Syriac: NT

Somali

John

2

1ܘܠܝܘܡܐ ܕܬܠܬܐ ܗܘܬ ܡܫܬܘܬܐ ܒܩܛܢܐ ܡܕܝܢܬܐ ܕܓܠܝܠܐ ܘܐܡܗ ܕܝܫܘܥ ܬܡܢ ܗܘܬ ܀
1Maalintii saddexaad waxaa Kaana tii Galili jiray aroos, Ciise hooyadiisna halkaasay joogtay.
2ܘܐܦ ܗܘ ܝܫܘܥ ܘܬܠܡܝܕܘܗܝ ܐܬܩܪܝܘ ܠܗ ܠܡܫܬܘܬܐ ܀
2Waxaana arooska loogu yeedhay Ciise iyo xertiisii.
3ܘܚܤܪ ܗܘܐ ܚܡܪܐ ܘܐܡܪܐ ܠܗ ܐܡܗ ܠܝܫܘܥ ܚܡܪܐ ܠܝܬ ܠܗܘܢ ܀
3Markii khamrigu dhammaaday Ciise hooyadiis waxay isaga ku tidhi, Khamri ma ay qabaan.
4ܐܡܪ ܠܗ ܝܫܘܥ ܡܐ ܠܝ ܘܠܟܝ ܐܢܬܬܐ ܠܐ ܥܕܟܝܠ ܐܬܬ ܫܥܬܝ ܀
4Markaasaa Ciise wuxuu iyada ku yidhi, Islaan yahay, aniga iyo adiga maxaa inoo dhexeeya? Saacaddaydu weli ma iman.
5ܐܡܪܐ ܐܡܗ ܠܡܫܡܫܢܐ ܡܕܡ ܕܐܡܪ ܠܟܘܢ ܥܒܕܘ ܀
5Kolkaasaa hooyadiis waxay midiidinyadii ku tidhi, Wax kastuu idinku yidhaahdo, yeela.
6ܐܝܬ ܗܘܝ ܕܝܢ ܬܡܢ ܐܓܢܐ ܕܟܐܦܐ ܫܬ ܕܤܝܡܢ ܠܬܕܟܝܬܐ ܕܝܗܘܕܝܐ ܕܐܚܕܢ ܬܪܝܢ ܬܪܝܢ ܪܒܥܝܢ ܐܘ ܬܠܬܐ ܀
6Meeshaas waxaa yiil lix ashuun oo dhagax ah, oo loo dhigay caadada Yuhuudda oo daahirinta, mid kastaana wuxuu qaadi jiray qiyaas laba ama saddex metritas.
7ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܝܫܘܥ ܡܠܘ ܐܢܝܢ ܡܝܐ ܠܐܓܢܐ ܘܡܠܘ ܐܢܝܢ ܥܕܡܐ ܠܥܠ ܀
7Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ashuummada biyo ka buuxiya, goortaasay buuxiyeen ilaa girgirka.
8ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܙܠܘܥܘ ܡܟܝܠ ܘܐܝܬܘ ܠܪܝܫ ܤܡܟܐ ܘܐܝܬܝܘ ܀
8Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Ka soo dhura oo u geeya ka miiska arooska madaxda u ah, wayna u geeyeen.
9ܘܟܕ ܛܥܡ ܗܘ ܪܝܫ ܤܡܟܐ ܡܝܐ ܗܢܘܢ ܕܗܘܘ ܚܡܪܐ ܘܠܐ ܝܕܥ ܗܘܐ ܡܢ ܐܝܡܟܐ ܗܘܐ ܡܫܡܫܢܐ ܕܝܢ ܝܕܥܝܢ ܗܘܘ ܕܗܢܘܢ ܡܠܘ ܐܢܘܢ ܠܡܝܐ ܩܪܐ ܪܝܫ ܤܡܟܐ ܠܚܬܢܐ ܀
9Kii madaxda ahaa markuu dhadhamiyey biyihii khamriga noqday ma uu ogayn meel ay ka yimaadeen, laakiin midiidinyadii oo soo dhuray way ogaayeen; markaasaa kii madaxda ahaa u yeedhay ninkii arooska ahaa,
10ܘܐܡܪ ܠܗ ܟܠ ܐܢܫ ܠܘܩܕܡ ܚܡܪܐ ܛܒܐ ܡܝܬܐ ܘܡܐ ܕܪܘܝܘ ܗܝܕܝܢ ܐܝܢܐ ܕܒܨܝܪ ܐܢܬ ܕܝܢ ܢܛܪܬܝܗܝ ܠܚܡܪܐ ܛܒܐ ܥܕܡܐ ܠܗܫܐ ܀
10oo ku yidhi, Nin kastaa marka hore wuxuu soo saaraa khamriga wanaagsan, oo markay u cabbaan siday doonayaan dabadeedna ayuu keenaa kan liita; adiguse khamriga wanaagsan ilaa haddeer ayaad dib u dhigtay.
