Syriac: NT

Somali

John

5

1ܒܬܪ ܗܠܝܢ ܗܘܐ ܥܕܥܕܐ ܕܝܗܘܕܝܐ ܘܤܠܩ ܝܫܘܥ ܠܐܘܪܫܠܡ ܀
1Waxaas dabadeed waxaa jirtay iiddii Yuhuudda, oo Ciise ayaa Yeruusaalem u kacay.
2ܐܝܬ ܗܘܐ ܕܝܢ ܬܡܢ ܒܐܘܪܫܠܡ ܕܘܟܬܐ ܚܕܐ ܕܡܥܡܘܕܝܬܐ ܕܡܬܩܪܝܐ ܥܒܪܐܝܬ ܒܝܬ ܚܤܕܐ ܘܐܝܬ ܗܘܐ ܒܗ ܚܡܫܐ ܐܤܛܘܝܢ ܀
2Waxaa Yeruusaalem jirtay, Albaabka Idaha agtiisa, war biyo ah oo af Cibraani lagu yidhaahda Beytesda oo leh shan balbaladood.
3ܘܒܗܠܝܢ ܪܡܝܢ ܗܘܘ ܥܡܐ ܤܓܝܐܐ ܕܟܪܝܗܐ ܘܤܡܝܐ ܘܚܓܝܤܐ ܘܝܒܝܫܐ ܘܡܤܟܝܢ ܗܘܘ ܠܙܘܥܐ ܕܡܝܐ ܀
3Meelahaas waxaa jiifay dad badan oo buka oo indha la' oo laxaad la' oo curyaan ah. Waxay sugayeen biyuhu inay dhaqaaqaan.
4ܡܠܐܟܐ ܓܝܪ ܒܙܒܢ ܙܒܢ ܢܚܬ ܗܘܐ ܠܗ ܠܡܥܡܘܕܝܬܐ ܘܡܙܝܥ ܗܘܐ ܠܗܘܢ ܠܡܝܐ ܘܐܝܢܐ ܕܩܕܡܝܐ ܢܚܬ ܗܘܐ ܡܢ ܒܬܪ ܙܘܥܐ ܕܡܝܐ ܡܬܚܠܡ ܗܘܐ ܟܠ ܟܐܒܐ ܐܝܢܐ ܕܐܝܬ ܗܘܐ ܠܗ ܀
4Maxaa yeelay, malaa'igta Rabbiga ayaa marmar warta ku soo degi jirtay oo biyaha qasi jirtay; oo kii ugu hor galay biyihii markii la qasay dabadeed wuu ka bogsaday cudur kastuu qabay.
5ܐܝܬ ܗܘܐ ܕܝܢ ܬܡܢ ܓܒܪܐ ܚܕ ܕܬܠܬܝܢ ܘܬܡܢܐ ܫܢܝܢ ܐܝܬܘܗܝ ܗܘܐ ܒܟܘܪܗܢܐ ܀
5Oo waxaa meeshaas joogay nin siddeed iyo soddon sannadood bukay.
6ܠܗܢܐ ܚܙܐ ܝܫܘܥ ܕܪܡܐ ܘܝܕܥ ܕܙܒܢܐ ܤܓܝܐܐ ܐܝܬ ܠܗ ܘܐܡܪ ܠܗ ܨܒܐ ܐܢܬ ܕܬܬܚܠܡ ܀
6Markii Ciise arkay isagoo jiifa, oo gartay inuu wakhti dheer bukay, wuxuu ku yidhi, Ma doonaysaa inaad bogsato?
7ܥܢܐ ܗܘ ܟܪܝܗܐ ܘܐܡܪ ܐܝܢ ܡܪܝ ܠܝܬ ܠܝ ܕܝܢ ܐܢܫ ܕܡܐ ܕܐܬܬܙܝܥܘ ܡܝܐ ܢܪܡܝܢܝ ܒܡܥܡܘܕܝܬܐ ܐܠܐ ܥܕ ܐܢܐ ܐܬܐ ܐܢܐ ܐܚܪܝܢ ܡܢ ܩܕܡܝ ܢܚܬ ܀
7Ninkii bukay wuxuu u jawaabay, oo ku yidhi, Sayidow, nin ma lihi inuu warta igu rido markii biyaha la qaso, laakiin markaan imaado, mid kale ayaa iga hor gala.
