1ܩܕܡ ܕܝܢ ܥܐܕܐ ܕܦܨܚܐ ܝܕܥ ܗܘܐ ܝܫܘܥ ܕܡܛܬ ܫܥܬܐ ܕܢܫܢܐ ܡܢ ܗܢܐ ܥܠܡܐ ܠܘܬ ܐܒܘܗܝ ܘܐܚܒ ܠܕܝܠܗ ܕܒܗܢܐ ܥܠܡܐ ܘܥܕܡܐ ܠܚܪܬܐ ܐܚܒ ܐܢܘܢ ܀
1Iidda Kormaridda horteed Ciise wuxuu garanayay inay timid saacaddiisii uu dunidan ka tegi lahaa ilaa Aabbaha, oo siduu u jeclaa kuwiisii dunida joogay, ayuu u jeclaa tan iyo dhammaadka.
2ܘܟܕ ܗܘܬ ܚܫܡܝܬܐ ܪܡܐ ܗܘܐ ܠܗ ܠܤܛܢܐ ܒܠܒܗ ܕܝܗܘܕܐ ܒܪ ܫܡܥܘܢ ܤܟܪܝܘܛܐ ܕܢܫܠܡܝܘܗܝ ܀
2Ibliiska ayaa markii hore qalbiga Yuudas Iskariyod ina Simoon geliyey inuu Ciise gacangeliyo.
3ܗܘ ܕܝܢ ܝܫܘܥ ܡܛܠ ܕܝܕܥ ܗܘܐ ܕܟܠ ܡܕܡ ܝܗܒ ܐܒܐ ܒܐܝܕܘܗܝ ܘܕܡܢ ܐܠܗܐ ܢܦܩ ܘܠܘܬ ܐܠܗܐ ܐܙܠ ܀
3Oo wakhtiga cashada Ciise oo garanaya in Aabbuhu wax walba gacanta u geliyey iyo inuu Ilaah ka yimid oo Ilaah ku noqonayo,
4ܩܡ ܡܢ ܚܫܡܝܬܐ ܘܤܡ ܢܚܬܘܗܝ ܘܫܩܠ ܤܕܘܢܐ ܡܚܐ ܒܚܨܘܗܝ ܀
4ayuu cashadii ka kacay oo dharkii iska dhigay, tuwaalna wuu qaatay oo guntaday.
5ܘܐܪܡܝ ܡܝܐ ܒܡܫܓܬܐ ܘܫܪܝ ܠܡܫܓܘ ܪܓܠܐ ܕܬܠܡܝܕܘܗܝ ܘܡܫܘܐ ܗܘܐ ܒܤܕܘܢܐ ܕܡܚܐ ܒܚܨܘܗܝ ܀
5Markaasuu biyo weel ku shubay oo bilaabay inuu xertiisa cagaha u maydho oo ku tirtiro tuwaalkii uu guntanaa.
6ܟܕ ܕܝܢ ܐܬܐ ܠܘܬ ܫܡܥܘܢ ܟܐܦܐ ܐܡܪ ܠܗ ܫܡܥܘܢ ܐܢܬ ܡܪܝ ܪܓܠܝ ܡܫܝܓ ܐܢܬ ܠܝ ܀
6Wuxuu haddaba u yimid Simoon Butros. Kaasaa ku yidhi, Sayidow, ma adaa cagaha ii maydhaya?
7ܥܢܐ ܝܫܘܥ ܘܐܡܪ ܠܗ ܡܕܡ ܕܥܒܕ ܐܢܐ ܐܢܬ ܠܐ ܝܕܥ ܐܢܬ ܗܫܐ ܒܬܪܟܢ ܕܝܢ ܬܕܥ ܀
7Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan samaynaya, garan maysid imminka, laakiinse dabadeed waad garan doontaa.