11ܗܕܐ ܗܝ ܐܬܐ ܩܕܡܝܬܐ ܕܥܒܕ ܝܫܘܥ ܒܩܛܢܐ ܕܓܠܝܠܐ ܘܐܘܕܥ ܫܘܒܚܗ ܘܗܝܡܢܘ ܒܗ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܀
11Calaamooyinka Ciise tii ugu horraysay waxay ahayd tan uu ku sameeyey Kaana tii Galili, oo wuxuu ku muujiyey ammaantiisii, xertiisiina way rumaysteen.
12ܒܬܪ ܗܕܐ ܢܚܬ ܠܟܦܪܢܚܘܡ ܗܘ ܘܐܡܗ ܘܐܚܘܗܝ ܘܬܠܡܝܕܘܗܝ ܘܬܡܢ ܗܘܘ ܩܠܝܠ ܝܘܡܬܐ ܀
12Waxaas dabadeed wuxuu tegey Kafarna'um, waxaana la socday hooyadiis iyo walaalihiis iyo xertiisii, oo maalmo aan badnayn ayay meeshaas joogeen.
13ܘܩܪܝܒ ܗܘܐ ܦܨܚܐ ܕܝܗܘܕܝܐ ܘܤܠܩ ܠܐܘܪܫܠܡ ܝܫܘܥ ܀
13Iiddii Kormaridda oo Yuhuudda waa dhowayd, oo Ciisena wuxuu u kacay Yeruusaalem.
14ܘܐܫܟܚ ܒܗܝܟܠܐ ܠܗܠܝܢ ܕܡܙܒܢܝܢ ܬܘܪܐ ܘܥܪܒܐ ܘܝܘܢܐ ܘܠܡܥܪܦܢܐ ܕܝܬܒܝܢ ܀
14Wuxuu macbudka ku arkay kuwa ku iibinaya dibiyo iyo ido iyo qoolleyo, iyo kuwa fadhiya oo lacagta bedbeddelaya.
15ܘܥܒܕ ܠܗ ܦܪܓܠܐ ܡܢ ܚܒܠܐ ܘܠܟܠܗܘܢ ܐܦܩ ܡܢ ܗܝܟܠܐ ܘܠܥܪܒܐ ܘܠܬܘܪܐ ܘܠܡܥܪܦܢܐ ܘܐܫܕ ܥܘܪܦܢܗܘܢ ܘܦܬܘܪܝܗܘܢ ܗܦܟ ܀
15Markaasuu xadhko karbaash ka sameeyey, kulligoodna ayuu macbudka ka eryay, dibiyada iyo idaha labadaba, lacagtiina wuu ka daadiyey kuwii bedbeddelayay, miisaskoodiina wuu rogay.
16ܘܠܗܢܘܢ ܕܡܙܒܢܝܢ ܝܘܢܐ ܐܡܪ ܫܩܘܠܘ ܗܠܝܢ ܡܟܐ ܘܠܐ ܬܥܒܕܘܢܗ ܠܒܝܬܗ ܕܐܒܝ ܒܝܬ ܬܐܓܘܪܬܐ ܀
16Kuwii qoolleyaha iibinayayna wuxuu ku yidhi, Waxyaalahan halkan ka qaada. Guriga Aabbahay ha ka dhigina guri baayacmushtari.
