1ܩܪܝܒ ܗܘܐ ܕܝܢ ܥܕܥܕܐ ܕܦܛܝܪܐ ܕܡܬܩܪܐ ܦܨܚܐ ܀
1Waxaa soo dhowaatay Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn oo la yidhaahdo Kormaridda.
2ܘܒܥܝܢ ܗܘܘ ܪܒܝ ܟܗܢܐ ܘܤܦܪܐ ܕܐܝܟܢܐ ܢܩܛܠܘܢܝܗܝ ܕܚܠܝܢ ܗܘܘ ܓܝܪ ܡܢ ܥܡܐ ܀
2Markaasaa wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay dooneen si ay u dilaan isaga, waayo, dadka ayay ka baqeen.
3ܥܠ ܗܘܐ ܕܝܢ ܤܛܢܐ ܒܝܗܘܕܐ ܕܡܬܩܪܐ ܤܟܪܝܘܛܐ ܕܐܝܬܘܗܝ ܗܘܐ ܡܢ ܡܢܝܢܐ ܕܬܪܥܤܪ ܀
3Markaasaa Shayddaanku wuxuu galay Yuudas, kan Iskariyod la odhan jiray, isagoo ka mid ah tirada laba-iyo-tobanka.
4ܘܐܙܠ ܡܠܠ ܥܡ ܪܒܝ ܟܗܢܐ ܘܤܦܪܐ ܘܪܒܝ ܚܝܠܐ ܕܗܝܟܠܐ ܐܝܟ ܕܢܫܠܡܝܘܗܝ ܠܗܘܢ ܀
4Markaasuu tegey, oo wuxuu la hadlay wadaaddada sare iyo madaxdii askarta si uu ugu gacangeliyo.
5ܘܚܕܝܘ ܘܐܩܝܡܘ ܕܢܬܠܘܢ ܠܗ ܟܤܦܐ ܀
5Goortaasay farxeen oo kula heshiiyeen inay lacag siiyaan,
6ܘܐܫܬܘܕܝ ܠܗܘܢ ܘܒܥܐ ܗܘܐ ܦܠܥܐ ܕܢܫܠܡܝܘܗܝ ܠܗܘܢ ܒܠܥܕ ܡܢ ܟܢܫܐ ܀
6wuuna oggolaaday, oo wuxuu doonayay goor wanaagsan inuu u soo gacangeliyo intii dadka maqnaayeen.
7ܘܡܛܝ ܝܘܡܐ ܕܦܛܝܪܐ ܕܒܗ ܐܝܬ ܗܘܐ ܥܝܕܐ ܕܢܬܢܟܤ ܦܨܚܐ ܀
7Waxaa timid maalintii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, tan la leeyahay in neefka Kormaridda la gowraco.
8ܘܫܕܪ ܝܫܘܥ ܠܟܐܦܐ ܘܠܝܘܚܢܢ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܙܠܘ ܛܝܒܘ ܠܢ ܦܨܚܐ ܕܢܠܥܤ ܀
8Markaasaa Ciise wuxuu diray Butros iyo Yooxanaa isagoo ku leh, Taga oo Kormaridda inoo soo diyaargareeya aan cunnee.
9ܗܢܘܢ ܕܝܢ ܐܡܪܘ ܠܗ ܐܝܟܐ ܨܒܐ ܐܢܬ ܕܢܛܝܒ ܀
9Waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu ku diyaargarayno?
10ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܗܐ ܡܐ ܕܥܐܠܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܡܕܝܢܬܐ ܦܓܥ ܒܟܘܢ ܓܒܪܐ ܕܫܩܝܠ ܓܪܒܐ ܕܡܝܐ ܙܠܘ ܒܬܪܗ ܀
10Wuxuu ku yidhi, Bal eega, goortaad magaalada gashaan waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita. Isaga raaca oo ka daba gala guriguu galo.
11ܘܐܝܟܐ ܕܥܐܠ ܐܡܪܘ ܠܡܪܗ ܕܒܝܬܐ ܪܒܢ ܐܡܪ ܐܝܢܘ ܒܝܬ ܡܫܪܝܐ ܐܝܟܐ ܕܐܟܘܠ ܦܨܚܐ ܥܡ ܬܠܡܝܕܝ ܀
11Waxaad ninka guriga leh ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu kugu leeyahay, Meeday qooladdii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?
