1ܘܗܘܐ ܕܟܕ ܫܠܡ ܝܫܘܥ ܠܡܦܩܕܘ ܠܬܪܥܤܪ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܫܢܝ ܡܢ ܬܡܢ ܠܡܠܦܘ ܘܠܡܟܪܙܘ ܒܡܕܝܢܬܗܘܢ ܀
1Goortii Ciise amarkiisa u dhammeeyey laba iyo tobankii xertiisa ahaa, waxaa dhacay inuu meeshaas ka noqday inuu magaalooyinkooda wax ku baro oo ku wacdiyo.
2ܝܘܚܢܢ ܕܝܢ ܟܕ ܫܡܥ ܒܝܬ ܐܤܝܪܐ ܥܒܕܘܗܝ ܕܡܫܝܚܐ ܫܕܪ ܒܝܕ ܬܠܡܝܕܘܗܝ ܀
2Goortii Yooxanaa xabsiga ka maqlay shuqulladii Masiixa, laba xertiisii ah ayuu u soo diray
3ܘܐܡܪ ܠܗ ܐܢܬ ܗܘ ܗܘ ܕܐܬܐ ܐܘ ܠܐܚܪܝܢ ܗܘ ܡܤܟܝܢ ܐܢܚܢܢ ܀
3oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kale aannu dhawrnaa?
4ܥܢܐ ܝܫܘܥ ܘܐܡܪ ܠܗܘܢ ܙܠܘ ܐܫܬܥܘ ܠܝܘܚܢܢ ܐܝܠܝܢ ܕܫܡܥܝܢ ܐܢܬܘܢ ܘܚܙܝܢ ܀
4Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen.
5ܤܡܝܐ ܚܙܝܢ ܘܚܓܝܪܐ ܡܗܠܟܝܢ ܘܓܪܒܐ ܡܬܕܟܝܢ ܘܚܪܫܐ ܫܡܥܝܢ ܘܡܝܬܐ ܩܝܡܝܢ ܘܡܤܟܢܐ ܡܤܬܒܪܝܢ ܀
5Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa,
6ܘܛܘܒܘܗܝ ܠܐܝܢܐ ܕܠܐ ܢܬܟܫܠ ܒܝ ܀
6oo waxaana barakaysan kan aan iga xumaanin.
7ܟܕ ܕܝܢ ܐܙܠܘ ܫܪܝ ܝܫܘܥ ܠܡܐܡܪ ܠܟܢܫܐ ܥܠ ܝܘܚܢܢ ܡܢܐ ܢܦܩܬܘܢ ܠܚܘܪܒܐ ܠܡܚܙܐ ܩܢܝܐ ܕܡܢ ܪܘܚܐ ܡܬܬܙܝܥ ܀
7Markay tageen, Ciise wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa oo wuxuu yidhi, Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso?
8ܘܐܠܐ ܡܢܐ ܢܦܩܬܘܢ ܠܡܚܙܐ ܓܒܪܐ ܕܢܚܬܐ ܪܟܝܟܐ ܠܒܝܫ ܗܐ ܐܝܠܝܢ ܕܪܟܝܟܐ ܠܒܝܫܝܢ ܒܝܬ ܡܠܟܐ ܐܢܘܢ ܀
8Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka jilicsan qaba waxay joogaan guryaha boqorrada.
9ܘܐܠܐ ܡܢܐ ܢܦܩܬܘܢ ܠܡܚܙܐ ܢܒܝܐ ܐܝܢ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟܘܢ ܘܝܬܝܪ ܡܢ ܢܒܝܐ ܀
9Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad nebi soo aragtaan? Haah, waxaan idinku leeyahay, mid nebi ka sarreeya.
10ܗܢܘ ܓܝܪ ܕܥܠܘܗܝ ܟܬܝܒ ܕܗܐ ܐܢܐ ܡܫܕܪ ܐܢܐ ܡܠܐܟܝ ܩܕܡ ܦܪܨܘܦܟ ܕܢܬܩܢ ܐܘܪܚܐ ܩܕܡܝܟ ܀
10Kanu waa kii laga qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga kuu sii diyaargarayn doona hortaada.
11ܐܡܝܢ ܐܡܪܢܐ ܠܟܘܢ ܕܠܐ ܩܡ ܒܝܠܝܕܝ ܢܫܐ ܕܪܒ ܡܢ ܝܘܚܢܢ ܡܥܡܕܢܐ ܙܥܘܪܐ ܕܝܢ ܒܡܠܟܘܬ ܫܡܝܐ ܪܒ ܗܘ ܡܢܗ ܀
11Runtii waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa Baabtiisaha ka weyn kama dhex kicin, laakiin kan boqortooyadii jannada ugu yar ayaa ka weyn.
