku jirin, idinkoo Ilaaha nool ka dheeraanaya.
13ܐܠܐ ܒܥܘ ܡܢ ܢܦܫܟܘܢ ܟܠܗܘܢ ܝܘܡܬܐ ܥܕܡܐ ܠܝܘܡܐ ܕܡܬܩܪܐ ܝܘܡܢܐ ܕܠܐ ܢܬܩܫܐ ܐܢܫ ܡܢܟܘܢ ܒܛܥܝܘܬܐ ܕܚܛܝܬܐ ܀
13Laakiin maalin kasta iswaaniya, intii la odhanayo, Maanta, inuusan midkiinna ku engegin khiyaanada dembiga.
14ܐܬܚܠܛܢ ܓܝܪ ܥܡ ܡܫܝܚܐ ܐܢ ܡܢ ܪܝܫܝܬܐ ܘܥܕܡܐ ܠܐܚܪܝܬܐ ܒܗ ܒܩܝܡܐ ܗܢܐ ܫܪܝܪܐ ܢܚܡܤܢ ܀
14Waayo, waxaynu noqonnay kuwa Masiix ka qayb qaatay, haddaynu aad u xajinno bilowgii kalsoonaanteenna ilaa ugu dambaysta,
15ܐܝܟܢܐ ܕܐܡܝܪ ܕܝܘܡܢܐ ܐܢ ܒܪܬ ܩܠܗ ܬܫܡܥܘܢ ܠܐ ܬܩܫܘܢ ܠܒܘܬܟܘܢ ܠܡܪܓܙܘܬܗ ܀
15inta la leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka.
16ܡܢ ܐܢܘܢ ܓܝܪ ܗܢܘܢ ܕܫܡܥܘ ܘܐܪܓܙܘܗܝ ܠܐ ܟܠܗܘܢ ܗܠܝܢ ܕܢܦܩܘ ܡܢ ܡܨܪܝܢ ܒܝܕ ܡܘܫܐ ܀
16Waayo, yaa, markay maqleen, Ilaah ka dhirfiyey? Miyaanay ahayn kulligood kuwii Muuse ka keenay Masar?
17ܘܒܐܝܠܝܢ ܡܐܢܬ ܠܗ ܐܪܒܥܝܢ ܫܢܝܢ ܐܠܐ ܒܗܢܘܢ ܕܚܛܘ ܘܓܪܡܝܗܘܢ ܢܦܠܘ ܒܡܕܒܪܐ ܀
17Oo yuu afartan sannadood u cadhaysnaa? Miyaanay ahayn kuwii dembaabay oo meydadkoodu cidlada ku dhacdhaceen?
18ܘܥܠ ܐܝܠܝܢ ܝܡܐ ܕܠܐ ܢܥܠܘܢ ܠܢܝܚܬܗ ܐܠܐ ܥܠ ܗܢܘܢ ܕܠܐ ܐܬܛܦܝܤܘ ܀
18Oo yuu ku dhaartay inaanay nasashadiisa gelin, kuwii isaga addeeci waayay mooyaane?Oo waxaynu aragnaa inaanay geli karin rumaysaddarro aawadeed.
19ܘܚܙܝܢܢ ܕܠܐ ܐܫܟܚܘ ܠܡܥܠ ܡܛܠ ܕܠܐ ܗܝܡܢܘ ܀
19Oo waxaynu aragnaa inaanay geli karin rumaysaddarro aawadeed.