8ܐܡܪ ܠܗ ܝܫܘܥ ܩܘܡ ܫܩܘܠ ܥܪܤܟ ܘܗܠܟ ܀
8Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kac oo sariirtaada qaado oo soco.
9ܘܒܪ ܫܥܬܗ ܐܬܚܠܡ ܓܒܪܐ ܗܘ ܘܩܡ ܫܩܠ ܥܪܤܗ ܘܗܠܟ ܘܗܘ ܗܘ ܝܘܡܐ ܫܒܬܐ ܗܘܬ ܀
9Markiiba ninkii waa bogsaday, wuuna qaatay sariirtiisii oo socday.
10ܘܐܡܪܝܢ ܠܗ ܝܗܘܕܝܐ ܠܗܘ ܕܐܬܐܤܝ ܫܒܬܐ ܗܝ ܠܐ ܫܠܝܛ ܠܟ ܕܬܫܩܘܠ ܥܪܤܟ ܀
10Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay kii la bogsiiyey ku yidhaahdeen, Waa sabti, oo xalaal kuuma aha inaad sariirtaada qaadatid.
11ܗܘ ܕܝܢ ܥܢܐ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܗܘ ܕܥܒܕܢܝ ܚܠܝܡܐ ܗܘ ܐܡܪ ܠܝ ܕܫܩܘܠ ܥܪܤܟ ܘܗܠܟ ܀
11Laakiin wuu u jawaabay, oo ku yidhi, Kii i bogsiiyey ayaa igu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco.
12ܘܫܐܠܘܗܝ ܡܢܘ ܗܢܐ ܓܒܪܐ ܕܐܡܪ ܠܟ ܕܫܩܘܠ ܥܪܤܟ ܘܗܠܟ ܀
12Oo waxay weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen, Yuu yahay ninkii kugu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco?
13ܗܘ ܕܝܢ ܕܐܬܐܤܝ ܠܐ ܝܕܥ ܗܘܐ ܡܢܘ ܝܫܘܥ ܓܝܪ ܐܬܓܢܝ ܗܘܐ ܠܗ ܒܟܢܫܐ ܤܓܝܐܐ ܕܐܝܬ ܗܘܐ ܒܕܘܟܬܐ ܗܝ ܀
13Kii la bogsiiyeyse ma uu oqoonin kuu ahaa, waayo, Ciise waa tegey, maxaa yeelay, dad badan ayaa meeshaas joogay.
14ܒܬܪ ܙܒܢ ܐܫܟܚܗ ܝܫܘܥ ܒܗܝܟܠܐ ܘܐܡܪ ܠܗ ܗܐ ܚܠܝܡ ܐܢܬ ܬܘܒ ܠܐ ܬܚܛܐ ܕܠܡܐ ܢܗܘܐ ܠܟ ܡܕܡ ܕܒܝܫ ܡܢ ܩܕܡܝܐ ܀
14Waxaas dabadeed Ciise wuxuu isaga ka helay macbudka oo ku yidhi, Bal eeg, waad bogsatay, mar dambe ha dembaabin inaan wax ka sii xumi kugu dhicin.
15ܘܐܙܠ ܗܘ ܓܒܪܐ ܘܐܡܪ ܠܝܗܘܕܝܐ ܕܝܫܘܥ ܗܘ ܗܘ ܕܐܚܠܡܗ ܀
15Markaasaa ninkii tegey, wuuna u sheegay Yuhuuddii inuu ninkii bogsiiyey Ciise ahaa.