12ܘܗܐ ܗܘ ܡܚܘܐ ܠܟܘܢ ܥܠܝܬܐ ܚܕܐ ܪܒܬܐ ܕܡܫܘܝܐ ܬܡܢ ܛܝܒܘ ܀
12Wuxuu idin tusayaa qoolad weyn oo sare oo goglan, halkaa ku diyaargareeya.
13ܘܐܙܠܘ ܐܫܟܚܘ ܐܝܟ ܕܐܡܪ ܠܗܘܢ ܘܛܝܒܘ ܦܨܚܐ ܀
13Markaasay tageen, oo waxay heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda way diyaargareeyeen.
14ܘܟܕ ܗܘܐ ܥܕܢܐ ܐܬܐ ܝܫܘܥ ܐܤܬܡܟ ܘܬܪܥܤܪ ܫܠܝܚܐ ܥܡܗ ܀
14Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba.
15ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܪܓܬܐ ܪܓܬܢܝ ܕܗܢܐ ܦܨܚܐ ܐܟܘܠ ܥܡܟܘܢ ܩܕܡ ܕܐܚܫ ܀
15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aad baan u doonayay inaan cashadan Iidda Kormaridda idinla cuno intaanan xanuunsan.
16ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܓܝܪ ܕܡܟܝܠ ܠܐ ܐܟܠܝܘܗܝ ܥܕܡܐ ܕܢܫܠܡ ܒܡܠܟܘܬܗ ܕܐܠܗܐ ܀
16Waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar dambe tan ma cuni doono ilaa ay ku dhammaystiranto boqortooyada Ilaah dhexdeeda.
17ܘܢܤܒ ܟܤܐ ܘܐܘܕܝ ܘܐܡܪ ܤܒܘ ܗܢܐ ܘܦܠܓܘ ܒܝܢܬܟܘܢ ܀
17Markaasuu koob qaaday, oo goortuu mahad naqay ayuu yidhi, Kan qaata oo qaybsada,
18ܐܡܪ ܐܢܐ ܓܝܪ ܠܟܘܢ ܕܠܐ ܐܫܬܐ ܡܢ ܝܠܕܐ ܕܓܦܬܐ ܥܕܡܐ ܕܬܐܬܐ ܡܠܟܘܬܐ ܕܐܠܗܐ ܀
18waayo, waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu midhaha geedka canabka ah kama cabbi doono ilaa ay boqortooyada Ilaah timaado.
19ܘܢܤܒ ܠܚܡܐ ܘܐܘܕܝ ܘܩܨܐ ܘܝܗܒ ܠܗܘܢ ܘܐܡܪ ܗܢܘ ܦܓܪܝ ܕܥܠ ܐܦܝܟܘܢ ܡܬܝܗܒ ܗܕܐ ܗܘܝܬܘܢ ܥܒܕܝܢ ܠܕܘܟܪܢܝ ܀
19Kibisna wuu qaaday, oo goortuu mahad naqay, ayuu kala jejebiyey, oo iyaga siiyey, isagoo leh, Tanu waa jidhkaygii laydiin bixiyey. Waxan xusuustayda u sameeya.
20ܘܗܟܘܬ ܐܦ ܥܠ ܟܤܐ ܡܢ ܒܬܪ ܕܐܚܫܡܘ ܐܡܪ ܗܢܐ ܟܤܐ ܕܝܬܩܐ ܚܕܬܐ ܒܕܡܝ ܕܚܠܦܝܟܘܢ ܡܬܐܫܕ ܀
20Sidaas oo kale cashada dabadeed koobkuu qaaday isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub oo dhiiggayga aawadiin loo daadshay,
21ܒܪܡ ܗܐ ܐܝܕܗ ܕܡܫܠܡܢܝ ܥܠ ܦܬܘܪܐ ܀
21laakiin eega, gacanta kan i gacangelinaya miiskay ila saaran tahay,
22ܘܒܪܗ ܕܐܢܫܐ ܐܙܠ ܐܝܟܢܐ ܕܐܬܦܪܫ ܒܪܡ ܘܝ ܠܗܘ ܓܒܪܐ ܕܒܐܝܕܗ ܡܫܬܠܡ ܀
22waayo, Wiilka Aadanahu waa baxayaa sidii loo gooyay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas gacangelinaya.