8ܐܡܪ ܠܗ ܫܡܥܘܢ ܟܐܦܐ ܠܥܠܡ ܠܐ ܡܫܝܓ ܐܢܬ ܠܝ ܪܓܠܝ ܐܡܪ ܠܗ ܝܫܘܥ ܐܢ ܠܐ ܡܫܝܓ ܐܢܐ ܠܟ ܠܝܬ ܠܟ ܥܡܝ ܡܢܬܐ ܀
8Butros ayaa ku yidhi, Weligaa cagaha ii maydhi maysid. Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaanan kuu maydhin, qayb iguma lihid.
9ܐܡܪ ܠܗ ܫܡܥܘܢ ܟܐܦܐ ܡܕܝܢ ܡܪܝ ܠܐ ܒܠܚܘܕ ܪܓܠܝ ܬܫܝܓ ܠܝ ܐܠܐ ܐܦ ܐܝܕܝ ܐܦ ܪܫܝ ܀
9Markaasaa Simoon Butros ku yidhi, Sayidow, cagaha keliya ha ii maydhin, laakiin gacmaha iyo madaxana ii maydh.
10ܐܡܪ ܠܗ ܝܫܘܥ ܗܘ ܕܤܚܐ ܠܐ ܤܢܝܩ ܐܠܐ ܪܓܠܘܗܝ ܒܠܚܘܕ ܢܫܝܓ ܟܠܗ ܓܝܪ ܕܟܐ ܗܘ ܐܦ ܐܢܬܘܢ ܟܠܟܘܢ ܕܟܝܐ ܐܢܬܘܢ ܐܠܐ ܠܐ ܟܠܟܘܢ ܀
10Ciise ayaa ku yidhi, Kii maydhni uma baahna inuu maydho cagihiisa mooyaane, laakiin waa wada nadiifsan yahay, idinkuna waa nadiifsan tihiin, laakiin dhammaantiin ma aha.
11ܝܕܥ ܗܘܐ ܓܝܪ ܝܫܘܥ ܠܗܘ ܕܡܫܠܡ ܠܗ ܡܛܠ ܗܢܐ ܐܡܪ ܕܠܐ ܗܘܐ ܟܠܟܘܢ ܕܟܝܐ ܐܢܬܘܢ ܀
11Waayo, wuu garanayay kii gacangelin lahaa. Sidaa daraaddeed ayuu u yidhi, Dhammaantiin ma wada nadiifsanidin.
12ܟܕ ܕܝܢ ܐܫܝܓ ܪܓܠܝܗܘܢ ܫܩܠ ܢܚܬܘܗܝ ܘܐܤܬܡܟ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܝܕܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܡܢܐ ܥܒܕܬ ܠܟܘܢ ܀
12Haddaba markuu cagihii u maydhay iyagii, oo dharkiisa qaatay, oo haddana fadhiistay, markaasuu ku yidhi, Ma garanaysaan waxaan idinku sameeyey?
13ܐܢܬܘܢ ܩܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܝ ܪܒܢ ܘܡܪܢ ܘܫܦܝܪ ܐܡܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܐܝܬܝ ܓܝܪ ܀
13Waxaad iigu yeedhaan, Macallin iyo Sayid, waadna ku hagaagsan tihiin, waayo, waan ahay.
14ܐܢ ܐܢܐ ܗܟܝܠ ܡܪܟܘܢ ܘܪܒܟܘܢ ܐܫܝܓܬ ܠܟܘܢ ܪܓܠܝܟܘܢ ܟܡܐ ܐܢܬܘܢ ܚܝܒܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܬܫܝܓܘܢ ܪܓܠܐ ܚܕ ܕܚܕ ܀
14Haddaba haddaan cagaha idiin maydhay anigoo ah Sayidka iyo Macallinka, idinkuna waa inaad cagaha isu maydhaan.
15ܗܢܐ ܓܝܪ ܛܘܦܤܐ ܝܗܒܬ ܠܟܘܢ ܕܐܝܟܢܐ ܕܐܢܐ ܥܒܕܬ ܠܟܘܢ ܐܦ ܐܢܬܘܢ ܬܥܒܕܘܢ ܀
15Waxaan idin siiyey masaal inaad samaysaan sidaan idinku sameeyey.