16ܘܡܛܠ ܗܕܐ ܪܕܦܝܢ ܗܘܘ ܝܗܘܕܝܐ ܠܝܫܘܥ ܘܒܥܝܢ ܗܘܘ ܠܡܩܛܠܗ ܕܗܠܝܢ ܥܒܕ ܗܘܐ ܒܫܒܬܐ ܀
16Sidaa aawadeed Yuhuuddu Ciise way silciyeen, maxaa yeelay, wuxuu waxyaalahaas sameeyey sabtidii.
17ܗܘ ܕܝܢ ܝܫܘܥ ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܐܒܝ ܥܕܡܐ ܠܗܫܐ ܥܒܕ ܐܦ ܐܢܐ ܥܒܕ ܐܢܐ ܀
17Laakiin Ciise wuxuu ugu jawaabay, Aabbahay tan iyo imminka ayuu shaqeeyaa, aniguna waa shaqeeyaa.
18ܘܡܛܠ ܗܕܐ ܝܬܝܪܐܝܬ ܒܥܝܢ ܗܘܘ ܝܗܘܕܝܐ ܠܡܩܛܠܗ ܠܐ ܒܠܚܘܕ ܕܫܪܐ ܗܘܐ ܫܒܬܐ ܐܠܐ ܐܦ ܕܥܠ ܐܠܗܐ ܕܐܒܘܗܝ ܐܝܬܘܗܝ ܐܡܪ ܗܘܐ ܘܡܫܘܐ ܗܘܐ ܢܦܫܗ ܥܡ ܐܠܗܐ ܀
18Sidaa aawadeed ayaa Yuhuuddu aad u sii dooneen inay dilaan, sababtu ma ahayn sabtidii uu jebiyey keliya, laakiin waxay ahayd inuu Ilaah ugu yeedhay Aabbihiis, iyo inuu isagu Ilaah iskala mid dhigay.
19ܥܢܐ ܕܝܢ ܝܫܘܥ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܐܡܝܢ ܐܡܝܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܕܠܐ ܡܫܟܚ ܒܪܐ ܥܒܕ ܡܕܡ ܡܢ ܨܒܘܬ ܢܦܫܗ ܐܠܐ ܡܕܡ ܕܚܙܐ ܠܐܒܐ ܕܥܒܕ ܐܝܠܝܢ ܓܝܪ ܕܐܒܐ ܥܒܕ ܗܠܝܢ ܐܦ ܒܪܐ ܐܟܘܬܗ ܥܒܕ ܀
19Haddaba Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Wiilku keli ahaantiis waxba ma samayn karo, wuxuu arko Aabbahoo samaynaya mooyaane. Wax kastoo isagu sameeyo ayaa Wiilkuna sidiisa u sameeyaa.
20ܐܒܐ ܓܝܪ ܪܚܡ ܠܒܪܗ ܘܟܠܡܕܡ ܕܥܒܕ ܡܚܘܐ ܠܗ ܘܕܝܬܝܪܝܢ ܡܢ ܗܠܝܢ ܥܒܕܐ ܡܚܘܐ ܠܗ ܕܐܢܬܘܢ ܬܬܕܡܪܘܢ ܀
20Waayo, Aabbuhu Wiilkuu jecel yahay, oo wuxuu tusaa wuxuu isagu sameeyo oo dhan, oo wuxuuna tusi doonaa shuqullo kuwan ka waaweyn inaad la yaabtaan.
21ܐܝܟܢܐ ܓܝܪ ܕܐܒܐ ܡܩܝܡ ܡܝܬܐ ܘܡܚܐ ܠܗܘܢ ܗܟܢܐ ܐܦ ܒܪܐ ܠܐܝܠܝܢ ܕܨܒܐ ܡܚܐ ܀
21Sida Aabbuhu kuwa dhintay u kiciyo oo u nooleeyo ayuu Wiilkuna sidaas oo kale u nooleeyaa kuwuu doonayo.