23ܘܫܪܝܘ ܕܢܥܩܒܘܢ ܒܝܢܬܗܘܢ ܕܡܢܘ ܟܝ ܡܢܗܘܢ ܗܘ ܕܗܕܐ ܥܬܝܕ ܠܡܤܥܪ ܀
23Markaasay waxay bilaabeen inay dhexdooda isweyddiiyaan midkood waxan yeeli doona.
24ܗܘܐ ܕܝܢ ܐܦ ܚܪܝܢܐ ܒܝܢܬܗܘܢ ܕܡܢ ܐܝܬ ܒܗܘܢ ܕܪܒ ܀
24Dhexdoodana waxaa ku jirtay dood ku saabsanayd midkood lagu tirinaya inuu ugu weyn yahay.
25ܗܘ ܕܝܢ ܝܫܘܥ ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܡܠܟܝܗܘܢ ܕܥܡܡܐ ܡܪܝܗܘܢ ܐܢܘܢ ܘܕܫܠܝܛܝܢ ܥܠܝܗܘܢ ܥܒܕܝ ܛܒܬܐ ܡܬܩܪܝܢ ܀
25Markaasuu ku yidhi, Quruumaha boqorradoodu ay u taliyaan iyaga, kuwa xukun ku lehna waxaa la yidhaahdaa, Wanaagfalayaal.
26ܐܢܬܘܢ ܕܝܢ ܠܐ ܗܟܢܐ ܐܠܐ ܐܝܢܐ ܕܪܒ ܒܟܘܢ ܢܗܘܐ ܐܝܟ ܙܥܘܪܐ ܘܐܝܢܐ ܕܪܫܐ ܗܘ ܐܝܟ ܡܫܡܫܢܐ ܀
26Idinkuse sidaas ma ahaan doontaan, laakiin kan dhexdiinna ugu weyn, ha noqdo sida kan yar; kan u sarreeyaana, ha noqdo sida kan adeega.
27ܡܢܘ ܓܝܪ ܪܒ ܗܘ ܕܤܡܝܟ ܐܘ ܗܘ ܕܡܫܡܫ ܠܐ ܗܘܐ ܗܘ ܕܤܡܝܟ ܐܢܐ ܕܝܢ ܐܝܬܝ ܒܝܢܬܟܘܢ ܐܝܟ ܗܘ ܕܡܫܡܫ ܀
27Waayo, kee baa weyn, ma kan cuntada u fadhiya baa mise waa kan adeega? Miyaanu ahayn kan cuntada u fadhiya? Aniguse sida kan adeega ayaan idiin dhex joogaa.
28ܐܢܬܘܢ ܐܢܘܢ ܕܝܢ ܕܟܬܪܬܘܢ ܠܘܬܝ ܒܢܤܝܘܢܝ ܀
28Idinku waxaad tihiin kuwa ila sii joogay markii lay jirrabayay.
29ܘܐܢܐ ܡܫܬܘܕܐ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܐܝܟ ܕܐܫܬܘܕܝ ܠܝ ܐܒܝ ܡܠܟܘܬܐ ܀
29Waxaan idiin yeelayaa boqortooyo sida aabbahay iigu yeelay,
30ܕܬܐܟܠܘܢ ܘܬܫܬܘܢ ܥܠ ܦܬܘܪܐ ܕܡܠܟܘܬܐ ܕܝܠܝ ܘܬܬܒܘܢ ܥܠ ܟܘܪܤܘܬܐ ܘܬܕܘܢܘܢ ܬܪܥܤܪ ܫܒܛܐ ܕܐܝܤܪܝܠ ܀
30si aad wax uga cuntaan oo uga cabtaan miiskayga oo boqortooyadayda ku jira, oo waxaad ku fadhiisan doontaan carshiyo idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil.
31ܘܐܡܪ ܝܫܘܥ ܠܫܡܥܘܢ ܫܡܥܘܢ ܗܐ ܤܛܢܐ ܫܐܠ ܕܢܥܪܘܒܟܘܢ ܐܝܟ ܕܠܚܛܐ ܀
31Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen,
32ܘܐܢܐ ܒܥܝܬ ܥܠܝܟ ܕܠܐ ܬܚܤܪ ܗܝܡܢܘܬܟ ܐܦ ܐܢܬ ܒܙܒܢ ܐܬܦܢܝ ܘܫܪܪ ܐܚܝܟ ܀
32laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee.