12ܡܢ ܝܘܡܝ ܝܘܚܢܢ ܕܝܢ ܡܥܡܕܢܐ ܘܥܕܡܐ ܠܗܫܐ ܡܠܟܘܬܐ ܕܫܡܝܐ ܒܩܛܝܪܐ ܡܬܕܒܪܐ ܘܩܛܝܪܢܐ ܡܚܛܦܝܢ ܠܗ ܀
12Tan iyo wakhtigii Yooxanaa Baabtiisaha boqortooyada jannada waa la xoogay, oo kuwii xoogayna ayaa qaatay.
13ܟܠܗܘܢ ܓܝܪ ܢܒܝܐ ܘܐܘܪܝܬܐ ܥܕܡܐ ܠܝܘܚܢܢ ܐܬܢܒܝܘ ܀
13Waayo, nebiyadii iyo sharcigu waxay wax sii sheegeen ilaa Yooxanaa.
14ܘܐܢ ܨܒܝܢ ܐܢܬܘܢ ܩܒܠܘ ܕܗܘܝܘ ܐܠܝܐ ܕܥܬܝܕ ܠܡܐܬܐ ܀
14Haddii aad doonaysaan inaad tan aqbashaan, Kanu waa Eliyaas kan iman lahaa.
15ܡܢ ܕܐܝܬ ܠܗ ܐܕܢܐ ܕܢܫܡܥ ܢܫܡܥ ܀
15Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.
16ܠܡܢ ܕܝܢ ܐܕܡܝܗ ܠܫܪܒܬܐ ܗܕܐ ܕܡܝܐ ܠܛܠܝܐ ܕܝܬܒܝܢ ܒܫܘܩܐ ܘܩܥܝܢ ܠܚܒܪܝܗܘܢ ܀
16Maxaan qarnigan u ekaysiiyaa? Wuxuu u eg yahay carruur suuqa fadhida oo kuwa kale u yeedhaysa,
17ܘܐܡܪܝܢ ܙܡܪܢ ܠܟܘܢ ܘܠܐ ܪܩܕܬܘܢ ܘܐܠܝܢ ܠܟܘܢ ܘܠܐ ܐܪܩܕܬܘܢ ܀
17iyagoo leh, Biibiile baannu idiin yeedhinnay, oo waad cayaari weydeen, waannu baroorannay oo waad calaacali weydeen.
18ܐܬܐ ܓܝܪ ܝܘܚܢܢ ܕܠܐ ܐܟܠ ܘܠܐ ܫܬܐ ܘܐܡܪܝܢ ܕܝܘܐ ܐܝܬ ܒܗ ܀
18Waayo, Yooxanaa waa yimid isagoo aan waxba cunaynin oo cabbaynin, oo waxay yidhaahdaan, Jinni buu qabaa.
19ܐܬܐ ܒܪܗ ܕܐܢܫܐ ܐܟܠ ܘܫܬܐ ܘܐܡܪܝܢ ܗܐ ܓܒܪܐ ܐܟܘܠܐ ܘܫܬܐ ܚܡܪܐ ܘܪܚܡܐ ܕܡܟܤܐ ܘܕܚܛܝܐ ܘܐܙܕܕܩܬ ܚܟܡܬܐ ܡܢ ܥܒܕܝܗ ܀
19Wiilka Aadanahuse waa yimid isagoo wax cunaya oo cabbaya, oo waxay yidhaahdaan, Eeg, waa nin cir weyn oo khamriyacab ah oo saaxiib la ah cashuurqaadayaal iyo dembilayaal. Xigmaddu inay xaq tahay waa lagu caddeeyaa shuqulladeeda.
20ܗܝܕܝܢ ܫܪܝ ܝܫܘܥ ܠܡܚܤܕܘ ܡܕܝܢܬܐ ܐܝܠܝܢ ܕܗܘܘ ܒܗܝܢ ܚܝܠܘܗܝ ܤܓܝܐܐ ܘܠܐ ܬܒܘ ܀
20Dabadeed wuxuu bilaabay inuu canaanto magaalooyinkii uu shuqulladiisa xoogga leh badidooda ku dhex sameeyey, waayo, ma ay toobad keenin.