22ܠܐ ܗܘܐ ܓܝܪ ܐܒܐ ܕܐܢ ܠܐܢܫ ܐܠܐ ܟܠܗ ܕܝܢܐ ܝܗܒܗ ܠܒܪܐ ܀
22Aabbuhu ninna ma xukumo, laakiin xukunka oo dhan wuxuu siiyey Wiilka,
23ܕܟܠܢܫ ܢܝܩܪ ܠܒܪܐ ܐܝܟ ܕܡܝܩܪ ܠܐܒܐ ܗܘ ܕܠܐ ܡܝܩܪ ܠܒܪܐ ܠܐ ܡܝܩܪ ܠܐܒܐ ܕܫܕܪܗ ܀
23in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.
24ܐܡܝܢ ܐܡܝܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܕܡܢ ܕܫܡܥ ܡܠܬܝ ܘܡܗܝܡܢ ܠܡܢ ܕܫܕܪܢܝ ܐܝܬ ܠܗ ܚܝܐ ܕܠܥܠܡ ܘܠܕܝܢܐ ܠܐ ܐܬܐ ܐܠܐ ܫܢܝ ܠܗ ܡܢ ܡܘܬܐ ܠܚܝܐ ܀
24Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay.
25ܐܡܝܢ ܐܡܝܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܕܐܬܝܐ ܫܥܬܐ ܐܦ ܗܫܐ ܐܝܬܝܗ ܐܡܬܝ ܕܡܝܬܐ ܢܫܡܥܘܢ ܩܠܗ ܕܒܪܗ ܕܐܠܗܐ ܘܗܢܘܢ ܕܫܡܥܝܢ ܢܚܘܢ ܀
25Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Saacaddu waa imanaysaa, waana joogtaa, markii kuwii dhintay codkii Wiilka Ilaah ay maqli doonaan, oo kuwa maqlaana way noolaan doonaan.
26ܐܝܟܢܐ ܓܝܪ ܕܠܐܒܐ ܐܝܬ ܚܝܐ ܒܩܢܘܡܗ ܗܟܢܐ ܝܗܒ ܐܦ ܠܒܪܐ ܕܢܗܘܘܢ ܚܝܐ ܒܩܢܘܡܗ ܀
26Sida Aabbuhu nolol isugu leeyahay, sidaasuu Wiilka u siiyey inuu nolol isugu lahaado.
27ܘܐܫܠܛܗ ܕܢܗܘܐ ܥܒܕ ܐܦ ܕܝܢܐ ܀
27Wuxuuna siiyey amar uu wax ku xukumo, maxaa yeelay, waa Wiilka Aadanaha.
28ܕܒܪܗ ܗܘ ܕܝܢ ܕܐܢܫܐ ܠܐ ܬܬܕܡܪܘܢ ܒܗܕܐ ܕܐܬܝܐ ܫܥܬܐ ܐܡܬܝ ܕܟܠܗܘܢ ܐܝܠܝܢ ܕܒܩܒܪܐ ܐܢܘܢ ܢܫܡܥܘܢ ܩܠܗ ܀
28Taas ha la yaabina, waayo, saacaddu waa imanaysaa markii kuwa xabaalaha ku jiraa dhammaantood ay codkiisa maqli doonaan,
29ܘܢܦܩܘܢ ܐܝܠܝܢ ܕܥܒܕܘ ܛܒܬܐ ܠܩܝܡܬܐ ܕܚܝܐ ܘܐܝܠܝܢ ܕܥܒܕܘ ܒܝܫܬܐ ܠܩܝܡܬܐ ܕܕܝܢܐ ܀
29wayna ka soo bixi doonaan, kuwa wanaagga falay ilaa sarakicidda nolosha, kuwa sharka falayna ilaa sarakicidda xukunka.