33ܫܡܥܘܢ ܕܝܢ ܐܡܪ ܠܗ ܡܪܝ ܥܡܟ ܡܛܝܒ ܐܢܐ ܘܠܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܘܠܡܘܬܐ ܀
33Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba.
34ܐܡܪ ܠܗ ܝܫܘܥ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟ ܫܡܥܘܢ ܕܠܐ ܢܩܪܐ ܬܪܢܓܠܐ ܝܘܡܢܐ ܥܕܡܐ ܕܬܠܬ ܙܒܢܝܢ ܬܟܦܘܪ ܕܠܐ ܝܕܥ ܐܢܬ ܠܝ ܀
34Isaguse wuxuu ku yidhi, Waxaan kuu sheegayaa, Butrosow, maanta diiqu ciyi maayo ilaa aad saddex kol dafirtid inaad i taqaan.
35ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܟܕ ܫܕܪܬܟܘܢ ܕܠܐ ܟܝܤܐ ܘܕܠܐ ܬܪܡܠܐ ܘܡܤܢܐ ܠܡܐ ܚܤܪ ܠܟܘܢ ܡܕܡ ܐܡܪܝܢ ܠܗ ܘܠܐ ܡܕܡ ܀
35Wuxuuna ku yidhi, Goortaan idin diray kiishadla'aan iyo qandila'aan iyo kabola'aan, wax ma u baahnaydeen? Waxay yidhaahdeen, Maya, waxba.
36ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܡܢ ܗܫܐ ܡܢ ܕܐܝܬ ܠܗ ܟܝܤܐ ܢܤܒ ܘܗܟܢܐ ܐܦ ܬܪܡܠܐ ܘܡܢ ܕܠܝܬ ܠܗ ܤܝܦܐ ܢܙܒܢ ܢܚܬܗ ܘܢܙܒܢ ܠܗ ܤܝܦܐ ܀
36Markaasuu ku yidhi, Laakiin haddeer kii kiishad qabaa ha qaato, sidaas oo kalena qandi ha qaato. Kii aan midna qabinna, dharkiisa ha iibiyo, oo seef ha iibsado.
37ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܓܝܪ ܕܐܦ ܗܕܐ ܕܟܬܝܒܐ ܘܠܐ ܕܬܬܡܠܐ ܒܝ ܕܥܡ ܥܘܠܐ ܐܬܡܢܐ ܟܠܗܝܢ ܓܝܪ ܕܥܠܝ ܐܫܬܠܡ ܀
37Waayo, waxaan idinku leeyahay, Waa inuu igu dhammaado qorniinkan leh, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha. Waayo, waxa igu saabsani dhammaad bay leeyihiin.
38ܘܗܢܘܢ ܐܡܪܝܢ ܠܗ ܡܪܢ ܗܐ ܗܪܟܐ ܐܝܬ ܬܪܝܢ ܤܝܦܝܢ ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܤܦܩܝܢ ܀
38Markaasay waxay yidhaahdeen, Sayidow, bal eeg, laba seefood ayaa halkan yaale. Wuxuu ku yidhi, Waa ku filan tahay.
39ܘܢܦܩ ܘܐܙܠ ܐܝܟ ܕܡܥܕ ܗܘܐ ܠܛܘܪܐ ܕܒܝܬ ܙܝܬܐ ܘܐܙܠܘ ܒܬܪܗ ܐܦ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܀
39Markaasuu baxay oo Buur Saytuun tegey sidii caadadiisu ahayd, xertiina waa raacday.
40ܘܟܕ ܡܛܝ ܠܕܘܟܬܐ ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܨܠܘ ܕܠܐ ܬܥܠܘܢ ܠܢܤܝܘܢܐ ܀
40Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.
41ܘܗܘ ܦܪܩ ܡܢܗܘܢ ܐܝܟ ܡܫܕܐ ܟܐܦܐ ܘܤܡ ܒܘܪܟܘܗܝ ܘܡܨܠܐ ܗܘܐ ܀
41Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday,
42ܘܐܡܪ ܐܒܐ ܐܢ ܨܒܐ ܐܢܬ ܢܥܒܪܢܝ ܟܤܐ ܗܢܐ ܒܪܡ ܠܐ ܨܒܝܢܝ ܐܠܐ ܕܝܠܟ ܢܗܘܐ ܀
42isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto.