21ܘܐܡܪ ܗܘܐ ܘܝ ܠܟܝ ܟܘܪܙܝܢ ܘܝ ܠܟܝ ܒܝܬ ܨܝܕܐ ܕܐܠܘ ܒܨܘܪ ܘܒܨܝܕܢ ܗܘܘ ܚܝܠܐ ܐܝܠܝܢ ܕܗܘܘ ܒܟܝܢ ܟܒܪ ܕܝܢ ܒܤܩܐ ܘܒܩܛܡܐ ܬܒܘ ܀
21Waa kuu hoog, Khorasinay; waa kuu hoog, Beytsayday; waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey, haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobad keeni lahaayeen, iyagoo dhar joonyad ah gashan oo dambas ku fadhiya.
22ܒܪܡ ܐܡܪ ܐܢܐ ܠܟܝܢ ܕܠܨܘܪ ܘܠܨܝܕܢ ܢܗܘܐ ܢܝܚ ܒܝܘܡܐ ܕܕܝܢܐ ܐܘ ܠܟܝܢ ܀
22Laakiin waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan.
23ܘܐܢܬܝ ܟܦܪܢܚܘܡ ܗܝ ܕܥܕܡܐ ܠܫܡܝܐ ܐܬܬܪܝܡܬܝ ܥܕܡܐ ܠܫܝܘܠ ܬܬܚܬܝܢ ܕܐܠܘ ܒܤܕܘܡ ܗܘܘ ܚܝܠܐ ܐܝܠܝܢ ܕܗܘܘ ܒܟܝ ܩܝܡܐ ܗܘܬ ܥܕܡܐ ܠܝܘܡܢܐ ܀
23Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaad ku degi doontaa Haadees, waayo, haddii shuqulladii xoogga lahaa oo lagugu dhex sameeyey, Sodom lagu samayn lahaa, ilaa maanta way joogi lahayd.
24ܒܪܡ ܐܡܪܢܐ ܠܟܝ ܕܠܐܪܥܐ ܕܤܕܘܡ ܢܗܘܐ ܢܝܚ ܒܝܘܡܐ ܕܕܝܢܐ ܐܘ ܠܟܝ ܀
24Laakiin waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, dalka Sodom ayaa kaa xisaab fududaan doona.
25ܒܗܘ ܙܒܢܐ ܥܢܐ ܝܫܘܥ ܘܐܡܪ ܡܘܕܐ ܐܢܐ ܠܟ ܐܒܝ ܡܪܐ ܕܫܡܝܐ ܘܕܐܪܥܐ ܕܟܤܝܬ ܗܠܝܢ ܡܢ ܚܟܝܡܐ ܘܤܟܘܠܬܢܐ ܘܓܠܝܬ ܐܢܝܢ ܠܝܠܘܕܐ ܀
25Wakhtigaas Ciise ayaa hadalkan yidhi, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kugu mahad naqayaa, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilma yaryar.
26ܐܝܢ ܐܒܝ ܕܗܟܢܐ ܗܘܐ ܨܒܝܢܐ ܩܕܡܝܟ ܀
26Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay.
27ܟܠ ܡܕܡ ܐܫܬܠܡ ܠܝ ܡܢ ܐܒܝ ܘܠܐ ܐܢܫ ܝܕܥ ܠܒܪܐ ܐܠܐ ܐܢ ܐܒܐ ܐܦ ܠܐ ܠܐܒܐ ܐܢܫ ܝܕܥ ܐܠܐ ܐܢ ܒܪܐ ܘܠܡܢ ܕܨܒܐ ܒܪܐ ܕܢܓܠܐ ܀
27Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.
28ܬܘ ܠܘܬܝ ܟܠܟܘܢ ܠܐܝܐ ܘܫܩܝܠܝ ܡܘܒܠܐ ܘܐܢܐ ܐܢܝܚܟܘܢ ܀
28Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa.
29ܫܩܘܠܘ ܢܝܪܝ ܥܠܝܟܘܢ ܘܝܠܦܘ ܡܢܝ ܕܢܝܚ ܐܢܐ ܘܡܟܝܟ ܐܢܐ ܒܠܒܝ ܘܡܫܟܚܝܢ ܐܢܬܘܢ ܢܝܚܐ ܠܢܦܫܬܟܘܢ ܀ 30 ܢܝܪܝ ܓܝܪ ܒܤܝܡ ܗܘ ܘܡܘܒܠܝ ܩܠܝܠܐ ܗܝ ܀
29Harqoodkayga dushiinna ku qaata oo wax iga barta; waayo, waan qaboobahay, qalbigayguna waa hooseeyaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan.Waayo, harqoodkaygu waa dhib yar yahay, oo rarkayguna waa fudud yahay.
30
30Waayo, harqoodkaygu waa dhib yar yahay, oo rarkayguna waa fudud yahay.