16ܐܡܝܢ ܐܡܝܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܕܠܝܬ ܥܒܕܐ ܕܪܒ ܡܢ ܡܪܗ ܘܠܐ ܫܠܝܚܐ ܕܪܒ ܡܢ ܡܢ ܕܫܕܪܗ ܀
16Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Addoon kama weyna sayidkiis, mid la soo dirayna kama weyna kii soo diray.
17ܐܢ ܗܠܝܢ ܬܕܥܘܢ ܛܘܒܢܐ ܐܢܬܘܢ ܐܢ ܬܥܒܕܘܢ ܐܢܝܢ ܀
17Haddaad waxyaalahan garanaysaan, waad barakaysan tihiin haddaad yeeshaan.
18ܠܐ ܗܘܐ ܥܠ ܟܠܟܘܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܝܕܥ ܐܢܐ ܓܝܪ ܠܐܝܠܝܢ ܕܓܒܝܬ ܐܠܐ ܕܟܬܒܐ ܢܫܠܡ ܕܗܘ ܕܐܟܠ ܥܡܝ ܠܚܡܐ ܐܪܝܡ ܥܠܝ ܥܩܒܗ ܀
18Dhammaantiin ka hadli maayo; waan garanayaa kuwaan doortay. Laakiin Qorniinka leh, Kan kibistayda cuna ayaa cedhibtiisa ii qaaday, waa inuu ahaado.
19ܡܢ ܗܫܐ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܡܢ ܩܕܡ ܕܢܗܘܐ ܕܡܐ ܕܗܘܐ ܬܗܝܡܢܘܢ ܕܐܢܐ ܐܢܐ ܀
19Hadda dabadeed waxaas ayaan idiin sheegayaa intaanay dhicin, in markay dhacaan aad rumaysataan inaan ahay isagii.
20ܐܡܝܢ ܐܡܝܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܕܡܢ ܕܡܩܒܠ ܠܡܢ ܕܡܫܕܪ ܐܢܐ ܠܝ ܡܩܒܠ ܘܡܢ ܕܠܝ ܡܩܒܠ ܡܩܒܠ ܠܡܢ ܕܫܕܪܢܝ ܀
20Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kan aqbala ku alla kaan soo diro ayaa i aqbala, oo kan i aqbalaana wuxuu aqbalaa kii i soo diray.
21ܗܠܝܢ ܐܡܪ ܝܫܘܥ ܘܐܬܥܙܙ ܒܪܘܚܗ ܘܐܤܗܕ ܘܐܡܪ ܐܡܝܢ ܐܡܝܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܕܚܕ ܡܢܟܘܢ ܢܫܠܡܢܝ ܀
21Ciise markuu sidaas yidhi, ayuu ka qalbi xumaaday, wuxuuna bayaan u sheegay oo yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.
22ܚܪܘ ܕܝܢ ܬܠܡܝܕܐ ܚܕ ܒܚܕ ܡܛܠ ܕܠܐ ܝܕܥܝܢ ܗܘܘ ܕܥܠ ܡܢܘ ܐܡܪ ܀
22Markaasay xertii is-eegeegeen iyagoo aan garanaynin kii uu ka hadlayay.
23ܐܝܬ ܗܘܐ ܕܝܢ ܡܢ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܚܕ ܕܤܡܝܟ ܗܘܐ ܒܥܘܒܗ ܗܘ ܕܪܚܡ ܗܘܐ ܠܗ ܝܫܘܥ ܀
23Waxaa joogay oo laabta Ciise ku tiirsanaa xertiisa midkood oo uu Ciise jeclaa.