43ܘܐܬܚܙܝ ܠܗ ܡܠܐܟܐ ܡܢ ܫܡܝܐ ܕܡܚܝܠ ܠܗ ܀
43Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa.
44ܘܟܕ ܗܘܐ ܒܕܚܠܬܐ ܬܟܝܒܐܝܬ ܡܨܠܐ ܗܘܐ ܘܗܘܬ ܕܘܥܬܗ ܐܝܟ ܫܠܬܐ ܕܕܡܐ ܘܢܦܠ ܥܠ ܐܪܥܐ ܀
44Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya.
45ܘܩܡ ܡܢ ܨܠܘܬܗ ܘܐܬܐ ܠܘܬ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܘܐܫܟܚ ܐܢܘܢ ܟܕ ܕܡܟܝܢ ܡܢ ܥܩܬܐ ܀
45Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda.
46ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܡܢܐ ܕܡܟܝܢ ܐܢܬܘܢ ܩܘܡܘ ܨܠܘ ܕܠܐ ܬܥܠܘܢ ܠܢܤܝܘܢܐ ܀
46Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.
47ܘܥܕ ܗܘ ܡܡܠܠ ܗܐ ܟܢܫܐ ܘܗܘ ܕܡܬܩܪܐ ܝܗܘܕܐ ܚܕ ܡܢ ܬܪܥܤܪ ܐܬܐ ܩܕܡܝܗܘܢ ܘܩܪܒ ܠܘܬ ܝܫܘܥ ܘܢܫܩܗ ܗܕܐ ܓܝܪ ܐܬܐ ܝܗܒ ܗܘܐ ܠܗܘܢ ܕܐܝܢܐ ܕܢܫܩ ܐܢܐ ܗܘܝܘ ܀
47Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado.
48ܐܡܪ ܠܗ ܝܫܘܥ ܝܗܘܕܐ ܒܢܘܫܩܬܐ ܡܫܠܡ ܐܢܬ ܠܗ ܠܒܪܗ ܕܐܢܫܐ ܀
48Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacangelinaysaa dhunkasho?
49ܟܕ ܚܙܘ ܕܝܢ ܐܝܠܝܢ ܕܥܡܗ ܡܕܡ ܕܗܘܐ ܐܡܪܝܢ ܠܗ ܡܪܢ ܢܡܚܐ ܐܢܘܢ ܒܤܝܦܐ ܀
49Kuwii ag joogay goortay garteen waxa dhici doona, waxay yidhaahdeen, Sayidow, seef miyaannu ku dhufannaa?
50ܘܡܚܐ ܚܕ ܡܢܗܘܢ ܠܥܒܕܗ ܕܪܒ ܟܗܢܐ ܘܢܤܒܗ ܐܕܢܗ ܕܝܡܝܢܐ ܀
50Markaasaa midkood wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dhegta midigta ka gooyay.
51ܥܢܐ ܕܝܢ ܝܫܘܥ ܘܐܡܪ ܟܕܘ ܥܕܡܐ ܠܗܕܐ ܘܩܪܒ ܠܐܕܢܗ ܕܗܘ ܕܒܠܥ ܘܐܤܝܗ ܀
51Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sii daaya. Markaasuu dhegtiisa taabtay oo bogsiiyey.
52ܘܐܡܪ ܝܫܘܥ ܠܗܢܘܢ ܕܐܬܘ ܥܠܘܗܝ ܪܒܝ ܟܗܢܐ ܘܩܫܝܫܐ ܘܪܒܝ ܚܝܠܐ ܕܗܝܟܠܐ ܐܝܟ ܕܥܠ ܠܤܛܝܐ ܢܦܩܬܘܢ ܥܠܝ ܒܤܝܦܐ ܘܒܚܘܛܪܐ ܕܬܐܚܕܘܢܢܝ ܀
52Kuwa u yimid, waxa weeye, wadaaddadii sare, iyo madaxdii askarta oo macbudka, iyo waayeelladii, waxaa Ciise ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo sidaan tuug ahay?