17ܘܐܬܕܟܪܘ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܕܟܬܝܒ ܕܛܢܢܗ ܕܒܝܬܟ ܐܟܠܢܝ ܀
17Xertiisii waxay xusuusteen in la qoray. Qiiradaan gurigaaga u qabo ayaa i gubaysa.
18ܥܢܘ ܕܝܢ ܝܗܘܕܝܐ ܘܐܡܪܘ ܠܗ ܡܢܐ ܐܬܐ ܡܚܘܐ ܐܢܬ ܠܢ ܕܗܠܝܢ ܥܒܕ ܐܢܬ ܀
18Sidaa aawadeed Yuhuuddu waa u jawaabtay oo ku tidhi isaga, Calaamadee baad na tusaysaa waxaad waxyaalahaas u samaynayso?
19ܥܢܐ ܝܫܘܥ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܤܬܘܪܘ ܗܝܟܠܐ ܗܢܐ ܘܠܬܠܬܐ ܝܘܡܝܢ ܐܢܐ ܡܩܝܡ ܐܢܐ ܠܗ ܀
19Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Macbudkan dumiya, oo saddex maalmood dabadeed ayaan kicin doonaa.
20ܐܡܪܝܢ ܠܗ ܝܗܘܕܝܐ ܠܐܪܒܥܝܢ ܘܫܬ ܫܢܝܢ ܐܬܒܢܝ ܗܝܟܠܐ ܗܢܐ ܘܐܢܬ ܠܬܠܬܐ ܝܘܡܝܢ ܡܩܝܡ ܐܢܬ ܠܗ ܀
20Yuhuuddu haddaba waxay yidhaahdeen, Lix iyo afartan sannadood ayaa macbudkan la dhisayay, adiguna ma waxaad ku kicinaysaa saddex maalmood?
21ܗܘ ܕܝܢ ܐܡܪ ܗܘܐ ܥܠ ܗܝܟܠܐ ܕܦܓܪܗ ܀
21Isaguse wuxuu ka hadlayay macbudka jidhkiisa ah.
22ܟܕ ܩܡ ܕܝܢ ܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܐܬܕܟܪܘ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܕܗܕܐ ܐܡܪ ܗܘܐ ܘܗܝܡܢܘ ܠܟܬܒܐ ܘܠܡܠܬܐ ܕܐܡܪ ܝܫܘܥ ܀
22Sidaa aawadeed markuu ka soo sara kacay kuwii dhintay, xertiisii way soo xusuusteen inuu taas ka hadlay, wayna rumaysteen Qorniinka iyo hadalkii Ciise yidhi.
23ܟܕ ܐܝܬܘܗܝ ܗܘܐ ܕܝܢ ܝܫܘܥ ܒܐܘܪܫܠܡ ܒܦܨܚܐ ܒܥܕܥܕܐ ܤܓܝܐܐ ܗܝܡܢܘ ܒܗ ܕܚܙܘ ܐܬܘܬܐ ܕܥܒܕ ܀
23Markuu Yeruusaalem joogay wakhtigii Iiddii Kormaridda dad badan ayaa magiciisa rumaystay markay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.
24ܗܘ ܕܝܢ ܝܫܘܥ ܠܐ ܡܗܝܡܢ ܗܘܐ ܠܗܘܢ ܢܦܫܗ ܡܛܠ ܕܗܘ ܝܕܥ ܗܘܐ ܠܟܠܢܫ ܀
24Laakiin Ciise qudhiisu iskuma hallayn iyaga, waayo dadka oo dhan ayuu yiqiin,oo uma baahnayn in laga marag furo dadka, waayo, isaga qudhiisu waa yiqiin waxa dadka ku jira.
25ܘܠܐ ܤܢܝܩ ܗܘܐ ܕܐܢܫ ܢܤܗܕ ܠܗ ܥܠ ܟܠ ܒܪܢܫ ܗܘ ܓܝܪ ܝܕܥ ܗܘܐ ܡܢܐ ܐܝܬ ܒܒܪܢܫܐ ܀
25oo uma baahnayn in laga marag furo dadka, waayo, isaga qudhiisu waa yiqiin waxa dadka ku jira.