24ܠܗܢܐ ܪܡܙ ܫܡܥܘܢ ܟܐܦܐ ܕܢܫܐܠܝܘܗܝ ܕܡܢܘ ܗܘ ܕܐܡܪ ܥܠܘܗܝ ܀
24Sidaa daraaddeed ayaa Simoon Butros calaamo u sameeyey oo ku yidhi, Noo sheeg yuu yahay kan uu ka hadlayo.
25ܘܢܦܠ ܗܘ ܬܠܡܝܕܐ ܥܠ ܚܕܝܗ ܕܝܫܘܥ ܘܐܡܪ ܠܗ ܡܪܝ ܡܢܘ ܗܢܐ ܀
25Isagoo sidii ugu tiirsan laabta Ciise, ayuu ku yidhi, Sayidow, waa kuma?
26ܥܢܐ ܝܫܘܥ ܘܐܡܪ ܗܘ ܗܘ ܕܨܒܥ ܐܢܐ ܠܚܡܐ ܝܗܒ ܐܢܐ ܠܗ ܘܨܒܥ ܝܫܘܥ ܠܚܡܐ ܘܝܗܒ ܠܝܗܘܕܐ ܒܪ ܫܡܥܘܢ ܤܟܪܝܘܛܐ ܀
26Markaasaa Ciise ugu jawaabay, Waa kii aan koosaarta u dari doono oo aan siin doono. Haddaba markuu koosaarta u daray ayuu qaaday oo siiyey Yuudas Iskariyod ina Simoon.
27ܘܒܬܪ ܠܚܡܐ ܗܝܕܝܢ ܐܬܥܠܠ ܒܗ ܤܛܢܐ ܘܐܡܪ ܠܗ ܝܫܘܥ ܡܕܡ ܕܥܒܕ ܐܢܬ ܥܒܕ ܒܥܓܠ ܀
27Markuu koosaarta qaatay dabadeed, Shayddaan baa galay isagii. Sidaa daraaddeed Ciise wuxuu ku yidhi, Waxaad samaynayso dhaqso u samee.
28ܗܕܐ ܕܝܢ ܠܐ ܐܢܫ ܝܕܥ ܡܢ ܗܢܘܢ ܤܡܝܟܐ ܕܥܠ ܡܢܐ ܐܡܪ ܠܗ ܀
28Kuwa la fadhiyey midkoodna ma garanaynin sababta uu sidaas ugula hadlay isaga.
29ܐܢܫܝܢ ܓܝܪ ܤܒܪܘ ܡܛܠ ܕܓܠܘܤܩܡܐ ܨܐܕܘܗܝ ܗܘܐ ܕܝܗܘܕܐ ܕܡܦܩܕ ܦܩܕ ܠܗ ܕܢܙܒܢ ܡܕܡ ܕܡܬܒܥܐ ܠܥܕܥܕܐ ܐܘ ܕܢܬܠ ܡܕܡ ܠܡܤܟܢܐ ܀
29Yuudas baa kiishaddii lacagta hayay, taas aawadeed qaar waxay u maleeyeen in Ciise ku yidhi, Soo iibi waxaynu iidda u baahan nahay, ama, Masaakiinta wax sii.
30ܗܘ ܕܝܢ ܝܗܘܕܐ ܢܤܒ ܠܚܡܐ ܒܪ ܫܥܬܗ ܘܢܦܩ ܠܗ ܠܒܪ ܠܠܝܐ ܗܘܐ ܕܝܢ ܟܕ ܢܦܩ ܀
30Isagu haddaba markuu koosaartii qaatay, markiiba ayuu baxay, oo waxayna ahayd habeennimo.
31ܘܐܡܪ ܝܫܘܥ ܗܫܐ ܐܫܬܒܚ ܒܪܗ ܕܐܢܫܐ ܘܐܠܗܐ ܐܫܬܒܚ ܒܗ ܀
31Haddaba markuu baxay, Ciise ayaa yidhi, Hadda Wiilka Aadanahu waa ammaanmay, Ilaahna waa ku ammaanmay isaga.