30ܠܐ ܡܫܟܚ ܐܢܐ ܡܕܡ ܡܢ ܨܒܘܬ ܢܦܫܝ ܠܡܥܒܕ ܐܠܐ ܐܝܟܢܐ ܕܫܡܥ ܐܢܐ ܕܐܢ ܐܢܐ ܘܕܝܢܝ ܟܐܝܢ ܗܘ ܠܐ ܓܝܪ ܒܥܐ ܐܢܐ ܨܒܝܢܝ ܐܠܐ ܨܒܝܢܗ ܕܡܢ ܕܫܕܪܢܝ ܀
30Waxba keli ahaantayda ma samayn karo. Sidaan wax u maqlo ayaan u xukumaa, xukunkayguna waa xaq, waayo, doonistayda ma doono, waxaanse doonaa doonista kii i soo diray.
31ܐܢ ܐܢܐ ܡܤܗܕ ܐܢܐ ܥܠ ܢܦܫܝ ܤܗܕܘܬܝ ܠܐ ܗܘܬ ܫܪܝܪܐ ܀
31Haddaan isu marag furo, maraggaygu run ma aha.
32ܐܚܪܝܢ ܗܘ ܗܘ ܕܡܤܗܕ ܥܠܝ ܘܝܕܥ ܐܢܐ ܕܫܪܝܪܐ ܗܝ ܤܗܕܘܬܗ ܕܡܤܗܕ ܥܠܝ ܀
32Laakiin waxaa jira mid kale oo ii marag fura, waanan ogahay maragguu ii furaa inuu run yahay.
33ܐܢܬܘܢ ܫܕܪܬܘܢ ܠܘܬ ܝܘܚܢܢ ܘܐܤܗܕ ܥܠ ܫܪܪܐ ܀
33Waxaad cid u soo dirteen Yooxanaa, wuuna u marag furay runta.
34ܐܢܐ ܕܝܢ ܠܐ ܗܘܐ ܡܢ ܒܪܢܫܐ ܢܤܒ ܐܢܐ ܤܗܕܘܬܐ ܐܠܐ ܗܠܝܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܕܐܢܬܘܢ ܬܚܘܢ ܀
34Aniguse xagga dadka marag kama aan qaato, laakiin waxyaalahan waxaan u idhaahdaa inaad badbaaddaan.
35ܗܘ ܫܪܓܐ ܗܘܐ ܕܕܠܩ ܘܡܢܗܪ ܘܐܢܬܘܢ ܨܒܝܬܘܢ ܕܬܫܬܒܗܪܘܢ ܕܫܥܬܐ ܒܢܘܗܪܗ ܀
35Isagu wuxuu ahaa laambad baxaysa oo ifaysa, idinkuna waxaad doonayseen inaad saacad ku faraxdaan nuurkiisa.
36ܠܝ ܕܝܢ ܐܝܬ ܠܝ ܤܗܕܘܬܐ ܕܪܒܐ ܡܢ ܕܝܘܚܢܢ ܥܒܕܐ ܓܝܪ ܕܝܗܒ ܠܝ ܐܒܝ ܕܐܫܠܡ ܐܢܘܢ ܗܢܘܢ ܥܒܕܐ ܕܥܒܕ ܐܢܐ ܤܗܕܝܢ ܥܠܝ ܕܐܒܐ ܫܠܚܢܝ ܀
36Laakiin maraggaan leeyahay waa ka weyn yahay kii Yooxanaa, waayo, shuqullada Aabbuhu i siiyey inaan dhammeeyo waa kuwaan hadda samaynayo, wayna ii marag furayaan in Aabbuhu i soo diray.
37ܘܐܒܐ ܕܫܠܚܢܝ ܗܘ ܤܗܕ ܥܠܝ ܠܐ ܩܠܗ ܡܡܬܘܡ ܫܡܥܬܘܢ ܘܠܐ ܚܙܘܗ ܚܙܝܬܘܢ ܀
37Aabbihii i soo dirayna waa ii marag furay. Idinkuna codkiisa ma maqlin goornaba, mana aydnaan arkin muuqiisa.