53ܟܠܝܘܡ ܥܡܟܘܢ ܗܘܝܬ ܒܗܝܟܠܐ ܘܠܐ ܐܘܫܛܬܘܢ ܥܠܝ ܐܝܕܝܐ ܐܠܐ ܗܕܐ ܗܝ ܫܥܬܟܘܢ ܘܫܘܠܛܢܐ ܕܚܫܘܟܐ ܀
53Goortaan maalin walba macbudka idinkula jiri jiray, gacmo iguma aydaan soo taagi jirin, laakiin tanu waa saacaddiinna iyo xoogga gudcurka.
54ܘܐܚܕܘ ܐܝܬܝܘܗܝ ܠܒܝܬܗ ܕܪܒ ܟܗܢܐ ܘܫܡܥܘܢ ܐܬܐ ܗܘܐ ܒܬܪܗ ܡܢ ܪܘܚܩܐ ܀
54Markaasay isagii qabteen oo kaxeeyeen, oo wadaadkii sare gurigiisa ayay geliyeen. Laakiin Butros baa meel fog ka daba socday,
55ܐܘܚܕܘ ܕܝܢ ܢܘܪܐ ܡܨܥܬ ܕܪܬܐ ܘܝܬܒܝܢ ܗܘܘ ܚܕܪܝܗ ܘܝܬܒ ܗܘܐ ܐܦ ܗܘ ܫܡܥܘܢ ܒܝܢܬܗܘܢ ܀
55oo goortay barxadda dhexdeeda dab ka shideen, oo ay wada fadhiisteen, ayaa Butros dhexdooda fadhiistay.
56ܘܚܙܬܗ ܥܠܝܡܬܐ ܚܕܐ ܕܝܬܒ ܠܘܬ ܢܘܪܐ ܘܚܪܬ ܒܗ ܘܐܡܪܐ ܐܦ ܗܢܐ ܥܡܗ ܗܘܐ ܀
56Laakiin gabadh baa intay aragtay isagoo dabka iftiinkiisa fadhiya, aad bay u dayday oo tidhi, Kanuna waa la jiray isagii.
57ܗܘ ܕܝܢ ܟܦܪ ܘܐܡܪ ܐܢܬܬܐ ܠܐ ܝܕܥ ܐܢܐ ܠܗ ܀
57Isaguse waa dafiray oo ku yidhi, Naag yahay, anigu garanba maayo isagii.
58ܘܒܬܪ ܩܠܝܠ ܚܙܝܗܝ ܐܚܪܢܐ ܘܐܡܪ ܠܗ ܐܦ ܐܢܬ ܡܢܗܘܢ ܐܢܬ ܟܐܦܐ ܕܝܢ ܐܡܪ ܠܐ ܗܘܝܬ ܀
58Wuxoogaa yar dabadeed qof kale ayaa arkay oo yidhi, Adiguna midkood baad tahay. Butros baase yidhi, Nin yahow, anigu ma ihi.
59ܘܒܬܪ ܫܥܐ ܚܕܐ ܐܚܪܢܐ ܡܬܚܪܐ ܗܘܐ ܘܐܡܪ ܫܪܝܪܐܝܬ ܐܦ ܗܢܐ ܥܡܗ ܗܘܐ ܐܦ ܓܠܝܠܝܐ ܗܘ ܓܝܪ ܀
59Goortii saacad dhaaftay mid kale ayaa adkeeyey isagoo leh, Run weeye, kanuna waa la jiray, waayo, waa reer Galili.
60ܐܡܪ ܟܐܦܐ ܓܒܪܐ ܠܐ ܝܕܥ ܐܢܐ ܡܢܐ ܐܡܪ ܐܢܬ ܘܡܚܕܐ ܟܕ ܗܘ ܡܡܠܠ ܩܪܐ ܬܪܢܓܠܐ ܀
60Laakiin Butros wuxuu ku yidhi, Nin yahow, anigu garan maayo waxaad leedahay. Kolkiiba intuu weli hadlayay, diiqii baa ciyey.