32ܘܐܢ ܐܠܗܐ ܐܫܬܒܚ ܒܗ ܘܐܦ ܐܠܗܐ ܡܫܒܚ ܠܗ ܒܗ ܘܡܚܕܐ ܡܫܒܚ ܠܗ ܀
32Haddii Ilaahu ku ammaanmay isaga, Ilaahna waa ammaani doonaa isaga qudhiisa, oo markiiba wuu ammaani doonaa.
33ܒܢܝ ܩܠܝܠ ܐܚܪܝܢ ܥܡܟܘܢ ܐܢܐ ܘܬܒܥܘܢܢܝ ܘܐܝܟܢܐ ܕܐܡܪܬ ܠܝܗܘܕܝܐ ܕܠܐܝܟܐ ܕܐܢܐ ܐܙܠ ܐܢܐ ܐܢܬܘܢ ܠܐ ܡܫܟܚܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܡܐܬܐ ܘܐܦ ܠܟܘܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܗܫܐ ܀
33Carruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay.
34ܦܘܩܕܢܐ ܚܕܬܐ ܝܗܒ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܕܗܘܝܬܘܢ ܡܚܒܝܢ ܚܕ ܠܚܕ ܐܝܟܢܐ ܕܐܢܐ ܐܚܒܬܟܘܢ ܐܦ ܐܢܬܘܢ ܬܚܒܘܢ ܚܕ ܠܚܕ ܀
34Waxaan idin siinayaa qaynuun cusub oo ah, Waa inaad isjeclaataan; sidaan idiin jeclaaday, idinkuna waa inaad isu jeclaataan.
35ܒܗܕܐ ܢܕܥ ܟܠ ܐܢܫ ܕܬܠܡܝܕܝ ܐܢܬܘܢ ܐܢ ܚܘܒܐ ܢܗܘܐ ܒܟܘܢ ܚܕ ܠܘܬ ܚܕ ܀
35Sidaasay dadka oo dhammi idinku garan doonaan inaad xertaydii tihiin, haddaad jacayl isu qabtaan.
36ܐܡܪ ܠܗ ܫܡܥܘܢ ܟܐܦܐ ܡܪܢ ܠܐܝܟܐ ܐܙܠ ܐܢܬ ܥܢܐ ܝܫܘܥ ܘܐܡܪ ܠܗ ܠܐܝܟܐ ܕܐܙܠ ܐܢܐ ܠܐ ܡܫܟܚ ܐܢܬ ܗܫܐ ܕܬܐܬܐ ܒܬܪܝ ܠܚܪܬܐ ܕܝܢ ܬܐܬܐ ܀
36Simoon Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, xaggee baad tegaysaa? Ciise wuxuu ugu jawaabay, Meeshaan tegayo hadda ii raaci kari maysid, laakiin mar dambe waad i soo raaci doontaa.
37ܐܡܪ ܠܗ ܫܡܥܘܢ ܟܐܦܐ ܡܪܝ ܠܡܢܐ ܠܐ ܡܫܟܚ ܐܢܐ ܕܐܬܐ ܒܬܪܟ ܗܫܐ ܢܦܫܝ ܚܠܦܝܟ ܤܐܡ ܐܢܐ ܀
37Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, maxaan hadda kuu raaci kari waayay? Naftaydaan aawadaa u bixin doonaaye.Ciise ayaa ugu jawaabay, Miyaad naftaada u bixin doontaa aawaday? Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol i dafirtid.
38ܐܡܪ ܠܗ ܝܫܘܥ ܢܦܫܟ ܚܠܦܝ ܤܐܡ ܐܢܬ ܐܡܝܢ ܐܡܝܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟ ܕܠܐ ܢܩܪܐ ܬܪܢܓܠܐ ܥܕܡܐ ܕܬܟܦܘܪ ܒܝ ܬܠܬ ܙܒܢܝܢ ܀
38Ciise ayaa ugu jawaabay, Miyaad naftaada u bixin doontaa aawaday? Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol i dafirtid.