38ܘܡܠܬܗ ܠܐ ܡܩܘܝܐ ܒܟܘܢ ܡܛܠ ܕܒܗܘ ܕܗܘ ܫܕܪ ܐܢܬܘܢ ܠܐ ܡܗܝܡܢܝܢ ܐܢܬܘܢ ܀
38Mana haysataan ereygiisa oo idinku sii jira, waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen.
39ܒܨܘ ܟܬܒܐ ܕܒܗܘܢ ܡܤܒܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܚܝܐ ܕܠܥܠܡ ܐܝܬ ܠܟܘܢ ܘܗܢܘܢ ܤܗܕܝܢ ܥܠܝ ܀
39Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa.
40ܘܠܐ ܨܒܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܬܐܬܘܢ ܠܘܬܝ ܕܚܝܐ ܕܠܥܠܡ ܢܗܘܘܢ ܠܟܘܢ ܀
40Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.
41ܫܘܒܚܐ ܡܢ ܒܢܝ ܐܢܫܐ ܠܐ ܢܤܒ ܐܢܐ ܀
41Anigu dadka ammaan kama qaato.
42ܐܠܐ ܝܕܥܬܟܘܢ ܕܚܘܒܗ ܕܐܠܗܐ ܠܝܬ ܒܟܘܢ ܀
42Laakiin waan idin aqaan inaan jacaylka Ilaah idinku jirin.
43ܐܢܐ ܐܬܝܬ ܒܫܡܗ ܕܐܒܝ ܘܠܐ ܡܩܒܠܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܝ ܘܐܢ ܐܚܪܝܢ ܢܐܬܐ ܒܫܡ ܢܦܫܗ ܠܗܘ ܬܩܒܠܘܢ ܀
43Waxaan ku imid Aabbahay magiciis, idinkuna waad i aqbali weydeen. Haddiise mid kale magiciisa ku yimaado, kaasaad aqbalaysaan.
44ܐܝܟܢܐ ܡܫܟܚܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܡܗܝܡܢܘ ܕܫܘܒܚܐ ܚܕ ܡܢ ܚܕ ܡܩܒܠܝܢ ܐܢܬܘܢ ܘܫܘܒܚܐ ܕܡܢ ܚܕ ܐܠܗܐ ܠܐ ܒܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܀
44Sidee baad u rumaysan kartaan, idinkoo dhexdiinna ammaan iska aqbalaya, oo aydnaan doonayn ammaanta ka timaada Ilaaha keligiis ah?
45ܠܡܐ ܤܒܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܐܢܐ ܐܟܠ ܐܢܐ ܩܪܨܝܟܘܢ ܩܕܡ ܐܒܐ ܐܝܬܘܗܝ ܡܢ ܕܐܟܠ ܩܪܨܝܟܘܢ ܡܘܫܐ ܗܘ ܕܒܗ ܤܒܪܬܘܢ ܀
45Ha u malaynina inaan Aabbaha idinku ashtakaynayo: kan idin ashtakaynayaa waa Muuse, kii aad isku hallayseen.
46ܐܠܘ ܓܝܪ ܒܡܘܫܐ ܗܝܡܢܬܘܢ ܐܦ ܒܝ ܡܗܝܡܢܝܢ ܗܘܝܬܘܢ ܡܘܫܐ ܓܝܪ ܥܠܝ ܟܬܒ ܀
46Waayo, haddaad Muuse rumaysateen, anigana waad i rumaysan lahaydeen, waayo, wax buu iga qoray.Laakiin haddaydnan rumaysan wuxuu qoray, sidee baad u rumaysan doontaan ereyadayda?
47ܘܐܢ ܠܟܬܒܘܗܝ ܕܗܘ ܠܐ ܡܗܝܡܢܝܢ ܐܢܬܘܢ ܐܝܟܢܐ ܠܡܠܝ ܕܝܠܝ ܬܗܝܡܢܘܢ ܀
47Laakiin haddaydnan rumaysan wuxuu qoray, sidee baad u rumaysan doontaan ereyadayda?