61ܘܐܬܦܢܝ ܝܫܘܥ ܘܚܪ ܒܟܐܦܐ ܘܐܬܕܟܪ ܫܡܥܘܢ ܡܠܬܗ ܕܡܪܢ ܕܐܡܪ ܗܘܐ ܠܗ ܕܩܕܡ ܕܢܩܪܐ ܬܪܢܓܠܐ ܬܟܦܘܪ ܒܝ ܬܠܬ ܙܒܢܝܢ ܀
61Markaasaa Rabbigu soo jeestay oo Butros eegay; Butrosna wuxuu xusuustay ereygii Rabbiga siduu ku yidhi, Maanta intaanu diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa.
62ܘܢܦܩ ܠܒܪ ܫܡܥܘܢ ܒܟܐ ܡܪܝܪܐܝܬ ܀
62Markaasuu dibadda u baxay oo aad u ooyay.
63ܘܓܒܪܐ ܕܐܚܝܕܝܢ ܗܘܘ ܠܝܫܘܥ ܡܒܙܚܝܢ ܗܘܘ ܒܗ ܘܡܚܦܝܢ ܗܘܘ ܠܗ ܀
63Nimankii Ciise qabtay way ku kajameen oo garaaceen.
64ܘܡܚܝܢ ܗܘܘ ܠܗ ܥܠ ܐܦܘܗܝ ܘܐܡܪܝܢ ܐܬܢܒܐ ܡܢܘ ܡܚܟ ܀
64Oo intay indhaha ka xidheen ayay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, yuu yahay kan kugu dhuftay?
65ܘܐܚܪܢܝܬܐ ܤܓܝܐܬܐ ܡܓܕܦܝܢ ܗܘܘ ܘܐܡܪܝܢ ܥܠܘܗܝ ܀
65Wax badan oo kalena ayay ku lahaayeen iyagoo caayaya.
66ܘܟܕ ܢܓܗܬ ܐܬܟܢܫܘ ܩܫܝܫܐ ܘܪܒܝ ܟܗܢܐ ܘܤܦܪܐ ܘܐܤܩܘܗܝ ܠܒܝܬ ܟܢܘܫܬܗܘܢ ܀
66Kolkuu waagii beryay, waxaa ururay waayeelladii dadka oo ahaa wadaaddadii sare iyo culimmadiiba, oo waxay isagii geeyeen shirkoodii iyagoo leh,
67ܘܐܡܪܝܢ ܠܗ ܐܢ ܐܢܬ ܗܘ ܡܫܝܚܐ ܐܡܪ ܠܢ ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܐܢ ܐܡܪ ܠܟܘܢ ܠܐ ܬܗܝܡܢܘܢܢܝ ܀
67Haddii aad Masiixa tahay, noo sheeg. Wuxuuse ku yidhi, Haddaan idiin sheego ma rumaysan doontaan.
68ܘܐܢ ܐܫܐܠܟܘܢ ܠܐ ܡܦܢܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܝ ܦܬܓܡܐ ܐܘ ܫܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܠܝ ܀
68Haddaan idin weyddiiyona, iima jawaabi doontaan.
69ܡܢ ܗܫܐ ܢܗܘܐ ܒܪܗ ܕܐܢܫܐ ܝܬܒ ܡܢ ܝܡܝܢܐ ܕܚܝܠܐ ܕܐܠܗܐ ܀
69Laakiin hadda dabadeed Wiilka Aadanahu wuxuu fadhiisan doonaa midigta xoogga Ilaah.
70ܐܡܪܝܢ ܕܝܢ ܟܠܗܘܢ ܐܢܬ ܗܘ ܗܟܝܠ ܒܪܗ ܕܐܠܗܐ ܐܡܪ ܠܗܘܢ ܝܫܘܥ ܐܢܬܘܢ ܐܡܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܕܐܢܐ ܐܢܐ ܀
70Markaasay waxay wada yidhaahdeen, Haddaba miyaad tahay Wiilka Ilaah? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhaahdeen inaan ahay.Markaasay yidhaahdeen, Maxaannu markhaati weli ugu baahan nahay? Waayo, qudheenna ayaa afkiisa ka maqalnay.
71ܐܡܪܝܢ ܡܢܐ ܬܘܒ ܡܬܒܥܝܢ ܠܢ ܤܗܕܐ ܚܢܢ ܓܝܪ ܫܡܥܢ ܡܢ ܦܘܡܗ ܀
71Markaasay yidhaahdeen, Maxaannu markhaati weli ugu baahan nahay? Waayo, qudheenna ayaa afkiisa ka maqalnay.